SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ururada haweenka ee bulshada rayidka oo gurmad lacageed gaarsiiyey dadkii ku dhaawacmay qaraxii waxyeelada ba’an geystey ee ka dhacay magaalada muqdisho

Sawirada Halkan ka daawo....

"caasha cusmaan ugaas ( caasha shgaacuur ) brigii hore colkii haweenka laaya waa laga adkan jiray "

Lacag loogu magac daray gurmad oo gaareysa illaa 45 ,350,000 oo sh so ayey maanta ururada haweenka ee bulshada rayidka ah Somali Women Agenda oo kala ah SWA INXA, IIDA, SWEYA, HINA, SODNA, SSWC.waxaa ay gaarsiiyeen isbitaalka madiina , halkaasoo ay ku jiraan bukaanadii maalintii shalay ku waxyeeloobay bamkii kula qarxay wadada makka Almukama iyagoo ku guda jira hawlaha nadaafadda iyo soo celinta bilicda magaaladda muqdisho.

Caasha shaacuur Ugaas oo ku hadlaysay magaca Ururadan ku bahoobay Somali women Agenda ayaa waxaa ay sheegtey in wax laga naxo ay tahay masiibadda ku habsatay dadkii shalay ku waxyeeloobay qaraxii bamka ahaa , waxaa ay soo hadal qaaday marwo caasha caashaacuur gabar magaceeda ay ku sheegtay Xaliimo cusmaan Xaaji, waxaa ay ku sheegtey ineey tahay gabar yar oo manta leh uur 5 bilood ah, kana soo jeeda qoys sabool ah, gabartaas ayaa waxaa laga gooyey lug, waxaa kaloo ay sheegtey in lugta kale ay halis ku jirto waxaana la siinayey qofkiiba halmalyan sh so 1.000.000
,
Xaliimo Cusmaan Xaaji oo dhaqaatiirta isbitaalka madiina ay ku mashquuleen helista dhiigeeda oo ah O_ negative ayaa waxaa wali ay ku jirtaa miyir dabool, waxaana ay sheegtey Marwo caasha in gabartaas ay u baahan tahay gargaar bini’dannimo, waxaana ay xustey in ay kortaagan yihiin odaygeeda iyo walaalkeed oo aan waxba haynin,
.
Haweenkii dhibku soo garay ee ispitaalka madina jiifay waxaa ka mid aheyd iyane Mulki tifow cabdulle oo ka jabtay labada lugood waxaana intaa u dheer firir ka galay naaska hoostiisa sidoo kale waxaana jiiftay hareerteeda midig Shriifo Sh Maxmed oo iyane labada lugood ka burburtay sida ay ii sheegeen qaar ka mid ahaa eheladeeda oo la joogay ispitaalka

Muuno Cabdulaahi Axmed waa xaalimo 4 bilood ah oo lug ka jaban hada waxaa isna isbitaalka jiifay horjoogihii howlaha nadaafada Axmed Cabdule Adan waxaa beerka ka galay firir iyada oo isla shalay qaliin lagu sameeyey looga bixiyey waxaana u dheer burbur ka jaagaaray laba bowdo oo uu ka jabay

Baafin Muhiim Ah:Waxaa la baafinayaa Ilyaas Sayid Cali

Anigoo ah Adna Ali kuna nool magaalada Seattle,Washington ee dalka Mareykanka,waxaan halkaan ka baafinayaa Ilyaas Sayid Cali oo daganaan jiray barisamaadkii xaafada Hodan ee magaalada Mogdisho.Markii xiriirkiisa iigu danbeysay wuxuu joogay magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya balse waxaa marar kala duwan la iigu sheegay wadamo kala duwan,iyadoo mar la ii sheegay inuu u soo dhoofay wadanka Austaralia marna wadankaan Mareykanka………wey dhici kartaa inuu meel kale qabtay.

Hadaba fadlan cidii garanaysa Ilyaas Sayid Cali meel aan kala xiriiri karo mise cid garanaysa oo ii sahli karta inaan helo,ha iigu soo hagaajiyaan e-milka ah:

adnaera@hotmail.com
adnaera@hotmail.com
 

Gabagabadii munaasiobada kaalmada gargaarka ah waxaa ka hadashay xaawo maax oo ku dheeraatay in haweenku yihiin birmagaydho aan weligood dil mutaysan waxayna ugu baaqday in loo gurmado haweenka haatan nool ee dhibku soo garay kuwaas o aan heysan wax ay ku maarayaan dhaawacyada soo garay waxaan ka mid ah kuwo xubno laga jaray iyo ku naafoobay qaraxaas oo jajab iyo burbur ka so ogaaray ,

Xaalada haweenka dhibku ka soo garay qaraxii shalay ayaa ah mide aad u liidata mana laha ehelada haweenkaasi ku heli kara nolol maalmeedkooda waxayna ku shaqeynayeen bishiiba loor masago ah iyada oo ay tasine aheyn mid ay heli jireen bil kasto oo waxay u badneyd balan qaad mid ku biyo shubato inta badan bilaha haweenkaasi dhaawacmay ee ku jira Isbitaalka Madiina waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan qar koodna waxaa laga jaray xubno muhiimka ah ee jirkooda sida lugaha iyo gacmaha, waxaana ku jira haweenkaasi qaar uur leh iyo kuwo kale oo da’doodu aad u yar yar tahay oo iyana lixaadkooda ku waayey, waxaana haweenkaasi yihiin kuwo ay ehel wadag yihiin reer aan waxba heysan kuwaasi oo markii horeba aan heli jirin nolol dheeli tiran

Arintaan ayaa ah maalin ka dib markii qarax miino dhulka lagu aasay ee la dhigay meel wado dhianceed ah uu ka dhacay wadada maka al mukarama ee Magaalada Muqdisho gobolaka banadir ayna ku nafwaayeen tiro garaysa 30 haweenka nadafada gobolka banadir ahaa waxaana intaa dheer dhaawaca oo gaaraya 45 kale mana jirto cid sheegatay ilaa iyo hada mas.uuliyada in ay leedahay lamina ogo cidii ka danbeysay iyo sababta loola beegtay bambadaan qasaaraha intaa la eg u geysatay haweenka somaliyeed





Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666

Faafin: SomaliTalk.com |  August 5, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS