Xuseen siyaad qorgaab “waa
in ciidamada dalka Ethiopia ay si sharuud la'aan ah dalka somaliya kaga
baxaan...
xuseen siyaad qoorgaab oo ka mid ah gudiga beelaha hawiye oo isagu si weeyn
uga soo horjeedda joogitaanka ciidamadda dawladda itoobiya ee soomaaliya ayaa si
kullul u yiri “waa in ciidamada dalka Ethiopia ay si sharuud la.aan ah dalka
somaliya kaga baxaan maandheyj uma heystaan Ethiopia deris baan nahay wax
iskuuguma ken darsano ciidankeedune nabad gelyo kama dhalin karaan somaliya haka
baxeen baan leenaha melezna ha garwaaqsado ciidankiisa in uu la baxo ,”
xuseen siyaad qoorgaab
Xeseen siyaad qoorgaab oo ka hadlayey dood furan oo ay soo qaban qaabisay
hay adda xuquuqdda insaanka ee dr ismaaciil jumcaale ayaa waxaa uu md xuseen
siyaad si weeyn ugagga hadlay xaaladda siyaasadeed ee uu manta dalka ku sugan
yahay iyo dhibaatooyinka ay geesanayaa ciddamadda dawladda itoobiya iyo kuwa
dawladda soomaalieed oo uu sheegay in ay haatan gurihii ka saaraayaan dadka
soomaliyeed isla markaasna sidoo kale ay u diideen ardaydii soomaaliyeed in ay
wax ka bartaan jaamacadii dalka oo ay iska leeyihiin dad gaar ah in dibadda
loogaga saaro moddo lixbilood ah looguna hanjabay in la dilaayo ciiddii lagu
arko hareeraha jaamacadaha .
Md xuseen siyaad oo isagu lagu yaqaano afkaarao kulkulul ayaa ka hor inta
aanu furmin doodad waxaa uu shir jaraaid ku qabtay xarunta dhexe ee celmi
barista ee aadan cade waxaa uu shirkiisaasi jaraaid ku sheegay in manta dalka
soomaaliya uu ku jiro marxalad aad iyo aad u adag loona baahan yahay in qofkasta
ay kaalin ka qaadato sidii ay u xoreeyn laheeyd gumeysiga qabaday dalka
soomalaiya.
Shirkaan jaraid ayaa waxaa uu kaga hadlay qoorgaab dhinacyo badan oo ay ugu
weyn tahay xaalada guud ee magaalada muqdisho iyo nabad xumida ka aloosan qeybo
ka mid ah dalka ,
Barakicin, dhac, ciidamo shisheeye iyo aragti cadaawo ay ka qabaan ,
mallleeshiyooyin lagu sii daayey shacabka oo aan isxukumin oo la leeyahay waa
ciidamadii hebel waxayna gaarayaan ilaa 7 todobo kooxood midwalbana la leeyahay
waa cidankii hebelkii reer hebelka ahaa oo dareeski dowlada gashan hadii laga
hadlo idaacadaha ka hadlayo oo leh anigu ciidankaa ma lihi wax shaqo ahna kuma
lihi ee hala weydiiyo ciidankaa wixii shaqo ku leh ,
Ciidan la leeyahay dowlada ayey ka amar qadanayaan oo waa ciidan qaran oo la
siidaayey isla markaana howgalo sameynayo oo guryihii galayo oo dadkii dhacayo
oo dilaya oo markii aad weydiiso la leeyahay waa ciidankii hebel ,
Waxa dhacaya oo dadka loo geysanayo waxey ka muuqataa magaalada muqdisho
tobankii kilo miter ee raiisalwasaare geedi uu yiri waa ka howlgalaynaa manta
waa banaan tahay inyar unbaa la degan yahay guryihiina waa banaan yihiin wixii
ku noolaa ama dibada ayey ku baaba.ayaan waxna raruurtooda waa kuwaa buushaka
gaajada , oon ,darxumo , ugu dhamaanayo waxna ilaa iyo xuduuda Kenya ayaa dadki
daadsan yahay ,
Dhanka kalewaxaa wax la yaable ah hay.addaha xuquuqda bini aadanka u dodo
ayaa waxey ku so celceliyaan tirade dadka muqdisho ku barakacay waa 400 .000
taas oo ah eray maalin uu ay qabsadeen runtune sidaa maaha runtune waa in ka
badan 1000.000 oo qof oo danyar ah waxaana marqaati u tahay halka fiiriyo
tobanka kilo miter ee isku weerka ah inta aan magaalda kale la soo gaarin oo
kaaraan ,yaaqshiid,howlawadaag,heliwaa ,hodan ,dhrkeynleyn,intaas dadkii ku
noolaa waa qaxay cid ku noolna ma jirto guyuhune waa haawinayaan badankoodu
marka ma afarboqolbaa inta muqdisho ku barakacday jawaabtu waa maya ,
Horta dhulka ha tageen dhulka dhinaca kale dadka dadsan ilaa xuduuda Kenya ha
soo arkaano hadii ay afar boqol tahay inta buushka ka dhisatay inta u dhowdhow
muqdisho waa suurta gal laakiin afar boqol baa barakacday waa hadal gef ku ah
wax dhacaya ,
Waxaan ugu baaqayaa hay.addaha caalamiga ah iyo kuwa xaquuqul insaanka ahba
in ay dhab ahaan dersaan umadda baaba.aysa malyan in kabadan yaa barakay ee ha
ogaadaano beesha aduunka oo dhan ,
Muqdisho laba malyan baa ku nool baa la yiraahdaa bal isha ha mariyeeno lix
boqol ama sided boqol oo kun baa ku nool marka dadkii xagey jiraan ma dhulka
ayaa cunay waa qaxay dadkii shacabka ahaa intiisa badan ,
Intaas waxaan rabaa in aan ku darsado waxaan rabaa in aan irahdo nabad
gelayada sida ay ku socoto ku iman meyso mana laga yaabo in ay sidaan ku socoto
waxaana asal u ah oo xudunteedu tahay beesha caalamka ,xukuumada federaalak KMG
somaliya ee ay riixayso qaabka ay u howgashay ee ay tiri waxaan ku xalineynaa
nabad gelyada muqdisho ayaa waxey tahay qorshe aan shaqeyneynin
Awalan beesha caalamka UN_ka U.S.A. igad iyo dhamaan dowladaha daneeya
somaliya in ay bedelaan qaabka ay u mareen in ay nabad uga dhaliyaan somaliya
taasoo u horseeday halaag ,burbur ,baaba..aan weligeed laga so waaqsan Karin
waxaan rajeynayaa in ay dib ugu soo noqdaan qaabkii ay ku dhaqmeen qaab ka duwan
oo aan wadan xabad,iyo ciidamo aan maandheysh wadan oo shisheeye iyo iyaga oo
xabad la dhacayo shacbkii xalna ma keeni karaan
2 in ciidamada dalka Ethiopia ay si sharuud la.aan ah dalka somaliya kaga
baxaan maandheyj uma heystaan Ethiopia deris baan nahay wax iskuuguma ken
darsano ciidankeedune nabad gelyo kama dhalin karaan somaliya haka baxeen baan
leenaha melezna ha garwaaqsado ciidankiisa in uu la baxo ,
3 xukuumada KMG somaliya in ay joojiso tacadiyada baaxada weyn ee ay
geysanayaa ciidamadooda ka amar qaadanaya oo wax walbo oo aan weligeed la arag
sameynaya ,
4 in ururada hada ismagacaabay iyo xukuumada federalka KMG somaliya shuruud
la.aan ay ku galaan dib u heshiisiin loo dhan yahay si umada loo badbaadiyo ,
5 in shacabka somaliyeed meel uu joogaba isu taago isla markaan garwaaqsado
ilaaliyo madaxbanaanidiisa ,midnimadiisa ,dhaqankiisa halaaga ku sugan in uu isu
taago ,
ugu danbeyntii ururada bulsahda waxaan isleeyahay waa ka gaabiseen qeyla
dhaantii iyo dedaalkiina aad caalamka u jeedineysaan oo aad ku cadaadineysaan
waxaana hadalka ku soo koobayaa dedaalka hakaa ka sii wada
Ayuu shirkiisaasi jaraaid ku soo gabagabeeyay
Sept 27, 2007
Su’aalihii Baarlamaanku weydiiyey wasiirka Wasaaradda dalxiiska iyo
duurjoogta Cali Xareed
Waxaa
ka mid ahaa: “Waxaan maqalney in dowladii TNG-da ay dowlada Liibiya la
gashay heshiis ay deyn uga qaadatay lacag dhan $7.5Milyan..”...
Akhri Jawaabaha
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..
|