SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dowladda Itoobiya oo dhabarka u jeedisay khilaafka u dhexeeya Madaxda sare ee Dowladda Federaalka

Dowladda Itoobiya oo mar kasta la socotay xaaladda Dowladda Federaalka iyo khilaafyada markaas soo wajaha ayaa haatan u muuqata mid aan dheg jalaq uu siineyn khilaafka xoogan ee u dhexeeya Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Markii uu khilaafku soo kala dhex galay C/llaahi Yuusuf iyo Cali Max’ed Geedi markiiba waxay Dowladda Itoobiya dadaal u gashay in ay khilaafkaasi soo kala dhex gasho, hase yeeshee khilaafka hadda taagan Dowladda Itoobiya weli kama hadlin, waxayna dad qaar ku micneeyeen in Itoobiya ay ka daashay Dowladdii ay ku soo dhistay Impagati.

Khilaafka labada mas’uul oo marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareeraya ayaa sii xoogeysay markii uu Ra’isul Wasaaruhu dib u soo magacaabay Boosaskii ay baneeyeen qaar ka mid ah Wasaaraddii Iscasilay, waxa uuna sheegay in uusan marnaba ka tagi doonin Xilka.

“C/llaahi marka ay iskhilaafaan dowladdiisa waxa uu si hoose ula hadlaa qaar ka mid ah Wasiirada oo uu ku yiraahdo iska casila xilka, taas oo ay ujeedadeedu tahay in uu baalasha ka rifo dowladda markaa jirta, balse taasi uma suuragelin waxaa soo baxay nin aan arrintaasi u jixin jixeen’ ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka oo intaa sii raaciyey “Dowladda waxaa lagu qaybsaday qaab Qabiil ma ahan marka in faragelin la isku sameeyo”.

C/llaahi Dheere oo afhayeen u ah Odoyaasha Beelaha Hawiye ayaa waxa uu yiri “waxaa la gaaray xiligii uu C/llaahi Yuusuf iska tagi lahaa, la hel la hel waxaa ku xiga lawaa, marka waxaan leeyahay C/llaahi Yuusuf, Hawiye maanta hurdadii ayuu ka kacay, marnaba lagaa yeeli maayo nin ay ummaddaani nacday in aad ku qasabtid”.

Khilaafka u dhexeeya C/llaahi Yuusuf iyo Nuur Cadde ayaa u dhexeeya markii uu Nuur Cadde uu xilka ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Max’ed Dheere, balse C/llaahi uu Wareegto kale dib ugu magacaabay Max’ed Dheere, taas oo uu si aad ah uga carooday Ra’isul Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo isagu sheegay in uusan dib dambe u soo laabaneyn Max’ed Dheere.

Dowladda Mareykanka oo dooneysa in ay wada hadal la gasho Sheekh Xasan Daahir Aweys

Warar aanu ka helnay rag rag ku dhow dhow Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya garabka uu hogaamiyo Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa waxay noo sheegeen in Dowladda Mareykanka ay dooneyso in ay wada hadal la gasho Garabkiisa si loo soo afjaro xaaladda murugsan oo ka taagan dalka Soomaaliya.

“Waxaa maalmahan socday xiriiro hoose oo u dhexeeyey Sheekh Xasan iyo Dowladda Mareykanka kuwaas oo aan weli si rasmi ah u soo shaac bixin” ayuu yiri mid ka mid ah Isbahaysiga Asmara oo sheegay in Dowlada Mareykanka ay ogaatey in Sheekh Xasan uu yahay nin miisaan culus ku leh arrimaha Soomaaliya taageerayaal fara badana ku leh dalka Soomaaliya.

Wada hadalka ay Dowladda Mareykanku ku dooneyso in ay la yeelato Sheekh Xasan ayaa waxa soo if baxay markii ciidamadii Qaramada Midoobey ee ku kala dhex jiray Itoobiya iyo Ereteriya,ay halkaa ka baxeen iyadoo Dowladda Mareykanka ay ka cabsaneyso in uu qarxo mar kale dagaal dhex mara Ereteriya iyo Itoobiya, iyadoo Ciidamada Itoobiya ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka waxay markaan dooneysaa in dib u heshiisiin ay ka dhex sameyso dhinacyada isku haya Soomaaliya si dowladda Mareykanka ay culeyska uga yareyso Dowladda Itoobiya oo iyadu markii hore Itoobiya ku qalqaalisay in ay ciidamadeedu galaan gudaha dalka Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka waxay horey u taageertay shirkii dib u heshiisiinta ee ka dhacay Magaalada Jabuuti hase yeeshee dowladda Mareykanka waxa ay sheegtay in haddii Sheekh Xasan Daahir Aweys laga helo dabacsanaan laga saari doono liiska Argagixisada waxay kaloo dowladda Mareykanka garwaaqsatay in heshiiskii ka dhacay Jabuuti uu yahay heshiis kala dhiman loona baahan yahay in la dhameystiro dhinacyada Soomaaliya isku hayana hal meel la isugu keeno.

Isku soo wada duuboo heshiiskii Jabuuti ayaa waxaa ka biyo diiday Sheekh Xasan Daahir Aweys taasina waxay keentay in uu laba garab kala noqdo Isbahaysiga sidoo kael waxaa iyana kala booday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul wasaare Nuur Cadde, taas oo wax u nimeysa heshiiskii Jabuuti, hase yeeshee ummadda Soomaaliyeed ayaa aaminsan in haddii uu Mareykanku daacad ka yahay heshiisiinta Ummadda Soomaaliyeed ay wax waliba hagaagayaan.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 7, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS