ARDAYDA SOMALIYEED EE DHIGATA JAAMACADDA KARACHI UNIVERSITY EE DALKA
PAKISTAN AYAA CASHO SHARAF U SAMEEYAY MADAXDA SAR SARE EE JAAMACADDA.
Xaflad si aad ah loo soo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen ardayda
Somaliyeed ee wax ka barata jaamacadda Karachi University ee dalka
Pakistan ayaa hamaynimadii arbacadii la soo dhaafay waxa ay ka dhacday
guriga martida ee Jaamacadda Karachi University.
Xafladaan oo ahayd tii ugu horaysay oo ardayda somaliyeed ee wax ka
barata dalkan Pakistan ku martiqaadaan macalimiintooda, ayaa waxaa ka
soo qayb galay madaxda sar sare ee jaamacadda Karachi University sida
hormuudka jaamacadda Prof. Dr. Pirzada Qasim Raza Siddiqui, la taliyaha
ardayda ajaanibta ah Prof. Dr. Kaleem Raza Khan, la taliyaha guud ee
ardayda Dr. Khalid Iraqi iyo dadkale oo fara badan.
Xafladan oo ahayd mid si la yaableh la isugu soo duba riday ayaa sidoo
kale waxaa ka soo qayb galay macalimiin fara badan oo kala kala yimid
qaybaha jaamacaddu ka koobantahay . hadaba Intii lagu guda jiray
xafladaan ayaa ardayda somaliyeed waxay abaal marin guudoonsiiyeen qaar
badan oo ka mid ah madaxda jaamacadda sida, hourmuudka jaamacadda
Prof. Dr. Pirzada Qasim Raza Siddiqui VC, la taliyaha ardayda ajaanibta
ah Prof. Dr. Kaleem Raza Khan, Xoghaynta Hostelka Wiilasha, Syed
Jamsheed, maamulihii hore ee Hostelka wiilasha Prof. Dr. M. Iqbal,
maamulaha hadda ee Hostelka wiilasha. Dr. Zafar Iqbal, iyo kuwa kale oo
fara badan.
Abaal marintaas ka dib ayaa madaxda jaamacadda laftoodu waxay abaal
marin taas la mid ah gudoonsiiyeen qabanqaabiyayaashii xaflada. Waxayna
ooga mahadceliyeen sida sharafta leh ee ay u soo qaban qaabiyeen
xafladan ayagoo gudoonsiiyay shahaadooyin ay ku saxiisanyihiin madaxda
sar sare ee jaamacadda Karachi.
U jeedada xafladaan ayaa ahayd is barasho dhex marta ardayda somaliyeed
ee wax ka barata jaamacadda Karachi University iyo madaxda sar sare
jaamacadda waxaana intii ay socotay xafladaan ardaydu halkaas ku soo
bandhigeen waxyaabo badan oo kala duwan, waxaase xusid mudan riwaayad
ay halkaas ku soo bandhigeen ardaydu oo ka hadlaysay dhibka uu la kulmo
ardayga somaliyeed marka uu ku cusubyahay wadankaan iyo faa iidada uu
gaaro markuu dhamaysto wax barashadiisa. Riwayadan oo ahayd mid si aad
ah looga helay ayaa ardaydu ku soo bandhigeen dhaliilo iyo amaano is
garab socda oo ay u jeedinayeenn jaamacadda Karachi University.
Madaxa guud ee jaamacadda Karachi University Prof. Dr. Pirzada Qasim
Raza Siddiqui oo halkaas hadal ka soo jeediyay ayaa u mahadceliayay
ardayda Somaliyeed wuxuuna sheegay in xafladaan ay ahayd mid si
wanaagsan loo soo agaasimay
wuxuuna sidoo kale sheegay in ardayda Somaliyeed Pakistan u tahay
dalkoodii labaad uuna u aqoonsanyahay ardayda somaliyeed inaysan ahayn
ajaanib balse ay yihiin ama ay la midyihiin dadka Pakistanta ah.
Mr. Siddiqui wuxuu intaas raaciyay inuu fahmay dhaliilaha ay tabanayaan
ardayda Somaliyeed wuxuuna goobtaas ka sheegay balanqaadyo badan oo uu
wax oogu qabanayo aradayda waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “ hadaan
nahay madaxada jaamacadda Karachi University waxaan jecelnahay inaan soo
diyaarino xaflad aan u qabanayno ardayda Somaliyeed ee wax ka barata
jaaamacadda Karachi dhamaadka bishaan barakaysan ee Ramaddan hadii Alle
idmo waxaana rajaynaynaa inaan idiin samayno wixii aad u baahatihiin oo
daruuri ah”.
Mr. Maxamed C/raxiim (Shariif) oo ah arday hadda ka qalin jabiyay
jaamacadda Karachi kuna hadlayay magaca ardayda wax ka barata
jaamacadda Karachi University ayaa u mahad celiyay, maamulka,
macalimiinta iyo dhamaan dadka reer pakistan oo uu ku sheegay inay si
wanaagsan ula mucaamileen dadka Somalida ah iyo waliba dadka ajaanibta
ah dhamaan ugu danbayntii Mudane SHarif wuxuu hadalkiisa ku soo gaba
gabeeyay pakistan waxay ay u qabatay dadka somaliyeed inay tahay wax aan
la hilmaami Karin wuxuuna u dar daarmay ardayda somaliyeed inay ka soo
bixi doonaan kaalintooda wax barasho.
Dhanka kale xafladaan oo ahayd mid aad u bilicsan sifiicana looga soo
shaqeeyay ayaan wax ka waydiiyay qaar ka mid ah qaban qaabiyayaashii
cidda ka gacan siisay qarashkii ku baxay xafladan waxayna ii sheegeen
ardayda dhexdoodu inay iska aruuriyeen qarashkaan balse waxay mahadcelin
balaaran oo gaar ah u jeediyeen Mudane Axmed Abdi Osman oo ah masuul ka
tirsan Shirgada AL-Mutaqbal oo kaalin libaaxleh ka qaatay qabsoomidii
xafladaan.
Jaamacadda Karachi University ayaa ka mid ah jaamacaddaha ugu waa wayn
jaamacaddaha dowliga ah ee dalkaan Pakistan waxaana la aas aasay
jaamacaddan sanadii 1951. hadaba jaamacaddan oo ka koobanta 58 qaybood
ayaa waxaa wax ka barta arday fara badan oo Somali ah oo ka kala yimid
Afrika, Yurub, iyo America, waxaana ardaydaan dhigtaan qaybaha ugu sar
sareeya ee jaamacaddan. Si kastaba ha ahaatee jaamacaddan oo ah jaamacad
caan ka ah gudaha dalkan Pakistan iyo dibadaba ayaa waxaa wax ka barta
arday fara badan oo kala yimid wadamo kala duwan oo caalamka ah sida,
Somalia, Sudan, Uganda, Turkish, Malaysia, Oman, Saudi Arabia, Kuwait,
iyo wadamo kale oo fara badan waxaana ardadyda somalidu noqdeen kuwiii
ugu horeeyay oo xaflad sharaf u sameeya madaxda sar sare ee jaamacaddan
Karachi.
Diyaariye:
Durran Hassan
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 16, 2007
Nin
Soomaali ah oo Talaadadii lagu xiray Maraykanka "ma aha Argaggaxiso ee waxaa loo
xiray arrin la xiriirta Daroogo..."
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..
|