SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Kororso Aqoontaada, (Cilmi-baarisyo)

(a) Haweenka Sportiga ciyaara waxay dhalaan Caruur Caqli badan..!!
 
     Cilmi-baaris casri ah oo ay dhowaan Jarmalku sameeyeen, ayaa waxaa ay muujinaysaa: in Haweenka badanaaba ciyaara "Sportiga", siiba Orodka ay dhalayaan Caruur Caafimaad qabta oo uu Caqligooduna aad u sarreeyo.
 
     Waxay Takhaatiirta  casriga ahi kula talinayaan Haweenka uurka leh, ee ku jira bilaha ugu dambeeya ee uurkooda: in ay badsadaan kaxaynta Bushkuleetiga(Bicycle); taas oo ay tilmaamayaan Takhaatiirtu in ay kordhinayso firfircoonida iyo dheefoonaanta Hooyooyinka Uurka leh iyo Ubadka Uurkooda ku  jira intaba.
 
     Cilmi-baaristan uu Jarmalku soo bandhigay ayaa waxa ay intaas ku daraysaa:- In Ciyaaraha Sportiga ee ay ka midka yihiin:- Orodka, kaxaynta darraajada(Bicycle) iyo Dabaashu, ay keenayaan Maskaxda ruuxa oo saafi noqota iyo Ubadka ku jira Hooyadaas ciyaaraysa uurkeeda oo ay Cunnda iyo Dhiiggu u gaaraan si aad u fudud. Taas  waxaa ay gacan ka geysanaysaa in ay Maskaxda Ubadkaasu noqoto mid nadiif ah oo saxar la'; hagaagna u shaqeysa.
-----------------------------------------------------
(b) Isku-daweynta Cirbadda Shiinaha:-
 
    Cilmi-baarayaal Jarmal ah oo uu madax u ahaa 'Prof.Frank Flak', kuna sugan magaalada "Manhaim", ayaa daraasad ay ku sameeyeen 150-ruux, oo la il-darnaa Cudurka Dhiig-karka, ka-dib, soo bandhigay:- In dadka qaba Cudurkaas ; haddii ay isku-daweynta Cirbadaha Shiinaha joogto u wadaan  muddo lix toddobaad ah, ay markaas taasu keenayso Dhiiggii oo si muuqata hoos ugu dhaca...
---------------------------------------------------
(c) Sigaarya-cabku ha badsadeen cunitaanka Tufaaxa iyo Toonta..!!
   
     Cilmi-baaris  dhowaan la sameeyay ayaa waxaa ay soo bandhigaysaa:- in jirka dadka Sigaarka cabba(dhuuqa) uu ka buuxo maaddada loo yaqaan "Kadiyom", taas oo keenta: in jirka ruuxu wada sumoobo.
 
     Dr.Adil A. ayaa  wuxuu sheegayaa: in sumoobidda Jirka lagu garan karo calaamadaha soo socda:- Dhiig-kar, Cunis-xumo, Nafaqa-darro iyo Lowya-xanuun ku yimaada ruuxa, ugu dambayntana u xuub-siibta timaha oo ka daata qofka.
 
     Sidaas darteed, si ay "Kadiyomka" oo lagu sumoobo uga badbaadaan dadka Sigaarka dhuuqa, waxaa la gudboon in ay badsadaan cunitaanka Tufaaxa iyo Toonta(Tuun), kuwaas oo gacan ka gaysan karaya: in ay suntaas dibadda uga baxdo jirka Aadanaha.
-------------------------------------------------
(d) Ila qosol...!!
 
     Laba nin oo Soomaali ahaa, kana yimid miyiga, ayaa booqday Cisbitaal  ku yaalla Muqdisho. Takhtarkii oo Shiineys ahaa ayay Af-Soomaali ku weydiiyeen su'aal ah:-"Halkani ma qaybtii Cudurrada faafaa ?".
 
     Takhtarkii Shiinaha ahaa ayaa yiri:-"Mao mi mai".
Ninkii kowaad ayaa saaxiibkiis weydiiyay:-"War muxuu na yiri Gaalku..?".
Ninkii labaad ayaa ku jawaabay:-" Wuxuu na yiri:- Muhu mihi maaha..."!!!
 
Waxaa diyaariyay :-
Muxyaddiin M.Kaalmoy - kalmoi@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 19, 2007

 

usaNin Soomaali ah oo Talaadadii lagu xiray Maraykanka "ma aha Argaggaxiso ee waxaa loo xiray arrin la xiriirta Daroogo..."

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com