SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 

الْصَّوْمُ وَالْلِّسَاْنُ

Soonka & Carabka 
 

أَمْلِكْ عَلَيْكَ لِسَاْنَكَ

Cesho Carabkaaga 
 

Waxaa Qoray: 
 

Cali-Daahir X Muxammad

mohiyadin@hotmail.com 
  
 
 

بسم اللهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيْمِ الْحَمْدُ للّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ  والصَّلاةُ والسَّلامُ عَلَى نَبِيّناْ مُحَمَّدٍ وَآلِهِ أجْمَعِيْنَ.

Sida la ogyahay bisha ramadaan waa bil sideeda u barakaysan oo aan ka dhaxlayno taqwada Alle SW. Siduu Alle SW uu inoogu caddeeyay aayada 183 ee suuratul baqara kolkii uu Alle SW uu inoogaga waramay inuu inagu waajibiyay bisha Ramadaan ayuu Alle SW wuxuu aayadaasi ku khatimay: 
 

لَعَلَّكُمْ تَتَّقُوْنَ / البقرة / 183

(( Waxaad Mudan Tihiin Inaad Dhawrsataan )) 
 

Taqwadaa uu Alle SW uu inoo sheegay waxaa inoo fasiray Rasuulka SCWW wuxuuna xadiis dhexdii kuyiri SCWW: 
 

الصّوم جُنّة / متفق عليه .

(( Soonku waa Gaashaan ))   
 

Al-Imaam Ibnu-Kathiir RC ayaa tafsiirkiisa ku sheegay isagoo fasiraaya hadalka Alle SW. 
 

لَعَلَّكُمْ تَتَّقُوْنَ  
 

ayaa wuxuu yiri: 
 

لأن الصوم فيه تزكية للبد ن ، وتضييق لمسالك الشيطان  إلخ . 
 

Maxaa yeelay soonka waxaa ku jira jirka dahirintiisa, iyo in la ciriiriyo ( oo la awdo ) shaydaanka waddooyinkiisa ( oo nafta lagu qasbo inaysan u baxsan waddooyinkaa uu leeyahay shaydaanku ) 
 

Sh Sacdi RC ayaa isaguna sidoo kale kolkuu fasirayay.  
 

لَعَلَّكُمْ تَتَّقُوْنَ 
 

Kolkuu in badan kasoo hadlay ayaa wuxuu kuyiri kitaabkiisa lagu magacaabo. 
 

تيسير الكريم الرّحمان في تفسير كلام المنّان:  
 

ومنها أن الصائم يد رب نفسه على مراقبة الله تعالى ، فيترك ما تهوي نفسه ، مع قدرته عليه . 
 

Waxaa kamid ah qofka soomani wuxuu ku carbiyaa ( Ee uu tababar ku siiyaa ) naftiisa, inuu saaran yahay waardiya Alle SW ( uuna dareensan yahay in uu Alle SW uu dhawrayo kana war hayo wax kastaa ee uu sameeyo ) kolkaa buu ka tagaa waxa ay naftiisu jeclaysato ( oo xaaraan ama karaaha ah ), isagoo waliba awooda ( inuu sameeyo ) 
 

Alle SW isagoo ina siiyay gaashaan aan kaga gaashaamano xumaan oo dhan ayaa haddana waxaan ku guul darraysannay sidii aan u isticmaali lahayn gaashaankaa   uu Alle SW uu ina siiyay. 
 

Waxaad in badan arkaysaa in walaalaha qaar aynaan wali u kala soocnayn in lagu jiro bil Ramadaan iyo in kale oo waxa ay doonaan isaga hadla iyagoo aan haba yaraatee wax dhib ah aanan u arag. Iyagoo walaalahaa ay moog yihiin soonkoodu inuu khatar kujiro. Siduu Rasuulku SCWW uu yiri: 
 

مَنْ لَمْ يَدَعْ قَوْلَ الزّوْر وَالعَمَلَ بِهِ  فليْسَ للهِ حَاْجةٌ فِيْ أنْ يَدَعَ طَعَاْمَهُ وَشَرَاْبَهُ / رواه البخاري.  
 

وزاد أبو داود والنسائي وابن ماجه: والجهل 
 

(( Qofka aan ka tagin hadalka beenta ah, iyo ku camal falkiisa, Alle ( SW ) Dan kama leh katagiddiisa ( uu ka tago ) cuntadiisa iyo cabbitaankiisa )) 
 

Aimadaa kalena waxay ku dareen: 
 

والجهل

Edebdarrada ( iyo anshax xumida )

 

Wuxuu kaloo Rasuulku SCWW uu yiri: 
 

رُبَّ قَاْئِمٍ حَظّهُ مِنْ قِيَاْمِهِ السَّهْرُ، وَرُبَّ صَائِمٍ حَظّهُ  مِنْ صِيَاْمِهِ الْجُوْعُ والْعَطَشُ / أحمد وغيره عن أبي هريرة / صحيح / صحيح الجامع 
 

(( Badanaa mid salaad u taagan qaybta uu ka helo taagnida salaadaana uu yahay dhafar, Badanaana qof  sooman qaybta uu   kahelo soonkaana uu yahay gaajo iyo oon  )). 
 

Kol hadduu arinku sidaa u culus yahay waxaa inala gudboon inaan u turno soonkeena oo aan qaadano waanadii uu ina siiyay Rasuulku SCWW: 
 

(مَنْ كَاْنَ يُؤْمِنُ بِاللهِ وَاليَوْمِ الآخِرِ فَلْيَقُلْ خَيْراً أوْلِيَصْمُتْ) متّفق عليه 
 

(( Qofka rumeeyay Alle iyo maalinta qiyaame khayr haku hadlo ama haiska aamuso ))

وبالله التّوفيق

وصلّى الله وسلّم على نبيّنا محمّد وآله أجمعين. 
 

WQ: Cali-Daahir X Muxammad

mohiyadin@hotmail.com

 


Aljazeera oo Waraysi la yeelatay SH. Xasan Turki. (Daawo Video-ga hoose ama ka daawo halkan...)

 Sept 16, 2007

 

usaNin Soomaali ah oo Talaadadii lagu xiray Maraykanka "ma aha Argaggaxiso ee waxaa loo xiray arrin la xiriirta Daroogo..."

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com