SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QORAAL

Qaabkee Doorashada Maamul Goboleedka Puntland u dhicin?(Eng. Faatoxo)

Wacyigalin Iyo Waxqabad  05/08/08

  • KU:  Dawlad Goboleed Puntland
  • Isimmada Iyo Nabadoonnada Gobolka Puntland 
  • Golaha Wakiilada Puntland
  • Culumaa-Uddiinka Iyo Mutacallimiinta Gobolka Puntland
  • Dhammaan Ururrada Haweenka Ee Gobolka Puntland
  • Dhallinyarada Gobolka Puntland
  • Dhammaan Wax Garadka Iyo Qaybaha Shacabka Gobolka Puntland 

Asalaamu Calayku WaraxmatuAllahi Wabarkaatuhu

Dhamaan Mudanayaal iyo Marwooyin,

Salaan ka dib Alle ayey mahad dhamaanteed u sugnaatay, Allaha caqliga noo siiyay inaan waxa wanaagsan iyo waxa xun ku kala garano.

Intaa ka dib,waxaa cad in maanta Puntland ay maraso marxalad adag marka laga eego xaga amaanka, oo aad u malayso in lagu qancay sida foosha xun ee juqraafi ahaan u soo yaraatay Puntland oo aad u malayso in gobolo ka tirsan Puntland la iskaba ilaaway ka dib markii si fool xun lagu dhumiyey, waxaan ka hadal lahayn sicir bararka baahsan.

Waxaa dhaba in bulshadda Puntland ay u baahan tahay isbadel xaqiiqi ah oo aan ku dhalan nidaam gacan ku samaysa, sidaa daraadeed waxaa lama huraana in la helo jawi iyo nidaam ka badalen kuwii hore ee doorashada lagu aadi jiray. waxaa cad in waqtigii doorashadu uu aad u soo dhawaaday, ilaa iyo hadana nidaam lagu qanco wali lama soo bandhigin.

Waxaan xusuusinayaa dhamaan: Dawlad Goboleed Puntland, Isimmada iyo nabadoonnada Gobolka Puntland,Golaha Wakiilada Puntland,Culumaa-Uddiinka iyo Mutacallimiinta Gobolka Puntland, Hooyooyinka iyo Dhammaan Ururrada Haweenka ee Gobolka Puntland, Dhallinyarada Gobolka Puntland, Dhammaan Waxgaradka iyo Qaybaha shacabka gobolka Puntland inay ka shaqeeyaan sidii loo badbaadin lahaa Maamulka, loona samayn lahaa doorosho xor ah .

Marka si ay u suuro gasho arinkaasi , taas waxaa loo baahan yahay in qaabka doorashadda sanadkaan wax wayn laga badalo oo la sameeyo nidaam adag oo ka madax banana, inuu u iisho koox ama shaqsi. Waxaa ii muuqda talo ahaan si looga hor tago in si sahalan  loo iibsado cod, sidii awalba loo iibsan jiray inta badan xubnaha baarlamanka codkooda; hadii aan arikaa wax laga qaban, ay doorashaduba aysan mira dhal noqonayn; Hadaba si taa looga hor tago waxaan arkaa in sanadkaan doorashadda laga dhigo mid ay doortaan dad intaa ka badan oo ilaa 200 xubnood ah oo laga soo doortay dhamaan qabaa'isha, oo hada qaarkood aysanba cidi ku matalin 66xubnood ee baarlamanka. taa waxay keenaysaa in kii ku talagay inuu cod iib ku helo ay qaali ku ahaato, ayna ku adkaato, waayo qaabka 66 xubnood waa la bartay, marka waa in wax laga badalaa, si kii ku haboon in uu dadka hogaankooda qabto uu xaq ugu soo baxo. Waxaan qabaa in isimmadu soo magacaabaan guddiga doorashada kaasoo ah mid ka madax banana ka madaxbannaan xukuumada, baarlamaanka iyo Garsoorka.

Waxaa haboon in dhamaan qaybaha ay tooska u khusayso ay isla waafaqaan qodobyo dhexdhexaad ah, oo cadaalad ku dhisan, ‘Cadaaladu qofkastay dan u tahay’.

Ugu dambeyntii waxaan uu shacabwaynaha Puntland ugu baaqayaa in meel looga soo wada jeesto sidii dalka looga saari lahaa dhibaata kala gedisan oo ay ugu horayso inay samayso nidaam uu ka dhalan karo doorasho xaqa oo dhalisa maamul cadaalad iyo aqoon ku yimid., kaasoo bulshada u horseeda loona ambaqaado tubta nabadda, iyadoo diiradda la saarayo sidii  horumar iyo xoriyada dhulka maqan loo soo celin lahaa.

Himiladeenu waa “Inay Puntland ahaato meel qofkata uu jeclaysyto inuu ku noolaado, maalgashado, kuna faano” 

Wa_bi_ Allahi Towfiiq 

Musharaxa jagada Madaxwaynaha Maamul Gobaleedka Puntland

Eng. Abdullahi Abdulkadir Ali(Faatoxo)

faatoxo@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 7, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS