Xog Ku saabsan Xukuumada Nuur Cadde
Jaamac AYaanle Feyte
Feyte37@hotmail.com
Bosaso- Somalia
Magaalada
Muqdisho Wasiirro ayaa is casilay, qaar kalena waa la
magacaabay, Magaalada Baydhabana, waxaa ka taagan dood
baarlamaanka ka billaabatay Waxaas oo dhan waxaa sal u
ah, khilaaf soo dhex galay Madaxda ugu sarreysa dalka
Wey jirtaa in ay dowladdu ku guuleystay tallaabooyin
dhowr ah oo ku wajahan xuquuqda aadanaha iyo dib u
heshiinta, dhanka Amaanka laftigiisa waxa laga gaadhay
xoogaa Natiijo ah.
Waxaa is dhimay tirada dadka iyaga
oo aan waxba geysan laga qabqaban jiray dariiqyada iyo
guryaha magaalada Muqdisho ee xabsiga la dhigi jiray,
kuwaasi oo qaarkood halkaasi ku abaadi jiray.
Dadkaas, iyaga oo aan Maxkamad la
soo taagin ayaa qaarkood la soo deyn jiray, waxaana jira
eedeymo sheegaya in dadkaasi ay bixin jireen lacag baad
ah si ay u iibsadaan xorriyaddooda.

Khilaafka waxaa sal u ah xil
ka qaadista Maxamed Cumar Xabeeb |
Dhanka kale, waxay dowladdu
xorriyad siisay odayaasha beesha Muqdisho, oo dowladda
kula jiray dagaal af ah, iyaguna xabsi iyo dhuumasho ku
noolaa.
Weerarradii iyo bililiqadii ay
ciidammada dowladdu ka geysan jireen suuqa bakaaraha,
ayaa suulay kaasi oo ahaa mid inta badan ahaa mid keena
isku dhac iyo jaah wareer.
Waxay Dowladdu meesha ka saartay,
muran iyo khilaaf dowladdii iyada ka horreysay kala
dhexeeyay Hey'adaha samafalka, gaar ahaan kuwa u soo
gurmaday dadka u barakacay Ceelasha Biyaha.
Wax qabadka kale ee muuqda ee
dowladda hadda sii kala socota, waxaa
Ka mid ah tallaabooyinka ay ka qaadday dhinaca dib u
heshiinta ka dib markii wakhti hadda 2 bilood laga joogo
ay heshiis la gashay Isbahaysiga dib u xoreynta
Soomaaliya.
Dadka qaar waxay waxqabadka
dowladda ku daraan, ku tala gal ha ahaato ama ha u
noqotee, in ay kala qeybisay mucaaradkeedii hubka kala
soo horjeeday,kuwaasi oo kala noqday Laba Garab.
Si kastaba ha ahaatee, dad badan
ayaa dhaliilsan Raiisal Wasaare, Nuur Xasan Xuseen, iyo
dowladdiisa kuwaasi oo leh Dawlada Nuur Cadde kama ood
sokayso tii Rai"Salwasaarihii is casilay ee Cali Maxamed
Geedi taasi oo ahayd mid inta badan ay Madaxa iskula
jireen Masuuliyiinta Sar Sare.
Waxay qabaan, rabi-waa iyo kari-waa
mid ay tahayba, in dowladdu ay samayn weyday miizaaniyad
ay ku shaqeyso iyo in isticmaalka lacagtu uu noqday mid
shaki abuuri kara.
 |
|
Madaxweynuhu waxa uu
sharci darro ku tilmaamay qaabka xilka looga
qaaday Duqa Muqdisho |
Waxaa kale oo dowladdan lagu
eedeeyaa, in ammaanka oo awalba xumaa uu hadda ka sii
daray.
Mudanayaasha baarlamaanka ee
dowladda dhaliilsan, ayaa mid ka mid ahi igu yiri,
dowladdu kama taliso meel ka baxsan magaalada Baydhaba
iyo waddada isku xirta airporka Muqdisho iyo
Madaxtooyada.
Qaar kale waxay dowladda ku
eedeynayaan in ay hawsheedii oo dhan ay ku soo koobtay
dib u heshiin, hawlo kale oo badan oo ay ahayd in lagu
garab wadana ay ka seexatay.
Nuur Xasan Xuseen, markii uu dhisay
Golaha Dowladda, waxay dad badani u arkayeen in ay tahay
mid kooban, oo ay ku jiraan dad aqoon leh, qaar khibrad
leh, dhallinyaro firfircoon iyo qaar intaba isku
darsaday, balse dadka qaar ayaa markiiba sheegay inay
aad uga biyi diideen.
Haddii ay tiradu dhabowdo, waxay
noqoneysaa in in ka badan 10 Wasiir, oo mushaarkooda ay
bixiyaan dowlado kale, ammaankoodana ay hayaan ciidamo
shisheeye, ay isku casileen muran ka dhashay xil ka
qaadid Duq magaalo.
Biilka joogtada ah iyo sugidda
ammaankooda waxaa wasiirrada is casilay la wadaaga kuwa
dowladda ku soo haray.
Dadka Soomaaliyeed, ee u dhexeeya
xabbadda muqaawamada iyo tan ka sii weyn ee Ethiopianku,
ma haystaan cid ammaankooda sugta.
Khilaafka dowladdu wuxuu ku soo
beegmay, iyada oo Q.M ay sheegtay in dadka Soomaaliya ku
nool barkood aanay haysan raashin ay cunaan, oo ay u
baahan yihiin in la quudiyo.
Ddadkaasi Soomaaliyeed ee
gaajoonaya, dabcan ma heystaan dowlado shisheeye oo
mushaar siiya, waxa jira Boqolaal kun oo Qosy oo ka bara
kacay Dagaalada Muqdisho.
Markaa dadka Soomaaliyeed ee
gaajeysan, baqdintuna u dheer tahay ma fahmi karaan
sababta ay Wasiirradu isu casileen? taasi oo ah wax aad
loola Yaabo Runtii.
Mase ku qanci karaan karaan in
dowladdani, ay ka daacadsan tahay, kana tayo badan tahay
kuwii saddexdii sano ee iyada ka horreeyay, dad badan oo
aan xilal ka hayn Dawlada Federaalka Somaliya ayaa waxay
ka wel wel san yihiin xaalka sii xumaanaya ee ka taagan
gudaha Dawlada Somaliya.
Maxaa ka Xasuusataa
Khilaafkii Cali Maxamed Geedi iyo C/laahi Yuusuf

C/laahi Yuusuf iyo Prof
Cali Maxamed Geeddi
Malays oran karaa Khilaafka haatan
ka Abuuray Gudaha Dawlada Somaliya waxa uu marayaa
wadiid tii hore ee sababtay u ahayd inuu Xilka iska
Casilo Rai"salwasaarihii hore ee Dawlada Somaliya Cali
Maxamed Geedi kaasi oo xilka tiriyay ka dib markii uu
qaboobi wayay Khilaafka u dhexeeya isaga iyo Madaxwaney
C/laahi Yuusuf.
Milicsi:- Bal aan
dib u Yara eegno halka uu ka Bilwaday Khilaafkii Prof
Geedi iyo Mr C/laahi Yuusuf.
Madaxweynaha
dowladda federaalka KMG ah Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo
Ra’’isul Wasaare Geedi ayaa waxay doonayeen in dowladdu
ay fariisin ka kala dhigato magaalooyinka Jowhar iyo
Baydhabo maadaama ay magaalada Muqdisho tahay magaala
aan nabdooneyn, waa sida ay madaxdu soo jeediyeenee.
Sidoo kale C/llaahi Yuusuf iyo Cali Geedi waxaa ay
qabeen in dalka la keeno ciidamo nabadda suga kuwaas oo
aan laga reebeynin dalalka safka la isku yiraahdo ee
Kenya, Ethiopia iyo Djibouti.
Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif
Xasan Sheekh Adan iyo wasiiro awood ku leh magaala
madaxda Soomaaliya ayaa arrintaasi kasoo horjeestay
waxaana ay ku tilmaameen mid aan macquul aheyn oo aan
soconeynin. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ku
tirtirsiiyay xukuumada in ay horkeento mashruucyada ku
saabsan halka loo guurayo iyo ciidamada shisheeye
baarlamaanka hortiisa.
Khilaafku Waxaa uu Kasoo Bilowday Nairobi
Ugu horeyntii waxaa uu khilaafka si
rasmi ah uga dhex qarxay golaha wasiirada oo shirkoodii
inta ay isku fahmi waayeen gaar ahaan cidda xaqqa u leh
in ay shirka golaha wasiirada fariisato tusaale ahaan,
ma ra’iisul wasaaraha, ra’iisul wasaare ku xigeenada iyo
wasiirada kaliya mase intan oo lagu daray wasiiru
dowlayaasha iyo wasiir ku xigeenada. Wasiiro u badan
kuwa Xamar hubka ku haysta ayaa ka horyimid Ra’iisul
Wasaare Geedi, waxaana ay ku andacoodeen in wasiiru
dowlayaasha iyo wasiir ku xigeenada aysan xaq u laheyn
in ay fariistaan shirka golaha wasiirada balse uu
wasiirka koowaad ku adkeystay in ay xaq u leeyihiin in
ay kasoo qeyb galaan shirka golaha wasiirada taasoo
keentay in wasiirada hubeysan isaga baxaan shirkii
golaha wasiirada, Professor Cali Max’ed Geedi-na uu sii
shir guddoomiyay shirkii oo gunaadkiisa lagu sheegay in
lagu ogolaaday ciidamo nabad ilaalin ah oo la keeno
dalka, laakiin siyaasiyiinta hubeysan ee wasiiradana ka
ah dowladda ku tilmaameen go’aankan mid waxba kama
jiraan ah.
Khilaafkii ma uusan sii qaboobin oo
waxaa uu ku fiday baarlamaanka. Kadib isqab-qabsi ku
saabsan xiliga la qabanayo fadhiga baarlamaanka iyo sida
loo dhigayo mashruuca ay xukuumada soo gudbisay ayaa
waxaa lagu guuleystay in uu fadhigii baarlamaanka
qabsoomo. Balse markale ayuu khilaafkii cirka isku
shareeyay kadib markii 17-kii bishii Maarso ee
2005-ta ay dagaalameen mudanayaasha
baarlamaanka ayagoo kala aaminsan labada fikir ee soo
kala horjeeda. Shirka maalintan oo uu shir guddoominayay
guddoomiyaha baarlamaanka, goob joogna uu ka ahaa
ra’iisul wasaaraha ayaa buuq iyo fak fakasho ayadoo lagu
jiro waxaa la jabiyay dhaladii lagu codeyn lahaa,
dabadeed waxaa uu guddoomiyaha baarlamaanku amray in
gacantaag lagu codeeyo. Guddoomiyaha baarlamaanka waxaa
uu watay shaqadiisa waxaana uu ku dhawaaqay natiijadii
codbixinta oo uu sheegay in ay u dhacday sidan:
Fadhiga baarlamaanka waxaa fadhiya |
217 mudane |
Mudanayaasha baarlamaanka ee ogol in la
keeno ciidamo shisheeye oo aysan ku jirin
dalalka safka hore |
156 mudane |
Mudanayaasha baarlamaanka ee ogol in la
keeno ciidamo shisheeyo kuwaasoo ay ku
jiraan dalalka safka hore |
55 mudane |
Mudanayaasha baarlamaanka ee ka aamusay |
6 mudane |
Hadabada markii lagu dhawaaqay
natiijadan ayaa waxaa isku jeestay mudanayaashii
baarlamaanka ee soo kala horjeeday ayaga oo isla dhacay
ulo iyo kuraastii ay ku fadhiyeen. Wasiirka 1aad
Professor Cali Max’ed Geedi ayaa waxba kama jiraan kasoo
qaaday go’aanka uu Shariif-ka ku dhawaaqay, waxaana uu
eedeyn usoo jeediyay guddoomiyaha baarlamaanka oo
xakamayn waayay, waasida sida uu Geedi yiriyee, rabshada
ka dhex jirta baarlamaanka taasoo keentay in mudanayaal
baarlamaan isbitaalka la geeyo.
Maalinta uu dhibkan dhacayay waxaa
sidoo kale ku shirayay hotelka New Stanley ee magaalada
Nairobi wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka IGAD waxaa
ayna u fadhiyeen in ay ka hadlaan arrinta ku saabsan
ciidamada la geynayo Soomaaliya. IGAD waxaa dhabar jab
ku noqotay warka ku saabsan is garaacidda iyo go’aanka
uu ku dhawaaqay Shariif Xasan kaasoo xildhibaanada iyo
wasiirada taageersan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha
u arkayeen mid waxba kama jiraan ah. Soomaaliya oo uu
maalintaas shirka wasiirada arrimaha dibadda u fadhiyay
wasiiru dowlada arrimaha dibadda Ibraahim Jeebe ayaa
waxaa ay IGAD go’aansatay in ay Soomaaliya u dirto 1700
oo askari kuwaasoo ka socda dalalka Uganda iyo Suudaan,
dalalka kalena ee gobolka ay ka taageeraan dhinaca
saadka, taasoo markii dambe muran ay ka keeneen garabka
guddoomiyaha baarlamaanka, ayagoo ku tilmaamay in
arrinta saadka la siyaasadeeyay oo la doonayo in ay si
kale dalalka safka hore kusoo galiyaan.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo aan
isla maalintii ay dhibtaan dhacday aan ka hadlin ayaa
maalintii xigtay u jeediyay golayaasha iskhilaafsan ee
dowladdiisa in ay isu yimaadaan oo ay xaliyaan khilaafka
u dhexeeya, waxaana uu C/llaahi Yuusuf isku dayay in uu
ka dhaadhiciyo Shariif Xasan in uu qabto shir baarlamaan
taasoo Shariifku sheegay in loo baahan yahay in
mudanayaasha baarlamaanka ee markaas ku maqnaa gudaha
dalka in ay kusoo xaroodaan magaalada Nairobi si shirka
loogu wada dhamaado balse taasi waa ay u cuntami weysay
C/llaahi Yuusuf waxaana uu go’aansaday in la qabto
shirka baarlamaanka maalin kadib wadahadalka
guul-dareystay ee Shariifka iyo C/llaahi Yuusuf.
Shirkan oo uu isugu yeeray Madaxweyne
C/llaahi Yuusuf ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiye
ku xigeenka 1aad Professor Max’ed Cumar Dalxa ayadoo uu
Guddoomiyaha baarlamaanku joogay meel aan sidaa uga sii
fogeyn halak uu shirka ka dhacayay. Shirkan ayaa waxaa
lagu sheegay in ay fadhiyeen 152 mudane kuwaasoo 145-tan
mudane ogolaadeen in dowladu u kala guurto Baydhabo iyo
Jowhar inta laga nabadeynayo magaalada Muqdisho halka 7
mudane ay ka aamuseen. Shariif Xasan ayaa markiisa ku
tilmaamay go’aankan waxba kama jiraan maadaama uusan
asaga shir guddoominin.
Arrintan ayaa waxaa ay sii kala
fogeysay golayaasha dowladda, waxaana ay keentay in
mudanayaal iyo wasiiro u huleelaan magaala madaxda
dalka, halka Ra’iisul Wasaare Geedi, Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf, Wasiiro iyo Xildhibaano u baqoolaan magaalada
Jowhar kadib markii xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade
uu sheegay in aysan dowladdu imaan karin Baydhabo oo uu
asaga ka taliyo, kulana taliyay in ay tagto caasimadda.
Khilaafkii Waxaa uu Kusii Weynaaday Dalka Gudahiisa
Khilaafkan u dhexeeya labada garab ee
dowladda ee ay kala hogaaminayaan Cabdullaahi Yuusuf
Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa kusii
weynaaday dalka gudahiisa markii ay wada galeen madaxdii
dowladda isuna jirsadeen wax ka yar 100 Km.
Labada garab waxaa ay isu adeegsadeen
wax kasta oo suurta gal u ah marka laga reebo awood
ciidan, waxaana dagaalkooda u badnaa dhinaca
diblomaasiyada. Sidoo kale waxaa ay isugu jawaabi jireen
dhinaca saxaafadda ayaga oo mararka qaar isu
adeegsanayay erayo keenaya in ay wax sii kala fogeeyaan
ma ogiyee aan waxba isu keenaynin.
Ra’iisul Wasaare Geedi ayaa waxaa uu
dhowr jeer ku hanjabyay in dowladdiisa aysan kusii jiri
doonin wasiiro mucaarad in ay yihiin caalamka u
sheegaya. Wasiirada hubeysan ayaa iyagana tilmaamay in
aanan xil laga qaadi Karin oo ay ku fadhiyaan awood
qeybsi, haddii la isku dayo in xilka laga qaadana ay
dowladdii halkaas ku burburtay.
Wasiirada hubeysan ee xamar jooga
waxaa ay ku hanjabeen in shirka wasiirada arrimaha
dibadda ee IGAD in uusan ka dhici Karin Jowhar, waxayna
IGAD u jeediyeen digniin taasoo keentay in mar loo
baajiyo hanjabaadaas darted, inkastoo markii dambe la
qabtay.
Sidoo kale, wasiirka ganacsiga
dowladda KMG Muuse Suudi ayaa ku hanjabay in dayuuradii
isku dayda in aysan kusoo dagin garoomada Dayniile iyo
Ceel Axmed baalasha ay ku duusha ka arki doonto dhulka.
Hadalkaan ayaa soo baxay kadib markii dowladaha
Soomaaliya iyo Kenya ay soo saareen amar ay ku siinayaan
dayuuradaha in aysan ku dagin garoomada Dayniile iyo
Ceel Axmed.
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha
ayaa waxaa ay ka qeyb galeen shirar dhowr ah oo heer
gobol iyo caalamiba leh waxaa ay ak sheegayeen in
dowladda la taageero waxaana ay beeninayeen in dowladdu
kala qeybsan tahay.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sidoo
kale waxaa uu ka qeyb galayay shirar badan oo heer gobol
iyo heer caalamiba ah waxaana uu adduunka u sheegay in
dowladdu kala qeybsan tahay loona baahan yahay adduunka
in ay ku taageeraan sidii ay isugu imaan lahaayeen.
Saldhigga
Khilaafka Shariif Xasan iyo C/llaahi Yuusuf

Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Somaliya
Dadka indha indheeya siyaasadda
Soomaaliya waxaa ay sheegayaan in labadan mas’uul
khilaafka u dhexeeya uu wejiyo badan leeyahay oo uu ku
jiro xittaa khilaaf shaqsi ah.
Marka ugu horeysa waxaa uu
khilaafkooda labadan mas’uul soo bilowday markii Sharrif
Xasan u tartamayay jagadan uu hadda hayo ee guddoomiyaha
baarlamaanka taasoo uu C/llaahi Yuusuf ahaa shaqsiga
sida weyn ugu ol-oleynayay Sheekh Aadan Madoobe oo
Shariifka la tartamayay. Waxaa la sheegayaa in ay la
aheyd Cabdullaahi Yuusuf wax aan macquul aheyn in
Shariifka ka guuleysto Sheekh Aadan Madoobe. Taasi waxaa
ay keentay in uu mad-madow soo kala dhexgalo Shariifka
oo amrkaas gaaray halkii uu doonayay in uu xil ka qabto
iyo Cabdullaahi Yuusuf markaas doonayay in uu madaxweyne
noqdo.
Intii lagu guda jiray tartankii
madaxweynanimada ayaa Shariif Xasan waxaa uu ahaa
siyaasiyiinta kasoo horjeeda C/llaahi Yuusuf maadaama
Shariifka markiisa si weyn looga soo horjeeday, balse
C/llaahi Yuusuf sidii Shariif oo kale ayuu isna soo
guuleystay. Balse in uu khilaaf ka dhexeeyo waxaa laga
garan karaa marka dib loo milicsado markii uu Shariifka
ku dhawaaqayay cidda ku guuleysatay xilka
madaxweynanimada Soomaaliya oo afkiisa marka hore soo
dafay “Cabdullaahi Axmed Cadow” balse markii dambe yiri
“Cabdullaahi Yuusuf Axmed” taasi waxaa lagu fasiray in
Shariifka uusan niyadda ka rabin C/llaahi Yuusuf.
Labada nin ayaa khilaafkooda waxaa
saameyn ku lahaa Ururka SRRC oo jabhadaha ku bahoobay
aaminsanaayeen in ay yihiin isbahaysiga ugu awooda weyn
siyaasadda Soomaaliya isla markaana ugu badan xubnaha
baarlamaanka, wixii ay doonaanna ka yeeli kara hay’adaha
dowladda. Tani waxay keentay in Shariifka uu dareemo in
uusan helin xurmadii uu istaahilay sida guddoomiya
baarlamaan maadaama uusan wax xiriir ah laheyn
isbahaysiga SRRC.
Sidoo kale, waxaa lagu waramayaa in
Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan uu
kala kulmayay quursi iyo yasmo Madaxweyne Cabdullaahi
Yuusuf Axmed.