SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print



Warbixin:-Xasuuqii waxshiga ahaa ee Taliskii xabishidda ee Boorama 30 Janaayo 1984. Akhri....


Taariikhdu been qorimayso ruuxna baadilimayso(4aad)
 
Waa qalinkii Xassan Maxamuud Shiikh Cismaan(Baashe)
Nairobi Kenya Tel: +254 726 256 250
 
Salaamullaahi calaykum warraxmatuhu wabarakaatuhu.
 
Waa faallo aad wada sugayseen, oo dad badani ku taxnaayeen amaba ay sugayeen.Dadkii aan la soconna aan filayo in ay fikradooda wax ka badali doonto.waana faallo socotto ah.
 
  Waxaan akhristayaasha sharafta badan ka raalli galinaynaa dib u dhicii ku yimid qaybtani, oo dad badan ay wada sugayeen. Dib u dhaca oo ahaa arrimo xagga farsamada ah iyo sidoo kale annaga oo ku jirnay figrad aruurin, aynu ku samaynaynay shacabka Somaliyeed ee ku nool dalka Kenya.
 
Cod uruurinta oo ku saabsanay:d keebaa xaq u dhowaa SSDF iyo Kaccaankii Jaalle Siyaad?Maxaa taariikhda u gashay SSDF iyo Kaccaankii Siyaad?
 
Iyadoo dad badan ay fikraddooda noo soo direen aanna si aad ah ugu mahadinayno , ayaa dadkii nala soo xiriiray ay 70% ay u codeeyeen in Jabhaddii xaq u dirirka ahayd ee SSDF ay ahayd jabhad xaq u dirir ahkuna saxsanayd halgankeedii.Halka 30% ay sheegeen in dowladdii kaccaankii Siyaad, ay dalka wax badan uqabatay kuna soo kordhisay Intii ay awoodday..
70%
Dadka u doodaya SSDF ayaa dooddooda ku saleeyay sababta ay xaq u dirir u noqotay, sheegtayna in ay jabhaddaas ahayd, mid u adkaysan weeyday dhibkii dalkooda iyo dadkooda lagu hayay, kana damqattay xasuuqqii banii aadaminimada ka baxsanaa ee dowladdii dalka ka talinaysay ay si gaar ah ugu haysay iyaga oo aan xaq u yeelan arrimahaas ama xasuuqyadaa.
 
Dadkan ayaa intaas raaciyay inxasuuqqaas uu gaaray heer la yiraahdo reer guuraagii , culimadii u iyo siyaasiyiintii dhashay amaba ay isku abtiris yihiin SSDF inta la soo qabqabto oola geeyo Iskool Policia(waa meeshii Kaccaanku uu dadka ku xasuuqi jiray) si sharci darro oo banii aadaminimada ka baxsan loogu toogan jiray iayaga oo aanan la soo taagin wax maxkamad ah oo ka madaxbannaan maamulkkii kaccaanka, sababna looga dhigo waxay taageeraan SSDF. Waxaana laga yaabaa in dadkaasi aysan aqoon micnaha SSDF.
 
Wxaa kale oo jiray dad kale oo isugu jiray Siyaasiyiin, iyo culimo oo inta lasoo qabqabto oo lageeyoxabsigii dhexe iyo kii labaatan jirow, ee ku kala yaallay Gobolka Banaadir iyo Gobolka Baay, ayna ku jiri jireen sanado aad u fara badan iyaga oo aan la saarin wax xukkun ah. qaarkoodna,taliskii uu ku dhacay amaba xukkunkii laga qaaday Kaccaanka iyaga oo waqti dheer xabsiyada ku jiray.
 
dadkii fikradda halkan ka dhiibtay nin ka mid ah magaciisana aannu ku soo koobayno M.C.Y,ayaa si xanaaq iyo caro saa id ah leh ku sheegay in maanta dadka kanool madaxdii kaccaanka ay la tiigsan doonaan, Maxkamadaha caalamiga ah ee dagaalka haddii alle idmo aysanna marnabaku illaawi doonin wax uu ugu yeeray XASUUQ FOOLXUN OO DHIIG BADAN LAGU DAADSHAY!!!..Taariikhduna aysan illaaweyn.
 
Haddaba halkan kuma soo koobi karno fikradihii dadku halkan ka dhiibteenee ka dhanka ahaa, Kaccaankii loogu magacdaray KACAANKII BARAKAYSNAA, laakiin dadku waxay in badan ku soo celceliyeen, in ay maxkamad la soo tiigsan lahaayeen haddii maantay uu noolaan lahaa Allaha u raxmee Siyaad Barre(AFWEYNE).
30%
Dadka iyagu qaba fikrad taas ka duwan ee ku andacoonaya in maamulkii Kaccaanku uu wax badan u qabtay dalka ayaa sheegay in kaccaanku uu Sameeyay, in uu joojiyay wax la yiraahdo qabiil waa sida ay iyagu sheegeene sidoo kale qoriddii farta Somaliga iyo isagoo sameeyay ololihii horumarinta reer miyiga.Waxa ay intaas ku dareen in qofku uu khaldami karo uuna wax badan kaccaanku ku khaldanaa.
 
Haddaba ma is leedihiin dowlad dowlad Rubuc qarni dhisnayd baaDadkeedii ku qanxcin karta wax intaas le ego o laga yaabo xitaa inaysan intaas wada qaban? Mase is leedahay labada koox waxaa xaqiiq u dhow 70% oo iyagu sheegay in kaccaanku uu ku dhisnaa qabiilaysi, waxqabad la aan iyo gumaad sharci darro ah.
Wxayna ku doodayaan wax haddii loo sii fiirsado ay isleedahay waa wax xaqiiqda u dhow.
 
Waayo dowladdii kaccaanku xittaa diintii bay Fara galisay oo Qodob ku saabsanaa arrimaha bulshada oo ahaa sinnaanta raga iyo dumarka ayuu Kaccaanku ku fududaaday, kadib markii dadkii uu rabay in ay arrintiisa hir galiyaan oo ahaa Culimadii uu subax barqo cad ku toogtay Tiirarkii ISKUULA POLICIA.Ilaahayse gardarrada ma oggolee uu ka abaal mariyay jananka arrinkaas.
 
Allaha u raxmee Maxamed Siyaad waxaas iyo wax kale oo ay shacabka Somaliyeed ka tabanayaan maamulkiisii, laakiin maaddaama uusan manta noolayn waa wax taariikhda u galaysa oo aan la illaaweyn.
 
Qof kasta oo madax noqdana waxaa laga doonayaa inuusan marin waddadaas foosha xun ee uu maray maamulkii kaccaankii Siyaad, waxaana loo baahan yahay wax qabad aad u qurux badan oo lagu dayan karo ayna shacabka Somaliyeed ilaawin, waayo wax walba oo aad la timaaddid waa lagaa qorayaa oo ma ahan wax la illaawayo marka hannoqon kii wax khaldan laga aamino amaba ay taariikhda u gasho..
 
Waxaan taladaas ku boorinayaa madaxda manta, kuwii hore waa gaalbadeen mid walbaalana waxa uu la yimid bay shacabku ku yaqqaaniin.
 
Lasoco qaybta xigta....
FIKRADDIINA SALIIMKA AH AYAAN SOO DHAWEYNAYAA..
Waa qalinkii Xassan Maxamuud Shiikh Cismaan(Baashe)
Nairobi Kenya Tel: +254 726 256 250

 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 15, 2007

 

usaNin Soomaali ah oo Talaadadii lagu xiray Maraykanka "ma aha Argaggaxiso ee waxaa loo xiray arrin la xiriirta Daroogo..."

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com