SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
gaariSomaliTalk: Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn
Hay'ada UNESCO ayaa waxbarashada Puntland ugu deeqday gaari iyo buugaag, laakiin..
Akhri...

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Mar 11, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (70), Muqdisho (74), Beledweyne (77), Baydhabo (85),  Galkacyo (106),
Sarbeebtii Diinaari


Askartii Itoobiya

Axmed-shil Muxumed

ahmedshil@yahoo.com

Borlänge, Sweden 


Bismillaahi wassalaatu wassalaamu caalaa raasuulilaahi 
 

Horudhac

Waxay dad badan maqleen ama maqli jireen inay Itoobiya kufaani jirtay inay tahay Libaaxii Afrika, inay sidoo kale haysato ciidamo kamida ah amaba ah kuwa ugu ballaadhan uguna awoodda badan Afrikada kahoosaysa saxaraha. Waxaa dhici karta marka inay dadka qaar iswaydiiyaan taloow ciidankaa waa ciidan caynkee ah?.  Waxaan jecalystay marka bal inaan waxyar yara faaqido baabkaas iyo waxyaabo kusoo kordhay sigaarana ukhuseeyo soomaalida. Waxaan iskudayi si sahal ah inaan uga falloodoo anoo iskudayayo bal inaan su’aalahaas kajawaabo. 

Ciidankii Itoobiya ee hore

Inta badan wuxuu ubadnaan jirey in lasoo xasuuqay ama lasoo qafaalay qofba siduu uyaqaanno oo lagasoo qafaalo dadka beeralyda ah siiba xabashida. Xabashida oo iyadu ah qowmiyadda ugu daacadsan ama ugu jecel jiritaanka Itoobiya iyo Oromada oo ah qowmiyadda ugu badan uguna miskiinsan dadka lugu hasyto dhulwaynaha maanta loo yaqaanno Itoobiyada Dimuqraadiga ee Federaalka ah. Ciidankaa waxaa inta badan labari tababar aasaasi ah oo ay kudagaal galaan, wuxuu kamadhnaan jirey wax caqiido ah oo midayso ama wax mabaadii ah oo macnihiisa kor uqaada. Siddeetameeyadii askariga Itoobiyaanka ah wuxuu qaadan jirey mushahar ahaan 40 Bir, waxaana lugu arki jirey meelaha ay hadba joogaan ayagoo rafaadsan ooy dhafoorxumo ba’anna ay kamuuqato oonan kala garanaynin wuxuu unoolyahay ama udhimmani. Markuu dagaaal gali inta badan waxaa gadaasha kamari jirey kuwo lugu kalsoonyahay si hadday soo jeestaan ama carara maagaan loogu khasbo inay sii wadaan dagaalka. Waxay Itoobiya farsamadaa khasabka lugu dagaal galinayo ciidamada u adeegsatay dagaalki ay dhowr sano kahor lagashay Eriteria oo lugu laayey askar badan oo kamida kuwaas maxaysatada ah (waxaa la’isla dhaxmarayaa inay soomaali badan ukidhaysatay oo lacag usiisay inay dagaalkaas kaqaybgalaan iyagoo calooshood ushaqaystayaal ah). Ciidankaas waagii hore waxaa aad uyaraa in laga helo qowmiyadda soomaalida iyo Eriteriyiinta oo labadaba isu haystay dad aan innaba hayaraatee waxba lawadaagin Itoobiayada sidaas darteedna ayan askar unoqon karin una dhiman karin waxayba necebyihiin.

Soomaalida Kuhoosnoolayd Gumaysiga Itoobiya iyo askarinimada

Dadka Soomaaliyeed ee kuhoosnoolaa Itoobiya inta badan wax xidhiidh ah oo wanaagsan lama lahayn dawladda dhexe ee Itoobiya iyo ciidamadeeda waagii hore waa intuusan iman (Wiil balaayo), waxayna ahayd wax laga subxaanalasyto in wax lala wadaago. Aqlabiyadda dadkaas soomaalida ah hadday dhacdo inay wax xidhiidh ah lawadaagaan dawladda Itoobiya waxay ahayd wax ay kafursn waayeen oo duruufi ugaysay. Shakhsiga si dhammaystiran oo daacad ah ula shaqeeyo Itoobiya waxaa loogu yeedhi jirey magacyo xunxun waana lahabaari jirey, waxaana caado u ahayd inuu dhaxdago xeryaha maamuulka Dawladda Itoobiya oo inta badan kabaxsanaaan jirey degmoyinka ay Soomaalidu daggantahay cabsi laga qabo shacabka oo ay kuwaynayd cadaawadda ay uhayaan cadwgan baas ee dul fadhiya ee kaxoogga badan. Shakhsigii askari unoqdo Itoobiyo waxaa asaga loo arki jirey shakhsi gaaloobay oo xabashi noqday. Waana xukunka ay shareecada islaamka kaqabto qofkii kamid noqdo ama kaalmeeyo ama u adeega mishiinkaas cadwoga ah ee lugu naafeeyo muslimiinta. Dadka caamada ah ee dhulkaa dagganaa ayagoon sida hadda taagan culumo fatwo waydiin ayey xukunkaas kuridi jireen nimanka askarta unoqdo cadowgaas madoow. Hadda sheekadu waxay maraysaa in xitaa caammoba iskadhaafee xitaa culimadii kuyaraato cid kufriga asakrtiisa xukumta oo sheegto waxa sharciga islaamku kaqabo. 

Ciidanka Itoobiya waligii hadda kahor ma’ahayn ciidan tayo leh oo wax wayn fulin karo marka laga reebo kufsiga dummarka, marjinta qof rayidka ah oon hubaysnyn iwm. Iskadaa karti uu yeeshee xitaa wuxuu uababac dhigi kari waayey ciidankii dawladii soomaaliya oo dhinac walba kuliitay sida xagga tababarka, qalabaynta, isgaadhsiinta iyo mooralkaba luguna tilmaami karay malayshiyaad la’isusoo ururiyey. (Waxaa laga yaabaa inay dadka qaar kadidaan qaabkaas looga sheekeeyey Xiidamadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed balse qofkii ama katirsanaa ama arky siday udhisnaayeen ama sidii lugusoo ururiyey oo inta badan khasab ahayd dhayalsan uu maayo habkaa looga sheekeeyey XDS oo waa xaqiiq jirtay).

Askariga Itoobiya xilligan lajoogo iyo soomaalida

Intaanan ugudogalin isbadalka kudhacay ciidamadii Itoobiya aan yara jilciyo isbadal kudhacay bulshadii soomaalida meelkasta ooy joogtay iyo halka sababteeda loo saarayo. Dhammaadkii toddobaatammeeyadiia ayaa nin sarkaal ah oo habaara qabo kagoostay dawlad kusheeggii soomaaliya katalinaysay ( inuu habaarqabo sarkaalka asaga ayaa afkiisa kusheegtay ficil ahaanna waa nin habaar iyo cuqubaba qaba kana horyimid diintiisii iyo dadkiisii una xaytay siduu uburburinlahaa). Ninkaa iyo saaraakiil badan oo lasocotay iyo kuwo badan oo dabadiis goosatay intaba waxay xalaalaysteen wax muslimiinta soomaalida ah sharciyan kaxriimnaa oo ay aayado kujiro suuratu (laa tattakhid) ay kahadashay oo ah inaan cadawga diinta iyo muslimiinta aanan lasoo dhawaysan saaxiibna aan lala noqon sidoo kalena aan lajeclaan karin. Wixii intaa kadanbeeyey inyar inyar ayaa loo bannaystay qodobkaas asaga ah, kii waayo wuxuu xaq ulahaa iyo kii wax uu baadil urabay waayayba waxaa loo jeestay xagaaa iyo cadawgii walaalna laga dhigtay. Hal shay waa jiraa oo ah in dad badan dhibaato loo gaystay oo kuwo bidhaan muslin iyo mid soomaaliba leh ay musiibo dad badan ugaysteen, markaa dad badan way ubannaanayd inay ama uqaxaan itoobiya ama ay nafta kadayaan si kumeel gaadh ah laakiin wax walba xuduud ayey leeyihiin oo xadkii ayaaa ladhaafiyey carroo dhanna lafasahaadiyey. 

Askariga Itoobiya maantaa waxaa uabadan ama kamida saarkiil, mutucallimiin iyo siyaasiyiin soomaalinimo iyo muslinimo sheegta xaqiiqdiisa aanan islaanimo iyo soomaalinimoba midna shaqo kulahayn oo sharaftoodii iyo wax walba oo qiimo layidhaahdo oy lahaayeen kubadashay waxaan macno wayn kufadhin. Gaashaanle Sare Cabdullaahi Yuusuf (“wiil balaayo” waa magac uu asaga isu bixiyey) oo ahaa ninkii banneeyey in lawalaashada gaalada Xabashida muddo hadda laga joogo qiyaastii soddommeeyo sano ayaa maantana sheeko hor leh keenay taasoo ah inuu Soomaaliya gacanta ugaliyo Itoobiya asagoo kumarmarsiyoonayo argagixiso ayaan ladagallamayaa (waa markuu caalamka lahadlayo, markuu soomaalida lahadlina waa madaxtinimo doon ayaan ahayn oo soomaaliya ayaan rabaa inaan badbaadiyo).Wuxuu Itoobiyo fursad usiiyey inay soomaaliya laba mid kadhigato; ama mustacmarad iyada katirsan oo si toos ah uhoos immaato ama maamul maqaar saar ah oo oo iyada si dadban uhoos yimmaado iyadoo adeegsanayso askarteeda faraha badan ee maanta soo shaac baxday. Ninkii ugu horreeyey ee xilliyadan dhaw ciid soomaali Itoobiya gacanta ugaliyo wuxuu ahaa gaashaanle sare Cabdullaahi Yusuf (Wiil Balaayo )asagoo marmarsiiyo kadhiganayo mucaarad baan ku’ahay nidaamkii baas ee markaa soomaaliya kajirey. Taa macnaheedu waa cid alla ciddii soomaali sheegato ee Itoobiya walaalaysto danbiga uu soomaali kagalay iyo kadiinta uu galay badh buu kuleeyahay ninkaas aan xusay. Waxaa asaga soo labeeyey oo dhul dhan oo xor gacanta ugaliyey Itoobiya Janaraal Cumar Xaaji Masalle oo wakhti aaban sii dheerayn asagoo marmarsiiyo kadhiganayo wadaaddo ayaa lawareegay gobolkaygii Gedo soo galiyey Ciidanka Itoobiya oo illaa iyo maanta ay si gaara gacant ugu hayso gobolkaas lagana fujin la’yahay. 

Askartan carbisan ee casriga ee Itoobiya usoo gacangalisay dhulkaas ballaadhan ee ay kuriyoonaysay shantii boqol ee sano ee lasoo dhaafay iyadoon dhib badan kala kulmin aduunkoo dhanna raalli iyo badh uga yahay oo cid mucaaradday aysan jirin ayaa waxay doonayaan inay noo noqdaan madax aan aaminoo oo nahoggaamiso, ayagoo qaarna sheeganayo madaxwayne qaarka kalena ra’iisulwasaare, wasiirro iyo ambaadadoorro. Waxay iloobeen danbigay galeen, waxay illoobeen inaan dadka intiisa badan kacaqli yarayn tabar darri, tol l’aan iyo mooraal xumo hayso mooyee.

Waxaan shaki iiga jirin in Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geeddi in Adisababa lugu gudoonsiiyey billad dahab ah waaba haddaan taallo loo dhisin maxaa yeelay qaranka Itoobiya guul taarikkhi ah ayey  usoo hooyeen, Soomaalina jab wayn oo muddo dheer ay ladhutini ayey madaxa ugaliyeen. Siday meel walba Argagixisaa joogto soomaaliya ugu hayeen ayey kukhasbeen maraykanka inuu cabsi darteed Itoobiya ciidankeeda tababaro, maalgaliyo hubeeyana kadibna hawda kahoggaamiyo si uu aasoo Soomaaliya. Soomaali haddaan nahay Argagixiso waxaan unaqaannaa Wiil balaayo iyo gacanyaraashiisa, argagixiso aan asaga iyo dagaal oogayaashiisa ka’ahayn maannan arag maqalna, cidii naga qabatana abaal buux ayaan uhayn lahayn waligayn. 

Gabogabadii

Askariga Wiil Balaayo iyo gacanyarayaashiisa (dagaaloogayaasha) waxay nabadeen waxay nabareen ayaa kadaran. Maanta waxaa lugu tartamayaa sidii askar loogu noqon lahaa Itoobiya oo 40 kan bir jeebka loo gashan lahaa, sidii dagaalkii labaad loogu tartamayey in Talyaani, Faransiis ama Ingiriis askari loo noqdo. Waxaa lahilmaamay waxa uu sharciga islaamka kaqabo gaalo askar loogu noqdo, sidoo kale mustaqbalka dhibaatada ay ummadda ukeeni. Waxay bulshada kadhaadhiciyaan Itoobiya ayaa askar noo tababari, Itoobiya ayaa dalka noo nabdayn. Waxaan aniga aaminsanahay inayn hadalladaa qof damiir ama caqli leh kasuurtoobin ee ay nimanku yihiin askar lasoo tababaray lanasoo hawlgaliyey iyadoo mid walba darajo looga dhigay wuxuu rabay, sida kii raba in loogu yeedho madaxawyne maqaarsaara ama Ra’iisulwasaare maqaarsaar ah iwm. Waase waxaan usuurtoobayn kana dagayn dadka intooda badan ayna tahay in loo xayto sidii askartaasna loogu celin lehaa meeshii laga keenay mabda’oodana bulshada looga suulin lahaa. 

Akhri ::: Itoobiyaanka mabaxayaan? Ameerikase ma’iskakaayo dhaafi ? 

Axmed-shil Muxumed
Borlänge, Sweden
ahmedshil@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

MMI, Halyaydii Qarnigan!

Faafin: March 13, 2007



Soomaali
Xal u helidda Dhibaatada ka Taagan Soomaaliya hadda.

Kulan ay ka soo qayb galeen culimaa'udiin, aqoonyahanno iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa waxaa... Akhri....



 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com