Sucuudigu: Ma Nacabka Soomaalidaa Mise Waa Nasteex?
Qore: C/raxmaan.M Muuse ( gurmad)
cgurmad@yahoo.com
Waxa warbaahintu tabisay todbaadkii hore,shir lagu magaacabay dib u heshiinta
Soomaalida oo qalinka lagu duugay magaalada jidda ee dalka Sucuudiga .
Waxaana muraayadaha idaacadaha la iska arko laga soo daayay, boqorkii Sucuudiga
iyo dhaxal-sugihiisa Suldaan bin C/casiis oo goob joog ka ahaa madashaas,dhoola
cadayn iyo farxadna gacmaha la taagaya!
Waxa kale oo madasha shirka ka muuqday kooxda horbooda dawlad ku sheega
ciidamada Itoobiya dalka ku casuuntay(waa sida Itoobiya hadalka u dhigtee).
Dhanka kale saxaafada Carabta gaar ahaan kuweeda Sucuudigu maal-galiyo ayaa
shirkaas buunbuunisay, una sawiray guul taariikhi iyo dadaal nabadeed ka
hirgalay dalka Soomaaliya. Oo haatan ka dib ku nagaan doona barwaaqo iyo
nabad(waa sidey qoreene).
Maadama boqorkii Sucuudiga iyo u adeegihii labada xaram! arintaas u istaagay(
eeg tirsiga 10521 ee wargayska Alsharq Al Awsat ee soo baxay 18/9/07).
Waxaa ka mid ahaa cinwaanadii qoraaladaas , Muqdisho oo damaashaad iyo riyaaq
loogu dabaal-dagay(malaha xasuuqa maatada ayaa iyaga farax galiya) iyo Jamacaada
Carabta oo heshiiskaas taageertay,kuna qanacsan dadaalka laysugu keenay ee lagu
heshiisiiyay kooxaha Soomaalida ee is hayay( waxa madasha joogay waa kooxda
Ambagaati oo kaliya!) iyo soomaaliya oo jidkii nabada cagta saartay!!
Nabad maxay ah? Hadaba inagoo ka wada dharagsan xaqiiqada dhabta ee dalkeenii
hooyo ka jirta , iyo sida caasimadii qaranka Soomaaliyeed uga taliyo jabahad
tigree ahi. Iyadoo darxumada iyo dhibaatada maatadii iyo qaxootiga dacalada
Muqdisho dhaxanta,qoraxda ,gaajada iyo xanuunku isugu tagay la ildaranyiin.
Maxay tahay ujeedada riwaayadan cusub ee sucuudigu dhigayo?
Mida kale waxa marka horeba is waydiin leh, horta dalka Sucuudigu sidiisaba ma
nasteex danta soomaalida ka taliyaa mise waa nacab hagardaamo badan oo gadob ka
galay walina ka galaya dadka, danta iyo dalka soomaliyeed?
Akhristow horta intaynaan jawaabtaas bixin, waxa lama huraan inaynu hoosta ka
xariiqno ugu horeynba, mawqifka iyo siyaasada guud ee boqortooyada Sucuudigu,
waa mid ku sidkan ama ka shidaal qaadata aragtida , mawqifka iyo danaha
mareykanka gobolka bariga dhexe iyo dunida muslimka
Mar kastana boqortooyadu waxay hogaamisaa ama maal- galisaa xulufada Mareykanka
dalalka Carabta.Waana gacan yare iyo hawl fududeeye arintaas u dhega nugul.
Xiligii Jamaal C/naasir halgankii xornimadoonka Carabta hor-kacayay, Sucuudiga
waxu hor-kacayay xuludafadii carabta ee Isku magacawday Xulafadii Baqdaad, ee uu
ka midka ahaa C/kariim Qaasinkii Ciraaq,ee lugta jiidaysay dhalashada isbahaysi
Carbeed oo tayo iyo karti leh.
Dagaalkii qaboobaa iyo xiligii hantiwadaagana, Sucuudigu waxa uu qaabilsanaa
Mareekanka, la dagaaalanka fikirka hantiwadaaga ee dalalka Carabta.
Maantana waxa uu qabtaa is la shaqadii, waxaanu hogaamiyaa Dalalka la magac
baxay qun-yar socodka Carbeed(Masar, Sucuudiga,Urdun) ee u ololeeya meel-marinta
siyaasadaha Mareekanka ee bariga dhexe.
Hadaba hadaynu u soo noqo jawaabta su,aasheenii hore, marka horeba hadaynu iska
garab marno,masaafurinta , xadhiga iyo darxumada uu kula kaco Sucuudigu
qaxootiga xoogsatada soomaaliyeed.
Waxa haboon inaynu is waydiino maxay tahay danta iyo ujeedada Sucuudigu shirkan
u qabtay xiligan?
Waxa la odhan kara shirkani waa mid uu Sucuudiga iyo cidii u xil-saaratayba ka
leeyhiin laba u jeedo:
Khalkhal galinta guusha ka dhalatay shirka Asmara,oo si habsami u dhacay,natiijo
samadoonka soomaaliyeed ku diirsadaana ka soo baxday. Hadaba si walaac iyo cabsi
loogu abuuro dadwaynihii shirkan u hanqal taagayay, waxa laga garab qabtay,
shirkan maqaar saarka ah, iyadoo la isticmaalayo ahmiyada diineed ee Sucuudiga,
oo ah mar walba dabin lagu gabraaro laguna dhakro dalal iyo dadyow badan oo
muslimiin ah.
Abaabulka iyo midaynta garabyada maamulka Embagaati, oo laba siyoodba u wiiqan,
waa mida horee khilaafka iyo isjiid-jiidka dhexdooda ah , oo inta badan isku
qabsadaan shilimaad dhiiga shabka ay xasuuqayaan ka tif-leeyahay.
Waa mida labaade dhirbaaxooyinka geesiyada iska caabinta iyo guumnaysi diidka,
oo aad u naafeeyay iyaga iyo cadawga daba taaganba.
Sidaa awgeed maamadama Mareykanku dagaalkan dusha ka hagayo, waxa uu ka
adeejiyay taliska Sucuudiga ee aadka ugu dhegaha nugul uguna tiirsan.
Hadaba waxa iswaydiin leh halkuu jiray Sucuudigu markii diyaaradaha iyo
taangiyada lagu garaacayay, maatada Soomaaliyeed?
Aduunyada miyuu ka maqnaa? Iska dhaaf taageero kalee, maatida la baro kiciyay ee
dhirta ku hoos dhimanaysa, kiish timir ahna ma ugu yaboohay?
Arintaas jawaabteedu waa mid looga fadhiyo Soomaalida wali riyoonaysa ee
aaminsan gacalnimada ,muslinimada iyo walaatinimda taliska sucuudiga.
Hadaba si ay inoogu fududaato ka jawaabida waydiinta ah ma nacabaa mise waa
nasteex Sucuudigu? Waxaynu magansanaynaa sooyaalka taariikhda.Waa marka waliba
arinta maanta u kacay aynaan xisaabtaba ku darin
Ma ogtahay akhristow? Inay jirto dhagar taariikhi ah oo maamulka Sucuudigu ka
galay qaranka soomaaliyeed , maalin soomaalidu meel xun taalay?
Sanadkii 1977 markii dagaalkii inaga cadawga Xabashidu dardarta ku socday, ee
Soomaaliduna wali ku tirsanayd Gaashaan-buurta Hantiwadaaga, ee ay bari iyo
galbeedba yaboohinayeen taageero dhaqaale iyo mid ciidanba oo ay dagaalka ku
maareeyaan.
Ayaa Mareykanku u wakiishay wasiirka arimaha dibada Sudcuudiga Sucuud Al Faysal(
wali xilkaas ayuu hayaa) inuu dawlada Soomaaliya ku qanciyo inay xadhiidhka u
jarto midawga Soofiyeeti,isla markaasna ugu balan qaado taageero afka baarkiisa
ah ,kuna damac galiyo garab istaag humaag ah.
Wax uu wadaba way u hirgashay dantaasi isaga iyo cidii soo diratayba. Balse
markii sidaasi dhacaday Sucuudigu iyo Mareekankuba albaabada ayay Soomaalida ka
xidheen.
Xili dalka iyo dadkuba baahi daran u qabay taageero ciidan iyo siyaasadeedba.
Sida la wada ogsoonyahayna Midawgii Soofiyeetina waxa uu la saftay taliska dalka
Itoobiya. Soomaliya waxay isa soo taagtay meel banaan. Taariikhda dagaalkii
qaboobaana , waa dagaalka kali ah ee Mareykanku iyo Ruushku isku mawqif ka
noqdeen!!
Sucuudiga ayaanu ahaa dalkii ka shaqeeyay in Soomaaliya labada dhinacba
seegto.Muxuu uga dan lahaa hagardaamadaas taariikhiga ah?
Ma ogtahay cidii barigaas Soomaaliya garab istaagtay?
Waa boqor Shaahii Iiraan,oo siyaasad iyo saanadba Soomaalida la dadaalay,waxaanu
sida la sheego ugu deeqay ciidankeena hub dalka israa,iil samaysay, balse
ciidamada Soomaalidu way diideen hubkaas inay adeegsadaan , halka laga keenay
awgeed .
Isu ekaa ayaamuhu, maanta waxaynu is haynaa isla cadawgii , waliba waa inaga oo
mar kale baanaan taagan, waliba qaarkeen cadawgu adeegsanayo, ayuu Sucuudigu oo
mareekan mar kale ka adeejinayaa godob kale inaga galayaa.
Hada yaan la moodin, in hagardaamada Sucuudigu kula kaco dalallka Muslimiinta
ahi, Soomaalida uun ku koobantahay.
Sanadkii 1996 waxa diyaarad hub si qarsoodi ah u xambaarsan lagu qabtay garoonka
diyaaradaha ee magaalada larnaka ee dalka Qubrus.Markii diyaaradii la baadhay
waxa laga helay hub iyo saanad fara badan oo leh astaantii ciidamada sucuudiga(
labadii seefood). Ma ogtahay shixnadaasi halkay u rarnayd ? waxa u rarnayd
jabhadii SPLA ee hogaaminayay John Grang ee Kiristaanka ahayd, ee la
dagaalamaysay dawlada Soodaan!!
Ma ogtahay mid ka mid saldhigyadii ugu muhiimsanaa ee mareykanku ka weeraray
dalka Ciraaq , waxa uu ahaa saldhig ku yaala magaalada Carcar ee dalka
sucuudiga!
Ma ogtahay in isla sanadkan gudihiisa ,Sucuudigu shir qabtay, la shaaciyay in
lagu heshiisiinayo urarada Xamaas iyo Fatax , ujeedadiisa dhabtiina ahayd in
lagu kala fogeeyo labadaas urur, laguna faquuqo ururka Xamaas( waana sida maanta
taagan ee xamaas loo go,doomiyay). Shirkaas oo isla sida kan hada kooxda
ambagaati laysu keenay oo mareykanku daaha gadaashiisa ka maamulayay!
Waliba ma ogtahay in Sucuudigu sida uu sheegtay markii ugu horaysay ,la
kulamyo madax ka socota dalka Yuhuuda, bilaha fooda inagu soo haya!
Akhristow laguma dhamayn karayo maqaal, buugaagna lagaga bogan kari maayo,
dhibaatooyinka iyo jiliaafooyinka Sucuudigu u gaysto dalalka Muslinka ah.
Waxa kaliya oo muhiim, in lagu baraarugo indho soo jeedana lagu fiiriyo
taliskaas midabada badan.
Lagana digtoonaado dabinadiisa uu uu ka qariyo lacagta shidaalka iyo hagoogta
diinta ee aan daacada ahayn .
Waxa kale ugu danbayntii wax lagu farxo ah in Sucuudigu u dhuranayo muuqaalkiisa
runta, maalin kastana , maryihii uu uu isku qarin jiray qaar ka dhacayaan
,ceebihiisuna isa soo tarayaan .
Shacabka iyo halgamayaasha Soomaalyeedba,ha ogaadaan inaan khiyaamooyinka
Sucuudiga,cududa Mareekanka iyo ciidamada Itoobiyaba, guusha ka hor istaagi
karin.
Haday naf-hurid ,wacyi,iyo isku duubni cadawga ugu jilib-dhigaan.Ugu danbeyna
waxaan leeyahay xornimadoonka Soomaaliyeed,ku dhaqma dardaarankii Xaaji Aadan
Af-qalooc, ee ahayd” ololha ha daynina,xornimo aamus lagu waaye”.
Qore: C/raxmaan.M Muuse ( gurmad)
cgurmad@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Sept 26, 2007
Su’aalihii Baarlamaanku weydiiyey wasiirka Wasaaradda dalxiiska iyo
duurjoogta Cali Xareed
Waxaa
ka mid ahaa: “Waxaan maqalney in dowladii TNG-da ay dowlada Liibiya la
gashay heshiis ay deyn uga qaadatay lacag dhan $7.5Milyan..”...
Akhri Jawaabaha
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..
|