Dhimashada mashruuca fikirkra qawmiyeed(nationalism) Qaybta 2aad:
Arrinta ta kale ee xusidda mudan ayaa ah, in tawajuha iyo ujeedddooyinka
ku aaddan ee ka tarjumaya abuuridda masaafo iyo kalafogayn aan sax ahayn oo
aan fiicnayn oo laka dhexdhigo laguna kala dilo fikradda qawmiyeed iyo
mashruuca casriyayn ee waddaniyeed iyo dawladeed iyo, waxa ay fikirkaasi
waajibinayso ee shuruudo iyo waajibaad ah iyo fasiraadda khaaska ah ee ay
fikirkaasi ka bixinayso ee ay ka qabto una aragto marka la yiraahdo nolosha
iyo dhaqanka iyo siyaasadda iyo dimuquraadiyadda ay tahay mid la oran karo
mid abuuraysa masaafo iyo kala fogayn la dhex dhigo lana kala dilo fikradda
qawmiyeed iyo mashruuceeda casriyayn iyo dawladeed iyo nidaamka
dimuquraadiyadeed,iyadoo taasina ah tawajuh iyo ujeeddooyin khaldan oo aan
sax ahayn,iyo gaar ahaan waliba marka la fiiriyo in muhiimadda iyo
horyaalnimada laga siiyo lana koolkooliyo oo la hormariyo loona eexdo
fikradda qawmiyeed iyo casriyayn iyo dawladeed marka la yiraahdo fikradaha
kale ee iyada ka soo haray,iyadoo ay arrinta noocaas ahina ay abuurayso ayna
dhalinayso oo keeneyso su’aal weyn oo la iska weydiinayo daacadnimada iyo
niyadsamida iyo ujeeddooyinka qolooyinka iyo kooxaha qawmiyeed iyo
dhabnimada iyo hubaasha kalsoonida lagu qabi karo baaqyada iyo halkudhagyada
qurxoon ee xorriyadda iyo caddaaladda iyo kaladuwanaanshaha iyo sinnaanta ay
iska soo hormariyaan ee ay buunka dheer u tumayaan, iyo ilaa xad intee le’eg
ayay qolooyinka iyo kooxaha qawmiyeed ay iyagu isku boqreen iskuna xil
saareen ayna isa siiyeen si gaar ah, waxii ay dadka kale iyo qolooyinka aan
iyaga ahayn ee dhaqameed ama toleed ee qabaliga ah ama diimeed ay ku
eedaynayeen kuna dhaleecaynayeen habsaanimo iyo dibu socodnimo iyo
jaahilnimo,iyagoo iyana sidoo kale ay sahashadeen kuna dhiiradeen in ay
gawracaan oo ay dhagta dhiigga u daraan oo ay qurbaan u bixiyeen
dimuquraadiyaddii la rabay ayna ahayd, in ay noqoto saldhigga iyo asaaska
marka la yiraahdo isfahamka iyo isafgaradka baaqa dibu heshiisiineed ee
nolosha iyo khilaafaadka bulsho iyo siyaasadeed oo iyadu ah,tan wax kasta ka
horraysa kana ballaaran oo wax kasta koobaysa islamarkaana mugga leh oo wax
kastana lagu dhammayn karo kana hodansan oo dhinacyada oo dhan kulmin karta
oo qaadi karta marka la yiraahdo aragtida fikriyeed ee dhinaca kaliya ah ee
ay matasho ayna tusaalaha u tahay fikradda qawmiyeed iyo casriyayn iyo
dawladeed iyo qolooyinka dabaqadda jiilka casriga ah ee aqooneed iyo
siyaasadeed ee magaalo ee fikirkaas iyagu wata ee horboodaya islamarkaana
adeegsada oo ku danaysta.
Haddaba sida ay qolooyinka iyio kooxaha qawmiga sheegta ay ugu eedeeyaan
kooxaha iyo qolooyinka ururada beeleed iyo kooxaqha siyaasadeed iyo
maamulada toleed ee maxaliga ah in ay Qatar ku yihiin midnimada iyo fikradda
qawmiyeed iyo qaranimada soomaaliyeed,ayay waxay iyana kooxaha iyo ururada
siyaasadeed iyo maamulada siyaasadeed ee toleed iyo dhaqameed ee maxaliga
ah(rudimentary state), sida kan puntland oo kale, waxay iyana u arkaan in ay
ku soo roggidda iyo dusha uga keenidda fikrad kasta oo ka horimanaysa ama
burinaysa oo lid ku ah mafaahimta iyo sooyaalka hiddaha taariikheed iyo
dhaqan ee mujtamaca soomaaliyeed eek u salaysan kaladuwanaanshaha
dhaqan,bulsho,siyaasadeed,deegaan iyo toleed, ay taas u arkayaan miid
dhibaato iyo luggooyo iyo hagardaamo ku ah waxay u arkaan in ay tahay
xuquuqdooda sharciyeed iyo khusuusiyaadkooda dhaqan,bulsho,siyaasadeed,taariikheed
ee toleed iyo bulsho ee ay gaarka u leeyihiin,iyadoo taas darteedna marka la
fiiriyo doodaha noocaas ah ee ay kala qabaan labada dhinac eek an dhaqameed
iyo toleed ee bulshadii hore,iyo kan casriyeed iyo qawmiyeed ee bulshada
danbe iyo jiilka dawladeed ee magaalo, aysan meesha ool suurtagalna ahayn oo
aysan jid iyo daw toona ahayn in dhinac iyo koox kaligeed ahi ay gaar isku
siiso iskuna magacawdo ayna si gaar ah isugu qorto una sheegato, in ay iyadu
marjac iyo aabbe iyo abbaan iyo wasiyo ay u tahay mujtamaca iyo
qaranimadiisa ummadeed,iyadoo aysan jirin wax sabab ah oo lagu rumaysan karo
oo macquul iyo loo qaateen ah oo xaqiijinaya, sheegashada in dhinac iyo qolo
ay ku andacooto in ay iyadu ilaaliye iyo gaarba ay u tahay qawminimada iyo
midnimada qaran ee ummadeed iyo dawladeed ayna ka ilaalinayso, iyadoo
marmarsiiyo looga dhiganayo kuna andacoonayo in uu ka ilaalinayo ummadda iyo
qaranimadeeda, qabiilka iyo hoggaamiyayaasha beeleed iyo maamulada toleed ee
dhaqameed ee iyagu ummadda iyo midnimadeeda qaran cadawga ku ah ee dalka
googo’oynaya ama kala qaybinaya,ayay iyagoo taas ku andacoonaya iyo in ay
ummadda iyo qaranimadeeda ilaalinayaan oo ay gaar ka yihiin una taagan
yihiin, ayay haddana arrinta waxay u weeciyaan kana dhigaan qawmiyanimada
iyo qaranimada ummadeed ee ay sheeganayaan mid ay danahooda iyo
masaalixdooda ugu adeegaan oo ay ku shaqaystaan kuna danaystaan ayna ka
dhigtaan maqaar dadka lagu maalo laguna madiidaysto oo lagu hoosaasiyo,
looguna gabbado oo lagu qariyo danaysiga iyo damacooda xukun iyo siyaasadeed
ee ay u jidbaysan yihiin una meehanaabayaan ee ay la sarqaansan yihiin ee
madax maray.
Haddaba waxaa cad sida aan kor ku soo sheegnay in fikrad iyo aragti kasta
oo qawmiyeed iyo casriyayn ee dawladeed oo la mid ah, nusqaddii iyo moodadii
qawmiyeed ee qarnigii tagay soomaaliya ka hana qaaday ee laga hirgaliyay iyo
tusaalayaashii qawmiyeed ee hannaanka iyo habka kooxeed iyo urureed ku
salaysnaa,laga soo bilaabo ururadii qawmiyeed(nationalist party)ee ay SYL
ugu horraysay iyo kuwii ka danbeeyay oo idil ee tijaabada hannaanka kooxeed
iyo urureed ku dhisnaa,iyadoo tijaabada iyo moodada nusqaddii qarnigii 20aad
ee tagay ee noocaas ahaa uu yahay mid dhamaaday oo aan dib danbe aan hawo
looga qabin oo gabbalkiis dhacay,iyadoo cid kasta oo iskudayda in ay
nusqaddaas ay soo celiso ama ay tixraacdo uu halbacaad lagu lisay uu
dadaalkeedu iyo daalkeeduba au ku dhammaan doono oo aan wax natiijo ah laga
gaarayn waxna ka soo naasacaddayn oo gacmadaalis uun iska ah. Waxaana xusid
iyo digniinba mudan in cid kasta oo isku daalisa iyo cid walba oo madax ka
noqotaba mashruuca qawmiyeed ee hannaanka urureed iyo kooxeed ee hadda la
caadaystay ku salaysan sida nidaamyada tijaabooyinkii SOODARE iyo tii CARTE
iyo tan hadda jirta ee IMBAGAATI oo dhammaantood ah tijaabada nusqaddii
gabowday ee aan soo tilmaanay ahna tijaabooyinka noocaas ahi kuwo la isku
maaweelinayo waqtiga iyo xooggana la isaga luminayo oo la isku daalinayo oo
gacmodaalis ah,iyadoo natiijada tijaabooyinka noocaas ahina cid kasta oo
madax ka ah iyo koox kasta oo wadata waxay doonaan ha noqotee ay isku meel
ku danbeeyaan natiijo kaliyana ay yeelan doonaan oo ah wax kama jiraan iyo
hal bacaad lagu lisay
mahad herse
london uk
htrmah@aol.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 15, 2007