SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print



Warbixin:-Xasuuqii waxshiga ahaa ee Taliskii xabishidda ee Boorama 30 Janaayo 1984. Akhri....


Maxaa kala heysta Taleefoon Gacmeedyada (Mobile Phones-ka) iyo Reer Saudi Arabia? 

      Iyadoo Waddanka Saudi Arabia uu ka mid yahay dalalka sida weyn u isticmaala taleefoon Gacmeedyada (Cell Phones-ka) ee Adduunka ayaa haddana waxaa meesha ka marneyn dhibaatooyinka iyo saameynta Taleefoonnadani ay ku dhex yeesheen bulsho weynta dalkaasi, gaar ahaan Goobaha Cibaadada (Masaajidda) iyo Golaha Kulammada.

      Wargeyska “Al-xayaat” ee ka soo baxa magaallada London ayaa cadadkiisii shalay oo Jimco ahayd, taariikhduna ku beegnayd 14/09/2007 waxa uu qoray in Taleefoonnada gacantu ay ka mid yihiin waxyaabaha ugu badan ee Reer Saudi Arabia ay ka qaateen Technology-yada casriga ah, Mobile-duna ay haatan ka mid noqdeen nolol maalmeedkooda caadiga ah.

      Wargeysku waxa uu intaa ku daray in dadka Reer Saudi Arabia ay si aan caadi ahayn u adeegsadaan (Text Messages-ka) ama dhambaallada laga dhex diro Taleefoonnada gacanta, iyadoo sanadkan gudihiisa ay dadyowga Sucuudigu isku direen 45,000,000-Milyan oo Fariimaha Mobile-ka laga dhex diro, iyadoo sanadkii la soo dhaafay ee 2006 aysan dhaafsiisnayn fariimihii Mobile-da laga dhex diray 30,000,000-Milyan, halka dadka adeegsada adeegyada taleefoonnada gacantana lagu qiyaasay 15.6-Milyan.

      Sidoo kale wargeysku waxa uu intaa ku daray in marka la eego saddexdii maalmood ee ka horreysay bilowgii Bisha Barakeysan ee Ramadaan laga dhedhansan karo sare u kaca adeegsiga Taleefoonnada gacanta iyo mashquul-ka dhex taagan khadka Taleefoonnada dalka Saudi Arabia.

      Naasir Al-Barri oo Jariidaddu ay soo xigatay ayaa waxa uu xusay in habeennimadii Ramadaanku soo galayay uu keligiis diray 100-Messages, waxaana uu yiri “Dhab ahaantii Adeegga dhambaallada laga dhex dirsado Taleefoonnada gacanta waa kuwo aad loo jecleysto, waxaana si sahal ah qofkii aad doonto aad hadalkaaga ku gaarsiin kartaa adigoo saacado badan iyo wax hadal fara badan aan samaynin”, waxaana uu intaa ku daray “Waxaa suurtogal ah in qofka aad wax u direysid uu jiifo ama kulan ku jiro, ama xitaa waxaa iska dhici karta in qofkaasi aadan muddo dheer la hadlin, kaddibna uu ku weydiiyo halkii aad jirtay muddadaasi fog, maxaad noola soo hadli weysay?, inaad la hadasho oo cabbaar aad sheekeysataanna waxaa ka fudud in aad dhambaal ugu dirtid si fudud, wixii aad dooneysidna aad halkaas kaga hadasho”.

      Sacad Al-Cambar oo isna hadalkiisa ka dhiibanayay Cell Phones-ka waxa uu yiri “Tani waa mid ka mid ah arrimaha naga dhigay in aan noqonno Bulsho is jecel, maxaa yeelay Munaasabadaha sida Bisha Ramadaan oo kale hadafkeeda dhabta ah waa in aan is maqalno, isla xiriirno iskuna Tahniyadeyno, Dhambaallada la isaga dhex diro Taleefoonnada iyo Internet-kana waxay noqdeen kuwo ka tarjuma Shucuurta shaqsiga”.

      Ibraahim Al-Bakri oo ah Khabiir ku takhasusay Arrimaha Bulshada ayaa isna waxa uu ku nuux-nuuxsaday  faa’iidada iyo khasaaraha Taleefoon gacmeedyadu u leeyihiin bulsho weynta Carbeed, waxaana uu yiri “Bulshada Khaliijku waxay leedahay waxyaabo fiican oo laga dhaxli karo, waxaana ugu muhiimsan iyagoo isku dira Tahniyadaha Munaasabadaha Diineed iyo kuwa caadiga, dhaqammada & Caadooyinka, laakiin hadda waqtigu wuu is beddelay oo noloshu waxay noqotay mid ka deg-deg badan middii hore”.

      Mar uu is bar-bar dhigayay wejiga fiican iyo wejiga xun ee Taleefoon gacmeedyadu waxa uu AL-Bakri yiri “Dhinaca aan lagu farxin ee Taleefoonnada gacanta waxaa mar walba ka badan dhinaca wanaagsan, tusaale ahaan adeeggani waxa uu fududeeyay in uu soo dhoweeyo wax aad u dheer, fududeeyana xiriirka, sidoo kalena halka waagii hore markii aad doontid in aad qof la soo hadasho ama soo siyaarato aad meelaha dheer u safri jirtay la hadalkiisa oo qura, waxaa hadda kaaga filan in aad dirto dhambaalka Mobile-ka oo qura, waxaa kale oo Bulshada Carbeed messages-ka Tel-ka ay aad u dirsadaan Munaasabadaha Ciidaha oo Muslimiintu ay dhaqan u leeyihiin in ay isku tahniyadeeyaan”.  
 

W/T: Yaxye Yuusuf Khasaaro

e-mail address: yaxyekhasaaro@hotmail.com

                yaxyekhasaaro@gmail.com

Sept 14, 2007

 

usaNin Soomaali ah oo Talaadadii lagu xiray Maraykanka "ma aha Argaggaxiso ee waxaa loo xiray arrin la xiriirta Daroogo..."

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com