SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOSAASO

Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Maxamud Muuse Xirsi Gen cadde ayaa si rasmi ah xariga uga jaray shirkadda Isgaarsiinta ee Telcom Puntland.

Sawirada Xafladdii SHirkadda Telecom.. Daawo

Aug 8, 2008: Xaflad ballaaran oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxay xalay ka dhacday hoolka xafladaha ee Hotel Panorama ee magaaladan Boosaaso.

Xafladaasi waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay maamulka Puntland, ee ka tirsan golaha wasiirada ee xafladaasi ka soo qeybgashay waxaa ka mid ahaa wasiirka amniga ee Punltland Jeneraal C/laahi Siciid samatar, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshaha C/Samad Yuusuf ABWAN, wasiirka maaliyadda Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab), wasiirka warfaafinta C/raxmaan Maxamed Saalax (Bangax), Wasiirka dekedaha iyo Kalluumeysiga Dr. Axmed Siciid Awnuur, wasiirka waxbarashada Maxamuud Bile Dubbe, taliyaha ciidanka booliska ee puntland jenereaal gaani iyo mas’uuliyiin kale oo fara badan. iyo waliba safiirka somaliya u fdhiya wadanka Kenya Maxamed Cali Ameriko iyo mas’uuliyiinta shirkadda Telcom Puntland, ganacsato, odayaal iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha shirkadda Isgaarsiinta ee Telcom Puntland oo ka hadlay hawshii loo soo galay aasaaska shirkadda iyo masaafada ay gaareyso.

Waxa uu sheegay in Bari ilaa Goldogo ay isku xiran tahay Telcom Puntland, wuxuuna sheegay inay ahaan doonto shirkadda mid sidoo kale wax u qabata Bulshada.

Madaxa xafiiska suuq geynta iyo xiriirka dadweynaha Sheekh fu’aad Maxamuud xaaji Nuur oo halkaasi ka hadlay ayaa faah faahiyay nooca Isgaarsiinta ee shirkadda Telcom Puntland ay dadka u soo bandhigeyso.

Waxa aan soo kordhinay ayuu yiri telefoonada Land Lineka ee Wireless iyo internet wirless oo masaafo oo ilaa 45 km laga isticmaali karo.

Sheikh Fu’aad ayaa sheegay in shirkadda Telcom ay ku hawlan tahay inay adeegeeda Isgaarsiinta ah si deg deg ah ku gaarsiiso deegaanada kale ee dhiman ee Puntland.

Wuxuu sheegay in ay si deg deg ah ku hirgelin doonaan in adeegeeda uu gaaro dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Shirkadda Telcom Puntland Eng: C/rashiid Wacays oo xafladda ka hadlay waxa uu sheegay xiriirka shirkadda Telcom Puntland kala dhaxeeyo shirkadaha kale, isagoo sheegay in uu wanaagsan yahay.

Shire Xaaji Faarax oo ka tirsan guddiga sare ee shirkadda Telcom Puntland oo isagana xafladaasi ka hadlay ayaa hoosta ka xarriiqay in shirkadda Telcom Puntland ay noqoneyso shirkad mustaqbal leh oo ka qeyb qaadan doonta horumarka dalka.

Mas’uuliyiinta dhinaca maamulka ka tirsan ee xafladaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa duqa magaalada Boosaaso C/risaaq Xareed Ismaaciil, guddoomiyaha gobolka Bari Dr. Muuse Geelle Yuusuf oo iyaguna soo dhoweeyay furitaanka Shirkadda Isgaarsiinta ee Telcom Puntland.

Ugu dambeyntii waxaa soo khatimay xafladda madaxweynaha Puntland Jeneraal Maxamuud Muuse Xirsi oo soo dhoweeyay shirkadda Telcom Puntland oo uu sheegay in muddo ah la sugayay.

Wuxuu kaloo madaxweynuhu ugu baaqay shirkadaha ganacsiga inay bixiyaan lacagaha canshuurta si dowladdu ay u fuliso hawlihii bulshada oo ay ugu horeyso nabadgelyada.

Sawirada Xafladdii SHirkadda Telecom.. Daawo

C/qani Xasan Dhagjar
binuxasan90@hotmail.com

Warbixin labaad hoos ka akhri:


Shirkadda Isgaarsiinta Telcom Puntland oo Xariga laga Jaray.

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Hotelka Pamoroma ee Magaalada Boosaso ayaa xalay xariga looga jaray Shirkada Isgaarsiinta ee Telcom.

Munaasabada Xariga looga Jaray Telcom ayaa waxa ka soo qaybgalay Masuuliyiinta Dowlada Puntland oo hurmuud uu ka ahaa Madaxweynaha Puntland Maxamuud Muse Xirsi(Cade Muse) Golahiisa Wasiirada,Golaha Baarlamanka iyo Masuuliyiin badan.

Munaasabada sidoo kale waxa ka soo qaybgalay Boqolaal Dadweyne oo isugu jira Isimo,Ganacsato,Culimo,Aqoonyahano,Dhalinyarao iyo Haween.

Ugu horeyntii waxa Munaasabada ka hadlay Gudoomiyaha Telecom Puntland Siciid Xasan(jeesaan) oo sheegay in laga soo bilaabo 1/07/06 ay ku hawlanayeen Furitaanka Telecom Puntland iminkana ilaah mahadiis ay tahay in caawa halka loo fadhiyo furitaanka Telecom Puntland..

Mareeyha Telecom Puntland C/rishiid Wacays oo Munaasabada ka hadlay ayaa Dadweynaha Reer Puntland ugu bishaareyay inay u wadaan Horumar balaar iyo adeegyo kala duwan oo casri ah.

Shiikh Fu’aad Maxamud Xaaji Nuur oo ah Madaxa suuqgeynta iyo Xiriirka Dadweynaha ayaa Munaasabada ku soo bandhigay adeegyada Telecom Puntland.

Madaxa Suuqgeynta iyo Xiriirka Dadweynaha Telecom Puntland ayaa shaaciyay in adeega ay dadweynaha u hayaan ay ka mid yihiin Land line Phones,Mobil phones,Wire less Phones internet casri ah oo kala ah dial-up,Adsl iyo Wire less internet.

Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in ay soo kordhiyeen adeegyo kale oo dheerad ah gaar ahaan Mobilka sida

1-Missing Call Notification oo ah in markaad damisid Mobilkaaga ama aad ka baxdid Coverage ka aad hadhow arki kartid cid walba oo ku soo wacday.

2-USSD loan services oo ah in hadii lacagtu kaa dhamaato aad qaadan kartid deyn intaad garaacatid Nomber.

3-Familiarity Number Features: waa adeeg muhiim ah oo qofku uu diiwaan gashanayo 9qof oo uu ka wici karo kharash dhin waana gudaha(local) oo keliya.

4- Hadii Mobilkaaga kaa lumo uma baahnid in aad Shirkadda soo wacdo o lagu xiro ee waxaad ka qaadaneysaa qofka kuugu dhow oo haysta mobile Telcom ah kadibna adiga ayaa xiranaya hadaad furaneyso waa sidoo kale.

5-Lacagta kugu jirta Mobilkaa waxay leedahay Password(number sir ah) oo cidna kama shuban karto.
Madaxa Suuqgeynta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Telecom ayaa sidoo kale sheegay in dhowaan ay soo wadaan adeegyo kale oo casri ah.

Shire Xaaji Faarax oo ka mid ah Gudiga Sare ee Telecom Puntland kana yimi wadanka Dibadadiisa oo Munaasabada Xalay ka hadlay ayaa ka warbixiyay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay Shirkadda Isgaarsiinta ee Telecom.

Gabagabadii, Munaasabada waxa soo xiray oo xariga halkaasi kaga jaray Shirkadda Isgaarsiinta Telecom Puntland Madaxweynaha DGPL Mudane Cade Muuse oo sheegay inuu ku faraxsan yahay Furitaanka Telecom.

Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa khudabadii uu ka jeediyay Xarig jarkii Telecom ay taabaneysay dhinacyo badan waxana uu Telecom u rajeeyay in ay raacdo shuruucda isgaarsiinta ee Puntland u degan.

Cade Muuse Madaxweynaha DGPL ayaa muujiyay in qayb ay ka tahay Horumarka Dalka Shirkada Isgaarsiinta ee Telecom Puntland.

Cawaale Jaamac
jamnaf87@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 9, 2008

BAARID | SEARCH


caddeGen. Cadde Muuse oo Mamnuucay Ololaha Doorashada Puntland ka hor November 1, 08
iyo in Tiknikada beeluhu haystaan ay dhammaanteed Dowladdu la wareegayso Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS