Waan Kudilayaaye Dulqaado !
Ashkir |
bashiirash@hotmail.com
Waxaa maanta wali lagu cel-celinayaa erayo adduun weynaha
intiisa badan uu soo afjaray isticmaalkooda, taasina waa waxyaabaha
tusinaya dadka Soomaaliyeed in ayyen baraarugin. Ra’iisulwasaare
Geeddii oo dadka intiisa badan ay rumaysan yihiin in uu qorshahaan
ka daba-tagsan yahay ayaa xafladdii ugu damaysay ee uu xaadiray ee
loo qabtay dhallinta iyo Bulshada ka sheegay in ascaarta
kor-u-kacday Beesha Caalamku ay wax ka qabato. Waxaana waliba la
rumaysan yahay in uu Geedi laf ahaantiisu qayb lixaad leh ka qaatay
sidii bulsho weynta Soomaaliyeed loo dhibaatayn lahaa. Khulaasadu
waxay u egtahay madaxda Soomaaliyeed ayaan waxa ay samaynayaan in
badan ogayn.
Maanta quwadda adduun-ku waxay dadka baraysaa in la dulqaato;
ayadoo waliba rar laguugu diyaarinayo. Taa macneheedu waxaa weeye
degmo nabad looga seexday xalay ayaa saqda dhexe waxa lagu soo
kiciyaa B-52 iyo bombooyin lagu xalbay waxyaabaha adduumiyaha gadaal
ka dhaawaca. Xoogaa degmadaas ka baxsada ayaa ragga qandaraas-ka
logistics-ka dagaal-ka qaata ay biyo iyo buskud dhicitaankoodu dhaw
yahay ka dabageeyaan, ayaga oo wali faa’iido ka samaynaya. Intaas
lagaagama harayee waa in meeshii aad ku qaxday lagaa sii qaxiyaa
asaga oo marxaladda aad ku sugan tahay laga dhagaysanayo
beecmushtarigii. Kii aad madaxda aad ka dhigatay ayaa hadana lagu
tusaa asaga oo warbaahinta ka cabanaya ( haddiiba diir-nax kujiro)
oo leh Adduunku wax aan cunno hanala la soo gaaro.
Sh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun oo aad wada garanaysaan
ayaa qorshahaan wuxuu ku faah-faahiyey mawduuc uu ugu magac daray “
eeynal xal fii qadiyatinaa.” Halkaa ayuu si baaxad weyn leh ugu
faah-faahiyey mushkiladdu meesha ay ka timid horay iyo dibba.
Qorshaha qotada dheer la leeyahay wuxuu yahay in afkaaga la
baro in ninka kudili kara wuu isla markaa wax ku siin karo. Macnuhu
wuxuu noqonayaa si toos haddii aan ku dili karo waan ku noolayn
karaa ee aqbal; in aad aqbashidna waad ku khasban tahay waayo horuu
kuu gumaystay ninkaan maanta raba in uu wax kaa dhaadhiciyo. In yar
ka dib waa in aad lumisid kalsoonida aad Allihii ku abuuray ku
qabtay muddo ka hor.
Ilaa iyo burburkii ayaan soo baryeynay ninkii na qaxiyey
awal. Dhawr iyo toban sano oo qafla iyo hurdo dheer ah ka dib ayaa
nala xasuusiyey in aan Quruumaha Midoobay waxba qaban karin. Dhawr
nin oo aad taqaannaan oo ilaa iyo burburkii dhibka idin kula jiray
ayaa qalbigooda Alle xasuus yar ku beeray ka dibna waxay ina
dhaxalsiisay xasuustii weynayd ee quluubteena ka sii muuqata ilaa
iyo hadadan la joogo. Lixdii bilood ee MMI ay maamulayeen Koonfur
Soomaaliya waxay na bartay in kalsoonida qof-ka insaanka ah aanay
ciyaar ku lumi karin xitaa hadduu dhinto. Hadaad xasuusataan
maalmihii dekadda weyn ee Muqdisho la furayey waatii qof kasta
badeelkiisa soo qaatay si loo guro qashinkii sanawaadka karoormay.
Barqadaa waxaan xasuustaa shucuurtii hooyo hooyooyinka ka mid ah ay
qaybtay markay badeelkeeda soo qaadatay si ay xoogeeda uga
faa’iidayso bulshada Soomaaliyeed.
Dowlad ayaa la soo wadaa xoog lagu keeni doono Muqdisho waxay
dhashay in ay laba u kala jabto. Iimaankeenna oo aan mudadii lixda
bilood ahayd xoogaysan ayaa talo fara ka baxday markii qaar inaga
inaga mid ahi ay khayaali iska dhaadhiciyeen. Uma malaynayo in ay
qofkiina madixiisa ku jirtay General Gabre ayaa oran doona Ciidanka
Dowladda xeryo ayaan uga samayn doonaa duleedka magaalada Muqdisho
madaxdana waxaan u reegayaa ciidan xul ah oo Itoobiyaan iyo
Ugaandhays isugu jira.
Su’aasha halkaa markaan joogno qof kasta uu iswaydiinayo waxay
tahay: ma General Gabre ayaan caawimaad waydiisannaa mise cid kale
ayaa nooga wax tar roon caawa ? Waan ogahay dadka qaarkood waxay
oran doonaan cashada hanaloo daynto quraacdu yeelkeeda; maxaayeelay
madaxda Dowlada oo loogu talo galay in ay ummadda hoggaamiyaan ayaa
waxay wali raaracaynayaan oo waliba la isku laynayaa sako boqor
bixiyey ama wadaad Gaaleed xoogaa uu ilaahiisa ugu dhawaanayo.
Maanta dadka Soomaaliyeed laba arrimood ayaa usooran: 1) in
Islaamnimada la sheeganayo laga dhabeeyo oo Allaha la rumaysan yahay
talada loo dhiibto wixii awood ahna aan lala dib dhicin. Waayo in
Alle la tala saarto keenimayso in aad guriga hoosta ka xiratid oo
jawaabta Alle uun aad eegtid. Waxaan ubaahannay in aan feker dad
Muslimiin ah fekerno; go’aanna qaadano markaa ka dib aan Alle talo
saarano.
- dadku Islaam-ka kuma kalsoonee wixii qofka la habboon ha
hawadiyo. Maanta asbaabta aan gargaarka Alle la heli la’nahay
waxaa ka mid ah Allaha aan tuugayno shaki weyn ayaa inooga jira
wali. Qof kasta maanta wuxuu ogyahay in Alle ballan qaaday in uu
Janno geeynayo qofkii shaqaysta. Sidaa awgeed dadku waxay
ogyihiin in aan Jannada la siin qof aan dariiqeeda marin.
Gargaarka Allena waa la mid. Alle wuxuu yiri haddaad Alle u
gargaartaan Alle waa idiin gargaarayaa. Sidaa si la mid ah hal
Gaalka aad la loolamaysid guusha waad usiman tihiin oo kuu doono
ayaa Alle siiyaa; laakiin wuxuu Alle sheegay in uusan Muslim
dhab ah Gaal uga hiilin doonin.
Gabagabadii waxaan leeyahay Geeddii Iyo C/llaahi Yuusuf midna
khayr aan Alle inala doonin inooma keeni karaan. Waxaan u baahannay
in aan rumaysanno in aan horumar ku gaari karno oo kaliya feker
nabad qaba. Nin in uu reerkiisa qaxiyo qandaraas ku soo qaatay oo
markii uu arko in aad dhimanaysid kii qandaraaska soo siiyey
calaacasha utaagaya meella inama gayn karo. Waxaadna xasuusnaataan
waxaan u baahannay maanta hogaamiye rumaysan in waxa gacmeheenna iyo
dhulkeena kujira ay ka barako badan yihiin xoogaa dad laga soo
tuugay.
Abwaan-ka caan-ka ah ee Abshir Bacadle la yiraahdo ayaa horay u
yiri “ Afarjeeble dayn hore qabay oo durugsan ha usheegin.” Halkaan
dad badan ayaa uqaatay in uu ula jeeday dhuuni aan dalka udhalan.
Wuxuu ula jeedaa qofkasta oo aan diintiisa iyo dalkiisu qiima ugu
fadhiyin.