Murtida iyo Jiritaanka Afka
W/Q: Axmed Iid Aadan
Inta aanan maqaalka bilaabin aan Afsoomaaliga maanta kula hadlo beydad
gabay ah oo ku jiray gabaygii “Fiin” ee uu tiriyey abwaankii weynaa,
Rabbi ha u naxariistee, Cali Xuseen Xirsi, kuwaas oo uu xilli dhexdii
ahayd mudane A. M. Yuusuf ku bilaabay qoraal aad u qiima badnaa oo
magaciisu ahaa “Dhaawgii Baabbow”. Beydadkaasi waxay ahaayeen:
-
Ashahaadda iyo waan aqaan, aayaddii nebiye
-
Hayeeshee ilmada kaa dhacdiyo, ummalka guudkaaga,
-
In yar iiga sheeg waxaan rabaa, inaan ogaadaaye!
Fallaadho badan ayaa afkeenna dibedda kaga soo dhacayey intii uu jiray,
welina kaga soo dhaca. Waxyeello kale ayaa iyaduna intaa gudaha kaga
socota, waxana had iyo jeer waxyeelladaas kula kaca dadkiisa oo ay inta
badan wacyi la’aan iyo kalsooni-darro isugu darsameen. Waxyaalahaasi
waxay keeneen in uu afkii godob tirsado, ilmo ka da’do, cid danaynaysana
inta badan la arki waayo.
Dhibaato kastaa ha soo foodsaarto ee waxaa hubaal ah in uu in badan
bedbaadi doono. Waxaa isku hayn doonta, in uu sida afaf Urduu-gu ka mid
yahay dhadhan-doorsoomona u diidi doonta murtidiisa badda ah ee meesha
sare gaadhsiisan, caankana uu ku yahay.
Afkeennu waa af hodan ah, haddii si daacadnimo ku jirto loo hadlo iyada
oo aan la ammaanayn na waa af dhan kasta oo la eegoba bulshadiisa ku
filan, ayna ku meelmari karto. Waa af macluumaadkii hore iyo aqoonta
casriga ah ee maanta la gaadhayba qaadi kara, si wacanna u kaydin kara.
Waa af sida murtidii abwaannadii horyaalka ahaa ee Ina Jadeer, Xirsi
Boqon, Salaan-Carrabay, Cali Jaamac Haabiil, Maxamed Nuur Fadal, Xaaji
Gabay Xaddi, Ismaaciil-Aflow, Gahayr, Faarax Nuur, Cumar-Usteeliya,
Timacadde, Barkhad-Cas, Xaaji Aadan Axmed Af-Qallooc, Qaasim, Cabdi
Iidan iyo maansoyahanno kale oo aynaan koobi karaynba. Ma aha af taag
daran oo afaf kale ku tiirsan sida ay dadka qaar ku doodaan, ee waa af
weyn oo madaxbannaan oo goonni u taagan.
Waxaa mararka qaarkood la sheegsheegaa in ay jiraan siyaasado shisheeye
ka dambeeyo oo afkeenna iyo suugaantiisa qiimaha badanba ka dhan ah. Ma
jirto cid qiimayaasheenna wax yeelli kartaa, hase ahaato ee hala ogaado
in ay af la’aantu mushkilad weyn tahay. Afku waa waxa dhaqanka iyo
ummadnimadaba dhisa, ayna ku taagan yihiin. Haddii afka la waayo, ama
laga takhalluso waxaa markaa la waayayaa jiritaanka dadnimada, maansada
heerka sare ah, xorriyadda maskaxda iyo karaamada guudba, waxayna
bulshadu noqonaysaa mid maskaxda laga haysto oo qowmiyado kale u
dullaysan.
Cabsi badan lagama qabo in “afka” la waayo inta ay murtidiisu jirto,
hase yeeshee waxaannu ka warwarsannahay in uu doorsoomo. Dad aan caqli
iyo cilmi midna qiimaynayn ayaa had iyo jeer afka ereyo qalaad oo kooban
oo ay maqleen ku badhxa iyaga oo waxaa aqoon ama ilbaxnimo moodaya.
Waxaasi afka waa ku dhibaato, dan iyo faa’iido midna ma aha, ummadaha
wax fahamsan na laguma arko cid afkeeda oo dubbe lala dhaco ama la
jajabiyo ilbaxnimo moodda.
Had iyo jeer marka afkii ereyo qalaad lagu walaaqo, idaacadaha iyo
meelaha muhiimka ahna af laaxin ku jiro ama naxwe ahaan qaldan lagaga
hadlo waxa dhacaysa dhibaato weyn oo luqadeed. Waxa dhici karta in ay
carruurtu ku barbaarto Afsoomaali jajaban oo aan hagaagsanayn, dhadhan
murtiyeedna aan lahayn. Waxaa halis loogu jiri karaa in ay
suugaanta/murtida iyo hadalkiisa intiisa kale kala go’aan, dabadeedna ay
facyaasha dambe ku hadlaan af silloon oo aan la mid ahayn afka wanaagsan
oo maanta lagu hadlo.
Si dhibaatooyinka noocaas ah looga bedbaado waxaa fiican in bal intii
la awoodi karo afka waxyeellada laga ilaaliyo, tixgelinta uu mudan
yahayna la siiyo. Waxa fiican in murtida loo qiimeeyo si la mid ah sidii
ay dadkeennii hore u qiimayn jireen, laguna dadaalo in suugaanta iyo
qaybaha kale ee hadalkaba lagu wada tiirsado si aanay u kala fogaan.
Xagga waxbarashada in carruurta casharrada afkooda loogu dhigo ilaa
fasalka siddeedaad iyada oo aan laga tegayn xiisado kale oo ay ku
bartaan afafka kale ayaa ah tallaabo fiican oo midho dhalin karta. Waxay
ardayda habkaas wax ku barataa mar walba ka wacyi sarraynaysaa kuwa
manhajyadooda oo dhan lagu saleeyo afafka qalaad; kuwaas oo inta badan
afkooda dibnaha uun kaga hadla,hase yeeshee aan murtidiisa, qoraalkiisa
iyo xikmaddiisaba aqoon.
Qofka afkiisa afaf kale u jabiyaa waxa uu ka dhigan yahay sida qof
dadnimadiisii iyo jiritaankiisiiba ka ordaya, oo waxa uu u hanqal
taagayo aan la fahmi karayn. Waxa kale oo lagu meteli karaa qof
xoolihiisii oo irmaan gudub u weydaaranaya oo doonaya in uu duunyo dad
kale leeyahay isha la raaco, sheedddana ka eego
Run ahaantii lama diiddana in afaf shisheeye la barto, oo laga soo
kasbado xikmad iyo aqoon dheeraad ah oo ay dadkeennu ku meelmaraan, wax
badanna ka faa’idaan. Taasi waa guul weyn haddii fahamkeeda la leeyahay,
waxase la diiddan yahay in wax aan faa’iido lahayn lagu daalo, sida in
ereyo shisheeye oo aan baahi loo qabin hadalka lagu walaaqo marka la
hadlayo ama la qudbadaynayo. Sidaasi waa si aan habboonayn, waxayna
afkeenna u dullaynaysaa afafka kale ee uu la heerka yahay, ama uu
caaraddaba dheer yahay.
Afkeennu waa af weyn, oo Soomaali iska daayee, ay xataa shisheeyihii wax
ka qoray qireen hodantooyadiisa iyo xikmadda ballaadhan ee uu xambaarsan
yahay. Waa af qof Rabbi iyo ummadnimo garanayaa aanu marna ku gefayn,
suugaantiisuna ay goleyaasha caalamiga ah meel sare ka geli karto haddii
la geeyo. Waxaa dhacday in tartan-suugaaneed weyn oo caalami ah oo
sannadkii 2003 dalka Iswiidhan gaar ahaan magaalada Lund lagu qabtay ay
kaalinta koowaad gashay maanso aad u qiima badan oo curiyey abwaan
Cabdi Aadan Xaad ( Cabdi Qays). Taasi waa guul weyn oo bulsho-weynteenna
u soo hoyatay, waxayna caddaynaysaa qiimaha sare ee uu afkeennu
leeyahay. (Ka raadi warbixin arrintaa la xidhiidha bogga weyn ee
suugaanta lagu kaydiyo ee Farshaxan.com).
Afka, murtida, fekerka iyo dhaqanka waxaa ka dhexeeya xidhiidh adag,
mararka qaarkoodna waxaa la moodaa in ay isku duuban yihiin ama wada
socdaan. Maanta in fikradaha reer Galbeedka aad loo qaato, kuwa ummadaha
kalena aanay meelmarin waxaa u sabab ah in ay reer Galbeedku luqadahooda
aad uga shaqeeyeen, una hormariyeen halka ay ummadaha qaarkood kaga
mashquulsan yihiin in ay is laayaan, oo sidii carruurta la kala celiyo,
qaarkoodna kolba meel shir aan macno lahayn loogu qabto.
Dad badan baa laga yaabaa in ay u qaataan in aynu afkeenna iska
ammaanayno, oo aynaan meesha wax tartan geli kara ama mudan in lagu
daalo ku hayn. Laakiin waxaa laga yaabaa in dadka sidaa qabaa aanay
xasuusnayn in aanu dahabku u baahnayn in la xayeysiiyo.
Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.comAfeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan