SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QORAAL

C/LAAHI OO SOO AFJAREY RAJADII JABUUTI

Hello John Yate waa Nuur Cadde, hello Melles waa C/laahi, hello Musfin waa Axmed Cabdisalaan, kulli tabcane iyo talo bulsho caalam ku nool sidii dulaal Nuur Cadde iyo madiidin C/laahi isu qaniineen qayladhaan baa ka soo yeertay ay ugu habar wacanayan madaxdii maxmiyada, Ibnu Cabaas ilaah ha ka raali noqdee waxuu yiri”ma jirin hadal ka fiicnaa boqorkii ku yiri gabadhiisa wanaaji gogosha Nabi Yuusuf nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaate, waxuu kaloo Ibnu Cabaas yiri ma jirin hadal ka fiicnaa gabadhii tiri aabow u abaal gud Nabi Muuse nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee” hadda maalmahan ma maqal hadal iiga fiican nimankii doofaarey iyo bulsho caalam ee dabinka u dhigay muslimiintii halganka diinta iyo dal difaaca ku jirtay baa dhexdooda ka diriray, abwaanadu waxay yiraahdan” naftiisa qofkii dulmiyey, deyrkaaga raboow ka baxay, maxuu halis daaqaya”.

War la ogyahay xiiso ma leh todobaadkii tegay waxaa xilka qaadis lagu sameeyay ma xishoode Maxamed Dheere, sidda xogta aan ku helay Nuur Cadde intuusan xilka ka qaadin waxuu talo gashaday gudoomiyaha maxmiyadda gen Gabre, xilka qaadistanina waxay gogol xaar u ahayd mashruuc salbalaaran oo kulli dilaa sarre xilka looga tirinayo si wado loogu furo heshiiskii Jabuuti, ileen bahal caadadiis ma daaye waxaa durba tabeelihiisi nabad diidnimo la soo baxay qabqable C/laahi oo difaac la garab istaagay damane Maxamed Dheere isagoo u arkay mashruuca mid isaga aaqirka galaafanaya, waxuuna isna war gasahdey Melles oo uu ku yiri” Gabre arrinta ha ka dhex baxo”.

Inkastoonan anigu ka mid ahayn dadka ka sugayey in bulsho caalam xal u keenaan arrinta murrugsan ee Soomaaliya hadana waa tijaabadii ugu danbaysay ee mashruuca rajo wiira wiiro ee laga sugayey busho caalam , haddii aysan wax ka qaban is hortaaga C/laahi qofna yuusan sugin rajo Jabuuti oo ah mashruuc kan Nuur Cadde ka mug wayn.

Sidda wararka jabuuti laga helayo waxay sheegayan in shirkii Jiddah Sacuudi loo tagi lahaa tobonka bishan uu dib u dhacay kadib markii garabkii Doofarey ay dirireen, Sheekh Shariif ayaa wararku sheegayan in uu Sudan tagi doono kadibna dalal Yurub ah uu u imaan doono shirar,walow aysan maanta wax tareyn saraakiisha reer Yurub waxuu ku dhihi doonaa teena noo daaya tiini aragne, markaas buu raadi doona waji muqaawamo mar kale ku midoowdo inkastoo aysan dhaqanka siyaasiyinta Soomalidda ka mid ahayn, hadii talo wax tarayso maxaan dabinkaas maanta Shariifaynku ku dhaceen aan uga dignay maanta karaamo iyo kaar siyaasaba waa gubtay haddii ay xaq ku taagan yihiin salaaday ku qunuudi lahaayeen si wadada ay raaceen ilaah faraj ugu furo, laakiin maanta arrin waxay la mareysaa in Axmed Walad Cabdalle siday wax u dhaceen la waydiiyo oo isaga iyo John yates Mareykanka safiirka u ah Jabuuti lagu haaramo, nin ka mid ah ragga cadowga kula diriraya gudaha afaraydan tiriyey markuu maqlay xaal meesha uu marayo.

“Shariifeynka is-raacay,Shanta gees adduunyada,Shirarkey u tageen,Shaxdii la degaayey,Ma shaaw maran baa ??Mise waa shandad buuxis ??Shakigii shacabkeenna,Maxaa lagu shaafin ??.

Qanuunka ismaamul goboleedka killinka lixaad awooda fulinta ra,isul wasaaraha iska leh, balse awalbaa rag madaxbanaanidii dhowri waayey aysan xuruuf beenaad ay iyagu sameysteen aysan dhowrayn, waxuu kaloo qabaa sharciga maxmiyadlaydu in madaxwaynuhu uusan mudada ku meel gaarka badali karin saddex ra,isul wasaare ka badan , haddii u badalana uu isagu la dhacayo, horey laba jeer buu Geedi u dhacay haatan Nuur Cadde haddii taasi dhacdana isna waa la dhici, balse anigu waxaan qabaa xukuumad xilal kala qaada ama xilal waysaa inaysan dalka dhanba ka jirin ee ay jiraan manaxayaal katarabiil u ah diin iyo wadaniyad la dirir, “dadnimadii arradisee , dib maxaad u dhigateen, duniduba ma maanta , dab cunaanu idin niri sidaa Hadrawa horey u yiri”.

Dad badan baa waqtiyo kala duwan I su,aalay maxaad C/laahi qormooyin uga samayn waysey , waxanse ku iri C/laahi muuqa waa ka cutush, siyaasadda waa ka cawro, xishoodku waa ka maran yahay, qabyaaladu waa saldhigiisa mabda, aftahanimada waa ka xaaran yahay, wadaniyad tabcane nimuu ka doortay, waa abaal laawe aarsi u joog ah,sidaa darteed isagaa mucaarad isagu filan ,qiyaanooyinkiisuna waa mid xitaa saqiir xalay dhashay fahmi karo, markaan intaas garowsadey baana isku qanciyey inuusan u baahnayn in bulshada la baro, waxuuna rabaa siddii dumarkii madaxtooyo joogay ay ugu geeraaren in dadka dhani ugu geeraran waxayna yiraahdeen” cududii islaamkiyo cadowgiiba jabisey, Cabdulaahi noo tali”.

Gabagabadii maalmahan cadowgu waxuu baararka café uga cabayey isbahaysigii wuu kala jabey, C/laahi isagoo ku diganaya waxuu yiri” dastuurkana ha aqbaleen, awood qaybsiga 4.5 ha u soo diyaar garboobeen” balse maanta waxay arrini mareysaa “waa lagu digtaa ruux haduu kuu daraan jiraye, bal dayooy ….”hadii C/laahi ka madax adaygo talada bulsho caalam waaba hadii lala taliyee oo markaas arrini noqoto fashilkii wajigii labaad ee mashruucii ay reer galbeedku Soomaliya la damacsanayeen, waxa I qarshooy iyo eryaay ku dhici doonta Itoobiya iyo C/laahi, ama maslaxad beenaad aan meel dheer jirin oo laba garab lagu shaqeeyo arrinta Doofarey ku soo afjarmi, dagaalkanina waa fursad soo martay reer Asmara iyo qaybaha kale ee gudaha ka diriraya, waana inay ciidan ahaan iyo siyaaso ahanba uga faa,ideystaan kala jabka cadowga.

WQ CAANAGEEL

Faafin: SomaliTalk.com |  August 5, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS