SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ardeyda Soomaaliyeed ee Wax ka Barta Waddamada { India, Suudaan, Masar, Ukrain Pakistan Iyo Malaysia } Waa Tusaale Wanaagsan oo ku dayasho Mudan. 

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Kadiban dhammaan akhristayaasha sharafta iyo qaayaha mudan waxaan halkan uga soo gudbinayaa salaanta islaamka (A.C.W.W). 

Kadib bur burkii dowladii dhexe ee Soomaaliya, waxaa waddankeena soo gaaray bur bur dhinac walba ah, haddey noqoto xag siyaasad, xag waxbarasho, caafimaad. Iyo arimihii bulshadaba. Waxaa mar qura meeshii ka baxay iskuxirkii iyo is abaabulkii caam ahaan ummad lagu yiqiin. Bur burkaas nagu dhacay runtii wuxuu ahaa mid ay adkeyd sidii looga soo noqdo, waayo haddii ummad ay ku dhacdo dhibaato, waxaa markiiba u kaca dadkeeda ehelka u ah inay wanaaga markiiba la gaaraan, oo isku daya sidii deg deg arintaas loogu sixi lahaa, laakiin annaga nasiib darro waxa markiiba meesha buuxiyay dad wax ma garato ah, oo aan innaba ku jirin dareen wadaniyeed iyo mid islaamnimo toona, oo ay u caddahay uun sidii ay iyagu wax u boobi lahaayeen, u dhici lahaayeen, dalkan u iibsan lahaayeen. 

Haddaba tiiyo ay taas jiro, ayaa haddana illeen ummad marna kama dhamaato inay ka gil gilata dhibta jirtee, waxaa markiiba dhinacooda ka kacay shaqsiyaad is tusay bal inay wax uun qabtaan, ama ha noqoto ganacasiga gaarka ah, waxbarashada gaarka ah, iyo hay’adaha samafalka ahba. Waad aragteen markiiba sida loo alkumay shirkadaha Xawaaladaha, kuwa Diyaaradaha, jaamacadaha laga dhisay magaalooyinka Soomaaliya baddankooda, iskuulada hoose/dhexe iyo saraba, kuwaas oo idilna ay yihiin kuwo ay abaabuleen, dhiseena shaqsiyad is xilqaamay, oo aanan marnaba dowlad shaqo ku laheen. 

Ardeyda Soomaaliyeed meel walboo ay joogaanba, runtii waxaa ka muuqda dadaal baddan iyaga oo ayan jirin dowlad la tacaaleysa, oo waagii hore dowladihii jira waxaa lagu heystay waxbarasho lacag la’aan ah, deeqo waxbarasho oo ay ardeyda dibadaha laga  siin jiray, iyo weliba arday dalka laga biili jiray marka ay dal kale waxbarasho u doontaan. Hadda wixii oo idil meeshii wey ka baxaan, oo qof walba waa inuu isagii la tacaalaa ubadkiisa, oo waxa kaloo meesha soo galay arday baddan oo aan fursadddaas heysan. 

Haddaba qormadan maanta waxaan aad iyo aad ugu hambalyeeynayaa dadaalka iyo horumarka ay sameynayaan dhammaan ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barata dunida gaar ahaan kuwa iyagu wax ka barta waddamada India, Pakistan, Suudaan, Maleysiya, Ukrain iyo Masarba, kuwaasoo run ahaantii ay ka muuqato dadaal aad iyo aad u baddan oo aad arkeysid qaabka ay isugu xiran yihiin iyo sanad walba tirada arday ee ka qalanjabisa jaamacadaha waddankaas. Waxaa kaloo iyaduna xusid mudan sida ay u shaqeyso ururada ardeyda ka jira waddamadaas, oo runrtii wax aad loogu farxo ah qaabkay ku shaqeeyaan iyo iskuxirnaanta ardeyda Soomaaliyeed. 

Sidoo kale waxaan iyaguna halkaan uga mahad celinayaa ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barta waddanka gudihiisa, kuwaas oo runtii ku sabray qalalaasaha waddanka ka jira, haddana muujiyay siday ugu heelan yihiin inay wax bartaan. Runtii waa wax qaali ah arday isagoo jooga Soomaaliya gudaheeda maanta ka Qalinjabinaya jaamacadaha waddanka ku yaala. Waxaana leeyahay Allaha idinla garab galo dadaalkiina, idiina fududeeyo waxbarashadiina. 

Waxaan halkan iyaguna ku baraarujinayaa ardeyda Soomaaliyeed. Ee jooga waddamada Yurub iyo Ameerika, oo runtii aan leeyahay fursadda aad heysataan ka faa’ideysta, oo maanta waxaad heysataan, tansiilaadkii oo dhan, haddey noqoto dhaqaale, waxbarasho lacag la’aan ah iyo weliba waqtigii, ee ha dayicina ee ka faa’ideysta. Ma inkirayo inay jiraan arday baddan oo waxbarta, laakiin tirada lagu joogo iyo waxsoo saarku isma laha. 

Ugu danbeyn waxaan mar kale leeyahay hambalyo ardeyda Waxka barata waddamadii aan kor ku soo sheegay, oo aan leeyahay sii kordhiya dadaalkiina, oo marna haka qeyb qaadanina qabyaaladdan foosha xun ee Soomaali asaageed ka reebtay iyo siyaasaddan foosha xun ee meelay u socoto aan la garaneyn. Waxaan kaloo aan si gaar ah ugu hambalyeeynayaa ardeydii ugu danbeysay hadda ee ka qalinjabisay Jaamacadda Osmania Unversity Hyderbad- India, oo runtii ah arin aad iyo aad loogu farxo. 

Guud ahaan waxaan leeyahay Allaha ka dhigo shahaadooyinkaas aad ku guuleysateen kuwo uu Allaah kheyrkooda idiin waafajiyo, waxna loogu taro dalkii, dadkii iyo diintaba. Aaaamiiin. 

Wabilaahi Towfiiq

Qalinkii -  Cabdixakiim Jaamac Jooje.
saicentadv@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 9, 2008

BAARID | SEARCH


caddeGen. Cadde Muuse oo Mamnuucay Ololaha Doorashada Puntland ka hor November 1, 08
iyo in Tiknikada beeluhu haystaan ay dhammaanteed Dowladdu la wareegayso Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS