SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
  • KU: DHAMMAAN UMMADDA SOOMAALIYEED
  • KU: DOWLADDA ISU-TAGGA KU-MEEL-GAARKA EE
  •         SOOMAALIYEED
  • KU: URURKA MAXKAMADAHA ISLAAMIGA AH EE
  •         SOOMAALIYEED
  • KU: URURKA HOOYOOYINKA SOOMAALIYEED
  • KU: URURKA GANACSIGA EE SOOMAALIYEED
  • KU: URURADA DHALINYADDA SOOMAALIYEED
  • KU: URURADA SAMAFALKA SOOMAALIYEED
  • KU: BULSHAWEYNTA CAALAMKA
  • KU: CIDDII AY QUSEEYSO

Tix: 01/sifll/07               Tariikh: 09/14/07 

UJEEDDO: SOOMAALIYEEY WAX WADDA QABSADA 

Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay is-daba qabtaan oo ay kawada tashadaan aayatiinkooda iyo jiritaankooda ayagoo dhan shishe iska dhigay danaha shisheeye ee ay ugu kala hawlan yihiin waddamada Soomaaliya danaynaaya. 

Soomaaliya waxaa cadow u ah ciddii ka shaqeynaysa danaha shisheye iyo kuwo ku nool laaluusha lagu siiyo wax is-daba marinta. 

Fadlan waxaan si khaas ah uga codsanayaa labada dowladdood ee kala ah Eritrea iyo Ethiopia inay faraha kala baxaan siyaasadda arrimaha gudaha ee Soomaaliya. 

Soomaaliya waxaa ka jira xeer beeg ama xeer dhaqameed lagu kala furdaamiyo dhibka iyo tallooyinka murugsan isla-markaasna waxaa Ilaahay  naga dhiga in aan nahay dad muslim ah oo leh diinta diimaha ugu sax san taasoo kala caddeynaysa wixii xun iyo wixii wanaagsan. 

Ehtiopia iyo Eritrea waxaa ka dhexaysa dagaal soo jiraan ah sida Soomaaliya iyo Ethiopia ay dhexayso  cadaawada faran badan oo taariikhiyan ah marka ummaddaneey maxaa idin ka si ah oo aad isku wadda haysataan. 

Soomaaliya lama qabsan karo ilaa aad idin ka u sahashaan in la qabsado oo waliba dhulkiina hooyo la idin ku gumeysto!!!

Soomaaliya waxay kamid tahay shanta dal ee dunniddan Ilaahy ugu dhammeystiray wax walba oo qaninimo balse aaway maxkax looga faa’iideysan lahaa qaninimada. 

Soomaaliya waa meesha kaliya ee noqon karta saldhiga ganacsiga baddaha Afrika iyo Asia taasoo waddamada halkan ku xusan aynan marnaba dooneyn inay noqoto: 

  • 1.     United Kingdom of Saudi Arabia
  • 2.     United Arab Emirates
  • 3.     Djibouti
  • 4.     Kenya
  • 5.     Ethiopia
  • 6.     Eritrea
  • 7.     The rest of the International Community

Nasiib darro, laba nin oo aanu dadkoodii u badbaadinay oo ayaga iyo dadkoodiiba aan ka xoreeynaya  cadowgoodii madaxa uga taagnaa ayaa maalin-walba qasaya dhulkeena!!! 

Mudane Meles Senawi  oo ah wassirka koowaad ee dowladda Ethiopia iyo Mudane Isais Afworki oo ah madaxweynaha dowladda Eritrea  ayaa waxay si dadban u wadda dhabar jabinayaan  shacabweynaha Soomaaliyeed marka ummad yahay seenu waxyeelnaa!!! 

Soomaalida waligood wey is-dagaashaa!!! Weyna ka heshiisaa ee maxay naga rabaan dowladdaha doonaya inay ka sii shaqeeyaan baaba’ eena!!!

Sideedaba waxaa nabaddoonka shirka nabadda noqon kara qof aan shacabweynaha Soomaaliyeed waxba ka tabaneyn oo aan waligiis gelin eed, aano iyo musuqmaasuq. Aadbay foolxumo u aheyd in shaqsiyaad dambiilayaal ah ay noqdaan shir gudoonkii shirka dib-uheshiisiinta qaranka Somaaliya.

Dowladda Isu-tagga Ku-Meel-Gaarka ee Soomaaliyeed waxay si aad ah ugu guuldarraysatay jagga u magacaawida dambiilayaashii baabi’iyey mirimagaydada sida kuwo haaya jaggooyinka wasaaradaha iyo taliska booliska Soomaaliyeed! 

 Waad Mahadsan Tihiin,

Amb. Badal Weyrax Kaariye

Madaxweynaha Machadka Soomaaliyeed Baritaan Afafka Shisheeye

Cell: 612-9865395

sifll@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 17, 2007

 

usaNin Soomaali ah oo Talaadadii lagu xiray Maraykanka "ma aha Argaggaxiso ee waxaa loo xiray arrin la xiriirta Daroogo..."

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com