Marka maanta la soo gebagabeeyo
doorashadaasi ayaa la filayaa in berito la qabto xafladdii gunaanadka ee
Isbahaysigaasi. Rag fara badan oo u sharaxan xilalka gudoomiye ku
xigeenada iyo xoghayaha guud ayaan ilaa iyo hadda la ogeyn cidda si
rasmi ah isku soo sharaxday. Dhawaan ayay ahayd markii Guddoomiyaha
Isbahaysiga loo doortay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, halka guddoomiyaha
Golaha dhexe loo doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la sheegay in uu
shaqeyn doona qaab Baarlamaan. Mar uu soo gebagaboobo kulankaan ayaa
waxay xubnaha Isbahaysigu ka kooban booqashooyin u kala aadi doonaan
wadamada dibadda iyo gudaha dalka Soomaaliya, kuwaas oo Bulshada ka
dhaadhicin doona waxa loo aasaasay Isbahaysigaasi. Dowladda Federaalka
ayaa cambaareysay isbahaysigaasi kuna tilmaantay in uu yahay mid la
doonayo in qas looga abuuro gudaha dalka Soomaaliya, hase yeeshee beesha
Caalamka ayaa la sheegayaa in ay dadaal ugu jirto sidii la isugu soo
dhaweyn lahaa isbahaysigaasi iyo waliba Dowladda Federaalka.
Dowladda Sucuudiga oo laga yaabo in
ay dhex dhexaadin ka dhex sameyso Dowladda Federaalka iyo
Isbahaysiga Asmara
Warar aanu helnay ayaa
waxay sheegayan in Dowladda Sucuudiga ay ku talo jirto in ay dhex
dhexaadiso Dowladda Federaalka iyo Isbahaysiga dhawaan looga
dhawaaqay Magaalada Asmara, waxaana shalay Muqdisho ka ambaxay wafdi
uu hogaaminayey Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ay ku jiraan Ra’isul
Wasaare Geedi yo Sheekh Aadan madoobe iyo qaar ka mid ah ergooyinkii
ka qaybgalay shirkii Muqdisho lagu soo gebagabeeyay iyo guddoomiyaha
Isbahaisiga cusub ee Asmara oo ay wehliyaan qaar ka mid ah
ergooyinka shirka Asmara ayaa isugu tagi doona dalka Sucuudiga.
Wararkaan oo isa soo
taraya ayaa waxaa la sheegay in Dowladda Sucuudiga ay ku buuriso
inay khilaafkooda xaliyaan dalka Soomaaliya ku soo dabaalaan nabad
iyo dib u heshiisiin dhab ah, hase yeeshee Wasiirka arrimaha gudaha
Dowladda Federaalka Gacma Dheere ayaa si kulul u beeniyey in dalka
Sucuudiga ku kulmi doonaan kooxaha mucaaradka iyo Dowladda
Federaalka.
Maalintii shalay
ahayd waxaa magaalada Muqdisho ka ambabaxay wafdi balaaran oo uu
hogaaminayey Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf
Axmed, waxaana wafdigaasi ka mid ahaa Ra’isul Wasaare Cali
Max’ed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, Wasiiro,
Xildhibaano iyo qaar ka mid ah ergooyinkii ka qaybglaay shirkii
dib u heshisiiinta ee Muqdisho lagu soo gebagabeeyey.
Wafdigaan oo gaaray
magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga Carabiga ayaa waxaa halkaasi
ku soo dhaweeyey madax ka tirsan Boqortooyada Sucuudiga.
Madaxweynaha iyo
wafdigiisa ayaa waxay Boqortooyada u gudbin doonaan waxyaabihii
ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta Beelaha ee dhawaan lagu
soo gebagabeeyey MagaaladaMuqdisho iyo waliba sidii Sucuudiga
uga qayb-qaadan lahaa dib u dhiska dalka Soomaaliya.
Wafdiga oo sidoo
kale soo cumreysan doona ayaa waxay kulamo kale la yeelan
doonaan mas’uuliyiin ka tirsan boqortooyada Sucuudi Carabiya.
Intii aysan ka
ambabixin wafdigu Magaalada Muqdisho waxaa ambabaxooda ka
dhashay buuq iyo gacan ka hadal, kadib markii qaar ka mid ah
ergooyin ay iska waayeen liiska dadkii bixi lahaa, waxayna taasi
keentay in qaar ka mid ah ergooyin ay gacan iskula tagaan.
Qaar ka mid ah
ergooyinka ayaa waxay guddiga maamulayey shirka dib u
heshiisiinta ku tilmaameen kuwo wax is dabamariyey, isla
markaana soo kala dheweystay ergooyinkii ka qaybgalayey shirka
dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.
Xarunt Ismaaciil Jimcaale
ayaa cambaareysay xarigii loo gaystay weriya ka tirsan wargeyska
Ayaamaha iyo website internet ah kaas oo lagu magacaabo Max’ed Xuseen
Jimcaale (Jantiila).
Weriyahan oo la xiray 12-kii
bishan ayaa waxaa xarigiisa hay’addu ku tilmaantay mid ka baxsan
Sharciga Islaamka, dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaalida iyo baaqa
Caalamiga ah ee xaquuqda Aadanaha.
War saxaafadeedkaan oo
shalay gelinkii hore na soo gaaray ayaa waxaa weriyaha la sii daayey
shalay gelinkii dambe, waxayna sidoo kale xarunta Ismaaciil Jimcaale
cambaareysay hanjabaaddii iyo xarigii loo gaystay weriyaasha Idaacadda
Shabeele waxayna xarunta ku tilmaantay in uu yahay mid ka baxsan
Shareecadda Islaamka, dhaqanka soo jireenka ee Soomaaliyeed iyo baaqa
caalamiga ah qodobkiisa saddexaad oo leh (qof waliba waxa uu xaq u
leeyahay in uu ku noolaado nabad iyo xoriyo). Waxayna xaruntu ugu
baaqday Dowladda Federaalka in ay ilaaliso xoriyatulqawlka iyo waliba
goobaha warbaahinta, waxaana war-saxaafadeedkaani ku saxiixnaa Maryan
Xuseen Awreeye oo ah Guddoomiyaha xarunta Ismaaciil Jimcaale.
Weriye Jantiile oo dib u helay
xoriyaddiisii
Shalay galabnimadii ayuu dib
u helay xoriyaddiisii weriye Max’ed Xuseen Jimcaale (Jantiile) oo u
shaqeynayay wargeyska Ayaamaha iyo Web-Site-Internet ah.
Weriyahan ayaa ka mid ahaa
dad fara badan oo ay Ciidamada Dowladda ka qabteen Suuqa Bakaaraha mar
halkaasi ay hawgalo ka wadeen.
Weriye Jantiile oo mudo shan
maalmood ah ku xirnaa xabsiga Baarista Xisbiga ayaa waxa uu sheegay in
si wanaagsan loola dhaqmay intii uu ku jiray xabsigaasi.
Aamiin Yuusuf Khasaaro oo ku
hadlayey magaca Maamulka Wargeyska ayaa u mahadceliyey madaxa Xiriirka
Dadweynaha iyo Saxaafadda C/waaxid Max’ed Xuseen iyo Wasiirka
War-faafinta Madoobe Nuunow oo iyagu gacan ka gaystay daysmada
weriyahaasi, sidoo kale waxa uu maamulka Wargeysku u mahadcelinayaa
Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo iyadu cambaareeysya xarigaasi oo ku
tilmaantay mid ka baxsan Shareecadda Islaamka, xeerarka Soo jireenka ah
ee Dhaqanka Soomaaliyeed iyo baaqa caalamiga ah qodobkiisa saddexaad oo
leh qof waliba waxa uu xaq u leeyahay nabad iyo xoriyo in uu ku
noolaado.
Iska hor imaad ka dhacay Magaalada
Kismaayo
Wararka naga soo gaaraya
Magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd halkaasi
ka dhacay iska hor imaad la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan
oo u dhexeeyey hubka noocyadiisa kala duwan, waxa uuna iska hor
imaadkaasi u dhexeeyey laba maleeshiyo, iyadoo ay ku dhinteen labo
qofood, waxaana ku dhaawacmay ilaa iyo shan kale.
Lama garanayo sababaha uu ku
bilowday iska hor imaadkasi, hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayaan in
labada maleeshiyo ay iska shakiyeen.
Ma ahan markii ugu horeysay
oo iska hor imaadyo noocaan oo kale ah ka dhacaan Magaalada Kismaayo,
iyadoo dhawaan iska hor imaad uu ku dhex maray labada maleeshiyo oo ka
tirsan Dowladda taas oo keentay mid ka mid ah labadii dhinac laga soo
saaro Magaalada kadib markii ay burbureen dhex dhexadino fara badan oo
la waday.
Gacma Dheere oo sheegay in Max’ed Dheere,
Cabdi Qaybdiid iyo Darwiish la xisaabtankooda leedahay Wasaaraddiisa.
Wasiirka arrimaha gudaha
Dowladda Federaalka Max’ed Sheekh Max’ed Guuleed (Gacma Dheere) oo
shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wax laga
weydiiyey in ay baarlamaanka hor tagaan mas’uuliyiinta ay ka mid yihiin
Taliyaha Ciidanka Booliiska Cabdi Qaybdiid, Taliyaha nabad sugida Max’ed
Warsame Faarax (Darwiish) iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir Max’ed
Dheere, waxa uuna sheegay Gacma Dheere in warbixinta raggaasi looga
baahnaa ay bixisay Wasaaradda Arrimaha gudaha, isagoo sheegay in la
xisaabtanka raggaasi ay u taalo wasaaradda arrimaha gudaha.
“Waan soo dhaweyneynaa in
Baarlamaanka uu la xisaabtamo Hay’adihiisa, hase yeeshee Hay’adahaani
waxay hoos yimaadaan Wasaaradda Arrimaha gudaha, wasaaradda ayaana
bixineysa warbixintooda” ayuu yiri Gacma Dheere oo sidoo kale wax laga
weydiiyey in dalka Sucuudiga ay ku kulmi doonaan Isbahaysigii looga
dhawaaqay Magaalada Asmara, waxa uuna arrintaasi ku tilmaamay mid aan
sal iyo raad toona laheyn.
“Mar ayay habooneed wada hadal, kaas oo ahaa
xiligii ka horeysay dagaalkii ka dhacay Muqdisho” ayuu yiri Gacma Dheere
oo sheegay in wixii wada hadal ee Dowladda Federaalka ay u xilsaaran
yihiin Guddiga dib u heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed, kuwaas oo laga
doonayo in ay sii wadaan wixii dib u heshiisiin ah oo laga dhex
sameynayo Ummadda Soomaaliyeed.