SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Safiirka Boqortooyada Sacuudiga ee dalka K/Afrika oo ka hadlay arrimaha Soomaalida.

Daawo Sawirada ...

Sacaadatul Safiir Mudane Maxamed Cali ayaa ka hadlay xaflad si heersare loosoo agaasimey oo lagu qabtay dhismaha Safaarada ee Pretoria, taas oo ay kasoo qeybgaleen madaxda Jaaliyada Soomaalida K/Afrika, saraakiil ka socotay UNHCR , ururarada bulshada rayidka ah, wasaarada arrimaha gudaha iyo hey’ada samofalka islaamka ee caalamiga ah, iyo waliba qeynaha kala duwan ee qalabka warbaahinta dalka , xaflada ayaa ku saabsanayd munaasabad loo qabanayay deeq dhaqaale oo todobaad ka hor la gudoonsiiyey ganacsato Soomaaliyeed oo dalkani ku barokacday.

Safiirka ayaa yiri “walaalaheen Soomaalida ma heystaan dal ay ku noqdaan, dhibaato xoog leh ayaa halkani ku gaartay, inagoo kaashanayna hey’adaha gargaarka ee islaamka ayaa gacan ka siiney in ay dib u biloowdaan ganacsiyadii ka burburey “ safiirka ayaa sidoo kale sheegey in eey aad ugu faraxsanyihiin caawimaadka ay siiyeen Soomaalida.

Xaflada ayaa aheyd mid lagu maamuusayay deeq dhaqaale oo la gaarsiiyey ganacsato Soomaaliyeed , kuwaas oo rabshadihii dhawaanta dhacay ganacsiyadooda ku burburey, waxaa kasoo qeybgalay madaxda Jaaliyada Soomaalida dalkani ee marka magaceeda lasoo gaabiyo uu yahay (SASA,= Somali Association of South Africa). Waxaa ka mid ahaa Dr. C/Laahi Carte, Dr. Cali Saciid, Axmed Dawlo iyo mudane Ugaas Maxamed Shurgi iyo qaar ka mid ah ganacsatadii ka faa’iideysatay barnaamijka deeqda ah.

Waxaa sidoo kale goob joog wakiilka hey’ada samofalka islaamka Sacuudi Carabiya ee caalamiga ah ee marka magaceeda lasoo gaabiyo uu yahay (IIROSA), waxaa kaloo goob joog ahaa Mudane Gupta oo ah sargaal sare oo ka socdey UNHCR iyo sargaalada ka socotay wasaarada arrimaha gudaha, iyo qalabka warbaahinta dalka.

Dr. Carte oo xaflada kadib ii waramayay ayaa sheegey in uu aad ugu faraxsanyahay deeqda kasoo gaartay dowlada Sacuudiga, wuxuuna rajeeyey in deeq tan la mid ah ay soo gaari doonto mustaqbalka, mar uu ka hadlayay qaabka deeqda loo bixiyey ayuu yiri “wajigan waakii ugu horeeyey, waxaa ka faa’iideystey illaa iyo 35 dukaan, oo dukaankiiba ugu yaraan 3 qof isku leeyihiin, taasi micnaheedu waa in ku dhawaad boqol qof ay ka faa’iideysteen barnaamijka, waxaan heynaa diiwaanka inta baddan dadka ku wax yeeloobay dhibaatadii dhacday, waxaanan gudbinay codsiyo meelo kala duwan, waxaan rajaynaynaa in mardhow ay deeq kale timaado, oo dadka ugu haboon ay ka faa’iideysan doonaan”.

Axmed Dawlo oo u waramaya wargeyska maalinlaha ee kasoo baxa caasimada ee lagu magacaabo Pretoria News ayaa yiri "Instead of just giving people food to eat, we want to equip them so that they can restart their lives and be independent “ “halkii cunto markaliya la cuno dadka lasiin lahaa, waxaan rabnaa dadka in aan qalabayno (wax wax taraya aan siino), si markaasi ay noloshooda dib ugu bilaaban karaan”, isagoo wargeyska lasii hadlayay ayuu sheegey in fikirka SASA ee ku aadan xerooyinka uu yahay in la xiro sida ugu dhaqsaha baddan,maadaa uu ay fariin qaldan gudbinayaan, cadowtooyo iyo kala qobqobnaana ka dhex abuurayaan ajaaniibta iyo dadka dalka u dhashay, una egyihiin xerooyinkii dadka lagu karantiili jirey xiligii midab takoorka, wuxuu sheegey in ey dowlada kala shaqeynayaan sidii loo caadiyeyn lahaa xaalada qaxootiga iyo muhaajiriinta.

Xaflada kadib waxaa kormeer dukaamadii deeqda lasiiyey kusoo maray labbo sargaal oo dhawaan ka yimid Sacuudiga kana socda hey’ada samofalka ee deeqda bixisey, labbada sargaal ayaa indhahooda kusoo arkay dukaamada ka faa’iideystay iyo dadka ka faa’iideystey deeqda, kadib waxa ay booqasho gaaban ku yimaadeen xafiiska Jaaliyada oo ay kulamo saacad qaatay la yeesheen madaxda Jaaliyada, saraakiishani oo aan dooneyn in eey saxaafada la hadlaan, ayaa laakiin shaqsi ahaan iigu sheegey in eey ka go’antahay caawinta dadka tabaalaysan ee Soomaaliyeed, waxay intaasi ku dareen in eey aad ola dhaceen shaqada Jaaliyada iyo sida wanaagsan ee ay bulshada ugu adeegeyso.

C/Nasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo), Email: saxansoxo1@hotmail.com, Somalitalk.com, Johannesburg
 

Faafin: SomaliTalk.com |  August 8, 2008

BAARID | SEARCH


caddeGen. Cadde Muuse oo Mamnuucay Ololaha Doorashada Puntland ka hor November 1, 08
iyo in Tiknikada beeluhu haystaan ay dhammaanteed Dowladdu la wareegayso Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS