SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QAAHIRA

Gudoomiya Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif iyo wafdi uu hogaaminayay oo Maalmahaan Booqasho ku joogay Wadanka Masar ayaa Khudbad ka jeediyay Xarunta Machadka Daraasaadka Afrika .

Wafdi Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya oo ka kooban todobo xibnood oo uu hogaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maalmahaan booqasho ku joogay dalka Masar,booqashada wafdiga Isbahaysiga ayaa aheyd marti qaad rasmi ah oo ay ka heleen dowlada Masar.

Hasa yeeshee gudoomiyha Isbahaysiga ayaa shalay Qudbad ka jeediyay Xarunta Machadka Daraasaadka Afrika ee Magaalada Qaahira,waxaana ka soo qayb galay madax ka tirsan Machadka Daraasaadka Afrika iyo Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka bartay wadanka Masar iyo waliba Warbahinta .

Gudoomiyaha Isbahaysaga Sheekh Shariif ayaa qudbaddiisa inta badan uga hadlayay hishiiskii dhawaan Isbahaysiga iyo dowlada KMG ku kala saxiidayn Magaalada Jabuuti iyo Khilaafka Isbahaysiga soo kal dhax galay waxuuna gudoomiya Sharaxaad ka bixiyay hesheeskaas iyo qodobadiisa oo muran weyn ka dhax dhaliyay isbahaysiga dhaxdiisa.

Sheekha ayaa sheegay in heshiiska Magaalada jabuuti uu yahay bilaaw fiican loona bahanyahay Shacabka Soomaaliyeed in ay tageeraan kana war sugaan heshiiskaan madaama beesha calamka hadda diyaar u tahay in arinta Soomaaliya wada hadal lagu dhameeyo arintana ay ka tahay dhax dhaxaad beesha calaamka.

Gudoomiyaha waxuu kaloo cadeeyay in Isbahaysiga garabka Asmara ay isku aragti ka yihiin ka bixitaanka Ciidama itoobiya wadanka balse ay ku kala duwanyihiin meelo yar waxuuna intaas ku daray in dadka aysan isku si wax u arkin arigtada lagu kala duwanaani karo .

Waxaxuu kale uu goodoomiyaha sheegay in arinta lagu simin oo kaliyah xabad ee loo bahanyahay in qaab wada hadal ah wax lagu raadiyo madama dhinaca kale wada hadal ay rabaan diyaarna ay u yihiin .

Sido kale Gudoomiyaha Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya waxaa meesha Su'aalo ku weydiiyay Ardayda Soomaaliyeed ee waxaan ka mid aheyd Su'aalahasi
1 Isbahaysiga iyo Maxkamadaha meeqa magaalo ayay aheystaan?

Waxaana Su'aashaas ka jawaabay Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahin Suulay oo ka mid ahaay wafdiga la socdo Sheekh Shariif waxuuna uga jawaabay waxaan haysanaa laga bilaabo Magaalada Gaalkacyo ilaa xadka Soomaaliya ay la wadaagto Wadanka Kenya waxuuna intaasi sheekha ku daray oo yiri marka laga reebo Muqdisho ,Baydhabo iyo Baladweyne oo aan isla jogno Ciidamada Itoobiya malin kastana aan weerarno.

Sheekha Maxamuud Sheekh Ibraahin Suulay ayaa su'aashas lo siiyay Jawabtayda madaama uu ka yimid gudaha wadanka Soomaaliya gaar ahan Magalada muqdisho iguna danbaysay Magaalada Muqdisho wax ka yar bil waa sida uu asaga qirtee.

2 Su'aasha labaad ayaa aheyd boqol iyo labatan ka cesho oo Ciidamada itoobiya ay wadanka uga baxayaan ma waxay bilabanaysaa malintii heshiiska bilaawga jabuuti lagu gaara mase marka wajiga labaad sacuudiga la tagaa?

Waxuuna Sheekh Shariif ku jawabay waxay bilaawanaysaa marka wajiga labad lagu gaaro heshis wadanka Sacuudi Carabiya.

3 Su'aasha sadaxaad ee ugu danbayso ayaa aheyd qodobka ah Ciidamada Itoobiya waxay baxayaan marka la helo Ciidamo Qaramada midoobay ka Socdo oo ku filan in uu Gudoomiyaha isbahaysiga sharxo waxa loola jeedo ayaa la su'aalay?

Waxuuna Sheekha ku jawabay in qodobkaas dib u sixid lagu sameyn doono dhawaan kadibna
la cadeyn doono

Igu Danbeynti Gudoomiyaha isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa u mahad caliyay madaxda Machadka Daraasaadka Afrika iyo Ardayda Soomaaliyeed ee ka soo qayb galay gudbada Gudoomiyaha isbahaysiga .

Raage Cali Dheere

raagenews@hotmail.com

Masar/Qaahira

Faafin: SomaliTalk.com |  August 9, 2008

BAARID | SEARCH


caddeGen. Cadde Muuse oo Mamnuucay Ololaha Doorashada Puntland ka hor November 1, 08
iyo in Tiknikada beeluhu haystaan ay dhammaanteed Dowladdu la wareegayso Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS