YAA KA DAMBEEYA XASUUQA HAWEENKA SOMAALIYEED?
W/Q:MM
Garaad:
E-mail:
garadsom@hotmail.com
Haweenku waxay ka mid yihiin qaybaha loo yaqaano birimagaydada,kadib
markii ay dowladii dhexe ee Somaliya meesha ka baxday horaantii 90'ska
ragguna ay gabeen kaalintoodii ayey Dumarka Soomaaliyed u istaageen
samatabixinta qoysaskooda,iyadoo ilaa iyo hadana(ku dhawaad 20sano)ay
wali garbaha ka raranyihiin.Waxyaabaha ugu badan ee ay reerahooda ka
dabarayeen ayaa waxaa ka mid ahaa:-
ka ganacsiga Qaadka,Shidaaalka,Shaaha,dharka hadba sida ay fursadaha
ukala heli karaan.IWM.Si gaar ah waxay caan ugu ahaayeen sandaqadaha
wadooyinka hereerahooda ku yaala ee ay ganacsigooda ku maarayn jireen
maadaama aanay dhisan karin ama iska bixin karin ijraarka qolol tayo leh
amase anay is keeneen qiimaha waxyaaba ay ka ganacsanayaan iyo ijaarka
qolka oo aad u badan.
Max'ed dheere oo aaminsan in dadka loo talin karo marka ay gaajoodaan
lana xanuujiyo islamarkasna qonsaday in howlaha dumarkani hayaan lagu
taageero waxa uu ugu yeero argagixisada ayaa katarabiilo waawayn ku
ekeeyey howlihii dumarkaaasi ay qosysaskooda u hayeen,isagoo ku
andacoonaya in jidadka iyo nidaamka la hagaajinayo. Intaas ugama sii
harin ee wuxu guri guri u duqeeyey goobihii ay ku noolaayeen hawenkas uu
soo baaba'shay meheradahoodii ee aan helin bedelka goobihii ay ku
ganacsan lahaayeen,sida dhaqanka dowladnimadu yahay,iyadoona lagula
dhaqaaqay falal iskugu jira dilal, jirdil,bililiqo iyo kufsi uu Max'ed
dheere amarkiisa lahaa, taas oo ku qasabtay inay nafta ula baxsadan
duleedka magaalada Muqdisho.
Su'aashu waxay tahay M.dheere dumarkii halkaas ma uga haray?Waxan
Warbaahinta ka maqalnay Max'ed dheere oo u caytamaya si aan mas'uuliyad
lahayn oo leh "hoydaybaan gudneen minaanan Ceelsha biyaha imaanin" xili
uu u jawaabayey wiilal yar-yar oo taleefanka gacanta ka wacay.Wuxuu
sheegay in dadkii uu ka barakiciyey Muqdisho oo 98% ah haween iyo caruur
ay yihiin Argagixiso ayna tahay in talaabo kale oo anay ka so waqsan
laga qaado.Taas bedel keeda lagama hayo maamulkii uu madaxda ka ahaa oo
gurmadka ugu yar ee ah inay bacaha roobabka laga galo ay u geeyaan
dadkaas oo runtii marka laga soo tago dhibaatada M.dheere baday aan
haysan gabaad ay ka galaan marka ay roobabku da'ayaan.
QOOM BALAAYO ABUURAY,
IYAGAY BARKATAAYE,
DULMI BIIRAY MA RAAGEE,
BERYAAN AAD U FOGAYN,
BALAAYADAAD FALKISEEN,
BARTANKIINA KA EEGA...W T:Tabantabo.
Todobaadkii tegay Markii xilka laga qaaday max'ed dheere kumanaan haween
ah oo farxad la ilmeeynayey ayaa dibadbax ay ku taageerayaan xil ka
qaadistiisa ka dhigay inta u dhaxaysa Siinka dheer iyo Af-gooye, midka
mid ah hooyooyinkas oo aad u qiiraysnayd ayaa BBCda u sheegtay inay
neecaaw dareemayaan hadii barakiciyihii uu EEBE ka hor
wareejiyey,waxayna dhanka kale sheegtay in ay jeclaan lahayd inaan
intaas looga harine ay mar uun dhaayaha ka qaado M.dheere iyo
Saaxiibadiisa gummaadka oo cadaaladda la hor geeyo. Fulay xantiis ma
mooga bay Somalidu ku mahmaahdaa, xantu waxay sheegee in M.dheere
waraysigaas aad uga carooday uuna ku gooodiyey inuu aarsan doono.
Haweenkii 3da bishan la xasuuqay oo ah ku dhowaad 100 iskugu jira
dhimasho iyo dhaawac, waa isla kuwii ku barakacay duleedka Muqdisho oo
intay caruurihii ka soo tagteen islahaa armaad nolol maalmeedka soo
heshaan.Waa isla kuwii la bililiqaystay wixii ay hanti haysteen,waa isla
kuwii jirdilka,dilka,bililiqada iyo kufsiga(slight genocide)lagu
hayey.Hawenkani waa marag ma doonto inaysan Umadda Soomaaliyed aanay
cadaw u ahayn ee ay leeyihiin hal cadaw kaliya oo ah kan gabood faladaas
oo dhan u gaystay.
M.dheere ayaa Isbitaalka Madiina yimid isagoo u tacsiyeynaya dumarka la
xasuuqay waxay i soo xasuusinaysaa Sheeko sanado ka hor ka dhacday
Muqdisho:Mid ka mid ah
ganacsatada Soomaalida ayaa qolo ay ka dhaxaysay aano qabiil Masaajid
ugu soo galeen,waxaa sheekada lagu hayaa in ragga mesionka fulinayey ay
ahaayeen 3dex nin oo iska dhig-dhigaya inay Masjidka ku
cibaadaysanayaan.
Ninka la bartilmaameedsanayey markaas salaad taraawiix ah ayuu ku jiray
3dexdii nin waxay sameeyeen, mid Layrkii masaajidka ayuu denshay,midna
xabbadii ayuu ku dhuftay kii kalena afka ayuu labadii
yeershay"Inaalilaah,subaaxaanalah,ma masaajidkiibaa la'iskugu soo
galay,waliba nin soomanaa,salaad ku jiray illaahay meesha logu dhowyahay
oo ah sujuuda marayeyey,waawaray adduunyooy xaalkaa ba' IWM." Raggii
falka gaystay waxaa la tuhunsanyahay inay wadaadadii kale ku ooyin
darsadeen.
Bal u fiirso Hawenkas waxay barakacsanaayeen ku dhawaad 2sano in
dhibkooda uu ka sii shaqeeyo mooyane wali lagama hayo ereyo xitaa uu
dhibka kula qaybsanayo, xataa waxaa la xasuustaa in M.dheere uu is
hortaag ku sameeyay sahay haweenkaas la gaarsiinayay oo u badnaa biyo
caadi ah isagoo u dhaartay Cali maxamed siyaad (Cali dheere) Gudoomiyaha
ganacsatada suuqa bakaaraha oo xiligaas gurmadka hormuud u ahaa. Maxay
tahay sababta Max'ed dhere gaysay Isbitaalka Madaniina?Waliba si deg-deg
ah waxyar kadib markii falku dhacay...Ma kula tahay in marka uu falku
dhacayay uu sheeda ka eegayey ayna tahay qorshe lagu sii talagalay oo
muujinaysa in uu ka dhabaynayo Aargoosigii laga soo sheegayey? Caqliga
saliimka ahi ma ogolaanayo in nin gurmad horistaagay uu dad u gurmanayo.
Marka la soo qaato war saxaafadeedkii Odoyaasha beesha muqdisho,lagu
daro xogag laga aruurshay qaybaha kala gedisan ee bulshada,lagu biiriyo
danbiga ay galeen haweenkaas ee ah inay doonayaan in M.dheere Maxkamada
la soo taago, lagu soo gunaanado dhaqanka M.dheere ee ah in aanu cafin
ciddii uu u arko inay eed ka gashay Caruur iyo haweenba ha
ahaadeene,waxay xaajadu u egtahay ninkii dhuumanaayee dhabarkiisu
muuqdoow waa dharaar lagu dhowraye ogow.Aan ku soo afjaro tix ka mid ah
Gabay uu mariyey Abwaan Cismaan Guure
Ma-wada baabaynoo, baaqi baa hari doona,
Intii naga badbaadana, berri way xisaabtami,
Haddii malyan meydo, maalyiinna dhamaato,
Madiidin shisheeya na maamuli maayo,
Toban kunna ha dhimatee, taangiga Amxaarada,
In nalooku taliyaa, waa habeenki xalay tegey
Bulsha diidan gumeysi, xorriyad madaxbannaaniyo,
Beegsaneysa xaqooda, BM lagu garaaciyo,
Kumanyaal la bireeyey, uga beyrimaayaan.
W/Q:MM Garaad: E-mail:
garadsom@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkanwaxaa leh qoraaga ku saxiixan