Sh Shariifow: Carab Ciirsi Ha
Moodin, Ha Canaanin Mayd
Waxaan dhawaan ka akhriyay bogaga Internetka soomaalida iyo
wargaysyo carbeed,dhaleecayn Sh Shariif u soo jeediyay Jaamacada
Carabta”inay ka gaabiyeen waajibkoodii ka saarnaa walaalahooda
soomaliyeed ee guumaysigu qabsaday, isla markasna garba-duub
siyaasadeed ku hayaan dadaalada iyo howlgalada la iskaga cabinayo
guumaysiga Xabashida”.Waxa kale oo aan akhriyay bayaan ka soo baxay
Jaamacada Carabta oo ay ku beeninayaan eedaynta sheekha.
Hadaba waxaan jeclaystay inaan
wax yar ka iftiimiyo xaalada Jaamacada iyo Dawladaha Carabta ee ku
kulma daladeeda.
Si aynu fahano,saamaynta iyo
mawqifka siyaaseed ee dawladahaas, xiriirka iyo iskaashiga
siyasadeed,dhaqaale ee xubnaha jaamacada ka dhexeeya.Go,aan
qaadashadooda iyo inay leeyihiin istraatiijiyad siyaaseed oo
midaysan isla markaasna ku salaysan aragti iyo mawqif guud oo ka
midaysnyiin bah- wadaagta carabtu. Tayada iyo baaxada hiilka ay u
fidiyaan hadii dal ama dad carbeed mashaqo ku habsato ama col iyo
duulaan shishiyeey waxyeelo u gaysto, Hanaanka siyaasadeed ee gudaha
dawladahaas iyo ugu danbayn tusmo taariikheed kooban oo ku saabsan
Jamaacada Carabta lafteeda.
Marka aynu guud mar ku falan-qayno
waydiimaha kor ku xusan , ayaynu fahmi karma kaalinta iyo waxa ka
suurtooba ama laga fili karo jaamacada iyo dawladaha carabta ee ku
aadan halganka aynu kula jirno cadawga Amxaarada.
Ugu danbayn waxaan ka cudur
daaranayaa in aanan arimaha kor ku xusan sida ay isugu xigaan ugu
wada jawaabi doonin , balse jawaab guud mar ah ka dhiibi doono, oo
inuu sahasha fahamka muuqaaalka guud ee arinta aynu lafa gurayno.
AKhristow ugu horayn dawladaha
carabta ee aad maanta taqaana ee dhawr iyo labaatanka calan lihi,
waa gacan ku rimis guumaysiga dawladaha reer yurub sameeyeen wixii
ka danbeeyay dagaalkii koobaad eea aduunka .
Ka dib markii la jabiyay
Imbaradooroyadii Cismaaniyada, oo ahayd shan mudo shan qarni ah
awooda iyo dalada siyaaseed ee kulmisa dadyawga Muslinka intooda
badan, isla markaasna hortaagnayd mudadaas damacii iyo duulankii
reer Yurub.
Waxa waliba nasiib daro ah in
dadyaw carbeed ka qayb qaateen duulaanka huwanta reer galbeedku ka
takhalustay Boqortooyadii Cusmaaniyada.
Waxa la sameeyay dawladaha maanta
aad taqaan , si loo qaybiyo isku duubnida, iskaashiga iyo midnimada
dadyawga Muslinka ah ee bariga dhexe iyo Afrikada waqooyi ku nool.
Sanadkii 1945 waxa qorshe uu
Ingriisku horseed ka ahaa lagu dhisay Jaamacada Carabta, si loogula
dagaalamo dadaaladii soo noolaynta midwgii islaamka iyo dib u
yagleelka Khilaafa Islaami ah . Dareenka iyo guuxa noocaas oo
dadyawga muslinka aad ugu xooganaa xiligaas. Sadex sanood ka dibna
waxa lagu dhawaaqay dhalashada dawlada Yuhuuda 1948kii.
Dhamaan dawladaha iyo
boqortooyooyinkii ururkaas sameeyay waxay ahaayeen ku ku wareega
falaga dawladaha guumaysiga .
Hadaba maadama aynu tusmo gaaban
ka bixinay dhalashadii Jaamacada Carabta, waxaynu u gonda-dagaynaa
tilaamaanta astaamaha ay ka midaysanyihiin Dawladaha Carbeed ee
maanta jira iyo hab-dhaqankooda siyaasadeed.
Mawqika iyo Aragtida Siyaasada:
Ugu horayn waxa ku kulma dalada
Jaamacada Carabta ,maamulo kala aragti,hanaan iyo dano duwan .
Jamhuuriyado,Boqortooyooyin,Imaarado, Saldanado ,iyo
Jamhuuriyado u dalacay boqortooyo.
Dhanka fikirka ,inkastoo aanay
saamayn badan ku lahayn ,hadana Todobaatanadii iyo lixdanadii
qarnigii hore ,waxay u qaybsanaan jireen dalal hor-u socod isku
tilmaama iyo kuwo dib socod ama qunyar socod lagu xanto( waar ma
diinbaa) oo u xaglin jiray dhinaca dawladaha galbeedka,dhinac u
socod iyo qaar aan meelba u socon.
Hadase hal muuqaal iyo mawqif ayay
wada yeesheen.Oo waxa ay ku wada daba fayleen Mareekanka ,marka laga
reebo wadamo faro ku tiris ah ,oo aan wali jilbaha dhulka loo
dhigin. Sidaa awgeed, ma laha mawqif iyo falsafad siyaasadeed ,oo
joogta ah ama loogu soo hagagaagi karo.
Mawqifka kali ah ee la hubo inay
taageerayaan ,waa midka Washington looga yeedhiyo,ama tartanka u
kala dheeraynta kasbashada raali galinta Washington. Mawqifka kale
ee ay ka midaysanyiin ,waa xumada xukun jacaylka.
Qaabka Go,aan Qaadashada:
Maadaama aanay jirin fikir iyo
aragti siyaasadeed , oo ka midaysanyiin dalalka carabtu, ma laha
go,an iyo mawqif midaysan oo wadar ahaan ugu camal falaan. Sidaas
daraadeed waxa ay leeyihiin labaatan mawqif oo is garab yaacaya
ama is burinaya.
Waliba go,aamada muhiimka ,waxa
iska leh oo aan cidi talo iyo tusaalaba ku biirin karin, madaxda
sare ee dal kasta. Iyaga oo aan ku salayn ,aqoon iyo diraasad lagu
lafo guro.
Intaas wax dheer ma jiraan
baarlamaano iyo gudi-hoosaadyo madax-banaan oo talada soo bisleeya
ama rogroga.
Sidaa daraadeed talada dalalku
waxay u faruur xirantahay kooxaha ama qoysaska xukuma dal kasta.
Iyaga ayaa jaan-gooya ,inta badana taladooda waxa ay ku qotontaa hal
ujeedo oo kali ah , waa u cimri dheeraynta iyo ilaalinta
xukunkooda.
Waxaas madaxda umadahu ku
hamiyayaan ama ku hawlanyiin hor-marinta dalalkooda, madaxda
Carbeed waxay talo kaga gudhay , la tashiga faaliyayaal u sheega
khataraha ku soo fool leh kursiga!!!!!!!.
Bal akhristow adiguba
qiyaas,labaatan kali talis ,oo leh labaatan ujeedo oo kala gadisan.
Waxaa la odhan karaa waa labaatan hogaamiye beelood ama kooxeed oo
haysta aqoonsi,maamuus khasab ah,awood iyo lacag .
Dhanka kale waxa madaxda carabta
kursiga ka kaxeeya oo kali ah,geeri ama xanuun sariirta looga kici
waayo. Mararka qaarna waxa dhacda iyaga oo asaasaqay inay hadana
talada hayaan ,sida Boorqiibihii Tunisiya!!!
Hadaynu u soo noqono Jaamacada
Carabta,waxa xeer hoosaadkeeda go,aan qaadashadu ku salaysanyahay,
in aqlabiyad buuxda lagu ansixiyo go,aamada muhiimka ah. Taas oo
calaacal timo ka soo baxeen ka dhigaysa gaarista qaraar lagu
midaysanyahay oo meelmar noqda, maadaama aynu ognahay inaanay waxba
ku heshiis ahayn(Carabi waxay ku ,heshiisay inaay heshiin)
xubnaheedu. Sidaa daraadeed xaalkeedu waa I jiid aan ku jiidee iyo
shinbirayahaw heesa.
Xiriirka Dhaqaalaha iyo
Siyaasada:
Hadaynu ku horayno dhinaca
dhaqalaha , waa 6% xidhiidhka ganacsi ee ka dhaxeeya dawladaha
carabta . dhanka kale 94% waxay la wadaagaan dalal shisheeye sida
yurubta galbeed maraykanka,jabaan ,shiinaha ,hindiya iyo kuwo kale.
Ma jiraan mashaariic dhaqaale oo
wax ku ool ah ,oo ay wadaagaan dalalka carabtu.
Sanaddkii 1956 waxay dalalka
jaamacada carabtu qalinkaku duugeen heshiiskii iskaashiga
dhaqaalaha ee dalalka carabta . Waxay ku heshiiyeen, in
heshiiskaasi u noqdo gogol-dhig , Suuq Wayne dalalka carbeed
wadaagaan oo wax-soo –saarkooda isku waydaarsadaan, kuna kobciyaan
warshadooda yaryar ee soo koraya. Ilaa maanta wax ka qabsoomay
majiraan riyadaas .
Dhanka kale isla sanadkii 1956,
waxa qalinka lagu duugay heshiiskii Mastrekhti,ee dalalka
yurubta galbeed ku saxeexeen magaalada Rome ee dalka talyaaniga .
Heshiiskaas oo saldhig u ahaa, iskaashiga dhaqaale ee dawladaha
yurubta galbeed, ee dagaal waynihii labaad ka soo doogay.
Midhihii heshiiskaasi waa ururka
midwga yurub , ee aynu ogsoonay haybada iyo saamaynta uu ku
leeyahay siyaasada dunida.
Bal akhristow, adiguba ka fikir
farqiga u dhexeeya labadaas heshiis iyo labaad natiijo ee ka kala
dhashay.
Intaas waxa dheer dalaka carabtu ,
waxay in ka yar 1% ku bixiyaan cilmi baadhista iyo kobcinta
tiknoolijiyada . Intaas oo kali ma ahee , lacagta ka soo gasha
shidaalka iyo alaabada ay dhoofiyaan ,kuma maal-galiyaan xoojinta
dhisma –hoosaadkooda dhaqaale,ee waxay ku maamulaan hantidooda
takri-fal qorshe xumo.
Waxay ku iibsadaan lacagtooda
adag alaabo diyaar ah ,oo inta badan laga maarmi karo ama la samayn
karo dhigaalkeeda oo wadani ah.
Ka dar oo dib dhal, waxay in ka
badan 50% dakhligooda ku bixiyaan hub iibsi, hubkaas oo aan
sakaarana lagu dilin, maalin kali ahna aan guul lagu faano lagu soo
hoynin(wali miyaa maqasheen ciidan carbeed oo guul soo hooyay).
Iibsiga hubkaas oo inta badan lagu
raali galiyo dawladaha reer galbeedka, dhaqaalahoodana lagu dar-dar
galiyo(shaqo abuuris).
Waxa u danbeeyay, oo wali raadkiisi
qoyanyhay,heshiis maalin dhawayd dalka Sucuudigu kaga iibsanyo
wadanka Ingiriiska hub qiimihiisu dhanyahay 60 bilyan(lix dan kun oo
Malyuun$).
Heshiiska oo dhacay iyada oo wali
ay taaganyay waji-gabaxii ka dhasahay heshiiskii uu hubka kaga
iibsaday Sucuudigu isla dalkaasi ingiriiska , ee la magac-baxay
AL-YAMAMA,qiimihiisana maanka fiyoobi diidayo.
Heshiiskaas waxa dilaal bilyano
qaatay ka ahaa,Bandar Bin Suldaan, oo ah wiil uu dhalay
ninka leh dhaxalka boqortooyada Sucuudiga ,horena u ahaan jiray
dan-jiraha sucuudiga u fadhiya dalka mareekanka.
Hadaba akhristow, iskaashiga iyo
xidhiidhka carbeed, ee habsami u dhaqan-galaa,waa kulan sanadeedka
wasiirada arimaha gudaha ee dawladaha carabta .
Shirkaas oo ay kaga arinsadaan
sidii talisyadooda ilka dhacsaday,looga ilaalin lahaa dabaylaha
isbadal-doonka a , iyo tabaha ugu casrisan ee cabudhinta
dadwaynahooda.
Talo kale, oo ay hagar-baxaan
dawladaha carbeed ma jirto. Sidaad daraadeed wakhti iskaga lumin
mayno ka hadalka xidhiidhka siyaasadeedee dawladdaha carabta ,oo aan
dhaafsiisnayn,safaarado la is-waydaarsado oo hadana dib loo kala
qaato, marka laba madaxwayne ku murmaan shir-madaxeedka jaamacada
carabta .ama qalabka war-baahinta la isu mariyo fariimo cay ah.
Hiilka iyo garab istaaga.
Dhinaca hiilka iyo isu gurmashada
dawladaha Carbeed,malaha sawirka ugu fiican waxa ka bixinaysa
tixdan gabayaaga soomaaliyeed tiriyay:
Baadida ninbaa kula
daydayi daalna kaa badan
Oon doonahayn
inaadheshaa daayin abidkaa
Dadkuna moodi duul walaalo ah
oo aan wax u dahsoonahayn
Dalo ma laha
aakhiro hadii loo kitaab dayo
Waxaan intaas raacin lahaa ,qofkii
doonaya inuu ogaado hiilka iyo taageerada maamulada carbeed u
fidiyaan walaalahooda kale iyo qadiyadahoodaba , ha eego
Falastiin .
Waxa dhibaato aad la wada socotaan
ee haysta dadka reer falstiin . Ma jirto dal Carbeed oo si run ah
ugu damqada ama hiil muuqda oo waxtar leh u fidiya dadkaas!!!
Intaas oo kali ah maahee, qaar
badan oo ka mid dalalka Carbeed waxay ku hayaan cuna-qabatayn
siyaasadeed iyo dhaqaaleba, halgamayaasha reer falastiin.
Waxaan dhagahayga ku maqlay Ninka
la yiraa Shemon prez, oo haatan ah madax-waynaha dawlada
yuhuuda.
oo u mahad-celinaya dalka Masar,
sida fiican ee ay u hor istaagaan dagaal-yahanada reer falstiin, oo
hub si qarsoodi ah uga soo gudbin jiray xadka Falastiin iyo masar
wadaagaan .
Hubkaas oo ay u adeegsadaan
hawl-galada iska caabinta. Ee ay kala horjeedaan ciidamada
Yuhuuda!!!.
Mar hadii dawladii carabta ugu
waynayd ay sidaas ula dhaqmayso reer Falastiin oo qadiyadooda lagu
tilaamaamo “ udub-dhexaadka qadiyadaha carbeed” maxaa hadhay?
Tusaale kale oo yaab leh, xiligii
cuna-qabataynta reer galbeedku ee magaca dunida huwani saarnayd
dalka Liibiya.
Ayaa madax-waynayaasha dawladaha
afrikada madaw, oo uu hor-kacayo Nelson Mandela ku gacan
sayrayn cuna-qabatayntaas .
Sidaas awgeed waxay ku iman jireen
wadanka Liibiya diyaarado,si ay u buriyaan cuna –qabatayntaas.
Waxa ka mid ragii duulimaadyadaas
hiilka ah ku tagay Liibiya ,madax-waynaha dalka Nayjar. Oo
lagu xaman jiray inuu wax diyaarado ah ka naxo mid, kuwa qumaataiga
u kaca ah. oo waliba bukan socod ah. Ayaa isla soo biimeeyay
diyaaradiisii kalida ahayd, soona caga dhigtay liibiya.
Hadaba xiliga madax-waynayaasha
Afrikada madoobi dadaaladaas wadeen, dhanka carabta ma jirin
madax-wayne kali ah oo liibiya duulimaad xaga cirka ah ku yimid.
Balse madax-wayne Mubaaraga
Masar, oo booqasho liibiya ugu kicitimay waxa uu soo galay socdal
xaga bariga ah.
Isaga oo soo jeexay saxaraha dheer,
ee u dhaxeeya Liibiya iyo Masar. Taas oo ugu dan lahaa
dhaqan-galinta xayiraada duulimaadyada ee Liibaya saarnayd.
Waliba akhristow aan ka qosliyee,
markii doorashada baarlmaanka Falastiin, uu ururka Xamaas ku
guulaystay. Dawlada Masaaridu, waxay arintaas ka soo saartay bayaan
ay ku sheegtay , in doorashad Xamaas tahay khatar ku soo fool leh
qaranimada dalka Masaarida.
Ma ogtahay, 200 ee Madax ee
Nukliyeerka dalka Yuhuuda haysto, uma argagto Masar halis amaankeeda
iyo qaranimdeeda walaac galinaysa!!!!!!!!!
.
Waliba akhristow bal, markana iga
hoo amakaag iyo umuur kale oo yaab leh.Ma ogtahay duulaankii
Mareekanku Dalka Ciraaq ku qabsaday , waxa uu weerarka kaga qaaday
10 saldhig ciidan, 9 sagaal saldhig waxay ku yaaleen dalal
carbeed !!!.
Waliba waxa intaas dheeraa xogaha
sir-doonka, shidaalka iyo saadka ay la daba taag-naayeen ciidamada
mareekanka ( ha moodin Maxamed dheere oo kali ahi, inuu cadawga
caano iyo biyo daba- qaado ,waa la badanyahay).
Sidoo kale ma ogtahay saldhigii
weerarkaas laga hogaaminayay, ma ahayn Washington,ama xarunta
gaashaandhiga mareekanka.
Wuxu ahaa saldhiga Siiliya
ee dalka Qatar.
Waa taas siyaasada,mawqifka iyo
hiilka dawldaha Carabtu. Waa xaqiiqo qadhaadh oo maanku
arga-axayo,laakiin riyo maaha iyo dhalanteed . waa xaqiiqadii iyo
runtii oo biyo kuma dhibcaan ah.
Hanaanka iyo Qaab-hismeedka
Maamulada(xukuumadaha).
Dhamaan wadamada Jaamacada Carabta
,marka laga reebo dalka Muritaaniya, oo dhawaan mucjiso ka
dhacday,ka dib markii Janan af-gambi ku qabsaday ,xilkii iskaga
dagay ,doorasho xor ahna qaban-qaabiyay. Ka dibna xilka ku
wareejiyay, madaxwayne doorasho ku yimid.
Inta kale mada-waynayaasha
Carabta, kursiga way ku daxalaysteen siday ugu fadhiyeen.
Waxa arin la yaab leh ah,dhamaan
qaaradaha iyo gobolada aduunka waxa ka jira maamulo iyo dawlado
doorasho iyo xaashi tiris xilka ku yimid , inta ay doonaanba ha
ahaadeene.
Balse marka bariga dhexe la soo
gaadho iyo dalalka carabta,Waxaad moodaa in hanaanka
dimoqoraadiyada dhakhtar ka mamnuucay.
Akhrisrow xata markii midawga
soofiyeeti kala yaacay , ee dabylaha isbadalku saaqeen bariga yurub.
Dabayshaasi may soo gaarin mana saamayn Bariga dhexe!
Waxaad moodaa inuu jiro ajnade iyo
qorshe qarsoon oo meel shishe laga dajiyay,oo dawladaha carabta
loogu qoray maamulo kali talis oo ku fashilmay dhan kasta oo
nolosha ah. Hadan soo taagan,cajab iyo amuur sow maaha !.
Dalalka carabta sharcigu,
waa rabitaanka boqorka ama madax-waynaha dalkaas ,danta qaranku waa
tiisa iyo mida xulufadiisa ,cadawga dalku waa cid kasta oo isaga iyo
maamulkiisa dhaleecaysa .
Cabudhinta iyo jidh-dilku waa
qalabka lagu aamusiiyo qof kasta oo dood ka keena sida dalka iyo
dadka loo hogaaminayo.
Garasho ,karti, xikmad intuba waxay
ku soo urureen oo la aqoonsaday maxawaynaha ama boqorka(Aabihii
garashada Siyaad Bare oo kali ah maah).Dhaqaalaha iyo awooda oo
dhani waxay ku jiraan gacmo kooban, oo aan lagu hungurayn karin.
Hadii laysku dayona waa dil iyo dacas. Waxaas oo isla yaab isla
diid ah ayaa ka jira wadamada carabta. Hadana dawladahaas qoraxdu
kama dhacdo inta ay fulinayaan amarada iyo talooyinka meelo kale
looga yeedhiyo.
Dadka Iyo Xukuumadaha.
Maadaama xaalkii xukuumadaha
Carbeed sidaas yahay, dad-waynahooduna mala mid baa?waa arin lays
waydiin karo.
Sidaas daraadeed,waxa laga maarmaan
in aan loo fahmin dhaliisha madaxda carbeed , mid dawlad iyo
dadwaynaba saamaysa oo ay eeda wada leeyihiin.
Oo aan laysla tuurin madadxa iyo
shacabka (kab iyo xaarkeed isu tuur).
Maya,maya, xaalku sidaas
maaha.Dadwaynaha carbeed waxay dhibaato qabaan ilaahay ayuunbaa
qiyaasi kara. Waa dhibanayaan aan codi iyo qareen midna lahayn.
Hadaba,sidii caadada inoo ahayd ,
hadaynu Soomaali nahay, ee wax kasta duuduub loo jeclaan jiray ama
loo jaman jiray yaan la yeelin.
Ee ha loo duceeyo in ilaahay kali
talisyada ma naxaanka ah ka kaxeeyo.
Waa in la ogsoonaadaa in dadyawga
carbeed,laga hor istaagay inay xataa ka banaan baxaan duulaamkii
ciraaq lagu qaadayay.
Xili daafaha aduunka oo dhan laga
muda-aaraadayay, oo banaan baxyadii ugu waynaaa ka dhacayeen yurub
iyo mareekanka laftiisa. Dabcan way leeyihiin eeda ka gilgilasho
la,aanta xukuumadahooda ka talisayada ah.
Sheekh Shariif iyo Halganka.
Hadaan u soo noqdo arartaas ila
dheeraatay kadib, ujeedada maqaalka waxaan leeyahay sheekh
shariif,wuu ku mahadsanyay dareenkaas xaqa ah ee uu muujiyay,iyo
sida uu farta ugu fiiqay dalal aynu dareen, diin iyo ilbaxnimoba
wadaagno, oo cadaw inagu daawanaya caasimadeenii qabsaday.
Balse waxaan sheekha xasuusinayaa
gabay nin carbeed oo aftahan ahaa tiriyay( waxaan filayaa waa
Abul-calaa AL Macari) oo micnihiisu afsoomaali ahaan sidan
yahay:
Hadii aad u qayshato qof nool ayaa
dhawaaqa cesha
Hadiise aad mayd la hadasho, ilayn
kuuma jaawabo.
Waxaa kale oo raaciniya hadalkaas
gabayaaga ,tix kale oo gabyaa soomaaliyeed tiriyay .
Dundumooyinkoo la
hadlaa Damac ma yeeshaan.
Sidaa awgeed sheekh shariifow,
madaxda carbeed ee maanta joogaa maaha kuwo looga fadhiyo gacal
dhaw mid dheer inay,gutaan xilkii umadahooda ka saarnaa.
Gurmad iyo taageerana hadalkoodaba
dhaaf. Sawkii madxawayna Mubaaraka Masar markii uu Qaahira
kula kulmay wasiirka arimaha dibada Ethiopia Azyum Misfin lahaa
maaha “waanu ugu garaabaynaa Itoobiya talaabada ay ku
kacday ee ah qabshada Muqdisho” waar ilayn ceeb looma dhinto!.
Jaamacada carabtuna waa kadar oo
dibi,waa urur maamuus,mawqif iyo karti intaba ka aradan.
Murtideeduna ma dhaafsna shaxaadka
mushaharka shaqaalaheeda iyo safarada xil-wadeenadeeda,kolba madal
ka hantaataca,ee waxqabdkooda ugu wayni yahay dhan-baalada
dhaadheer, ee been- abuurka ah,ee ka hadla horumarka iskuu duubnida
iyo barwaaqo-sooranka dalalka carabta.
Sidaas awgeed waxba caanaan lagaga
dheefi maayo.Waxay la mid tahay inagoo weel madhan dhaaminayna.
Waxan soo jeedin lahaa, hadalada
sharafta iyo miisaanka leh ee sheekh shariif ,inaan lagu khasaarin
meeshaas iyo nimankaas hungada ah.
Gunaanad.
Waxaan ku soo koobi lahaa qoraalkan
ila taraaray,ee malaha xikmada dhinac maray.Horta ugu maynaan horayn
umad cadaw qabsado,oo casimadeeda dhex mushaaxo.
Baariisba maanta waa xor, inkastoo
Hitler qabsaday. Taariikhdu imtixaan adag ayay inoo dirtay, ha
lisku tashado .Waxa kali ah ee lagu tala-galaana,ha noqdaan ugu
horayn gallada ilaahay,marka xiga cududa,talada,dhaqaalaha
dadwaynaha soomaaliyeed intooda dareenka iyo damiirka fiicani wali
ku sii hadhay.
Iyaga ayaa ah horseedka rajada iyo
guusha.Waxa maanta la joogaa xaaladii abwaanka soomaaliyeed ka
lahaa:
Dhaqashiyo marbay kaa yihiin
dheregtu xaaraan
Dhasaaday sugtaa xaajadaad
dhawrataa abid.
Jiritaankeena qoomiyadeed, waxa uu
maanta ku jiraa halis aan hore inoo soo marin. Ciroole iyo caruurba,
tani maanta maaha mid loo kala hadhi karo.
Waa in gacmaha lays qabsadaa
garabkana la isa saaraa.
Waa in la beeniyaa hunguriga
nacasnimada ah ee Xabashida,ee doonaya inay dad iyo qaran wali ifka
ku nool dalkoodii dhaxlaan . Yaynaan noqonin falastiin cusub.Ee
walaalayal soomaaliyeey,gobanimo dagaalama is-dhiib waa gunimo
wayne.
Qore:C/raxmaan
Gurmad
cgurmad@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan