Dariiqa Toosan 1/3
Bilaal hargeisaawi.
Bilaal_1985@hotmail.com
Qaybtii: 3aad.
2- Xaqbay ahayd qaadacaada shabaabka ee shirka asmara.
“Waa dariiqii hore, waxaase maraaya rag cusub; waa ragii lagu baxsan lahaa oo
cagta saaray wadadii ay kuwii hore ku kufeen.”. bayaankii shabaab
Ereyadasi waxay ka mid ahaayeen ereyo ku jiray bayaankii dhaqdhaqaaqa
shabaabka mujaahidiinta ahi kazoo saareen kuna qaadeceen shirka asmara lagu
qabandoono ee ay kazoo qayb-galayaan dadyaw kala afkaar duwan se isku waafaqsan
in guumaysiga Ethiopia laga saaro dalka.
Waxaa kooxahaa ka mida sida bayaanka lagu sheegay :
- 1. Barlamaanka xorta ah.
- 2. Bulshada Rayidka.
- 3. Qurba jooga.
- 4. Qayb ka mid ah Golihii Maxaakiimta Islaamiga ah.
Inta badan maqaalkaygani wuxuu ku socdaa islaamiyiinta ka qaybgalaya shirkan,
waayo isku sharci ma nihin kooxaha kale khaas ahaan bulshada rayidka ah iyo
kooxda isugu yeedhay baarlamaanka xorta ah, waxaana laga yaabaa in ay shirka ku
jiraan afraad aan labadaa kooxood midna ahayn oo sidaas oo kale aanaan isku
sharciyad ahayn sida qaar ka mida qurba jooga.
Gogol-dhig .
Marka aad tahay ruux matalaya xarako islaami ah oo leh aragti islaamaysan
waxaa kugu waajib ah in aad go’aanadaada iyo dhamaan dhaqdhaqaaqyadaada ku
salayso rukuno islaami ah oo adag. Waa in aanaad sida uu waqtigu isugu kaa dul
badbadalayo isu dabdabalin khaasatan usuushaada ama mabaadiidaada ictiqaadiga
ahi.
Islaamku waa diin dhamaystiran oo la falgalikarta wadci kasta, wakhti kasta
iyo meelkasta oo la joogo, haday dagaaltahay waxaa jira axkaam islaamku u dhigay
dagaalka, wuxuu leeyahay waqti la dagaalami karro iyo waqti aan la dagaalami
karrin, wuxuu leeyahay cid lala dagaalamo iyo cid aan lala dagaalamin wuxuu
leeyahay axkaam u taala heshiisyada, yaa lala heshiin karaa yaanse lala heshiin
Karin, xadka heshiisku waa ilaa intee, mudada heshiiska, iwm.
Sidaan wada ognahay waxaa kusoo gaba-gaboobay wadanka Eretria magaalo
madaxdiisa asmara shirweyne ay kazoo qayb-galeen dhinacyo badan oo soomaali ah
se kala afkaar iyo aragtiyo duwan. Waxaa kamid ah mid aaminsan in sharafta,
guusha, badhaaha nolosha iyo badbaadinta wadanka lagu gaadhi karo jeer oo si
daacadnimo ah loo qaato nidaamka dimoqraadiga ah, qaadashadiisana laga
dhab-sheego.
Waxaa ka mid ahaa qaar aaminsan in umada badhaadheheeda iyo barwaaqadeeduba
ay ku jirto in si dhamaystiran loo qaato nidaamka islamiga ah ee allaah uu
inooga soo dejiyay samada si uu dhulku ugu islaaxo.
Waxaa ah wax aan cidna loo sheegahayn farqiga u dhexeeya ladaba nidaam ee
lakala wato iyo midba ka kale waxa uu ka aaminsanyahay. Islaamigu nidaamkasta oo
khilaafsan shareecada islaamka wuu diidanyahay mana ogola isku xukunkeeda ama ka
xukundhigashadiisa.
Dimoqraadigu wxuu u arkaa nidaamka islaamiga ah iyo nidaamkasta oo diini ah
isku xukunkiisa wax aan caqliga galin oo lagu qoslo hadaynu nidhaahno waxaynu
isku xukumaynaa wax la soo dejiyay 1400 sano ka hor.
Waxaa hadaba la yaableh in lagu yidhaahdo waxaa is waafaqay oo heshiis ku
gaadhay in ay wada samaystaan hal koox oo hal magac leh.
Waxaa agteena wax biri magaydo ah ka ah in aan islaamku mabda ama diin ahaan
uusan cid kale waafaqi Karin oon islaam ahayn, mana aha diin kala dhiman oo u
baahan cid kale oo kaabta ama kabta dhamaystirtana nusqaantiisa.
Laakiinse waxaa inta badan la arkaa in kuwo xambaarsan mabda’aas rabaaniga
ahi ay ku simbiririxoodaan, caqabadaha adag ee marwalba hortaagan akhyaarta sida
mabda’aas islaamiga ah waxaa guulaytay kuwa ka gudba caqabadahaas.
Wuxuu allaaaah ina siiyay khilaafo islaami ah ama dawlad islaami ah taas oo
kazoo if baxday qaybkamida dhulkii hore loo odhan jiray dhulwaynaha islaamka
khaasatan dhulka ay degaan qowmiyada soomaalidu qaybo kami ah. Waxaa farxay
muminiintii wuxuu yidhi allaah “Maalintaasayna ku farxi muminiintu guusha
illaahay ”surat ruum aya 4 . waxaa naxay kuwii uu qalbigoodu bukay iyo gaaladii.
Waxaa samada kismaayo laga lulay calankii rasuulka scws, oo waxaa hoos loo
dhigay calankii wadaniyada iyo qowminimada, waxaa baaba’day in qabiil la’isku
xidhiidhiyo oo waxaa uu illaahay ha hadeeyo hana xifdiyo ee uu dunida oo dhan si
geesinimo leh u maqashiiyay sh.xasan daahir aways in aanuu “qofka muslimka ahi
Somalia manta ajanabi ku ahayn” ee uu yahay walaalkoodii ay ku walaaloobeen
walaalnimada dhabta ah waa islaamnimada iyo iimaankee. Wuxuu yidhi allaaah
“Muminiintu waa walaalo” surat xujurat ayah 10.
Waxaa la helay nimco aan mudo kumanaan sano laga joogo la helin, waxaa la
helay nimcadii xukunka islaamiga ah, waxaa la celiyay xoolohii dulmiga lagu
haystay, waxaa la tirtiray fusuqii iyo dhaqanxumadii xataa wariyayaasha qaar ay
maqaaladooda cin waan uga dhigeen “Xataa samadiibaa ducaysay” iyagoo ka hadlaya
sida uu ilaahay khayraadkii dhulka iyo samaduba u furmay, waxaa la joojiyay
aafadii fidmaysay soomaali waa qaadkee.
Waxaa inoo xigtay ayaamo aad u dhib badnayd wuxuuyidhi allaah “ Waa sidaas
aduunyadu, waxaanu ku kala wareejinaa dadka dhexdiisa, iyo in aalaah uu nuujiyo
kuwa rumeeyey, kana yeesho xagiina marag, ilaahayna ma jecla daalimiinta” surat
alacimran ayah 140, waxaynu waynay dadyaw qaali ahaa, iyo rag aan xasuustoodu
qalbiga ka go’I karin, abuu qataadah, abuu xafzaa, abuu cablah, abuu maryam, abu
…abu ..abu, rag qaaliya oo anay aduunyo iyo xoolo midna inoo jarahayn. rag
markasta oo aan akhriyo aayadan aan soo xasuusto “Rag aanay ka mashquulinaynin
Xuska alle ganacsi iyo iibtooni” surat nuur ayah 37. sidaas oo ay u
xanuunbadnayd waayida ragas qaaliga ahaa hadana maaha wax aynu ka murugoono oo
waxay heleen waxay ilaahay kula heshiiyeen inshaa allaah, wuxuu yidhi allaah
“Muminiinta waxaa ka mida rag ka runsheegay waxay ilaahay kula balameen, waxaana
ka mida mid gutay balankii (ajashiisii), waxaana ka mida mid sugaya mana
aybadalin” surat axzab ayah 24,
Waxaase wax aad looga xanuunsado oo runtii aad looga murugoodo ah markaad
aragto iyadoo laga baydhay hadafkii iyo u jeedadii ay dhiigooda u daadiyeen
nafahoodana u siisteen, ((Si ay kalmada allaaah u sarayso, kalmada kuwa gaalada
ahina u hoosayso)) ((La dagaalama gaalada inta gaalnimo iyo xumaan laga
waayayo, oo ay diinta dhamaanteed xaga allaah noqoto, haday reebtoonaadaan
ilaahay wuu arki waxay falayaan))surat anfaal ayah 39, waxaanaan afbuuxa ku
leeyahay shirkii asmari wuxuu ahaa khiyaano loo gaystay dadkii iyo ragii dariiqa
khilaafada loo maray ee jidhkooda kaabadaha iyo jaranjarooyinka inooga dhigay si
aynu u taagno calankii islaamka. Wuxuu khiyaano u yahay waxaa laga leexday
jidkii alle inoo jeexay, wuxuu yidhi alle isagaa ceeb oo dhan ka nasahane:
((Waa kaa dariiqayga toosani ee raaca, oo ha raacina wadiiqooyinka idinka
leexinaya jidka allaah, Sidaasuu ilaahay idin faray, inaad dhawrsataan)),
Dariiqaas alle inoo tilmaamay waxyaalahaynu kaga leexanay waxaa ugu dambeeyey
shirkii aynu kazoo hadlaynay, gogoldhigaa dabadii aynu u gudubno sharciyada
shirkan.
Sharciyada Shirka.
Wuxuu yidhi sh. Abu maxamed almaqdasi “Fasaadka ictiqaadka ay qaarbadan oo
jamaacaadka islaamiga ahi ka aaminsanyihiin masaa’isha gaalnimada iyo iimaanka,
ayaa waxay dhaxal siisay iyaga iyo kuwa dabagalaba, fasaadkale oo kasii farcama
arintaas oo ah in madaxyo-weyn gaalo ah ay islaam ku xukumaan, oo ay is
xidhiidhiyaan una hiiliyaan oo u nusreeyaan, bal ee waxay gaadhay in ay la
mushaarakeeyaan waxyaalo gaalnimo ah, oo baadil ah, agtooda baadilku baadil ma
ahan, waayo asalka ay ku dhiseen ayaa fasahaadsanaa…….hala yaabin hadaad aragto
qaarbadan oo u nisbo sheeganaya jihaadka in ay waqtiyada iyo duruufaha qaar ay
istaagaan dhanka culmaaniyiinta,amaba dhanka diinlaawayaasha, iyo safka
dambiilayaasha,oo ay isu keento ciidooda iyo wadaniyadu, iyo jinsiyadaha bidcada
ahi iyagoo ku andacoonaya midnimada wadanka, iyo maslaxada dalka, iyagoo ku
andacoonaya in ay la wada dagaalamayaan cadaw ay u qabaan cadaawad guud, waxaa
shaki la’aana in fasaadka usuushoodu uu keenay fasaadka furuucdan” Kalimada
manhajka 5.
Waxaan in badan ka warwarsanaa in aanaan walaalahayga iyo culimadayda shirka
ka qaybqaadanaya isla waafaqsanayn in ay gaalnimo tahay waxa ay ku dheceen kuwa
isku sheega baarlamaanka xorta ah ee ah in ay yihiin kuwo isu taagay in ay
hirgaliyaan nidaamka dimoqraadiga ah, dadkana u xalaaleeyaan wixii ay isku
raacaan ee aqlabiyadu noqoto, iyo tixgalinta iyo daliisashada ay daliishanayaan
had iyo goor axdi-qarameedka baadilka ah.
Laakiin waxaan dhawaan arkay qoraal uu qoray sh. Cumar iimaan abuukar oo uu
kaga hadlayo in ay mararka qaar banaantahay in la la xulafaysto gaalada isagoo
sida hadalkiisa ka muuqatay ka hadlaayay sheekhu is xulafaysiga dhex maraya
qaybo ka mida maxkamadihii islamiga ahaa iyo baarlamaanka xorta ah, waxaa halkaa
iiga muuqatay in uu gaalo u haysto kuwa ay is xulafaysanayaan markaana uu iska
difaacayo qolyaha leh maxaad gaalada (baarlamaanka xorta ah) u xulafaysanaysaan
eed isu kaashanaysaan.
Waxaase nasiib daro noqotay in uu sheekhu ku sheegay maqaalka intiisa dambe
in nimanka ay la midoobayaan aysan haysan mabda ee maalinba meesha uu shilinku
uu yaalo ay joogaan, in kasta oo ay wacnaan lahayd in uu sheekhu ogaado in uu
labada fariiq waa gaal iyo islaame mid uun raaciyo waayo islaamku labadaa wax ka
dhexeeya ma ogola mana jiraan.
Wa ayo Barlamaanka xorta ahi?.Mase lala heshiin karaa ama lala xulafaysan
karaa?.
Baarlamaanka xorta ahi waa “Waa garabka mucaaradka ah ee baarlamanka
Empgathi, waxay ku doodayaan in la jabiyey jaartarka, iyagaa wax ka doortay
C/yuusuf, misana ansixiyey C/geedi” bayankii shabaabka.
Waxaynu ognahay in jaatar sharci ah oo banii aadam dhigtay in lagu dhaqmaa oo
ka allena laga tagaa ay tahay gaalnimo.
Waxaan shaki ku jirin in ay culimada ku shiraysa asmara badankoodu aamin
sanyihiin in baarlamanka aan xorta ahayn ee baydhabo ay badankoodu gaalo yihiin
oo waxaa arintaas fatwooday culimo waawayn, waxaa hadaba la yaableh waxa ay ku
kala duwan yihiin iyo waxa kaasna loo gaalaysiiyay kana loo islaameeyey wuxuu
yidhi allaah: “Ma gaaladiinanbaa ka khayrbadan kuwaas mase dambi la’aanbaa
idiinku sugan kutubta” surat qamar ayah 43.
Waxaa laga yaabaa in ay dadbadani yidhaahdaan kuwani tikreega ma aysan keenin
kamana raali aha laakiin kuwaasi waa ka raali iyagaana keenay, dadka sidaas leh
waxaan leenahay kuwani waa kuwii ansixiyay in wadanka gaalo la keeno walaw
gaaladaasi yaysan ahaan tikree, waa kuwii ansixiyay in dawladii islaamka ahayd
oo jirta la keeno wadanka ciidamo ka socda wadamada aan ahayn safka hore ee urur
goboleedka igad oo ah ciidamo kufaar ah si loo baabi’iyo cududii dawladaas, hadh
iyo habeen wuxuu sharif xasan ku faanaa in uu san isagu keenin tigreega ee wuxuu
ansixiyay ay ahaayeen ciidamada aan safka hore ahayn ee dawladaha igad ka
tirsan, waxaan leenahay mar labaad labaduba laba gaal bay soo kala hogaamiyeen
isku ujeedona way ka lahaayeen oo in nuurkii umada usoo baxay la bakhtiiyo oo
kitaabkii alaah axdi qarameed lagu badalo iyo dimoqraadiyo ayay ahayd laakiin
waa lagu soo kala horeeyey, ninka wadanka tikree keena iyo ka ugandes keenaa waa
isku mid oo labaduba laba gaal ayay dalka keeneen xukunka ku dhaca ka tikreega
keenana wuu ku dhacayaa ka ugandeska keenay, anagu ethopian ulama dagaalamayno
in uu ethopian yahay oo ay cadaawad jinsi ahi naga dhaxayso ee waxaan ula
dagaalamaynaa in uu yahay gaal dalkeena kusoo duulay sidaas oo kale ugandeska,
iyo gaalkasta oo wadan islaamkusoo duula oo qabsada.
Qaacido islaami ah ayaa waxay ahayd “Cibradu waa inta uu koobsado daliilku ee
maaha in uu daliilku ku gaaryahay cidaa markaa uu ku dhacay xukunku”.
Sidaa aawaded waxaan afbuuxa ku lenahay cida raacday usuushii iyo qawaacidii
asalka ahyd iyo nusuustii sharciga ahayd waa xarakada ashabaab almujaahidiin,
Waxay ku sugnaadeen xaqa xiligii barwaaqada, waxay ku sugnaadeen xaqa xiligii
dhibta iyo mashaqada, hadalkii ay shalay lahayeen wuxuu waafaqay kay manta ku
dhawaaqeen, laakiin walaaladeena kale alle hasoo hadeeyee may waafaqin xaqa ee
way baal mareen marka la eego masaladaas shirka.
Waxaan ogahay in inbadan oo walaalahyga iyo culimadayda ku shiray asmara ay
aaminsanyihiin in dadka la badsado si loo guulaysto laakiin waxaa ka dhiman
qaacido ay si fiican u fahmeen walaaleheena dhalinta yar ee ashabaab oo ah in
badnaanshaha aynu badanahay in aynaan marnaba ku guulaysnayn, yaraanta ay
tiradeenu yartahayna aynaan marnaba ku jabayn kuna hoogayn, laakiin sirta guushu
ay tahay kolba sida aynu dariiqa toosan ugu sugnaano, in aynu nasri iyo guul ku
helayno, sirta jabkuna ay tahay in markasta oo aynu dariiqaa kaleexano wallow
aynu badnaanabee aynu jabayno hoogaynana, wuxuu yidhi allaah isagoo ka hadlaya
inaan quwadu ina cajabin lana hadlaya saxaabadii rasuulka oo maalintaas
quwadoodu cajabisay “ Iyo maalintii xunayn markay idin cajabisay badnidiinii oo
aanay waxba idiin tarin, dhulkuna uu cidhiidhi idinku noqday isagoo balaadhan,
ee aad dabada jeediseen idinkoo ordaya.” Surat tawbah ayah 25.
Waxaa cibro iyo wax ku qaadasho inoogu filan walaalo sideenan oo kale ahaa oo
markay dariiqii ka leexdeen oo uu shaydaanku dacal ka tusay guulbeena ay
leexdeen kuna dheceen hadaan wayn oon kazoo waaqsasho lahayn, waxaa tusaale
inoogu filan walaleheenii muslimiinta ee reer masar siday u hoogeen markay la
xulafaysteen taliskii jamaal c/naasir, waxaa tusaale inoogu filan walaaleheenii
reer aljeeriya siday u hoogeen markii ay ka leexdeen tubtii toosnayd ee ay
mareen sidii uu doonaayay gaalku oo ahayd dimoqraadiyad iyo doorashooyin baadil
ah, waxaa tusaale inoogu filan walaaladeen xamaas iyo dhibta ka haysata markii
ay dariiqa ka leexdeen, waxaynu ognahay oo dhul ahaan inoogu dhaw sidii ay
midheheedii u dayacday xarakadii jihaadka ee ka jirtay dalka aad hada martida u
tihiin ee Eretria markii ay odayaashii xarakadu la xulafaysteen daalimiintii
mulxidiinta ahaa, sidii ay walaalahayga xarakada ashabaab ku sheegeen
bayaankooda waxaan leeyahay dariiqu ma cusba laakiin waxaa maraya rag cusub.
Waxaan kusoo gabagabaynayaa baarlamanka xorta ahi wuxuu la xukunyahay kuwa
jooga moqadisho, sida aan kuwaas loola xulafaysan Karin een loola heshiin Karin
ee waxa inaga dhexeeyaa ay seefta tahay ayay kuwana leeyihiin, qofkii diidana
waxaynu leenahay marlabaad siduu allaaah yidhi: “Ma gaaladiinanbaa ka khayrbadan
kuwaas mase dambi la’aanbaa idiinku sugan kutubta” surat qamar ayah 43.
Qoraaladii hore ee Bilaal...
Bilaal hargeisaawi.
Bilaal_1985@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 18, 2007
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..
![mutamar](/2007/aug/axad181.jpg)
Mutamarkii Minneapolis .... Ka akhri halkan.....
Qaybsigii
Batroolka Soomaalida
Qoraalkii lataliyaasha shirkadaha KuwaitEnergy & MedcoEnergi ay DFKMG
magaalada Malindi ugu usoo bandhigeen June 12, 06, ee qaybsiga
Batroolka Soomaalida, oo ku qoran:
PowerPoint ama
PDF.
Xaqiiqada Dhabta ah ee ka dambaysa "Sharciga Batroolka Soomaaliyeed"
Waa duudsin Khayraadka Shacabka Soomaaliyeed muddo 70-ka sano ee soo
socota.. Waxaana la is weydiinayaa in Baarlamaanka DFKMG uu xeerkaas ansixin
doono.... Akhri [Xog iyo warbixin]....
![](/terry/arrowleft.gif)
![](/terry/arrowright.gif)
|