soomalida south africa ceelna uma qodna cidna uma maqna !!!
waxa hubaal ah intii ay burburtay dawladii dhexe ee dalka ka talinaysay
uu dalku galay qalaalqal iyo kala haad
taasoo keentay inuu qof waliba uu u baxsado meeshuu is leeyahay waad
kula badbadi karta naftaada iyo maalkaaga
wadamo badan oo aduunka ah ayey somalidu u kala yaacday oo AFRICA iyo
ASIA IYO YURUB taba ah kuwaaso ayakuna kaalmo siinayey DADKA qaxootiga
ah ee uu DALKOODU somaaliya burburay soona dhawaynayey nolol fiicana ay
ka heleen iyo ganacsi
QORMADAYDAAN AAN UGU MAGAC DARAY
SOMALIDA SOUTH AFRICA CEELNA UMA QODNA CIDNA UMA MAQNA!
Taasoo ah silica ku haysta somalida dagan dalka koonfur africa
(southafrica)
oo noqotay halka logu somali neceb yahay ee aadka loogu xasuuqo taaso
aan dhihi somalida uga so carartay dalkoodi xasuusqa inay kala kulmeen
dalka koonfur africa midka ka socda dalkooda mid ka daran ee aysan
dawlad iyo shacab midna u damqanayen dilalka aadka u foosha xun ee ay ku
haaan somalida ee qofki la dilo aan dib la isku waydiinayn ee logu
ronaanayo in la qado maydkiisa kaliya lana geeeyo meesha maydadka tasoo
ayaka u ah faadiido hor leh oo qofkaas maydkiisa oo ay kala baxayaan
beerka iyo kalyaha oo aan dhihi karo qaymo aad u sareeya ayaa laga kala
siistaa dalka konfurta africa dilalka naxdinta leh ee aan kala jogsiga
lahayn ee ka socda dalka koonfurta ee lagu ugaarsanayo somalida ayaa
waxay tahay sababtoodu in ay somalidu ka furatay dalka koonfurta africa
ganacsi aad u sareeya oo alaabaha ay ku kenayaan wax aad uga raqiisan
waxay ku keenan dadka u dhshay dalkaas kuwaas oo dantoodu tahay somalidu
dhaqaalaheena ayey wax u dhimaysah oo alaab sicir qaali ah noogu fadhida
ayey raqiis ka bixinayaan
sababta loo aananayo dilalkaas ayaa ah taas oo somalidu dukaama hooda
waxay alaabta ka bixiyaan wax aad raqiis uga ah inta uu ka bixinayo
dukaanka ku dhagan ee uu leeyahay ninka madawga ah.
dabadeed ninka madaw ga ah waxuu samaynayah wax walba oo uu ku hormarin
karo ganacsigiisa uuna iskaga reebi karo ninka dalkiisa qaxotiga kuah ee
hor istaagay ganacsigiis mudadii ay somlaidu gaartay dadka lagu dilay
dalka koonfurta africa ayaa ah dad kor u dhaafayah ilaa 1650 qof oo
somli ah oo dhamidood RAG ah somalida ku nool dalka konfurta africa
marki ay dhalatay dawlada dalka ka jirta ee uu madax waynaha ka yahay
col: cabdulahi yuusuf ayaa somalida halkas ku nool ay is dhaheen hada
ayaad ka baxaysan dhibaatadii idin ku haysatay dalkaas oo dad dawlad leh
ayaad noqoteen oo dad xaqiina idin soo dhiciya ayaad helaysaan taaso aan
dhihi karo waxay noqotay
(HELI WAAYEY WAXAN KU HAMINAYEY)
Tasoo suurta gal noqon wayday ee dadka south africa ay wali la, yihin
dad ama dawlad uga hadla xaqooda ay la aayeen mudadii uu burbursanaa
dalokoodu.
taliye ku xigeenka ciidanka dalka koonfurta africa mar wax laga waydiiey
dilalka waxshi nimada ah ee lagu hayo somalida ayuu ku jawaabay
(SOMALIDU DAD MALAHAN DAWLAD U HADASHANA WARKEED DAA !)
taasoo fajac iyo u qaadan waa ku noqotay dadka somaliyeed meel walba oo
ay dunida ka jogaan
haday madaxdii saas leedahay maxad ka sheegta shacabkii madax da loo
ahaa!!!
cadaawada aad u saraysa oo marba marka ka danbaysa sii laba kaclaynaysa
ee looga qabo somalida dalka koonfurta africa waxan dhihi karaa waxay
maraysaah meeshii ugu saraysay.
oo noqotay somalidu markay isku yimaadaan meelaha lagu qaxweeyo ee
magaalooyinka waa wayn ee dalka koonfurta africa ay tahay hadal haynta
ugu wayn ee ay is waydiinayn
(MAANTA IMISA QOF OO SOMALI AH BA LA DILAY BAA LA DILAY ?
yaab!! walee waa wax laga yabo: maxay tahay calaamada gaarka ah ee
somalida ku dhagan ee sida gaarka logu ugaarsanayo.
aniga oo so koobayah qormadaydaan ayaa waxan ugu danbayntii leeyahay
somalida halkaas ku nool waxay aad ugu baahanyihin inay dalkoda uga
dhalato dawlad somaliyed si ay ugu soo noqdaan dalkoda ayna iskaga soo
tagaan nolosha aadka u foosha xun ee ay hada kula nool yihiin inta badan
wadama africa GAAR AHAAN KOONFURTA AFRICA.
oo ah inta wadan ee ay somlidu ku tagtay qaxooti Wadanka ugu somali
xasuqa badan wadan la mida aan la arag wali
ISMA DHAAFNO
waa qalinki USTAAD
c/rahman mohaud osman (Diite)
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 15, 2007