SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ

BAAQ NABADEED GAALKACYO (Eng. Faatoxo)

Ku: Madaxda Maamulka Gobolka Mudug.

Ku: Dhamaan Beelaha wada dega Gobalka Mudug

Ku: Isimada, Odayaasha dhaqanka, Culumaa’udiinka, Hooyooyinka iyo dhalinyarada Gobolka Mudug

Ku: Siyaasiyiinta, qorbo joogta iyo ururada bulshada ee gobolka Mudug

Ujeedo: Baaq Nabadeed

ACWW_tuhu, 

Salaan ka bacdi, Alle yaa mahdi dhamaanteed u sugnaatay, Allahii Adem ka abuuray dhoobo, ubadkiisana biyo jilicsan ka abuuray, Alleha dadka dhigay xigto iyo xigaal, waxaan qirayaa in Nabi Muxamed nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee uu noo sheegay wax kasta oo aduunka iyo aakiro noo roon uu nooga digay wax kasta oo dhib aduun iyo mid aakiro noogu jiro. Nabigu Waxa noo sheegay markii uu dariska ka hadlayey “ JIbriil kama suulin(tagin) inuu dariska igala dardaarmay ilaa inta aan uga ma leeyo inuu oran doono darisku ha is dhaxlaan” , wax kale oo uu yiri nabi Moxamed “  Wa-Allahi, ma rumayn( Alle iyo Rasuulkii) ilaa inta dariskiisu dhibkiisa ka nabadgalayo” 

Anigoo aad uga xun dhibaatooyin dilalka qarsoodiga ah, dhaawacyada iyo qulqulada is daba jooga oo bilahan dambe ka soo cusboonaaday deegaanka Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Galkacyo, Magaala madaxda Gobolka; Anigoo arka dhaca iyo qafaalashada baabuurtu iyo dhibka isdabajooga ah ee rayadku cawaaqib xumada uu keeni karo. 

Waxaa xusuusmudan in beelaha waalaalaha ah ee wadadega Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Galkacyo  uu soo maray dagaal qiimo daran oo ay naf maal ay ku waayeen dad badan oo walaalihiina, Waxaa xasuus mudan in Gobolka Mudug uu ahaa  meelihii ugu horeeyey ee uu saameeyay dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay, oo hadana waxgaradkoodii iyo masuuliyiintoodii ay ku dadaalaan inay heshiis miro dhala oo la gaaray 1993-dii uu ka dhaqangalo deegaankaa. Gobolka Mudug waxa uu ku amaanan yahay oo Alle mahadi ah, inay tahay deegaanka kaliya ee Somalia oo ila hada uu ka shaqeeyo heshiis nabadeed oo ay gaareen bulsho aad u baaxad wayni. 
 

Hadaba waxaan ugu baaqayaa :

  • In dhamaan beelaha walaalaha ah ee deegaanka Mudug wadadega in nabadda la xoojiyo, waayo ‘colaadaha in wiil ku dhinta mooyee  wiil ku dhalan’isla markaasna waxaa loo baahan yahay in colaada la damiyo, wixii yar oo lakala tirsanaya si wada hadal ah lagu dhameeyo oo caqligu shaqeeyo.
  • In sida dhaqsaha badan oo shuruud la’aan ah la isugu celiyo dadka iyo hantida qaladka lagu qafaashay maalmahaan.
  • In lawada  caanbaareeyo lagana hortago dhamaan wixii fidno dhalin kara, lagana shaqeeyaan nabadda iyo horumarinta gobolka Mudug .
  • In Maamulku Gobolku la yimaadaan nidaam degdeg ah ka shaqeeya nabad gelyada, iyo soo celinta u hogaansanaanta sharciga iyo kala danbaynta.

Waxaan ka digayaa in siyaasaddo foolxun oo aan horumar gaarsiinay bulshadda walaalaha ah ee wadadegan la soo dhex galiyo, waa  in wadajir looga fakaraa , waxa buldshadda maatada ah oo ay haysato duuruufaha dhaqaale ee xun,  sicir bararka iyo abaaraha aan loogu darin in la dhex dhigo colaad iyo nidaamyo abuura dhibaato una shaqeeya dano shaqsiyo ama kooxo. 

Waxaan rajeynayaa in waxgaradka Mudug meelkasta oo ay joogaan ay ka qayb qaadan doonaan raadinta nabadda, ayna u istaagi doonaan xalinta dhacdooyinkaan foosha xun oo soo noqnoqanaya. 

Waxaan waxgaradka Mudug leeyahay noqda tusaale fiican, kuna dadaala NABADDA ‘Nabadu waa nolol’  IYO  WADA JIR ‘Wadajir waa horumar’  LOO HORMARIYO GOBOLKA.  
 

Waxaan Alle waydiisanaynaa in qalbiyada uu Alle is jeclaysiiyo, Mudugna Nabad iyo Barwaaqo siiyo.”AAAMIIIN, AAAMIIIN….”  
 

Wa_bi_ Allahi Towfiiq 
 

Musharaxa jagada Madaxwaynaha Maamul Gobaleedka Puntland

Eng. Abdullahi Abdulkadir Ali(Faatoxo) 

faatoxo@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com |  August 7, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS