SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Nabadgelyo darrida ka jirta Dalka & Hubka Sharci darrada ah oo sii Kordhaya

Dagaaladii Sokeeye ee Dalka Soomaaliya ayaa mudadii ay socdeen waxay abuureen nabadgelyo darro ku baahda Dalka oo dhan ,taasina waxay galaafatay Dad rayd ah oo u badnaa maati inay ku qudh baxaan maalin walba iyagoon waxba aan galabsan hase ahaatee waxaa nasiib darro ah inay weli sii socdaan marba marka ka dambaysana ay isu rogayaan nooc cusub oo ka duwan noocii hore ,Qabqablayaashii Dagaalka ayaa waxay u adeegsan jireen Shacabka awoodooda markii ay burburtayna waxaa awoodii kala wareegay Midowgii Maxaakiimtii Islaamka oo waqtigii ay ka Talinayeen koonfurta Dalka ay soo celiyeen Nabadii iyo kala dambayntii uu Dalku lahaa, Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya ayaa waxay la timi Ciidamo Maxaysata ah oo aan Shacabka u arxamayn isla markaana u adeegsatay Hub Culus iyo Madaafiic nabadiina khalkhal gelisay.Waxaana abuurmay kooxo aan la garanayn oo si waxashnimo ah u bartilmaamaysta Dadka raydka ah.

Waxaa su'aal ah nabadda kumaa u baahan? kumaase diidan nabadda? nabadda waxaa u baahan Dadka raydka ah ee laga awood roon yahay ee aan Hubaysnayn ama loo yaqaan (Sacabooleyda) oo aan Qoryaha haysan , Waxaase nabadda diidan Dabadhilfka u adeegaya Ciidamada Maxaysatada Itoobiya oo doonaya inay Itoobiya Deked u noqoto Muqdisho sidaa darteedna u diidan nabadda iyo Heshiiska wax u ool ka ah ee ay wadaan qaar ka mid ah Madaxda Sare ee Dalka Soomaaliya DFKMG ah iyo Isbahaysiga Dib u Xoraynta Dalka Soomaaliya ,nabadgelyo darrida ka jirta Dalka ayaa waxay abuuraysaa in Shir waliba oo Dib u Heshiisiineed uu burburo kaddib markii Xabad joojinta lagu dhawaaqaba ay noqoto mid sii kordhaysa .

Soomaalida ayaa lagu tiriyaa inay yihiin Dad 100% Muslim ah haddana Dilaaya Walaalkii kale ee Muslim ah oo weliba Soomaali kale ah "Qofka Muslimka ahi waa Qofka Gacantiisa iyo Afkiisa laga Magan galo" marka Soomaaliyeey waa inaannu ka run sheegnaa Diinta aanu ku abtirsanayno Xadkeeda iyo Xuduudeedanana aanu Ilaalinaa Dilka Qof aan waxba galabsan oo maalin walba loo gaysanayo waxaa ka imaan kara Cadaab iyo Ciqaab Alle , sidii Dadkii inaga horeeyey loo Cadaabay inagu kama Aamin noqon karno Cadaabka Alle Asxaabu Tamuud,Qoomu Shucayb , iyo Qoomamkii kale ee Qu'aanka kariimka ahi lagu Xusay oo dhan.

Qorshihii Qaramada Midoobay ee Xayiraada Hubka ayaa wuxuu ahaa mid wanaagsan oo la doonayey in Shacabka lagu badbaadiyo ,hase ahaatee waxaa Ciribta ku dhuftay Melez Zanaawi iyo Qabqablayaashii Dalka Soomaaliya oo Dunida Caalamka ugu been abuurtay Dalka Soomaaliya ,kaddibana ay noqotay goob Dagaal oo Hub fara badani uu ka soo galay meel waliba oo Deked iyo Xuduud ahba ,taasina ay keentay inay maalin walba ay Soomaaliya ku dhintaan Dad rayd ah oo aan Xad lahayn tiro 2000 oo Qof ayaa ku dhimata Bishii ama in ka badan taasoo ay weheliso inta u dhimaynaysa Cudurada iyo Gaajada oo lagu Qiyaasayo ilaa iyo 4000 oo Qof Bishii waxayna sii noqotay mid sii kordhaysa intii ay yimaadeen Ciidamada Itoobiya.

Haddaba sidee loo badbaadin karaa Dadka raydka ahi ? Qoryahanina loo ururin karaa? waa laba su'aal oo aad u adag haddii jawaab loo helana ay Shacabku nabad ku noolaan doonaan inta nolosha uga hartay ,waxaase hortaagan marka hore jawaabahan Ciidamada Itoobiya goormay baxayaan ,haddii aysan Ciidamadan Itoobiya ka bixin Dalka Soomaaliya Nabadgelyo darrida way sii badan doontaa ,haddiise ay ka baxaan rajada nabaddu waa mid wanaagsan Dadka raydka ahina way badbaadi doonaan weligood.

Waxaannu Cambaarayan dusha uga tuuraynaa kuwa ka dambeeya nabadgelyo darrida ka jirta Dalka Soomaaliya ,Afduubka ,Qafaalashada, Dilalka Qorshaysan iyo haysashada Hubka aan Sharciga ahayn Shacabka dhexdiisa khalkhal gelinta Ummadda iyo abuurista Dagaallo Qabiil ama kuwa Beeleed, Waxaan kaloo ka Codsanaynaa Culumaa'udiinka, Waxgaradka , Odayaasha ,Aqoonyahanada, Hooyooyinka, Dahallinyarada inay ku dadaalaan sidii loo abuuri lahaa Nabadda Qof walibana uu uga shaqan lahaa sidii Nabad loo gaari lahaa " Nabad la'aani Waa Nolol la'aan" una badbaadin lahaayeen Shacabka Soomaaliyeed

Gabagabdii iyo Maqaalkani Midnimo ayaa lagu gaaraa horumar ,kuwa aan isku dhaqan iyo isku Diin ahayn ayaa nabad ku wada nool inagoo isku Diin, isku dhaqan ahina waxaannu ku wada nool nahay nabadgelyo darro aan caadi ahayn , waxaan u malaynayaa inay Shisheeye ka dambaayaan Nabadgelyo darrida ka jirta Dalka Soomaaliya sida aan kor ugu soo xusay ,inta ku la'anaysa Gudaha Dalka Soomaaliya waxaa la mid ah kuwa ku dhammaanaya Dibadaha iyo Xabsiyada Waddamada Shisheeye ee ay ku Xiran yihiin iyo Xeryaha Qaxootiga oo ay Gaajada iyo Cudurada ay ku Dilayaan ,daryeel Diintaada,Dadkaaga,iyo Dalkaaga.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daandurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 9, 2008

BAARID | SEARCH


caddeGen. Cadde Muuse oo Mamnuucay Ololaha Doorashada Puntland ka hor November 1, 08
iyo in Tiknikada beeluhu haystaan ay dhammaanteed Dowladdu la wareegayso Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS