SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Shirka Asmara sidee Somali badan loo Gumadaa!!

RAMADAAN KARIIM  SOMALIYEY DHAMAAN

Waxuu yiri afhayeenka Asmara waxaan shirkii kusoo gabagebaynay in xabad lagu xoreeyo wadanka maxuma

Sekeriye waxaase lagaa rabaa inaad hormuud kanoqoto oo qoriga qaado ee maaha inaad maskiinta la isticmaalo
adiguna kursi ku gorgortanto cidina kuu xoreyn mayso waa inaad xoreysataan hadaad tihiin Barlamanka xorta ah,Maxamkiimta laga adkaaday,iyo bulshada rayidka ah ee ceyrta ku qaadata Europe iyo USA,ogaadana wadanku inuu xoryahay oo larabo in laga xoreeyo fikirkiina qaldan insha alah,waayo fitno baad ka shaqeyneysaan iyo inaad masaakiinta dhexdeeda kasoo tuurtan hoobiye kadibna ciidamada Ethiobia iyo DKM ay hoobiye ku jawaaban waayo horey baa loo yiri Qaniinyo qaniinyo baa laisaga fujiyaa,dabcan idinka waxba idinkama gelin Hoobiya Ciidamada Ethiobia soo tuurto meesha uu ka dhacayo,waxaa keliya aad xiiseyneysaan in tageerayashiina ubadan dibad ku noosha Europe iney dhehaan wadankii jamhad baa kadagaalameysa,waxaanse filayaa inaad noqondoontaan Tamil tigers only! waxaa la filayey atleast inaad isku soo afgaratan in Nidaam diiniya isku racdan kaas baa micna sameyn lahaa oo dadka wax garanaya naftooda ku biimeyn lahayeen,Jamhadiina waxaan anigu ubixiyey JAMAHADA HUNGURI IYO KURSI DOONKA,gabalkiinina wuu dhacay,waxaan kula talin lahaa DKM ineysan wax danbe oo wada hadal ah idiin furin waayo sidii la idinku yaqaaney kuwo badan oo idinka mida ayaa already rajo la'aan dareemaya oo iska raba in wadahadal loo furo,

waxaa isweydiin leh aaaway Profesaradii somalia ee jeclaa istuska beesha calamka ,ma USA bey ka cabsadeen ,ugu yaraan idinka wey idin dhameen ,waayo idinku waad ka cabsateen Jihaad inaad ku dhawaaqdan intaad goobtii takteen!!!maxaad jihaad udhehi weydeen cidina idinma cunteen! waxaana qaba jihaadkas wuu noolanlahaa xiliguu rabo haqaatee waayo muslinka wanaagsan ee Somaliga ah waxuu noqonlahaa bar ku taal qalbigiisa uuna ku taamo inuu hirgeliyo waqti kasta haku qaadatee,balse dib usoo nooleyn iyo xoreyn waa wax lagu qoslo,waayo waxaad u egtihiin rag gelgelin awr ka kacday ku rafanaya! ee xalkale raadsada,waxaana u jeednaa bal Asmara markii laga soo tago halkii ninkii idinka kamidaba uu ukaco iyo sheeko beentii Afwerki iyo Hadafkii safarada Yuhuuda inaad nooga sheekeysaan!tolow ma sidii Muslinka loo dabargoyn lahaa baad ka shireyseen? Xusseen caydiid iyo Shariif xasan jagooyin muhiima haloo magcaabo haddii kale wadahadal bey rabaan iska jira!! Sekeriye boos fiican wuu helay,Cumar xaashi meel uun halagu magcaabo,Sheikh shariif Gole uun haloo magcaabo haddii Jamacatul carab wey hilmaami magaciisa!Raga Barlamaanka xorta hala qanciyo haddii kale Murugo badan baa ku dhaceysa waayo kii DKM mushaharkii $3600 bey kadhigteen!UNDP na diyaar bey latahay labada sano oo udhiman

Hawshiina ugu Muhiimsan ha ilaawina in raadiyaasha aad looga hadlo si hoobiyaha u socdo,jawaabtuna ubadato masaakiintana ubarakacaan lagayaabe in beesha calamku qeyliso oo haddii waxkale lawaayo wadahadal la idiin furo!!!!!! akhristayaal aniga sidaan baan u arkaa iney ragaan Asmara meesha isugu geeyen,Ereteria  xaalkeedu waa Tigree dhintey iyo Somali dhintey miyaan kala jeclahay waayo maba seexdo habeenkii xamar hoobiye ka dhicin waa kelmadii uu ku yiri Afwerk madaxweynaha Uganda Mousaveni,Safarada Yuhuuda xaalkeedu hal qof oo muslina sii dhinta waa degenaanshaha Israel.

Mahadsanidin

Afeef: ARagtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Sept 14, 2007

 

usaNin Soomaali ah oo Talaadadii lagu xiray Maraykanka "ma aha Argaggaxiso ee waxaa loo xiray arrin la xiriirta Daroogo..."

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com