Sheekh Shariif Iyo Cabdiqaasim Oo Ku Kulmay Masar.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Gudoomiyaha Isbihaysiga Dib u
Xoraynta Somaliya, iyo Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan oo hore u
ahaan jiray Madaxweynaha Dawlada Federaka ee Somaliya, ayaa
kulamo ay soo qaban qaabisay Dawlada Masar ku yeelan doona
maalmaha soo socda magaalada Qahira.
Dr. Cabdiqaasim ayaa si ba,an uga soo hor jeeda garabka ku sugan
Asmara ee uu hogaanka u hayo Dahir Awey, wuxuuna ugu baaqay in
ay joojiyaan qaska ay ka dhex alooseen Isbahaysiga.
Dr. Cabdiqaasim wuxu u soo jeediyay garabka Jabuuti, in aanay
dhegta u dhigin Dahir Aweys iyo 36ka qof ee uu hogaaminayo,
halka Sheekh Sharif kooxdiisa lagu qiyaasay 133 xubnood.
Dr. Cabdiqaasim ayaa hore ugu waramay Dawlada Masar dhibaatada
haysta shacabka Soomaaliyeed iyo khilaafka soo kala dhex galay
Isbahaysiga, iyo culayska wayn ee saaran beesha uu ka dhashay
Dr. Cabdiqaasim.
Dawlada Masar ayaa soo dhawaysay dacwada uu soo jeediyay Dr.
Cabdiqaasim, sidoo kale waxay sheegtay in ay wax ka qaban doonta
khilaafka soo kala dhex galay Isbahaysiga.
Dawlada Masar ayaa soo dhawayn balaadhan u fidisay Sheekh
Shariif, si ay uga wada hadlaan xaalada Somaliya iyo khilaafka
Isbahaysiga dib u xoraynta Somaliya, Masar waxay sheegtay in ay
kasoo hor jeedo garabka ku sugan Asmara.
Xasan Daahir Aweys ayaa marar badan ku gacan sayray isku dayo
lagu doonayay in wada hadal loo furo isaga iyo Sheekh Shariif.
Sidoo kale Daahir Aweys ayaa hore ugu gacansayray wafdi ka
socday Dr. Cabdiqaasim oo la doonayay in Sheekh Shariif iyo
isaga la isu keeno.
Waxaa la filaya ayaamaha soo socda in ay wada hadal yeelan
doonan Dr. Cabdiqaasim iyo Sheekh Shariif, wada hadalkaas oo ay
ku lafa guri doonan waxa ay ka yeeli doonaan garabka Asmara.
Waxaan ka war sugi doona qodobada ay ka soo saaran kulankaas ay
labada Mas,ul yeelanayaan, qodobada badankooda ayaa lagu
falanqayn doona wixii laga yeeli lahaa khilaafka Isbahaysiga iyo
garabka jooga Asmara.
Abdikarim Ahmed
skyword268@hotmail.com