SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxaa keenay Khilaafka Labada Oday.

Ilaahbaa mahad leh Naxariis iyo nabadgalyo Nabi muxamad korkiisa ha ahaato.

Waxaa Somalidu ayaamahaan is waydiinaysay su,aalo badan oo ay ka mid ahaayeen
Maxaa keenay khilaafa Nuurcade iyo Cabdulaahi Yuusuf ayadoo la malaynayey inay u dabaal dagaan guushay ka soo hoyiyeen shirkii jabuuti.

Hadaba Nuur Cade miyuusan ogayn in Maxamed Dheere yahay gacanta Midig ee Cabdullahi Yuusuf seebuu xilka uga qaaday asagoon kala tashan?
Jawaabtu waxaa weeye Nuur Cade waa ogaa in Maxamed dheere uusan si fudud ku badali karin laakiin macnuhu waa baroortu orgiga ka wayn oo nuur cade khilaaf abuur ayuu arintaan ka rabay isagoo u arkay waxa lagu gorgortamayo in ay yihiin kursigiisa iyo kuraasta raga kele ee ay isku beesha yihiin sababtoo ah waxaan maqalay Axmed Cabdisalaam Muuse Nuu amiin iyo waliba nuur cade ayaa isku mowqifa kuligood waa niman isku reer ka soo jeeda una fahmay hadii wada hadaladu sii socdaan in boosaskooda ay qaadan doonaan Sh Shariif iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Maxaa kalifay in Amxaaradu 30 sano kadib ka leexdaan Cabdullahi yuusuf oo ay la garabnoqdaan Nuur Cade oo ah nin xili dhow cabdulaahi is baray.
Jawaabtu waxaa weeye Ethopia ma rabtaa in ay somaliya ka baxdo mase ku qanacday go,aankii ahaa 120 maalmood hakaga baxdo Somaliya waa maya, Oo may Cabdullahi adeegsato ilaa isagaaba awal keenaye? Cabdullahi asagu wuxuu ku keenay waxay ahayd Xukun ha ku gaarsiiyeen oo ha kaa dhiciyeen Shiikh Shariif iyo ragiisa laakiin maanaty raguu u soo kaxaystay ayaa ogol in ay la shaqeeyaan marka asagu Sh shariif iyo nuur cade muu kala jecla kii raysul wasaare u noqonaya kaliya waa in asaga loo ogolaadaa Madaxwaynanimo sidaas daraadeed Cabdullahi waxay u aragtaa nin aan diyaar u ahayn in uu ka hor yimaado heshiiskaan iyo wada hadaladaan.

Sidaas haday wax noqdeen waxaa dani isu keentay Ethopiankii iyo Nuur Cade, Axmed Cabdi salaan dantaasoo ah in aan la ogolaan in wadahadaladu sii socdaan wax walboo looga hortagi karana la iska kaashado.
Waxaynu wada sugnaaba waa Cabdulaahiyoo Puntland u cararay ama Nuur cadoo Uk u cararay.

A,H,Daad
daad115@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 9, 2008

BAARID | SEARCH


caddeGen. Cadde Muuse oo Mamnuucay Ololaha Doorashada Puntland ka hor November 1, 08
iyo in Tiknikada beeluhu haystaan ay dhammaanteed Dowladdu la wareegayso Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS