Sanad guuradii 10aad ee ka soo wareegtay aasaaskii xisbiga midnimada
jamhuuriga soomaaliyeed oo muqdisho laga xusay. (Aug 6, 2008)
Sawirada halkan ka daawo..
Dhegeyso:
Codkii_Cali_Tima_jilic.. (mp3)
qab iyo qabiil isku raci weynaye aan quraanka qaadano , yaa mudan hogaanka dalka
? waxaan inagu isu diidnay cidkale u ogolaan meyno , maxkamada aduunka ugu
sareyso waa damiirka iyo qalbiga qofka nadiifka ah , somalidu iyada ayaa isu
baahan ee shisheeye uma baahna , guuleyso adoon daadin dhiig walaalkaa , iyo yaa
diidan ku dhaqanka shareecada islaamka ?
Xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed oo ah xisbigii ugu horreeyey oo si
dimoqraadi ah dalka looga aasaasay, ayaa manta waxaa laga xusay 10 guuradii ka
soo wareegtay markii dhidibada loo taagay jiritaanka xisbigaas.
Munaasabad manta lagu maamusayey xuska maalinta xisbiga ayaa waxaa ay ka dhacday
xarunta xisbiga ee xaafadda xamar weyne, waxaana ka qayb galay Madaxweyne ku
xigeenka Xisbiga Cali Maxamed Nuux Tima jilic iyo madax kale oo xubno ka ah
xisbiga Jamhuuriga.
xaflada Maanta ayaa waxay aheyd mid ay ka soo qeyb galeen abwaano fanaaniin
suxufiyiin madaxda xsbiga waxaana gidaarada lagu qoray ereyo muujinayo boorar ay
ku qornayeen halku dhigyo nabada lagu taageerayo sida , qab iyo qabiil isku raci
weynaye aan quraanka qaadano , yaa mudan hogaanka dalka ? waxaan inagu isu
diidnay cidkale u ogolaan meyno , maxkamada aduunka ugu sareyso waa damiirka iyo
qalbiga qofka nadiifka ah , somalidu iyada ayaa isu baahan ee shisheeye uma
baahna , guuleyso adoon daadin dhiig walaalkaa , iyo yaa diidan ku dhaqanka
shareecada islaamka ?
Aayado quraan ah kadib waxaa halkaas ka hadlay wakiilka Degmada waaberi ee
xisbiga Midnimada jamhuuriga soomaaliyeed, oo ugu horreyn tacsi u diray eheladii
iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen dadkii dhawaan bamka uu kula qarxay wadad
makka almukama xilli ay ku guda jireen howlo nadaafadeed, waxaa uuna tala ahaan
u soo jeediyey in 16ka degmo ee ay ka kooban tahay magaaladda xamar laga dhiso
ciidamo madani ah oo suga amniga magaalada, waxaana uu qaraxaas ku eedeeyey in
ay ka danbeeyey gacan sadexaad, waxaana hoosta ka xariiqay in haweenka aan
xirfadda lahayn ay u furi doonaan gobo lagu barto xirfadaha kala duwan,
Waxaa kaloo munaasabadda lagu maamuusayey xuska sanad guurada 10aad ee xisbiga
jamhuuriga midnimada soomaaliyeed ka hadlay wakiilka dhaqanka iyo dib u
heshiisiinta Md Maxamed Xaashi waxaana sheegay in la si dilo in ay ka wanaagsan
tahay inaan la is dilin isagoo ballan qaaday In xisbigoodu uu googol nabadeed u
fiidin doono soomaalida oo dhan, si ay uga tashtaan aayahooda nololeed iyo
mustaqbalka dalkooda,
Waxaa kaloo halkaas ka hadlay wakiilka Gobolada xisbiga Bashiir Axmed Sheekh oo
ku fogaday kana war bixiyey safar ay ku aadeen qaar ka mid ah gobolada dalka
muddo hal bil ahna qaatay, waxaa uu sheegay in safarkaas uu ku soo idlaaday
guul, waxaa kaloo isna halkaas ka haday Xoghayaha Caddaaladda ee Xisbiga waxaa
uuna ku dheeraaday caddaaladda iyo muhiimadda ay leedahay nabad galyada, waxaana
uuna soo hadal qaday sida loogu baahan yahay in nabad loogu noolaado oo qoysba
qoyska kale uu tixgeliyo,
Gabagabada xafladaas waxaa ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka xisbiga midnimada
jamhuuriga soomaaliyeed Cali Maxamed Nuux waxaa uu ugu horreyn halbalyo iyo
bogaadin uu u diray Qoysaska iyo xubnaha xisbiga meel kasta oo ay joogaan ,
isagoo ilaah uga baryey in sanadkaan, kiisa kale ay ku garaan bash bash baraare,
waxaa kale oo uu shacabka soomaaliyeed uu uga tacsiyeyey dhibka dalka soo gaaray
muddooyinkaan ,waxaa kale oo uu soo hadal qaaday in muddooyinkii uu jiray
ururkaan in aysan dhiig daadin kana qayb qaaday mashaqadii dalka ka dhacday
xilka iyo hogaanka dhexdeena weey nagu filan tanay,waxaa uu dadka soomaaliyeed
ku wargaliyey waxaa dalkaan ka dhacay iney tahay fursad ayaga ay siiyeen,waxa
kale oo uu sheegay in dalkaan la haysto oo lagu soo duulay, waxaana uu sheegay
in dalkaan ay ku soo duleen, waxaa kale oo uu tilmaamay in dalkaan ay noolaan
doonaan, oo aan loo baahnayn in meel kale loo tacabiro inta ilaah uu qadaray,
waxaa kale oo mudanuhu uu ka digay, waxaa uu ka digay tahriibka oo uu sheegay in
dad badan ay ku Qaraqmeen badaha,taasoo uu ku sheegay ineey tahay midda uu rabo
cadawga inaad ka hayaanto oo aad isaga cararto.oo loo baahan yahay in laga
aantoobo,
‘
‘ anagau uma aragno in aduunyada ay ka shaqeyneyso danaha dadka soomaaliyeed,
maxaa looga hadli la’yahay daka jooga geedaha hoostooda, maxeey naga rabaan kuwa
ku dhex ordaya dadka soomaaliyeed, maxaa loo aran la’yahay in dadkaas lagu soo
celiyo’ isagoo intaas ku daray in kuwa nabadda sheegaya ineey ka dhexraadinayaan
garabyada is haya ineeysan wadin nabad,
Madaxweyne ku xigeenka ayaa soo hadal qaaday dadka ku nool geedaha hoostooda oo
u sheegay in caalamku ay indhaha ka qaradeen, waxaa kale oo garabyada isku haya
siyaaasadda ka codsaday ineey isu tanaasulaan, si cadawgu u helin fursad uu uga
faa’ideysan karo,waxaa uu ku taliyey madaxweyne ku xigeenka in la iska dhigo
qoryaha,
Xisbigaan ayaa la aasaasay 6dii August 2007kii, xilligaas oo taageerayaasha
xisbigaas ay madaxweyne u doorteen, Md C/Nuur Axmed Darmaan
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666