“Ma Sidii xoolihii lagu sheegey Rifti Faali oo kale miyaa dalagii
Beeruhuna loo xanibayaa” sidaas waxaa yiri ganacsade Soomaaliyeed.
3-dii Juun 2008-da Caasimada dalka Talyaaniga ee Room waxaa shir caalami
ah oo socdey laba maalmood isugu yimid Xog-hayaha Guud ee Qaramada
midoobey Baki-moon, boqolaal Madaxweyne, Boqoro, Madaxda hay’adaha
caalamiga iyo kuwa Goboleedka, oo ujeedadiisu ahayd Falanqeynta
dhibaatada cuno yarida ee soo waajahdey Dunida iyo sida looga bixikaro,
waxaana barbar socday baahida ay qabaan dalallka uu saameeyey sicir
bararka iyo deeq bixiyayaasha caalamka oo looga fadhiyey in ay wax ka
qabtaan arinkaas, Kadib falanqeyn dheer waxay madaxdu go’aansatey in
loogu deeqo dowladaha sicir bararku uu saameeyey Kaalmo lacageed,
waxaana goobtaas lagu gudoonsiiyey dowlado badan oo sicir bararku uu
saameeyey.
Dowlada ugu yar ee deeqdaas la siiyey ayaa waxay ahayd Dowlada Jabuuti,
waxayna ka heshey lacag gaareysa $5000,000, Soomaaliya oo ka mid ah
Dowladaha uu saameeyey sicir bararka iyo dagaalada sokeeye oo in mudo ah
ay ku jirtey iyo dhibaatada ay u geysteen Ciidamadii Ethobia ee soo
galey dalka 2006-kii ma jirin cid uga qaybgashey shirkaas.
Hadaba maxaay tahay waxa Soomaaliya ka reebey in ay hesho deeqdaasi, waa
su,aal taagan ka jawaabisteeda??!!.
Deeqdan la siiyey dowladaha ay saameeyeen sicir bararku, waxaa loogu
talagaley in lagu hormariyo Bulshada taagta yare ee dowladaha uu sicir
bararku saameeyey iyo Beeraleyda yar yar, waxaana si gaar ah loogu
dhiirigeliyey si loo daboolo baahida wadamada Beeraleyda yar yar ay ku
badan yihiin.
Mas’uuliyiinta DFKMG fagaarayaasha laga doonayo wey ka maqan tahay,
cabsida weyn ee ku wajahan 10-ka sano soo socota ee dowladaha saboolka
ah, islamarkaana ay saameeyey sicir bararku, iyadoo shirkanina ay ka
qeybgaley Madaxweyneyaal fara badan oo dunida qaybaheeda kala duwan ka
kala yimd, waxayna isku raaceen, ayey garan waayeen Mas’uuliyiinta DFKMG
iney xayiraada ka qaado Beeraleydii yar yareyd ee Soomaaliya, Sidii
dalka iyo dibada, wax soo saarkooda u gaarsiin lahaayeen, zqxeynq
xqyirqqd ku soo rogtey in la dhoofiyo dalagyadii Beeraha Soomaaliya ka
soo go’a, taariikhdu marka ay ahayd 22/04/2008. waxaana is weydiin
mudan, maxaa loo joojiyey dalagyadii kala duwanaa ee ka soo baxay dalka,
sida ku cad wareegtadan, wasiirka maaliyada DFKMG uu soo saarey Md,
Maxamed Cali Xaamud, yaase ka dambeeya in la joojiyo dalagaas Beeraha
Soomaaliya??!!.
Xog-hayaha Guud ee Qaramada midoobey Ban Ki-moon oo gunaanadkii shirka
shir jaraa’id ku qabtey Caasimada dalka Talyaaniga ayaa waxaa uu
shirkiisa jaraa’id ku sheegey sida loo qiimayn lahaa sida ay hay'adaha
gaarka loo leeyahay u kobcin lahaayeen waxsoraarka dalalkood gaar ahaan
beeraha si dalalkooda aan qiime sare loo saari lahayd saboolka. Waxan
auu ku baaqay in boqolkiiba 50% la kordhiyo soo saarka cuntada marka la
gaaro sannadka 2030, si adduunkuu maareeyo kororka tirada dadka aduunka.
Sarkaal ka tirsan kaydinta miraha la beerto ayaa sheegay in la kordhiyey
miraha adkaysig au leh cayayaanka. Sida aan ka soo xiganey webka FAO ay
ku leedahay internetka.
Mid ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed oo ka beec mush-tara dalagyada
beeraha dalka Soomaaliya oo aan wax ka weydiiyey arinkan ayaa wuxuu ku
jawaabey “waxaa ka dambeeya NGO,s-yada wadaniga iyo Hay,adaha Caalamiga
oo iskaashadey ayaa ka dabeeya, iyagaana qayb weyn ku leh, sababtoo ah
Hay’adahaasi waxay Deeqo kala duwan uga soo aruursadaan dawladaha
dunida, kuwa wadaniguna waxay ku leeyihiin sheer aad u badan , waxayna
mar walba ka codsadaan mucaawinooyin tiro badan , oo aan la garaneyn
qaabka loo maareeyo, marka ay soo garaan dalka” ayuu yiri ganacsadahaan
oo codsadey inaan la xuso magaciisa.
Ganacsadahaan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku darey “Wax soo saarka
dadka Beeraleyda Soomaaliyeed hadii uu bato waxaa yaraanaya, kaalmada
Bani’aadaninimo ee soo gaarta Hay,adahaasi, si aysan u dhicin ayaa waxay
Mas’uuliyiinta DFKMG ka codsadeen, in la xayiro dhoofinta dalagyada ka
soo go’a Beeraha Soomaaliya, waxaana soo gudboonaatay Beeraleydii
Soomaaliyeed ee noloshooda ay ku tiirsaneyd tabaca Beeraha, in ay
dareemaan hoos u dhac dhaqaale, islamarkaana uu saameysey xayiraadaas,
Gobolada saameynta ugu daran ay ka soo gaartey waxaa ka mid ah nawaaxiga
dadka ku nool Wabiyada Soomaaliya, sida Gobolka Sh/hoose,sh/ Dhexe ,
labada Jubo, Baay, Bakool , Gedo iyo Hiiraan, dhamaan Goboladaasi waxay
leeyihiin dhul Beereed iyo daaqsin ku filan, waxaana mara Goboladaasi
inta badan Wabiyada dalka, halkii looga raadin lahaa Kaalmo oo la siin
lahaa qalab ayaa la hor istaagey, ma sidii xoolihii lagu sheegey Rifti
Faali oo kale miyaa dalagii Beeruhuna loo xanibayaa” ayuu yiri
Ganacsadahaan.
Wuxuu keloo ganacsadahaan keeney su’aalo dhinaca sharciga ah wuxuuna
yiri “qodobka ay Xukuumadu u cuskatey xayiraada dalaga beeraha, ma
qabataa in sidii dhuxushii lagu soo rogo diidmo aan la aqoon halka ay ku
socoto iyo faa ,iidada ay keeneyso, Baarlamaankuse malaga Ansixiyey
Qodobkaan, xukuumaduse dib ma u eegtey qodobkaan, caalamkuse maka jiraa
qodob noocaan oo kale, in dalaga dalalkooda aan la dhoofiyo, hadii taasi
ay mamnuuc noqotey, Bariiska laga keeno Tayland ayaa mamnuuc noqon
lahaa, Hadii uusan dhoofinta Bariiskaas mamnuuc ahayn, Beeraleydeena
maxaa loogu bedeley qodobkaas, mise mucaawino ku nool baa lala doonayaa
Beeraleyda Soomaaliyeed, tani waxay dhilineysaa halaag weyn oo aan laga
fiirsan” ayuu hadalkiisa ku soo koobeyGanacsadahaan.
Beeraleyda Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin in aduunku u soo gurmado
lagana qaado cunaqabateynta lagu soo rogey, iyadoo la cuskanayo shirkii
FAO ee lagu qabtey magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga 03/06/2008, uuna
soo gebageboobey 5/06/2008-da.
Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com