Faallo:
KHILAAFKA Cabdullaahi Yuusuf
IYO Nuur Cadde
Labadan oday ee hoggaanka u haya
dowladda KMG ah ee Soomaaliya
dhinacyada madaxtooyada iyo
xukuumadda waxay isaga mid
yihiin: ciidan ahaan iyo
darajada Korneyl, waxayse ku
kala duwan yihiin wixii intaas
ka soo haray guud ahaan, waxaase
la hubin karin da’da oo marna
nin la sheego inuu sanado weyn
yahay.
C/llaahi Yuusuf markii ay is
qabteen Ra’iisal wasaarihii hore
ee Cali Maxamed Geedi waa ku
guuldareystay inuu uga takhaluso
gudaha xukuumadda iyo
Baarlamaanka isagoo adeegsanayay
wasiiro isaga ka shidaal qaata
ama kula bahoobay fulinta danaha
madaxtooyada iyo xildhibaanno la
mida:
Dib u xusuuso: wasiiradii
ku shiri jiray guriga Jangeli
ee magaalada Baydhaba.
Ha
iloobin: Doodii Baarlamaanka ee
la xisaabtanka xukuumadda (is
mari waagii qodobadii 41 iyo 42
axdiga KMG ah).
Dib u jaleec: Kutladii
ay dhiseen diidanayaashii
C/llaahi Yuusuf ee xildhibaanada
Baarlamaanka oo ay kadhex
muuqdeen C/llaahi Sheekh
Ismaaciil, Qanyare, Muuse Suudi,
Maxamed Cabdi Xayir iyo xubno
kaloo fara badan.
Ogsoonow: Loolankii
guddoomiyenimada Baarlamaanka
ee dhex maray C/llaahi Yuusuf oo
watay Sheekh Adan Madobe iyo
Cali Geedi oo taageersanaa
Saalim Caliyow, markii la
doortay Sheekh Aadan si cad ayuu
C/llaahi u qirtay arrintan…
Xaaladu markii ay fiinaal
gaartay waa tii ay soo
faragelisay Itoobiya oo xaaladda
lagu soo dhameeyay Adis ababa
iyadoo uu Mareykanka garwardeen
ka ahaa heshiiska Cali Geedi
xilka looga qaaday C/llaahi
Yuusuf-na ciriiriga looga
qaaday.
Intaas oo dhan markii la isku
soo xooriyo waxaa cad inuusan
C/llaahi Yuusuf maalin qura ku
kaaftoomin jagadiisa iyo
xadkeeda uu sharcigu siinayo,
wuxuuna ku milan yahay hay’ad
waliba oo TFG-da ka mida,
Wakaalad, Wasaarad, Xukuumad iyo
Baarlamaan intaba.
Nuur Xasan Xuseen markii uu
aqbalay
xilka Ra’iisal wasaarenimo ee
loo magacaabay
22-ka November, 2007 dad badan
oo aqoon u alahaa ayaa la
yaabay oo waxay u heysteen
inuusan xilligan goobtaas qasan
ee haaraanka ah aanu isku
ceebeyn doonin, laakiin si
kastoo ay ku dhacdo jagadii
Ra’iisal wasaarenimo ayuu qabtay
halka dad kale ay saadaalinayeen
inuu wax ka qaban doono xaaladda
cakiran ee dalku marayo waxna ka
bedeli doono is mari waagii iyo
qalafsanaantii dowladda TFG-da.
Nuur Cadde taariikhdiisii
wanaagsaneyd iyo shaqsiyadiisa
waxay ku dhex dhacday shabaqii
C/llaahi Yuusuf, waxaana laga
wada naxay qaabkii uu u dhisay
xukuumadiisii ugu horeysay
oo xildhibaannadii ka horjeeday
C/llaahi Yuusuf ay sheegeen inay
ka dhex muuqato fartii Odayga,
taasina waxay keentay in laga
hor yimaado dal iyo dibadba
wasiirada cusub oo 99% ahaa
kuwii Cali Geedi ee raacsanaa
C/llaahi Yuusuf.
Nuur Cadde ma rumeysan
khiyaamada iyo sharafdhaca ay
tallaabadaasi ku keentay illaa
uu safar ugu anbabaxay Yurub
kana qeyb galay shirar ka dhacay
Nairobi iyo Madrid, kadib wuxuu
ku qabsanaaday inuu xukuumadii
uu soo qoray C/llaahi Yuusuf
iska laallo soona dhiso
xukuumad cusub
oo qaab la aqbali karo leh
micnaha tiro yar qeyb ka mid
ahna bannaanka laga qaato.
Qadarta Alle waxay keentay in
waqtigii xukuumadda labaad ee
Nuur Cadde oo Baarlamaanku
ansixiyay lana magacaabayay ama
la dhaarinayay C/llaahi Yuusuf
uu soo wajaho xunuun darran oo
qabow feeraha uga dhacay lagu
sheegay una socdaaalo arrimo
caafimaad oo ka bilowday Nairobi
ilaa London markii dambe uu ku
dambeeyay wararkii ugu xumaa ee
xaaladiisa laga sheegayna ay
ahaayeen inuu aad u liito,
wallow uu qaarkood beeniyay
isagoo aan bogsoon isbitaalkii
uu kaga jiray magaalada Nairobi.
Xukuumadda la ansixiyay waxaa
si buuxda uga dhex muuqday yaan
wada ahaanine xubno uu keensaday
C/llaahi oo ilaa toban xubnood
lagu sheegi karo wayna u caddeyn
qofkii xaaladda la socday mar ay
ahaataba inay dhinaciisa ka soo
jeesan doonaan.
Is barashadii
wada-shaqeyneed ee NUUr iyo
C/llaahi
Labada oday ninkii odorassa
dabeecadahooda wuu garan karaa
akhriska koowaadba inay kala
maan iyo kaaf iyo kala dheeri
yihiin oo sinna maamul isula
keeni Karin, laakiin
waaya-aragnimada dhacday ayaa
caddeyn inoogu filane bal aan
dib u jaleecno.
DAGAALKA LABADA ODAY EE
KHADKA WARFAARINTA:
Nuur Cadde wuxuu codkiisa
siyaasadeed ku bilaabay:
siyaasad waayeelnimo isagoo ku
dhawaaqay inuu Dib u
heshiisiinta siinayo muhiimadda
koowaad isla markaana la kulmayo
cid waliba oo mucaarad ah,
taasina waxay keentay inuu ka
hor yimaado odaygii kale ee
C/llaahi ahaa xitaa isagoo aan
ka soo bixin isbitaalkii uu
London ku jiray ayuu VOA ka
sheegay inaysan dowladu la
kulmeyn wax uu ugu yeeray
kooxaha Alqaacida ku xiran,
siina daba dhigay caddeyn ah in
isaga iyo Nuur Cadde khilaaf u
dhaxeeyo oo aanay xitaa iska war
heynin
(Dhageyso).
Dagaalkii labada oday ee
dib u heshiisiinta:
Kala aragti duwanaanshaha labada
oday ee dhinaca dib u
heshiisiinta waxay timid
Muqdisho waxayna noqotay
arrintii ugu horeysay ee labada
oday isku qabsadeen ayna isku
mari waayeen, khilaafkani wuxuu
socday muddo bil ka badan,
waxaana markii dambe waanwaan ka
galay Guddoomiyaha Baarlamaanka
Sheekh Aadan Madoobe oo Muqdisho
arrintaasi u yimid, laakiin
isaguna kuma guuleysan ee waxaa
lagu soo afjaray waanwaan uu ka
dhex sameeyay labada oday
wasiirka arrimaha dibadda
Itoobiya Seyoum Mesfin oo
Baydhaba saddexdooda kula kulmay
horaantii April 2008, maalintii
xigtayna waxay wada tageen
Baarlamaanka oo madaxweynuhu u
sheegay inuusan jirin wax
khilaaf ah oo u dhaxeeya isaga
iyo Nuur Cadde arrinta oo
dhamina ay ahayd dayaacad la
fidiyay..!!.
Runtu waxay ahayd in Itoobiya
ay fursad siiyay dadaalka Nuur
Cadde, Oday C/llaahi Yuusuf-na
kula talisay (amartay) inuu
faraha ka qaado qorshaha Nuur
Cadde haddiiba uu wax ka keeni
karo, maadaama Marekaynka iyo
Yurub ku taageereen shirkii
xasaradah aAfrika ka dhacay Adis
ababa.
DAGAALKII SUUQA BAKAARAHA
Weerarkii kooxaha ka horjeeda
dowladda KMG ah iyo Itoobiyaanka
ku qaadeen Isgoysyada Howlwadaag
iyo Aadan Cadde wuxuu naf soo
geliyay madaxweynaha iyo
la-taliyeyaashiisa wuxuuna
keenay culeys kale oo dul fuula
Nuur Cadde, “Nuurow waa kuwaase
dib u heshiisiinta aad sheegeyso
maantaba ka keen!!!” waxay
ahaayeen ereyo madaxweynuhu ku
yiri Ra’iisal wasaarihiisa aan
dhanna u fiyoobeyn, xilli
ciidamadii dowladda iyagoo
cararaya isku shubeen
madaxtooyada iyo agagaarkeeda
loona qeylo dhaan dirayay
ciidamada Itoobiyaanka.
Bililiqadii Suuqa Bakaaraha
bartamihii April 2008 iyo lama
aragtii halkaas ka dhacday waxay
doc wareen Nuur Cadde ku dhacay,
wuxuuse uga dabaashay qaab aan
la fileynwuxuu adeegsaday
hadallo wanaagsan iyo qirsho
boobka ciidamadii dowladiisa ku
dhaqaaqeen kaasoo Asbiriin aan
tayo badneyn u noqday madax
xanuunkii weynaa ee laga wada
qaaday falkii ciidamada
dowladeed ee isu bedelay
burcadda ku kaceen.
Caqabadihii Nuur Cadde la
hor dhigay
Howlgallada ciidamada waxay
ahaayeen kuwo u socda qaab aanay
xukuumadda inteeda badan war ka
heynin ama barbar socda oo ka
horjeeda qorshaheeda, ilaa
markii taliyeyaasha ciidamada la
hor keenay Golaha wasiirada oo
la weydiiyay cidda ku amartay
inay howlgal qaadaan ay
magacaabeen saraakiil ka tirsan
madaxtooyada (Qaar ka mida ay
qalabka ka qaateen ciidamada
waxaa si toos ula hadlay oo
amarka siinayay afhayeenka
madaxtooyada).
Wasiiradii C/llaahi keensaday
kuwooda ugu horeeya waxaa ka
mida:
Prof. Saalim Caliyow Ibrow:
Xiriirkoodu wuxuu ka abuurmay
isbaheysi ay ka yeesheen
ridistii Cali Geedi oo salka ku
heysay deeqdii Sacuudiga (32
Milyan oo doolar), Saalim oo
kusime u ahaa Cali Geedi wuxuu
C/llaahi kula heshiiyay inuu
lacagta u maamulo sida Duqa
rabo, isagana uu siiyo balanqaad
ah inuu xukuumad kasta ku soo
daro, waxna aan loo raacan.
Sida ka muuqata warbixinta
fadeexadda ee iminka lagu
eedeeyay xukuumadda Nuur Cadde
ayna soo saareen Guddiga
Baarlamaanka waxaa inteeda badan
leh Saalim Caliyow Ibrow.
Cali Jaamac Jangeli:
Waxaa lagu tilmaamaa gacantii
C/llaahi Yuusuf ee xukuumada,
mana jirto xukuummad uu ka
maqnaa TFG-da intii ay jirtay,
waa ninka 4.5-ka Harti uu wasiir
ahaanta ugu xulay C/llaahi
Yuusuf. Waana ninkii lahaa
abaabulka wasiiradii lagu
kiciyay Cali Geedi markii
loolanka kala dhaxeeyay C/llaahi
Yuusuf.
Ceydiid C/llaahi Ilka-xanaf:
Waa oday Ra’iisal wasaare ku
xigeen looga dhigay Nuur Cadde,
laakiin wuxuu C/llaahi Yuusuf ku
bedelay C/llaahi Sheekh
Ismaaciil jagadaas u hayay muddo
dheer Beesha Direed, sababta
sidaasi loo yeelayna waxay ahayd
ciqaab loo marinayo taageeradii
uu siiyay Cali geedi loolankii
kala dhaxeeyay odayga. Waxaa
jira wasiiro kale oo dhowr ah
kuwaasoo la mida saddexdan aan
sare ku soo xusnay balse aan ku
darajo ahayn.
Dhaxalka Qabqableyaasha
Xubnaha xukuumadii Cali Geedi ay
tiin ahaanta uga tagtay C/llaahi
Yuusuf-na sida soke ugu xiran
ama marka uu doono u adeegsado
jookar ciyaareed waxaa ugu
waaweynaa: Maxamed Dheere iyo
Cabdi Qeybdiid, iyaguna waxaa la
hadal hayay in laga bilaabi
doono dib u habeynta dowladda
KMG ah ee Nuur Cadde oo xilalka
laga qaadi doono, waxayna
qaadatay muddo dheer taasoo ay
sabab u ahayd kala taagga iyo is
jiidka hoose ee u dhaxeeyay
labada Oday ee C/llaahi iyo
Nuur.
HESHIISKII JABUUTI
Intaas oo caqabado ah iyadoo ay
jiraan ayay la yaab ahayd inuu
isaga sii socdo dib u
heshiisiinta ilaa uu ka jibo
keenay shirkii Jabuuti oo
heshiis hordhac ah uu la galay
Isbaheysigii Dib u xoreynta ee
Asmara, tallaabadaasi waxay
ahayd mid ku filan in Nuur Cadde
lagu bogaadiyo, horumarna lagu
tilmaamo, iyadoo laga eegayo
halkii y TFG-da joogtay iyo sida
uu waaqacnimada ugu soo
dhoweeyay. Laakiin tacbanayaasha
oday C/llaahi waxay ilaa
maalintaasi wadeen diidmo iyo
dayaacad heshiiska ku saabsan
ama eedeyn dhinac kaliya ah.
Labada oday iyo xaaladda
maanta
C/llaahi Yuusuf iyo Nuur Xasan
waxay marayaan meeshii ugu
danbeysay iyo wejigii saddexaad
ee wadajirkooda, waxayna 7
bilood kadib oo ay isku
qabsanaayeen hadda ku kala
jiraan go’doon siyaasadeed iyo
kala guur aan dawo lahayn,
rajadiisuna xun tahay.
Xil ka qaadistii Maxamed Dheere
ma ahayn wax ka badan fursad uu
C/llaahi baadi goobayay si uu
Nuur Cadde ugu qaadqaado,
wasiirada is casilay iyaguna ma
ahayn wax ka badan riwaayadii
Oday C/llaahi dhigi jiray marka
uu arko inuusan rabitaankiisa ka
soconeynin ninka xukuumadda hor
kacaya, haddaba mar haddii aanay
tallaabooyinkaasi nagu cusbeyn
oo dhaqankii odayga ku cad
yihiin waxay arrinta la wada
sugayo tahay sida uu wax yeeli
doono Oday Nuur Cadde oo markii
horeba khalad aanu sixi karin
iyo gole karaahiyeed rajo ka soo
doonay isaga iyo inta la fikirka
ah ee xukuumadiisa ku jirta.
NUUR CADDE MAXAA LA
GUDBOON?
Dariiqa uu ku socdo Ra’iisal
wasaaraha wuxuu u muuqdaa mid uu
goostay inuu ku wajaho
madaxweynihiisa magacaabay,
wuxuuna ku dhaqaaqay
tallaabooyin fal celin ah oo uu
ku furay herdan toos ah oo uu la
gelayo madaxtooyada, inta ku
taageersan Nuur
tallaabooyinkiisa dibad iyo
gudaha lama wada oga…, inta uu
isku haleynayo marka ay timaado
xaajadu Baarlamaanka ADC fadhiya
oo ah kala saaraha ugu
danbeeyana ma cadda, laakiin ugu
yaraan waxaa la saadaalin karaa
inuusan ahayn nin wax fududeyn
kara ooxildhibaanada gacanta
kala hadli kara sida uu C/llaahi
yeeli karo.
Haddii aanu Nuur Cadde laaluush
ogoleyn, xukuumadiisiina lagu
eedeynayo inay hanti lunsatay
sow jahawareer maaha.!?. Haddii
kuwii hantida ugu badan inay
dhaceen la sheegay ay iyagii
eedeynayaan xukuumadoodii ayna
is casilaad ku ordayaan sow
xaajo Misaar liqday maaha..?,
Haddii inta islaaxa rabtay ay ee
fara-ku-tiriska ahayd
dhooqadaasi ka dabaalan karin
dadka intooda badanina aanay
waxa socdaa fahmi karin sidee ku
soo socon TFG-da kala taagani?!.
Nuur Cadde waxaa la gudboon
aragtideyda inuu shaarkiisa ka
caddeysto goobtan uu ku soo
khaldamay iskana casilo xilka si
muwaadinnimo ah isagoo marka
hore soo bandhigaya, isla
markaana caddeynaya sida wax u
dhaceen oo dhan, hanti la
lunsaday ilaa sida loo maamulo
dowladda KMG ah. Waana inta uu
loolanka kula jiro inuu uga
faa’iideysto arrintaasi,
haddiise uu waqti ku lumiyo la
dabaaqtanka Oday C/llaahi wax
badan ayaa uga lumaya, haddii uu
Laaluushka dhinaciisa ka galana
waxay noqonaysaa inuu ku karaamo
seego (MEEL SIDAY U TAAL AYAA
LOOLA YAAL).
Waxa Qoray: Shariif Moalim
Email;
shariif55@hotmail.com