Shirkii Asmara Maxaa ka soo Baxay? Soon Wanaagsan:
Waxaa in dhawaala ahba shir uga socday magaalo madaxda Dalka
Erateriya ee Asmara kooxo lagu sheegay inay mucaaradsan yihiin kana soo hor
jeedaan Dawladda Empagathi, shirkan oo ay ka soo qayb galeen ku dhawaad 500
oo ergo oo ka kala yimid gudaha Dalka iyo dibaddiisa, ka qayb galayaasha
shirka waxaa ugu cadcaddaa uguna tun weynaa Wadaadadii maxkmadaha Islamka ee
lagu jabyey guluf colaadeedkii dhacay bishii December kuna kala firdhoobeen
Dalka iyo dibaddiisa noqdeeenna qax habqan iyo qurba joog iyo kuwo la shaqo
bilaabay Dawladda empagathi sida: Sh. Cali Dheere, garabka labaad waa
nimanka la magac baxay: Baarlamanka Xorta ah ugana horreeyo Shariif Xasan
Sh. Axmed Guddoomiyihii hore ee barlamanka Empagathi iyo Xuseen Caydiid,
waxaa soo sadaxeeya kooxo lagu sheegay: Qurba-joog iyo Aqoon yahanno
Soomaaliyeed.
Shirkan oo bilowday 05/09/07 soona gabagaboobay 14/09/07 islama
bishan September waxaa la dhihi karaa ka qayb galayaasha shirka waxay u
badan naayeen haraaggi Maxkamadaha iyo taageerayaashooda iyo kooxo boos ka
waayey qariiradda siyaasadeed ee Dawladda Empagathi sida: Ina Caydiid oon
wada xusoosanno mowqifkiisa u aadanaa ugu horrayn maxkamadaha xilligi ay ka
talinayeen gobalada qaar oo in badan ku tilmaamay inay yihiin Argagixiso iyo
xagjir maanatana la wada shirayo shaahna la wada cabayo waa la yaab!, sidoo
kale mowqifkiisa ku aadnaa hadalkii qalafsanaa ee foosha xumaa uuna ku yiri:
in laga mideeyo labada dal waa Soomaaliya iyo Xabashidee dhinacyada:
Military-ga(Ciidanka), Dhaqaalaha(Lacagta), iyo baasaborka, waxaase is
weydiin mudan Oraahdan tiraabaysa: Goormaa Beer Lafo Yeeshay?! Ina Caydiid
goormuu Garwaaqsaday oo gartay xummaanta hadalkaa uu lahaa? Mise Shariifka
maxkamadaha ayaa quraamiyoo Xiseen mar dhow waxaa la arki doonaa isagoo
garhdeeroo Qamiis Cad iyo Camaamad Cas xiran, waxay noqotaba wayna u
joognaa!.
Shiranka Asmara wuxuu daba socday shir ay soo qaban qaabisay Dawladda
empagathi kuna soo gabagaboobay Magaalada Muqdisho 15/07/07-30/08/07 loona
qabtay Odayaasha dhaqanka beelaha kuna dhamaaday Fashal iyo guul darro, lagu
tilmaami karo: Shimbaro yahow Heesa, marka laga eego wax tar yarida dadyowga
ka soo qayb galay iyo saamayn la’aantooda ayna sii dheertahay inuu waaqica
wax ka badali waayey gaar ahaan dagaaladda ka holcaya magaalada Muqdisha iyo
dagaallo beeleedyada ka socda qaybo badan oo dalka gudihiisa ah, haddaba
su’aasha is waydiinta mudan waxay tahay: haddii shirkii Asmara yahay
dabaaqtan iyo xafiiltan lid ku ah shirkii Muqsdisha muxuu uga duwan yahay?
Muxuuse soo kordhin doonaa?!.
Soomaalida waa dad aan wax ku qaadan dhacdooyinka dunida iyo
taariiqdaba bal ila dhadhanso miraha heestan macaan ee ay ku luqayso
Fannadda weyn ee Saafi Ducaale hal ku dhaggeeduna yahay: Salaan Macaan
Heestiina waa tan:
- Wixii Maanta Joogiyo
- Wixii Jeer la soo Maray
- Maalmaha Muhiimka ah
- Waa Macalin kuu Dhiga
- Murtidiyo Maahmaahday
- Kuu Marinayaanee.
Waxaan ka dheehan karnaa erayada heestan in Maalmuhu yihiin Macalin
wax laga barto, balse waxaa ayaan darro ah haddii aan Soomaali nahay
inaanaan waqtiga waxba ka qaadan , ulajeedka dhabta ah waxay tahay inay
shirka ka soo qayb prof Cali Qaliif Galayr iyo prof Cabdi Ismaaciil Samatar
ayna soo jeediyiin si Shirku guul ugu dhammaado in la ballaariyo oo laga soo
qayb galiyo Soomaali badan iyo in shirka laga saaro xubnaha qaarkiis ee
dawladaha qarkood ay ku tuhunsan yihiin inay xiriir la leeyihiin Argagixiso
iyo Al-qaacidda, balse nasiib darro taladii labadaa prof waa lagu gacan
sayray oo dhagaha ayaa laga furaysaty.
Haddaba talo soo jeedintaas waxay shirka ka ilaalin lahayd in lagu
sunto argagixiso iyo waxaa isugu yimid harragii maxkamadaha iyo
taageerayaashooda si loo wiiqo guul kasta oo ka soo bixi lahayd shirka, dhab
ahaantii sidii ayey noqotay gabgabadii shirka Dawladaha: Marayknka,
Xabashida iyo Empagathi waxay shirka ku sunteen inuu ahaa shir argagixziso,
iyagoo ka faa’iidaysanaya dadyowga qaar ee shirka ka dhex muuqday, balse
haddii la tix galin lahaa fekerka labadaa prof sidaan wax uma dheceen.
Go’aanadii shirka ka soo baxay waxaa ugu muhiim sanaa: Dhimsaha
Isbahaysiga Xoraynta iyo Dib-u-soo Noolaynta Soomaliya , Aduun Weynaha oo
laga dalbaday gargaar dagdag ah inuu u fidiyo Dadka tabaalaysan , Dhaleecayn
loo jeediyay dowlada Empagathi iyo Qabqablayaasheeda, waxaase ka sii
muhiimsan in gudoomiye loogu doortay Sheeq Shariifkii Maxkamdaha dhextaalna
looga dhigay Shariif xasankii Barlamaanka, haddaba markaan eegno go’aanadaas
waxaan dhihi karnaa shirkii Asmara wuxuu ku dhamaaday fashal iyo dhicsimo,
maxaa yeelay shirka wuxuu ku calaamadsan yahay shir argagixiso waxaa sii
xoojinaya arintaan waa ka qayb galka Xasan Daahir Aways iyo umagacaabidda
Shiiq Shariif gudoomiyaha Asbahaysiga, waa su’aal da’wayne: miyaa la
waayay mawaadin kale oo xilkaa qabta siyaasi aqoon yahan kuu doono ha
noqdee, miyaan la og soonayn Shiiq Shariif halkuu wax ku furay shalay?
miyuusan marayn dhabbihii shalay?, Maxkamadaha waxaa gulufka colaadeed loogu
qaaday waa inay argagixiso ahayeen iminkana waxaa xilkii ugu sareeyay
Isbahaysigaas loo dhiibay ninkii shalay xilka ugu sareeyay u hayay
Maxkamadaha .
Waxaa hubaal ah inaan sidaa dunida u sii qiimaynayn natiijooyinkii ka
soo baxay shirka Asmara, haddaanse usoo noqdo dadyowga shirayey ee
Soomaaliyeed ma ahan dad isku jaad ah ama isku mabda’ ah waxayna isugu
jireen midagta fog iyo bidaxda fog, waxaana kuugu daliil ah dooddii ku
saabsanyd eray bixinta la xiriirtay waxa loo adeegsanayo dagaalka sida:
Jihaad, Muqaawamo, iyo Halgan, oo markii la is mari wayey loo saaray guddi
ka soo dooda erayadaas, bal aan is waydiinno waxaas miyaa mudan in waqti
lagu lunsho?, teeda kale wuxuu kuu muujinayaa xoogga ay ku lahaayeen shirka
Wadaadada iyo kuwa cabay Sunta Carabta, waaba yaabe xaggee nooga daba wadaan
Jihaad sowse Jihaadku ma agoontoobin bishii December iyo wixii ka
dambeeyey?!, maxaase keenay in la garab dhigo erayga Halgan kuwaan ay feer
dhigeen ee ah: Jihaad iyo Muqaawamo? Si kastaba ha ahaatee waxaa wax laga
xumaado ah dad Soomaaali ah oo meel isugu yimid inay ka doodaan eray bixin
la xiriirta eray loo helayo mid u dhigma ama ka agdhow!.
Guntii iyo gabagabadii: Xabaddii waa bilaabatay sdia laga iclaanshay
Asmara, balse waxaan waydiin lahaa ragga iclaanshay Xabadda ma Asmara ayey
Xabadda ka ridayaan?, mise sida Xasan Turki ayey Howdka Kaynta iyo Toonta
dhexdeeda ku dhuumaalaysanayaan? Waxaa habboon inaan dhalinyarada la qatalin
lana marin habaabin oon loo jeexin hilin ay ku hoobanayaan kuna baaba’ayaan
maxa yeelay dhalinyaradu waaa mustaqbalka dalka dadka., iyadoon lagu beer
laxawsanayn erayo macaan oo soo jiidanayana dareenkooda.
Bashiir M. Xersi.
brdiraac@hotmail.com
Tripoli-Libya
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 17, 2007