SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Waxaad Barato Waa Baaskaa 
 

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabad gelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadib dhammaan akhristayaasha sharafta lahow iga gudooma salaanta islaamka (A.C.W.W ). 

Allaah Subxaanu watacaalaa wuxuu quraankiisa noogu sheegay, in aynaan xaqa uga tegin naceyb aynu qof necebnahay. Sidoo kale waxaa in baddan Diinta kusoo arooray in ay arimuhu ku fiican yihiin in marwalba dhex dhexaad laga noqdo. Waxaa kaloo iyadana qaacido islaamiya ah in aadan qof aadan si xad dhaf ah aadan u jeclaan, iyadoo ay dhici karto qofkaa inuu isbadali karo, sidaa si la mid ah inaadan qof aadan si xad dhaf ah u nicin , oo ay dhici karto inuu isbadali karo. 

Waxaan aad iyo aad ula yaabi jiray markaan akhriyo qoraalada qaar ay soo gelin jireen Webablka Soomaalida ragga qaarkood, oo aad iyo aad qof ugu xadgudbaya, haba u badnaadeenee qabqablayaasha Soomaalida. Qofkaas wax qoraya xitraa isma yiraahdo wax isula har, oo qofkan waa bani’aadan, oo siyaasaddu maalinba meel bay taagan tahay. Wey wanaagsan tahay in aad qofka tilmaamto saacaddaas Khaladka uu ku jiro, adigoo sheegay khaldka, laakiin aadan qofkan meel uga dhaceyn. 

In baddan oo kamid ah Qoraayada Soomaaliyeed uma aabo yeelaan, natiijadda kasoo bixi kartaa qoraalada ay had iyo jeer u soo diraan Shiishadaha Soomaalida. Waxaad moodaa inay la socdaan hadba halka ay dabeyshu u socoto. Marka dhibaatadu waxey tahay markaad ninkii aad shalay ku tilmaami jirtay inuu Muumin yahay, aad hadna maanta geyso meel for. Xaqiiqdu waa wax laga naxo. Waxaad arkeysaa maanta xitaa in ay culimadii meel looga dhacayo, oo haddii ay culimadu raadiyaan wanaag iyo sidi lagu soo afjari lahaa colaadahan dabadheeraady, lagu tilmaamayo inay yihiin galo raac iyo wax kasii liita. 
 

Ogow mar walboo aad barato inaad wax uun cambaareysa, aflagaadeyso, meel kadhacaaga uu bato, inaad ku si foobayso oraahdii Soomaaliyeed ee aheyd  

{ waxaad barato waa baaskaa}. Haddaba soo baas maaha, kadib markaad soo dhameeysay qabqablayaashii siyaasadda Soomaaliya, inaad maantan ku dhiirato Culimadeenii sharafka mudnaa, oo ay diintu tiri hilibka culumada waa sun. 
 

Haddaba waxaa iga talo ah, in qofka wax qorayaa intuusan soo gudbin qoraalkiisa, uu bal marka hore inta kaligii fariisto isweydiiyo, ujeedada uu ka leeyahay qoraalka maanta uu dirayo iyo natiijadda kasoo bixi kartaa. Qofka hal qoraal iyo labo i.w.m, wuu ku qaldami karaa, laakiin in qoraaladaada oo dhan ay noqdaan meel ka dhac uun, runtii waa wax u baahan in leys weydiiyo. Waxaan aaminsanahay in leyga aqoon baddan yahay, laakiin waxaan is leeyahay bal walaalkaa uga nasteexey waxyaalaha iigu muuqda inay yihiin khalad. Ogow majirto qof heysta ballanqaad oo la yiri waxaad tahay ahlukheyr, oo adiga uun baa saxsan, ogow maalin walbaa in qofka sidaad ku ogeyd mooyee uu si kale noqon karo. Adiga ruuxaaga yaa ku siiyay Ballan qaadka ah inaad adiga uun sax san tahay. Waxaa wanaagsan qofku hadduu arko wax khaldan inaad  marka hore qofka uga nasteexayso waxa khaladka kuula muuqda, haddii uu kaa qaadan waayo markaas wax ka qor qaladka uu ku jiro, ee maaha inaad shaqsiyan meel ka dhac ku sameyso. 
 

Diinta Islaamku waxey leedahay qeyb dhan oo lagu taqasuso oo ah, { Cilmul Jarax Watacdiil }, oo ah in shaqsigaa la sheego wax uu ku khaldan yahay iyo waxa uu ku wanaagsan yahay. Taasoo uusan qofku marna caddaaalada ka tageyn. Laakiin nasiib daro wiil yar yar oo qurbaha qoraalada ku bilaabay inay haadaan ka tuuran qoraaladii Soomaaliga, oo cid walba aflagaadeynaya. Qof ay ku duraan nasabkiisa, qof ay ku diraan fikirkiisa iyo qof ayba Diinta ka saaraan. 
 

Waxaan qoraalkeyga ku soo gabagabeynayaa intii aad qofka walaalkaa ah meel uga dhici laheyd, ugu soo duceey inuu Allaah xaqa waafajiyo, oo waa bani’aadanee mar uun baa dhici karta inuu Allaah soo hadeeyo. Sidoo kale warbaahinta waxaan uga nasteexaynayaa inaanay dadka u soo gudbin dadka caadeystay had iyo jeer inay qof si xadgudub ah wax uga qoraan. Dhaliishu wey wanaagsan tahay haddii wax lagu toosinayo, oo wax lagu dhisayo, laakiin mid mar walba wax lagu duminayo Soomaaliyeey ma ogolin, oo aynu si wadajir ah uga hor imaano. 
 

Wabilaahi Towfiiq

Qlinkii:- Cabdixakiim Jaamac Jooje 
 
saicentadv@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 7, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS