-
Gudoomiyihii Degmada Huri-waa Ee Gobolka Banaadir oo la
diley
-
Baaq Iyo Cambaarayn Ay Soo Saareen Waxgaradka SSC Ee Ku
Sugan Kismaanyo Iyo Muqdisho .
-
Gaadhhaye : Dowlada FKMG Waxay U Muuqataa Mid Xiligeeda Ku
Dhamaysanasa Fowdo Iyo Kala Dambayn La,aan .
Dilkii Labaad Ee Loo Gaysto Gudoomiyihii Degmada Huri-waa Ee
Gobolka Banaadir
Sept 26, 2007: Weerar xalay lagu
qaaday saldhiga booliska degmada huriwaa ayaa waxaa ku geeriyooday gudoomiyaha
degmada huriwaa iyo nin kale oo kamida ilaaladiisa xili uu ku sugnaa gudaha
saldhiga degmadaasi .
Weerarkan ayaa dhacay xili fiidkii
dambe ah islamrkaana lagu qiyaasay 11-kii habeenimo iyadoo rasaasta laysa
weydaarsanyey ay socotay waqti ka badan nusa saac kdibna hal mar go,day iyadoo
ay rasaas culus oo noocyada hubka kala duwan ee ugu miisaanka weynaa uu ahaa
qoriga baasuukaha ee RBJ kasoo diryanka argagaxa leh laga wada maqlayey
deegaanada ka ag dhowaa saldhiga .
Waa gudoomiyihii labaad ee loo
magacaabo degmadan huriwaa oo dil loo gaysto xili laga joogo sadex bilood
,iyadoo hore loo diley gudoomiyihii hore ee degmadaasi loo magacaabay oo la oran
jiray marxuum xasan farey .
Dilka gudoomiyaha degmada huriwaa
ayaa kusoo beegmaya xili gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada
muqdisho maxamed dheere uu shalay soo saaray wareegto uu gudoomiyeyaal ugu
magacaabayey degmooyinka gobolka banaadir oo kala ah degmada yaaqshiid oo hore
looga diley gudoomiyiheedii hore xaaji cali fiidoow hadana loo magacaabay
gudomiye cusub ,shibis oo hore looga diley gudoomiye abuukar bantaas hadana loo
magacaabay wiilkiisa c/raxmaan abuukar ,iyo degmooyinka waaberi ,xamar-weyne
,shangaani ,wardhiigley iyo hodan oo uu iskushaandhayn ku sameeyey maamulkii
hore u hayey sida ku xusan dikreetada kasoo baxday xafiiska maxamed dheere .
Baaq Iyo
Cambaarayn Ay Soo Saareen Waxgaradka SSC Ee Ku Sugan Kismaanyo Iyo Muqdisho .
Baaq iyo cambaarayn
kulul ayaa kasoo baxaysa waxgaradka ,aqoon-yahnada ,culumo-udiinka iyo odayaasha
kasoo jeeda gobolada SSC ee ku dhaqan gobolada jubooyinka iyo banaadir oo ay
kaga cabanayaan sida uu ula dhaqmayaan masuuliyiinta maamul goboleedka
punt-land gobolada SSC .
Waxgaradkan ayaa
hadalkooda ku qotomiyey eedayn kulul oo ay dusha kaga tureen maamulka cadde
muuse oo ay ku tilmaameen mid daala dhacaynaya islamrkaana cunsuri ah oo u
baahan in layska qabto ,taasoo ay sabab uga dhigeen inay xaq u leeyihiin in
gobolada sool ,sanaag iyo cayn ay iyagu ka tashadaan loona baahan yahay inay
masiirkooda umadeed ka tashadaan oo shirka la doonayo inay qabsadaan beesha
gobolada SSC ku dhaqan aan cidina carqaladayn karin mana una baahnayn fara gelin
kusoo gabanaysa maamul ku sheeg waa siday hadalka u dhigeene waxgaradkaniye.
Waxgaradkan oo
cambaarayntan oo ku lifaaqnayd dukumenti ay si wada jira ah saxaafada ugu
qybiyeen maanta ayaa waxay waxgaradka iyo odayaasha kala jooga kismaanyo iyo
muqdisho si wadajira u sheegeen inay taageersan yihiin islamrkaana xoogooda iyo
xeeshoodaba la garab taagan yihiin shirka la doonayo inay beesha dhul-bahante
kaga wada hadasho aayeheeda islamrkaana ku baaqay inay iska qabtaan daba
dhilifyada iyo weliba kuwa iska hortaagaya inay umadu masiirkeeda umadeed ka
hadasho waa siday sheegeene .
Odayaasha ayaa
sidoo kale cambaarayntooda ku xusay nimankii la sheegay in maamulka punt-land ay
gacanta u geliyeen ciidamada Ethiopia islamrkaana ayay sheegeen in weliba
madaxweynaha maamulka punt-land ay sida ay sheegeen uu magaalada buuhoodle oo
xudun u ah beesha uu ku dalbaday ciidamo Ethiopian ah .
Caaqil ca/raxmaan
oo ku xusnaa baaqan cambaaraynta ah ayaa sheegay umada reer SSC ay mudo dheer ku
jireen gacan umado kale islamrkaana maanta looga baahan yahayn inay masiirkooda
ka tashadaan islamrkaana ay taageero buuxda siiyaan diinta iyo shareecada
islaamka ku dhaqankeeda /..
Gaadhhaye : Dowlada FKMG Waxay
U Muuqataa Mid Xiligeeda Ku Dhamaysanasa Fowdo Iyo Kala Dambayn La,aan .
Waxaanu waraysi ku saabsan
dhibaatooyinka ka jira Gobolada SSC ee u dhexeeya Somali-land iyo puntland iyo
arimo kale oo soomaalida ku saabsan kala yeelanay Maxamed saleebaan Bootaan
(gaadh-haye)
Su.aal:
Beryahan Gobolada Ssc waxaa ka jira
shaqaaqooyin ay somalilan iyo puntland iskaga soo horjeedan Maxaa saldhig u ah
ayaa la orankaa rabshadahaas?
Jawaab :
Dagaalada halkaas kasoo noqnoqonyaa badanaaba
waxay salka ku hayaan arimo siyaasadeed waxayna u gaystaan dadka shacabka ah ee
halkaas degan dhibaatooyin kala duwan iyadoo ay dhibaatadaasina salka ku hayso
siyaasiyiinta gobolka kasoo jeeda oo la kala safan labada maamul ee ku hardmaya
.
Su’aal:
Dad badan ayaa waxay sheegayaan dagaalada
hadda halkaas ka jira in uu ka dambeeyo wasiirkii hore Arimaha Gudaha Puntland
Axmed Cabdi Xaabsade ee Ma dhabaa arintaasi ?.
Jawaab:
.hadal hayta arintaasi waa badan tahay Axmed
Cabdi Xaabsade Maamulka soomaliland xilbuu ka soo qabtay Puntlandna xilbuu ka
soo qabtay si aan qurux
badnayna waa kaga tegay xilalkaas, Wax xigmad ahna uma samaynayso ka dhex
shaqaynta labadaas maamul iyo u tartanka xil axmed cabdi Waxaana hadda u
wanaagsanaan lahayd in uu iska nasto oo uu odaynimo ka shaqeeyo
Su’aal:
Ma kula tahay haddii Beeshu labada maamul mid
isugu luga duwato in rab-Shaduhu ay joogsan lahaayeen?.
Jawaab:
Maya illaa dowlad soomaaliyeed oo dalka oo
dhan hanata la helo halkaas iyo Dalka intiisa kaleba rabshaduhu kama
joogsanayaan,waxaa loo baahan yahay in La helo maamul dowlad soomaaliyeed wixii
kale oo dhan wax ma tarayaan.
Su’aal:
Haddii uu hirgalo nidaamka fedaralka ah ee
soomaliya qaadatay Gobolada Ssc Xagee dantu ugu jirtaa ayaad oran layahayd
Soomaaliland iyo Puntland?
Jawaab
: Horta waxaan u malaynayaa in uu adkaan doono
in soomaaliya qaadato Nidaamka federalka ah, laakiin haddii aan su’aashaada u
soo noqdo dorashada Dadka ayaa iska leh kana jawaabi doona waqtiga la gaaro.
Su’aal
: Ma kula tahay in dowladda Federaalka kmg ahi
ay labada sano ee u haray dalka Ku gaarsiinayso nidaamka fedaraalka in dalka
laga qaato ama laga diido oo weliba xilgan oo ay kasoo horjeedaan soomaali
badani?
Jawaab:
Sida hadda wax u socdaan iyo yaraanta waqtiga
haray iiguma muuqato arin-Taas in la dhammaystiri karo waayo howl badan ayaa
axdigu sheegayaa in la Maro.
Su’aal
: oo maxay yihiin arimaha la samaynayo ee
waqtigaas dheer u baahan.?
Jawaab
: Sida Axdiga ku qoran waa in dadka lagu wacyi
geliyaa nidaamkan cusub, tiro Koobana la sameeyaa loo codeeyaa dastuurka
fedaraal, dadka la waydiiyaa sida ay isku raacayaana deegaan ahaan Howl sahlana
ma aha waxaana ka horaysa in la helo nabadii iyo deganaanshihii howlahaas lagu
samayn lahaa oo aan dalka hadda ka jirin.
Su’aal:
haddii dadka cod laga qaadayo in ay federaalka
qaataan iyo in kale ma waxay kula Tahay in La diidi doono waxaad tiri waxaan u
malaynayaa in uu adkaan doonto in soomaaliya laga qaadato federaal.
Jawaab
:Maya ma oran karo oo waa arin dadka u taal
laakiin waxaan kuu sheegayaa Qaaradan Afrika 4 dal ayaan garanayaa wax federal
ah dalkaasna wax badan ayeynu ku kala duwan nahay. Waana dalalka Naigeria,
Ethiopia, Sudan iyo Dalka south Africa dalalkaa dadkoodu waa mid aad uga badan
dadkeena, waxaaa dal walba ka jira diimo badan,Qoowmiyado badan,luuqado badan
dalalkooda oo aad uga waaweyn soomaliya dhul ahaan intaas oo dhan ayeynu ku kala
duwan nahay waxaadna moodaa in soomalidu fedaraalka ay doonayso uu salka ku hayo
in qabiil qabiil loo kala go’o taaso manacaheedu yahay xanaftii dagaaladii
sokeeye marka waxay ila tahay in aan taasi wax micno ah kordhinayn ee loo baahan
yahay dowlad dhexe oo qaynuun leh
Su’aal:
ugu dabayntii gaadhhaye ahaan khilaafkan
xooggan ayaa ka dhex jira DFKM maxaa ugu Muhiimsan ayaa la oran karaa oo uu
salka ku hayaa.?
Jawaab
: Khilaafka ka jira DFMKM Tilmaamis uma baahna
sadexdii sano ee ay jirtayba Waynu ognahay in ay khilaafku jiray wxaanna u
malaynayaa in labada sano Ee u harayna ay ku dhammaysanayso khilaaf sababta ugu
muhiimsana waxaa weeye ku Dhaqmi la’aan shuruucdii dalka wixii kale oo la
sheegaaba arintaas ayey hoos imanaysaa.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Sept 26, 2007
Su’aalihii Baarlamaanku weydiiyey wasiirka Wasaaradda dalxiiska iyo
duurjoogta Cali Xareed
Waxaa
ka mid ahaa: “Waxaan maqalney in dowladii TNG-da ay dowlada Liibiya la
gashay heshiis ay deyn uga qaadatay lacag dhan $7.5Milyan..”...
Akhri Jawaabaha
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..
|