Dadkii Salaadda ka daba Tukanayay waxay dalbadeen in Imaamkani
uusan mar dambe tujin, maxaa yeelay waa uu khiyaamay!!?

Waa qiso la yaab leh oo ka dhacday Masjid lagu magacaabo
(AL-Asyaax) ee ka tirsan Degmada Qasiim ee dalka Saudi Arabia,
kaddib markii Imaam Masjidkaasi ka tujinayay Salaadda Taraawiixda uu
Qur’aanka ka akhrinayay Taleefoonkiisa gacanta (Mobile-kiisa),
halkii uu si caadi ah u akhrin lahaa.
Dhacdadan ayaa lagu soo qoray Wargeyska “Al-Wadan” ee ka
soo baxa dalka Saudi Arabia cadadkiisii shalay oo Talaado ahayd
taariikhduna ku beegnayd 18/09/2007, iyadoo dadkii salaadda ku
tukanayay Masjidkaasi ay arrintani ku baraarugeen wixii ka dambeeyay
habeenkii 3-aad ee Bishan Barakeysan ee Ramadaan, iyagoo xusay in
sababta ay arrintani ku dareemeen ay tahay dhaq-dhaqaaqii faraha
badnaa ee uu samaynayay Imaamka oo mar walba gacanta la aadayay
Jeebka.
Arrintani ayaa markii la ogaaday kaddib waxa ay muran
xooggan ka dhex dhalisay dadkii ku tukanayay Masjidkani oo qaarkood
tilmaamay in Imaamkani uu khiyaamay, caqligoodana siray, isagoo
isugu muujiyay in uu yahay nin Qur’aanka Xifdisan (حافظ القران) iyo
sidoo kalena lagu murmay in arrintani uu ku kacay Imaamkani ay tahay
mid bannaan iyo in kale.
Dhinaca kale madaxa Masaajidka Xaafaddani Jaasir C/raxmaan
Jaasir oo ka hadlayay arrintani ayaa waxa uu xaqiijiyay in Imaamkani
uu Qur’aanka akhrintiisa u adeegsan jiray Taleefoonkiisa gacanta
(Cell Phone-ka) inta lagu guda jiray Salaadda Taraawiixda, isla
markaana Imaamkani uu ahaa nin Tabarucaad ahaan kaga noqday Imaam
Masjidka, balse uusan ahayn Imaam ay soo xusheen Maamulka Masjidkani
cusub oo dhismihiisa dhowaan la dhameeyay illaa iyo haatanna aan loo
sameyn Imaam rasmi ah.
Saudi
Arabia oo ka mid ah dalalka sida weyn u isticmaala Taleefoonnada
gacanta (Mobile Phones-ka) ee dunida ayaa dhinaca kale waxaan meesha
ka marneyn saameynta Bulsho ee Mobile-kani ku dhex yeeshay
shacabkani Carbeed, inkastoo taleefoonnadani ay fududeeyeen arrimo
badan oo dhib laga mari lahaa haddii aan al adeegsan, waxaana mar
walba dhibaatadiisa ka badan faa’iidada uu u leeyahay dhinaca
isgaarsiinta.
W/T: Yaxye Yuusuf Khasaaro
e-mail addresses:
yaxyekhasaaro@hotmail.com
yaxyekhasaaro@yahoo.com