Ismaaciil Buuba oo Muqdisho Jooga.?
Ismaaciil Hurre Buuba oo hore u ahaan jiray Wasiirka Arrimaha Dibeda ee
Dawlada Federalk Somaliya, ayaa maanta booqasho aan hore loo shaacin ku yimid
magaalada Muqdisho, isagoo kasoo anbaba baxay wadanka Sucuudiga gaar ahaan
magaalada Jidda.
Ismaaciil Hurre Buuba markii laga tuuray kursiga ninkii badalay booskiisa wuxuu
ahaa Pr. Geedi, halka Pr. Geedi isagana laga tuuray oo uu maanta hayo jagadaas
Nuur Cadde.
Xildhibaan Ismaaciil Hurre Buuba oo xidhiidh fiican la leh Dawlada Itoobiya,
ayaa warar hoosaad sheegayaan in ay Saraakiisha Itoobiya ee ku kala sugan
Muqdisho iyo Addis Abab ay u yeedheen si uu xilalkan lamagacaabyo ee
Wasiirnimada ah xil ka qabto.
Waxaa la shaaciyay in uu doonayo in uu qabto xilkii uu hore u hayn jiray oo ahaa
Wasiirka Arrimaha Dibeda, balse haatan imika jagadaas uu ku fadhiyo Cali
Jangali, oo sheegay in laga been abuurtay xilkaasna aanu ka tagin, wax e-mail
ahna oo uu isku casilayna aanu soo dirin.
Ismaaciil Buuba wuxuu rajo wayn ka qaba sidii uu uga dhex muuqan lahaa shirka
lagu qaban doono Sucuudiga gaar ahaan Maka-Al-Mukarama, oo ay ku hishiin doonaan
Mucaaradka iyo Dawlada Federalka.
Ismaacil Buuba ayaan la garan karayn garabka uu la safan doono, iyo jagada uu ka
qaban doono Xukuumada Nuur Cadde, inkasta oo ay banaan yihiin jagooyin muhiim
ah, oo aan wali lamagacaabin.
Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | August 5, 2008
|