SIDEE BUU KUSOO ISLAAMAY FEERYAHANKII MAXE'D CALI KALAAY
Intuusan soo islaaamin Max'ed kahor, waxa uu jeclaa in loogu yeero ninka
dunida ugu weyn (AL-acdam), oraahdaas iyo hadalo kaloo aaad u adag, ayuu
ka hor oran jiray taageerayaashiisa feerka marka uu garoomada soo galo,
max'ed oo caan ku,ahaa ciyaarta Feerka ee taageerayaasha badan leh, ayaa
ahaa sanadihii lixdamaadkii feeryahanka dunida ugu laacibsan, qarnigii
tagayna ugu wacdarada badnaaa.
Max'ed cali kalaay oo magiciisii hore ahaa, Kaasiiyoows maarisloos
kalaay ayaa kudhashay magaalada caanka ku ah cunsuriyada iyo digaaaga
quruxda badan ee Koontaki, kuna taal cariga maraykanka, isla iyadaas
cunsuriyada badan ayuu ku koray, isagoo ay caruurta reer kontaki
dhibaato badan kuhayeen midabkiisa madow daraadii, taasi ayaa lagayaabaa
inay sabab u ahayd inuu feerka siwacan ubarto,inkastoo uu ilaahay hibbo
usiiyey xubno waa weyn iyo jir dhisan. markii ay da'diisu ahayd 20jir,
ayuu kaqayb galay ciyaarihii olompikada ee 1960kii lagu qabtay
ROMA,ciyaarahaas oo uu max'ed wacdaro kadhigay kadib markuu Rikoodhkii
kala wareegay Sooni Liistoon, oo isna inkaar kuqabay feerka, Maxe'd
waayadaas ayey dunida baratay oo taageero lagarab istaagtay,
dhalinyaradii waayadaas ayaa aad ujeclayd kalaay, markuu soo istaago
kaabada wareegsan ee loogu talagalay feerka, markuu lagdo ciyaaryahanka
kale ee uu lacayaarayo ayuu intuu murquhiisa kor uqaado isagoo tusaya
dadka tarbuunka saaran ayuu oran jiray, ANIGAA dunida ugu weyn,
markaasay taageerayaashiina sawaxan isladhexqaadi jireeen. Sheekadaas
masii socon,maalin danbe oo uu ciyaar kulahaa garoonka ugu weyn feerka
ayaa la,isku soo baxay,ciyaartu waxay udhaxeysaa Kalaay iyo laacibkaloo
mucjisa ah, dadkii baa isweydiinaya talow yaa badin doona maaanta,
ciyaartiibaa fooda la,isdaray,la,is lagday, marba kor la,isku qaad
qaaday oo xarigii kuwareegsanaaa garoonka la,iskasoolaadlaadiyey, ugu
danbeyntii max'ed ayey guushii halkaas kuraacday, waakan hee tarbuunkii
camirnaaa,taageerayaashiisii oo kasugaya sidiisii caadada ahayd inuu
murqihii lasoo baxo oo yiraahdo ANIGAA DUNIDA UGU WEYN candhuuftoodiibay
dib uliqeen, ilayn sheekadu sidii barisamaadkii maahane, max'ed ayaa
oraah kale kubadalay tii hore ee lagu yaqiin, waxa uu garoonkii
dhexdiisa ka aqriyey Ashahaadada islaaamlka, taasoo loo fahmay nacay
diintiinii oo islaamkaasaan kuqancay waana islaamay, garoonkibaa halmar
shib islayiri, afkiibaa juuqda gabay oo waxaaba lamoodaayey in tarbuunka
ay cidba saarnayn ama aysan meeshuba ciyaari kadhicin, HADABA SIDAY
KUDHACDAY INUU KALAAY SIDAN SAHLAN U ISLAAMO?? kalaay oo su,aashaas uu
waydiiyey joornaalka Alfaysal waxa uu kujawaabay
( Waxay qaadatay sanado badan sidii aan ku ogaan lahaaa mida saxda ah
islaamka iyo kirishtaanka, waxaan ogaaday in baadilkii iyo wasakhdii
kaniisadaha aan kujiray inay ahayd wax naftayda ay kuqanci wayday,
islaamka ayaa ah diinta saxda ah ee lagu qanci karo,waa diin aan ogolayn
kalasoocida dadka, qofka ugu wanaagsana waa kan ilaahay kacabsada oo
kuxiran, arintaasna waxaa ii sahlay sxb wanaagsan oo muslim ah,sxbkey
had iyo goor wuxuu iikaxayn jiray goobaha islaamka sida masaajida iyo
xarumaha muslimka, si,aan qudbado islaam ah usoo dhagaysto, halkaas
ayuuna kabilowday safarkaygii nuurka iyo islaaamka, kadibna waxa ii
xigay akhris badan oo aan kusameeyey diinta islaamka iyo sida muslimku
udhaqmo), Kalaay islaam, oo kabax jahwareerkii iyo degenaan la,aaantii
gaalnimada, intuusan islaamin kahorna waxa uu baadi goobi jiray labada
shey ay dunida oo dhanba raadiso waa lacagta iyo caanimo,e, balse
lacagtaas iyo shuhradaaas way kadaaweyn waayeen qalbi jabkii max'ed
nolosha kahaystay, ilayn nolol aan iimaan haysan maraaxaysan karteee,
kadibna waxa uu iskubadalay Daaci weyn oo islaamka faafiyey, Ameerikana
aad loogabartay, dhowr jeerna waxa uu booqday gurigii ilaahay ee
kacbada, Kalaay ayaa hada ah aabe leh dhowr caruur ah, caruurtiisana
wuxuu ulabaxay magacyada islaamka, waxaana kamid ah Maryama, Rashiida,
hanaa, Jamiila iyo kuwa kale, waxay ilatahay inaaan uwada ducayno
geesigan labareeray islaaamnimadiisa
XUSEEN AADAN KANEEC
blacksahafi@hotmail.com