SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

SHIRKA CULUMADA ISLAAMKA ADUUNKA – JAKARTA 

Shirkii seddexaad ee Culumada Islaamka Adduunka ayaa waxa uu ku soo gebageboobay magaalada Jakarta, Indonesia, kaasoo socday 29 July – 01 August 2008. Shirkan oo labadii sanaba mar la qabto ayaa waxaa ka soo qeybgala Culumo, Siyaasiyiin, Ganacsato iyo dad magic ku leh bulshada Muslimiinta dhexdeeda. 

Shirkan waxaa sanadkan cunwaan u ahaa: Islaamku waa naxariis u soo degtay calaamkan, waxaana si gaar ah loogu falanqeeyay dhibaatooyinka iyo xasaradaha ka taaagan caalamka Islaamka. 

Dhinaca Soomaaliya, waxaa uga qeybgalay, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeen, ahna Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta, Md. Saalim Caliyow Ibrow oo ay weheliyeen, Md. Maxamuud Colow Barow, Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Indonesia iyo Sheekh Cali Maxamuud Xasan Wajiiz. Md. Saalim oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa ugu baaqay culumada Islaamka in ay u istaagaan xallinta khilaafaadka ka dhex aloolsan shucuubta Muslimka ah, maadaama ay hayaan dhaxalkii rasuulka SCW. 

Sidoo kale, wuxuu Prof. Saalim inta uu shirka joogay la kulmay, Wasiirka Cadaaladda ee Indonesia, Duqa Magaalada Jakarta, Wasiirka Amniga, Siyaasadda iyo Difaaca ee Indonesia, Xoghayaha Guud ee Shirka Culumada Islaamka Adduunka iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Indonesia oo uu dhamaantood kala hadlay sidii loo taageeri lahaa dawladda Soomaaliyeed, Indonesiana ay qeyb uga qaadan lahayd ciidamada nabad ilaalinta ee la filayo in ay ogolaato hay’ada qaramada midoobey iyo qaab walbo oo nabad loogu soo dabaali karo Soomaaliya. 

Intii uu shirka joogay, waxa kale oo uu la kulmay culimo badan oo ka kala socotay caalamka oo uu dhamaantood ka codsaday in ay codkooda ku biiriyaan sidii ay dawladohooda u taageeri lahaayeen geedi socodka nabada ee Soomaaliya. 

Shirka oo si hagaagsan ku soo gebageboobay, waxaa uu xirmay 01 August 2008, iyadoo wafdigii Soomaaliyeedna ay ka dhoofeen magaalada Jakarta. 

JAKARTA

Mohamud Olow

somalirep_jkt@yahoo.com

 

Faafin: SomaliTalk.com |  August 5, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS