SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QORMADA AXADDA
Daabaco Boggan | Print
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007.. Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Waa Kuma Siciid Bin Jubayr .

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan

Nairobi, Kenya ,

Botaan1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 25, 2007


Waa Kuma) Maalin kasta oo axda ah ayaan idiin soo bandhigi doonaa qormada waa Kuma oo an ku falaqayn doono qof Caan ahaa. Asaabta, Cumada caanka ee islaamka, Culmuda Sayniska,hogaaamiyaasha islaamka,kuwa caalamka, shaqsiyaad muhiim ah Somali Talk ayaa fududaysay soo gudbinta macluum.aadkaan....
 
Waa Kuma Siciid Bin Jubayr .
 
 
Qormada Axmda ee Maanta Akhirstayaasha qiimaha lehow waxaan ku soo qaadanaynaa qiso cajiib ah oo dhex martay ,taabicga Siciid Bin Jubayr iyo Jijaaj Bin Yuusuf . iyo qaabkii uu u dilay taabicigaasi xijaaj bin yuusuf  iyo hadaladii dhex maray ee geesinimada lahaa ee ay ku dheehnayd iimaanka wayn.
 
Siciid Bin Jubayr EEBE ha ka raali noqdee waxaa oo ahaa taabici wayn oo ka mid ahaa taabiciyiintii rasuulka SWC( Dadkii rasuulka ka danbeeyay ee aan isaga arag balse saxaabadii arkay).
 
Siciid Bin Jubayr waxaa uu dhashay 46 Hijriyadda , waxaa uu ka mid ahaa raga ugu cilmiga badan taabiciyiinta , Cabdulaahi Bin Cabaas ayaa marka uu u tago  dadka reer koofa waxay  waydiiyaan su'aalo ku aadan diinta islaamka, waxaana uu ku dhihi jiray '' Su'aal miyaad i waydiinaysaan iyadoo uu idin dhex joogo Siciid Bin Jubayr .
 
Waxaa uu ka mid ahaa taabiciyiintii iyo asxaabtii uu dhibka  gaarsiiyay ninkii la dhihi jiray Xijaaj Bin Yuusuf,
 
Maalin ka mid ah maalimihiisa ayaa waxaa isku soo baxay Xijaaj bin Yuusuf ciidan uu watay oo uu hogaaminayay Ibnu Ashcath ka dibna gacanta ayaa waxay ku dhigeen taabicigaani Siciid Bin Jubayr waxaana dhex martay dood dheer oo u dhacay sidaan.
 
Xijaaj: Maxaad ii taqaana aniga?
Siciid: Adiga ayaa iga badiya naftaada
Xijaaj: xumaa aqoontaada.
Siciid: iska kay cafi
Xijaaj :EEBE ma i cafiyo hadii aan ku cafiyo
Siciid:Anigu waxaan garan in aad adigu tahay nin khilaafsan kitaabka EEBE ,naftaadana waad ka argtaa adiguba waxayna kuu horsaydi doontaa halaag iyo dhib bari .
Xijaaj:halaag baa kuu sugnaaday Siciid bin jubayrow.
Siciid: halaag waxaa uu u sognaaday qofkii laga dheereeyo janada lana galiyo naarta.
 intaasi ka dib ayaa waxaa uu amar ku bixiyay Xijaaj bin Yuusuf in taliyihii ciidankiisa dab iyo baro la shiilay .
 
Siciid: ayaa yiri hadii aad u soo aroorstay dhamaan qalabkaasi si aad iiga furatid argagaxa maalinta qiyaamaha waa wax wangaasan , mana argagixidoona .
Xijaaj: maxaadan u qoslaynin ?
Siciid: sidee buu u qoslayaa qof laga abuuray ciid, ciidana ay cuni doonto naar.
Xijaaj:ka waran anka waan qoslaynaaye?
Siciid"ma sina qalbiyadu.
Xijaaj:waan ku dili doonaa dil aanan waligay cidna u dilin cidna u dili doonin.
Siciid:Hadii aad iga halaysid aduunkayga aniguna waxan kaa halayn aakhirnadaada!!
Xijaaj:Siciidow dooro ninkii ku dili lahaa ragaan ka dhex dooro?
Siciid:adiga ii door,ilaah baan ku dhaartaye, i dilimaysid dil ilaa isaga oo kale ayaaa waxaa kuu dili doona Rabigay!!!!.
Xijaaj: ma doonaysaa in aan ku cafiyo.
Siciid:cafis Ilaah dhankiisa ayaa oo ka yimaadaa, laakiin adiga cudur daar ma lihid.
Xijaaj: kaxeeya oo soo dila .
Markii ay baxeen Siciid Bin Jubayr iyo ragii dili lahaa oo ay ka sii dhaqaaqayn Xijaaj bin Yuusuf ayaa taabicigii inta oo milicsaday
Xijaaj Bin Yuusuf si aad ah u qoslay.
Xijaaj: maxaa la qoslaysaa ?
Siciid: waxaan ku qoslayaa xishood la'aantaada ilaahay .
waxaaa uu amaray xijaaj in la caliyo nala soo dilo Siciid:) 
 
Anigu waxaan u jeediyay waigayga EEBE-ha sameeyay cirka iyo dhulka anigoo toosan mana ihi mid ka mid ah mushrikiinta.

Xijaaj bin Yuusuf ayaa aad iyo aad u carooday una xanaaqaywaxaana oo si cod dheer ugu qayliyay waxaana uu yiri u jeediya meen aan ahayn Qilada ka jeediya.
siciid ayaa yiri Bari iyo galbeed Meel kasta oo aad u jisataan waiga ilaah waa idinka jiraa eebe waa mid garashu balaaran

 
Xijaab Bin Yuusuf ayaa ku yiri ciidankiisii isagoo wali ay ka mooqato caro wayn dhulka afgabi u dhiga oo dila!!!!!!.
Siciid Bin Jubayr ayaa yiri isagoo si dagan u hadlayo oo aana laga dareemaynin cabsi haba yaraatee( Iyadaan idin ka abuurnay iyadnaana idinku cilnayaa mar kale )
 
 
 
 
Xijaaj Bin Yuusuf wax kale oo uu ku hadlo ayaa oo garna waayay waxaana oo yiri isagoo ay ka mooqato xanaaq xanaaqay dhaafay. '' Dila Surkana ka jara ,markaasi ayaa ay diyaarsadeen ciidmadiisii dulmiga ku dhex jiray seefahoodi lana dul istaagen Taabicigii Siciid Bin Jubayr
 
Siciid Bin Jubayr taabicigaasi waynaa kama mid ahaa raga ugu cilmiga badnaa taabiciyiinta maalintaasi ayaa la la dilay ilbiliriqsiyo yar ka hor inta aanna la dilin ayaa afkiisa hadaladii ugu danbeeyay ee ka soo baxa waxay ahaayeen Tawxiidka "' EEBE Mooye ilaah kale ma jiro oo xaq lagu caabudu Nabi Maxamadna waxaan u qirayaa inoo ahaa rasuulkiisa .
 
Intaasi ka dibna  EEBE ayaa waxaa oo ka baryay in Xijaaj Bin Yuusuf,gacantiisa cid isga ka danbayso uusan ku saladin ama ku dilin halkaasina waa lagu dilay siciid Bin Jubayr.
 
Siciid Bin Jubayr waxaa uu shahiiday 95 sanadkii hijiriyadda, isagoo da'diisu tahay 50 sano jir.
 
Xijaaj bin Yuusuf markii uu tagay firaashkiisii ayaa waxaa u yimid geeridii waxaana uu ku dhintay isna halkaasi mar kasta oo uu seexdana dhib iyo walaac ayaa u imaan jiray xijaaj oo maalmo yar ka danbeeyay Siciid Bin Jubayr .
 
Waxay tiri Maymuun Bintu Mahraan '' waa geeriyooday Siciid Bin Jubayr dhulkana ma jooin nin aan isga ahayn oo loo baahanaa shaqdiisa.
 
 
17kii March 2005 iyo 17ka March 2007 Baarlamaanka Soom aaliya maxaa u dhexeeyo..
 
La soco Qormada Axda soo socota iyo qofka aan ku soo qaadan doono oo noqon doonta

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Botaan1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 25, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH