Dibin daabyada Cadowga, Dayrada Shiikh Shariif ka timid,
Duur xulka dadkuu kasoo tagay, yey dan u tahay dadow?
Sheekaba sheekay keentaaye. barigii kacaanku ka waalnaa
Soomaaliya ayaa maalin degmo demooyinka xamar ka mid ah, waxaa
ka jiray (iskaa waxa u qabso), dowladii ayaa dadkii ku amartay
in maalin heblaayo xaafad heblaayo la iska soo xadiriyo, si loo
guto shaqadii qasabka ahayd ee iskaa wax u qabso, waa la isku
soo baxay, ayadoo laga Jawaabayo codsigii qasabka ahaa ee
dowladu kusoo rogtay dadweynaha Soomaaliyeed.
Dabadeedna oday weyn oo dadkii xaafada laga soo saaray ka mid
ah, ayaa nin guul-wade ahi ku yiri: "Jaalle shaqadda si fiican u
cab" oo uu ula jeeday Askarigu Jaalle shaqada si fiican u qabo,
Qashinkana si hagar la'aan ah u xaaq.
Dabadeedna odaygii Askarigii buu inta fiiriyey wuxuu ku yiri:
"Hibirtaa iyo walaashaa aa Jaalle ah."
Guulwadahii shalay ma'ehee daraad ay ka noqotay, ka dibna
odaygii asagoo takhantakeynaaya ayuu saldhiga booliiska geeyey,
ka dibna Booliskii waxa ay weydiiyeen askarigii waxa odaygani uu
bi'yey, waxuuna askarigii yiri: "waa uu na af-lagaadeeyey".
Halkaas markay sheekadu marayso ayuu Taliyihii saldhigu wuxuu
odeygii warsaday waxa uu askariga Qaranka ku Afla- gaadeeyey,
markaas ayuu odaygii taliyihii ku yiri: "weydii askariga waxa
aan ku afla gaadeeyey?", hadana taliyihii ayaa yiri: "war muxuu
odaygu ku yiri"? markaas ayey gulwadayaalkii waxay yirahdeen :
hooyoyaalkeen iyo walaalaheen buu wax ka sheegay, ayagoo
qariyeen in uu yiri "hibirteen iyo walaalihiin ayaa Jaalle ah".
Markay sheekadu halkaas marayso ayaa odaygii wuxuu ku jawaabay:
"Arey minay jaalle wax fiican tahay xuu habarti iyo walaashii
ugu diidaa anigana iigu dhaahaa",kkkkkkkk. waala wada qoslay,
waxaana markaas ka dib si waadixa (si cad) loo wada ogaaday waxa
Askarigu ka xanaaqay iyo waxa odayga lagu soo qabtay, waxaana
arintii dhameeyey Taliyihii saldhiga oo labadii nin kala diray,
asagoo mid walba dhabarka ka taabtay kuna yiri: "adigaa saxane
orodoo gurigaagi qabo".arinkaas ay isku qabteen askariga iyo
odaygu wuxuu ahaa is-maandhaaf si fudud ku bilowday si fududna
lagu xaliyey, maantayse is-maandhaafkii si fudud ku dhashaa si
fudud laguma xalin karo, waxaana in badan la arkay rag isku jid
(wado) ahaa oo iminka kala tagay tolow maxay ku kala tageen?
haday kala tageense maxaan u kala qaban weynay? sida Taliyuhuba
u kala qabtay Askariga iyo Odaygaba, Siyaasiinteenuse ma ogol
yihiin in wax laka dhaho?, waa mayaan filaya jawaabtu.
Sida taariikhda Soomaalida lagu hayo, amaba ay dhabtu tahay,
dadkeenu intii aanay baran nidaamka dowladnimo ee aynu ka
dhaxalnay gumaystayaashii reer galbeedka ahaa dadka kaliya ee
hogaanka noo hayey waxay ahaayeen Odayaasha iyo Culimaa u
diinka. Qabiil walba oo ka mid ahaa beelihii Soomaaliyeedna
wuxuu iska lahaaa Wadaad bari jiray diinta Islaamka iyo
akhlaaqda suuban, wuxuuna Wadaadku markuu intaas sameeyo loogu
badali jiray Karaamayn, Tixgalin iyo Ixtiraam saa'id ahaa oo uu
dheeraa bulshada inteeda kale maadaamaa uu asagu ahaa kan kaliya
ee dadka khayrka ku hanuuniya.
Dhaqankaas suuban ee Soomaalidu lahaan jirtayna, waa mid wali
sii jira, waxaana deegaan kasta fadhiya Sheekh iyo Macalin dadka
deegaanka ku hanuuniya diinta Islaamka, waxaase jirta in
Diintii, Dhaqankii iyo Siyaasadiiba la isku qalday oo koox
waliba ay sheegato in ay iyadu wax walba mas'uul ka tahay,
waxayna taasi keentay in wadaadadii xumaan reebista iyo wanaag
farista lagu yaqiinay, dadkuna kusoo carari jireen marka ay
xaaladu xumaato, in ay isku badalaan Dukaamo lagu iibiyo
Khayaanada, Beenta, Dilka, Is qarxinta, Lugooyada iyo hagar
daamada toosoo sababtay markii danbe in lagu kala guuro meeshii
wadaad lagu maqlaba, halkii markii hore looga soo carari jiray,
waxaana sabab u noqday in dhibku ka yimaado dhankii la filayey
in lagu badbaadi doono, waa culimo kale oo ay diinta dano gaar
ahi u wehliyaan. Cismaan Yuusuf Keenadiid oo Abwaan weyn ahaa,
kana gabyi jiray wadaniyadda iyo dhaqanka ayaa yiri:
Culimada gadaalkani, waxaay galay khilaaf weyne.
Gayigan dariiqooyin baa, gooni ku ahaaye,
Khaliifyadan guutada watiyo, Calankan giirgiiran,
Iyo gabano soo baxay dhawaan, yaa u gar naqidoona.
Abwaanka, oo xili hore gabaygan tiriyey, maantay ayaan filayaa
in ay kaga haboonayd maalintaas, maadaamaa ay Soomaalida maantay
joogta isaga darsameen wanaagii iyo xumaantii. kuwii laga
filayey in ay dabkan maantay shidan damiyaana, waa kuwa aad
arkaysaan ee Miinooyinka dhigaaya, lana kala safan Itoobiya oo
gurigeena dab ku qabanaysa, iyo Eritrea oo aan doonayn in ay
damiso gurigaas dabku qabsaday oo rabta in uu gurigaas basbeelo,
Wadaad Owowgay ahaa oo xaga beenta isla ilaalin jiray, ayaa
maalin niman u tashadeen, ayagoo rabay in ay Shiikha Afkiisa
been ka keenaan, waxay waydiiyeen Eyga iyo Doofaarka midka
daahirka u dhow? wuxuu ugu jabaabay; "Adeerayaaloow labaduba waa
Alow kaa bixi", oo la macno ah mid mid dhaamaa ma jiro, sidaas
daraadeed Itoobiya iyo Eritrea labaduba waa alow kaa bixi, iyo
alow naga bixi.
Waxaa kale oo dhacday in Macruufkii booskiisii Munkar lagu
badalay oo haddii culimadii hore dadka Samir, Dulqaad iyo
wanaaga fari jireen, xaqana sheegi jireen, dharkooduna u cad
cadaa sida afkoodu iyo gacantootu nadiifka uga ahayd Dilka iyo
garab marida xaqa maantay waxaa soo baxday culimo kale oo ku
caan baxday Dilka, Dhaca, Cayda, Ceebaynta, afkooda iyo
ficilkooduna uu is khilaafsan yahay, waxayna noqdeen kuwo ay
kusoo hirtaan inta sharta wadata oo dhami, garabna siiya inta
dulmiga heshiiska ku ah, halkii la doonayey in ay u hiiliyaan
xaqa iyo diinta, waxayna Soomaalidu soo martay xili ay sidan ka
Xoog yarayd, ka Xoolo yarayd, ka Aqoon yarayd, ka Siyaasad
yarayd, ka Ilbaxnimo yarayd oo ay isku duubnaayeen, wax
qabadkooduna uu muuqday, Mira badana uu dhalay, Anaguna aan wax
ka guranay mirahaas, maantayna ayadoo Xoolihii, Aqoontii,
Xoogii, Siyaasadii la hayo ayaanu noqonay Shinbir Ceel ku
dhacday oo kale, waxaana taas noo keenay baan filayaa in ay
tahay isku duubnaan la'aanta, duulkii talada ku murmaana waxa
Ilaahay Qur'aankiisa ku cadeeyey in ay fashilmayaan, Awoodooduna
lumayso hadaanay is qaban, sida kucad Aayadda (45) ee Suurada
Al-anfaal.
Hadaba, akhristoow ragaas afkooda iyo ficilkoodu is khilaafeen,
waxaa ka mid ah labadii hogaamiye ee waa weynaa ee reer Asmara,
waa Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Shiikh Xasan Daahir Aweys,
oo ay dadka badankoodu u yaqaanaan Geesiyaalkii birta ahaa,
Aabayaalkii Nabadda Soomaaliya, Madaalayaashii Halganka,
Mujaahidiinttii iyo magacyo kale oo fara badnaa oo aanan halkaan
kusoo koobi karin, laakiin ujeedada laga lahaa ay ahayd in dad
gaarihi ku Awr kacsadaan si ay danahooda siyaasadeed u gaaraan,
Nasiib darase masiijirin magacyadaasi oo waxaa dhacday in
labadii Mujaahid mid ka mid ah lagu tilmaayo (Matukade) ka dib
markii lagu soo eedeeyey mujaahidkaas Matukade loo bixiyey in uu
hareer maray Halgankii iyo Dariiqii lagula balay in uu maro.
Yaanan war idinku daaline, aan idin baro Mujaahidka, waa ninkii
aad wada garanayseen ee lugta kaga soo baxay Xuduudka Soomaaliya
sidii Jaale Siyaadba uu lugta uga baxay xuduudka Soomaaliya, waa
Mujaahidkii Lugta ku galay Xuduudka Kenya, sidii ina Siyaadba uu
Lugta ugu galay wadanka Kenya, waa Mujaahidkii reer Asmara u
duceeyey sidii Nabi Muxumad CSW ugu duceeyey reer Madiina, waa
Mujaahidkii caqli tiradiisa looga yaabay sida Ahraamaadka dadkii
dhisay loola yaabay, waa Mujaahidkii Sal fudaydkiisa lala yaabay
sidii Assayes Afawrqiba Aduunku ula yaabay , waa Mujaahidkii
Xikmadiisa lala yaabay sida Abwaan Hadraawi oo kale, waa
Mujaahidkii marka xaaladu xumaato xanaaqi jiray, sida Abwaan
Sangub Maraykanka uga soo xanaaqay oo kale, waa Mujaahidkii
markii Su'aal xun la weydiiyo xanaaqi jiray, sidii Jeneraal
Mashayl Coon Al-Jazeera uga xanaaqay oo kale, waa Mujaahidkii
habaarka badnaa, sidii Madaxweyne Marxuum Xasan Guuleed oo kale,
waa Mujaahidkii Amiin Arts habaarey sidii C/qaasim u habaaray
reer Muqdisho markay dowladiisi diideen ka dib, waa Mujaahidkii
Indha-Cadde ku sheegay Hooyadii Maxkamadaha, sidii maxamad
dheereba loogu sheegay Hooyadii dowlada, Cadaalad badanaa, ma
Jeeneral Caydiidbaa?, waa Mujaahidkii dagaalkii Xaafada CC ka
qayb galay, sidii Jeneraal Caydiidba uga qayb galay dagaalkii
Makka iyo Madiina, waa Mujaahidkii Dhalinyarada Aaga hore galin
jiray, asaguna Darbiga ku ganban jiray, "talo wanaagsanaa Alow
cimrigiisa noo dheeree, yaa noo talin doona haduu dhinto, waa
ninkii loogu duceeyey markuu Guriceel booqashada Sirta ah ku
tahay".
Waa Mujaahidkii Beenta ka dharjiyey duqdii Maraykanka ahayd
(Jendaye Fraser) ee Lacagta ka qaatay, isla markaana u sheegay
in uu isaga bixi doono ururka Argagixisa, waa Mujaahidkii Asmara
qaxa ku tagay, sidii C/qaasimba Qaahira qaxa ugu tagay, waa
Mujaahidkii sida diintu qabto gabadha Midgaanta ah guursaday ka
dibna furay, waa Mujaahidkii markii Xamar la joogay Iclaamiyey
(ku baaqay) in Baydhaba dagaal lagu qaado sidii C/qaasimba horey
ugu baaqay in Beeshiisu Koofurta Soomaaliya qabsato, waa
Mujaahidkii ururkii Asmara madaxda u noqday, sidii Mowliid
Macaane-ba (SRRC) madaxda ugu noqday, waa Mujaahidkii C/laahi
Yuusuf Camiilka u yaqiinay, C/qaasina mujaahidka u yaqiinay, waa
Mujaahidkii in C/laahi iyo Geeddi la isku miidaamiyo saxiixay,
sidii Xasan Nasrulaahiba u saxiixay in Yuhuuda dagaal lagu
qaado, waa Mujaahidkii ninkii Geeddi isku qarxiyey Diyadiida
bixiyey sidii C/qaasimba u qaatay Diyadii Aabihiis, waa
Mujaahidkii labadii wiil ee Maxkamaduhu Qisaaseen dilkooda
saxiixay, sidii Maxkamadii Godkuba u saxiixday Qisaaska Wadaad
reer Baydhaba ahaa , waa Mujaahidkii tolkiis hubka ka dhigay,waa
Mujaahidkii reer Muqdisho ugu Heeseen nooloow Shiikh Shariif,
waa Mujaahidkii Beesha Caalamka waxba kama rabno yiri, halka
Cali Mahdi uu dalbaday Galeey iyo Naafato in dalka lala soo
gaaro , waa Mujaahidkii hadana yiri beesha caalamka kama
maarano, waa Mujaahidkii is bad badalka badnaa, waa Mujaahidkii
oran jiray heshiis waa xaaraan inta Itoobiya joogto, waa
Mujaahidkii heshiisyada diidi jiray, waa Mujaahidkii Jowhar laga
soo gamay, waa Mujaahidkii Jowhar kasoo lugeeyey, waa
Mujaahidkii hadalka qurxoonaa sidii Faarax Gololeey oo kale, waa
Mujaahidkii Gobolada Dhexe iyo Koofurta Muqdisho Amiirka looga
yaqiinay, sidii Xaaji Muuse Suudiba uu degmooyinkii makka iyo
madiina Amiirka uga ahaa oo kale, waa Mujaahidkii Asmara amaani
jiray. sida Claahi Yuusufba uu u amaano dalka Itoobiya, waa
mujaahidkii Askartiisu ay gubeen Calankii Soomaaliya, sidii
Jeneraal Caydiid, C/laahi Yuusuf, C/raxmaan Tuurba hortooda
loogu gubi jiray Calankii Soomaaliya waayadii ay ku kacsanaayeen
dowladii Soomaaliya ee ay joogeen dalka Itoobiya, waa
Mujaahidkii Caruurtiisu iyo Waalidkiisu u soo qaxeen magaalada
Asmara, sidii dadka Soomaaliyedba ugu qaxeen magaalada Hargaysa,
waa Mujaahidkii wax walba diidi jiray sidi C/raxmaan Tuur-ba u
diiday gooni isu taaga Somaliland, waa Mujaahidkii loogu baahnaa
sida dadku dabka ugu baahan yahay , waa Mujaahidkii sida Birta
loogu baahnaa, waa Mujaahidkii sida Dhulka iyo Biyaha loogu
baahan yahay marka ay Jihaadka tahay, waa Mujaahidkii intii
danta gaaralihi jeclaayeen sida Siilaanyo-ba Hargaysa looga
jecel yahay, waa Mujaahidkii nin kasta oo halganka ka qayb gala
u Saxiixi jiray Xaaraan iyo Xalaalba si uu Cuno dhacday usoo
dajiyo dalak , waa Mujaahidkii shirkii Khatuum diiday in Heshiis
lala galo Dowlada, waa Mujaahidkii markii Arin culus jirto
Telfoonka xiran jiray sida Bashiir Raage oo kale.
Waa Mujaahidkii yiri: Shirkii Khartuum anagaa dayacnay, sidii
C/qaasimba u yiri Shirkii Jabuuti anagaa dayacnay, waa
Mujaahidkii Guriga Assayes Afawarqi aan mar walbaba laga weyn
jiray sidii Atto Meles Senaawiba aan looga waayi jirin gurigii
Cali Maxamad Geddi Aabihiis, waa Mujaahidkii Asmara isaga soo
cararay markuu Naftiisa u baqay, sidii Sanguba uga soo cararay
dalka Maraykanka, waa Mujaahidkii Jabuuti kusoo qaxay sidii Cali
Mahdi-ba ugu qaxay dalka Maraykanka, waa Mujaahidkii Shirka
Jabuuti ku qabtay ka dib markuu Asmara kasoo tagay, waa
Siyaasigii Haweeyo Dacar ay ugu riyooday in uu Soomaaliya oo
dhan ka talin doono, waa Mujaahidkii yiri: aan la Heshiino
C/laahi Yuusuf iyo Itoobiya 2 Sano oo dagaal ah ka dib, waa
Mujaahidkii markuu Qaahira yimid halka beeluhu soo dhawaysay,
waa Mujaahidkii markuu Qaahira yimid diiday in uu Beeshiisa
(Mudulood) la kulmo, waa Mujaahidkii intuu Qaahira joogay beesha
Cayr Qaabilay, waa Mujaahidkii Iqaamadaha (Sharciyada ) u
xareeyey intii asaga taageersanayd intii kalena hoo Bariiska
yiri, waa Mujaahidkii Waqooyiga Muqdisho laga soo cayriyey ee
lagu yiri Koofurta Muqdisho waxaad rabtaad ka sheegi kartaa, waa
Mujaahidkii aan u Tacsiyeyn Aadan Ceyrow iyo Shiikh Ilkacase
sida C/qaasim Salaad aanu ugu Tacsiyeyn Maxamad Ibrahim Cigaal,
waa Mujaahidkii dowlada Itoobiya caayey tan Eritrea-na amaanay,
waa Mujaahidkii yiri 14 qof baa joogta Asmara, waa Mujaahidkii
Afka Carabiga yaqiinay sida Xaaji Muuse Suudi oo kale, waa
Mujaahidkii C/laahi Yuusuf iyo dowladiisa hor fariistay sidii
Anwar Al-Saadaat-ba u horfariistay madaxdii dowladii Israa'iil,
waa Mujaahidkii Xuseen Caydiid iyo Sakariye Shiikh Maxamuud
Kursi u dhexeeya fariisan jiray, Qiiqa Saarkuna sanka ka gali
jiray, Samir badanaa, daganaan iyo Aqoon badanaa, birlab sanaa,
waa kuma ninkaas? waa Mujaahidkii Mujaahidiinta, waa geesigii
geesiyaalka, waa Mujaahidkii weynaa, waa Mujaahidkii da'da
yaraa, waa Mujaahidkii naftiisa u huray difaacida dalka, waa sh.
Shariif Shiikh Axmed oo aad wada garanaysaan, Dadaalkiisa,
Kartidiisa iyo Aqoontiisaba, waa su'aale maantayna muxuu yahay
Shiikhu? waa Matukade, waa Jokar waa Sakiin iyo kuwo kale oo aad
adinkuba meelaha ka maqli doontaan sida qoladii uu Asmara uga
soo tagay ay meelaha la taagan yihiin.
Hadaba Karaamada iyo Ixtiraamka uu gaaray Sh. Shariif, waxay
ahayd mid ku waynad reer Qaahira, waxaanan xusuustaa Safarkii
ugu horeeyey ee uu Qaahira yimaado in la isku dili gaaray
meeshuu cagta dhigana 10 jeer cagta la dhigaayey si loo
barakaysto, waxaan kale oo xusuustaa xili uu Shir ku qabanayey
Hotelkii uu daganaa in aan soo raagay, ka dibna waxaa Iridda
Hotelka iiga hor yimid Shiikh Xasan Mahdi, waxaanan waydiiyey
halka uu Shiikhu joogo? markaasuu ii tilmaamay Jiho kale oo aan
Shiikhu joogin, Nasiib wanaagse waxaan helay Shariif Shiikh
Aadan oo ii tilaamay halkii uu Shiikhu joogay. anigoo u fahmay
in aan meesha loo ogolayn rag war fidiyaal ah maadaamaa
Sheekooyin Sir ah oo sax iyo khaladba isugu jiray meesha laga
akhrinaayey.
Waxaan kaloo xusuustaa, Safarkii labaad ee uu Shiikhu Qaahira
yimid in iyadana loo maamusay sida madaxda caalamaka loo
maamuuso oo kale, iyadoo lacag aad u badnayd markaas Jeebka loo
galiyey si uu Jihaadka socda qayb uga qaato, waxaan kaloo
xusuustaa mar aan Shiikha salaamayey miis hortiisa ku gudbanaana
aan ka qaadayey in uu Wadaad Ilka-case la yiraahdo oo Shabaabka
Qaahira dagan ka mid ahi uu sixun iila hadlay, waxaan kaloo
xusuusta mar Shiikha Su'aalo la weydiinayey in raga aadka u
taageeri jiray ay yiraahdeen yaan Shiikha la weydiinin Su'aalo
Sadrigiisa (qalbigiisa) wax yeelaya.waxaan xusuustaa oo kale
Shiikha oo marti u ahaa dowlada Masar in hadana martiqaadkiisa
la isku dili garay oo cuno badan oo loo diyaariyey markuu ka
tagay Qaahira Masaakiinta loo qaybiyey, waxaan xusuustaa oo kale
maalin aan nin aan saaxiibo nahay uu igu yiri Shiikhu waa
amiirul mu'miniin, aniguna aan ku iri la iskuma raacsana
arintaas, asaguna uu iga xanaaqay asagoo leh: "Aniga wuxuu ii
yahay Amirul mu'miniin haduusan adiga kuu ahayn" ka dibna waxaan
arkay saaxiibkay waayadii Shiikhu is badalay, waxaan ku iri:
saaxiibkay ka waran amiirul muminiinkaagii? wuu qoslay, wuxuuna
si hoose iigu yiri: "waan qaldanaa, sow ma arkin xataa in
Shiikhu garkii xiirtay", ma arkin baan ku iri.
Isku soo duuboo, dadka Shiikha garbaha kaga jiray, mar walbana
soo dhawayn jiray xiliyadii kala duwanaa ee uu Qaahira
imaanayeyna waxay ahaayeen hal beel ah, maantay markuu Shiikhu
yimidna waxaa soo dhaweeyey Beesha uu ka dhashay iyo
Taageerayaasha dowlada, oo u arka in uu Shiikhu iminka ku socdo
dariiqii ugu haboonaa ee Soomaalinimada ahaa, halka markii hore
uu ku socday ujeedo ay hal beelihi leedahay, waxaadna dariiq
walba oo Qaahira ku yaala aad ku arkaysaa kuwo ku leh ma u
tagtay Shiikha? haa markaad dhahdana ku leh oo maxaad ka
doontay? ogow dadkaasi waa kuwii shalay nagu khasbaayey Sankana
naga galinayey in aan Shiikha soo booqano, Maanatayna waa kuwa
nagu leh yaanu idin halayne ka dheeraada. hadaba sow lama oran
karo Sh. Shariif Shiikh Axmed beeshii dooratay wuu dayriyey, ka
dib markuu fahmay Dhagartii iyo Khayaanadii ay Sanadada badan
ugu Sacabo tumayeen..
C/raxmaan Madaxeey
cadceed_80@hotmail.com
Cairo, Egypt