Qisooyinkii ugu
Yaabka Badnaa ee aan akhriyo ....
Maxamed Cabdi
Maxamed Bootaan
SomaliTalk,Nairobi,Kenya ,
Botaan1@hotmail.com
Faafin:
SomaliTalk.com | Mar 11, 2007
Qaybtaani waa tii lixaad ee
Qiysada aan ka soo guurinayno Booga la
yiraahdo inhaa malikah '' dhamaadkii
boqoradii waxaana qoray ninka wadaadka ah ee
Dr Mohamed Cabdirixman '' Alcariifi''
Qaybtii lixaad
Qaybtaan waa qaybtii ugu
danbaysay qisada,tii horena waxay noo joogtay
markii ay baxsadeen oo ay dageen hotelka ku
yiilay magaalo kale si ay uga baxaan waxayna
dageen hotel.
Hotelkii markii ay dageen
habeenkii koowaad ayaa khaalid waxaa uu fursad u
helay in uu fiir fiiriyo dhaawacyadii soo gaaray
xaaskiisa isagoo ka codsaday in ay ka waranto
sida ay wax u dheceen.
Waa tan Xaaskii khaalid oo ka
sheekaynaysa sidii wax u dheheen
“waxay tiri markii aan galney
guriga waxaan la fariistay qoyska, waxayna
dheheen waa maxay dharkaan?=( Macnaha Xijaabada
ay xirnayd oo ahaa kuwa jirkeeda oo dhan qariyay
markii horana ay ahayd qof Gaalo ah oo qaawan)
waxaan iri waa dharka islaamka ay xirtaan …
waxay I dhiheen waa maxay ninkaan?! waxaan ku
iri waa ninkaygii anigana waan islaamay waxaana
guursaday ninkaan muslimka ah … waxay dheheen
arintaas mid macquul ah maahan.
Waxaan ku iri dhagaha isiiya oo I
dhagaysta waxaan idiinka sheekaynayaa qisada
marka hore waxaan uga sheekeeyay qisada .. iyo
arintii ninkii ruushka ahaa ee doonayey inuu
iga dhigo dumarka jirkooda iibiya, iyo sida aan
uga soo baxsaday iyo sidii aan kuwada kulanay …,
waxay yiraahdeen anigoo qisadii wada,adigoo ah
dhilo jirkeeda ku shaqeysata inaad noo timaado
ayaan ka jeclaan lahayn adigoo muslimad ah inaad
noo timaado, iyagoo hadalkii sii wata oo aad u
xanaaqsan ayay waxay yiraahdeen ''guriga ka
bixi maysid adigoo mayd ah mooyee ilaa adigoo
noqda Orthodax diinteedii hore haystada'' intaa
markay dhacday ayay i xirxireen,markaas ayaa la
soo aadey dhankaaga waxayna bilaabeen in ay ku
garaacaan waana maqlayay garaaca iyo adigoo gar
gaar dalbanaya,laakiin aniga miyaa waan xir
xirnaa .
Markii aad baxsatay waxaa igu soo
laabtay walaalahay waxayna bilaabeen in ay I
caayayaan ina garaacayaan, Intaas kadib silsilad
ayey soo gateen oo ay igu xireen waxayna
bilaabeen in ay ii garaacayaan garaac aad iyo
aad u xun oo aanan waligay arag.
Maalinkasta waxaa ii bilaaban
jiray garaacis aan la ii aaba yeelayn marka laga
bilaabo casarka ilaa aan ka suuxo, walaalaahay
subuxii shaqo ayay aadi jireen iyaga iyo aabahay,
balse hooyaday ayaa guriga joogi jirtay iyo
gabadh yar oo walaashay ah oo 15 jir ah wayna ii
imaan jirtay iyadoo igu qosqosalayso xaaladayda
aan ku suganaa,waxayna tahay waqtigaas waqtiga
kali ah ee aan ka nasto, ma irumeysanaysa, sida
ay ii garaacayaan ayaan miir daboolmaa oo aan
kuseexdaa. waxay iga rabeen oo kali ah inaan
kalaabto diinta Islaamka, anigana waan kadiiday
waana ku sabrayay dhibka ay igu hayaan, intaasi
ka dib waxay bilawday walaashaydii yareed in ay
I waydiiso waxa la Ii garaacayo waxayna lee
dahay maxaad uga tagtay diintaada diinta hoyadaa
iyo dinta aabahaa iyo awoowayaashaa? .
Waxaan bilaabey inaan u sharxo
diinta islaamka iyo waxay diintaan tahey.
waxaana u sharxahay Towiixiidka,intaasi ka dib
ayaa waxay muujisay in ay ku qanacsantahey
diinta Islamka, waxaana ka mooqatay saamaynta
diinta islaamka gabadhii yarayd, waxayna I
dhahaysay adigaa xaqa kut aagan … diintan waa
diinta aniga lafteyda aan ubaahanahey inaan
gal!!!,.
kadibna
waxaay ii sheegtey inaay icaawindoonta waxaana
ku iri '' hadii aad doonayso inaad I caawiso igu
caawi inaan lakulmo ninkeyga, walaashay waxay
fuushey Guriga dushiisa sare oo aragtey adigoo
soconaya … waxay ii sheegtey inaay ujeedo nin
sidaas iyo sidaas ah waxaana iri hadii aad
aragtid iga fur irida bananka aan akree
Dhab
ahaantiina way furtay albabka oo waan kula
hadley; haseyeeshe kuma raaci karin oo lugaha
iyo gacmaha ayaan kaxirnaa, furaha silsiladana
waxaa haya walaalkey. Sil-silid kalana waxaa
laygula xiray tiirka guriga si’aanan cararin;
furaheedana waxaa loo dhiibay walaashey si’ay
iiga furto markaan ubaahdo musqul xaajo.
Wakhtigii i
aan kuu soo baxay ee aan kaa dalbaday inaad
isugtid ilaa aan kaaga soo baxayay, waan
xirxirnaa; walaasheyna waxaan rabey inaan
Islaamka kuqanciyo; waana muslintey waxaana ka
codsaday in ay ii sahasho inaan baxsado oo aan
ka cararo dhibka la igu hayo.
Maalintaas
ayey walaashey u diyaarisey walaalahey Khamri
xoog badan oo ay kuwada sarqaameen. Sida ay u
cabayeen, Furaha ayey kasoo bixisay walaalkey
jeebkiisa, kadibna walaashay ayaa iga furtay,
Waxaana kuu imid Habeynkaasi
adiga iyadoo ay jirtay mugdi aad u wayn''
khaalid ayaa waydiiyay gabadhii aaway waxayna ku
tiri waxaan kula dardaarmay in aysan
islaaminadeeda dibada soo dhigin oo ay qarsato.
Waxaana ku soo laabanay dalkeenii
aan markii hore ka dagtay khaalidna waxaa uu
tagay isbitaal oo isku soo daaweeyay dhibkii ku
dhacay awgiis.
Maxaan ka faa'diidnay
qisadaan?
marka hore marka wax la qoro ama
laga sheekeeyo waxay lee dahay hadaf iyo yool la
rabo in la cadeeyo.
Arimaha aan ka faa'iidnay waxaa
ka mid ah:
1- u gargaarka bani aadamka
dhibku hayso iyo noolaha oo dhan adigoo fiirin
diin iyo caqiido khaldan ee uu hayso '' Beer kasta
oo qoyan sadaqadu waxay ku baxdaa '' sidaa si la
mid ah buu ahaa Xadith Nabiga laga wariyay
2-in la dhex galo dadka kale ee
aan islaamka ahayn si diinta islaamka loogu
sharxo
3-in la tusiyo wanaaga iyo
fiicnaata diinta islaamka.
4-Ku sabarka dhibka ku haysto
adigoo xasuusanayo in dhibkaan mid la mid ah oo
soo maray dadkii wada aad hayso kaaga horeeyay
una sabreen.
5- in wax macsi ah inaadan samayn
in aad wax ku hesho adigoo xasuusanayo '' Qofkii
EEBE ka baqa waxaa loo furayaa jid kale waxaana
laga qoodin meel uusan filayn''
6- Ninka iyo xaaskiisu iyo waliba
umada oo dhan ay marksta is farto wanaaga
xumaantana iska reebto
Dhamaadkii qormadaan.
Waxaad Akhristayaasha sharafta
iyo qiimaha lahow isku diyaarisaan qormooyin
kale oo xiiso badan.:::::: Akhri Halkan....
Maxamed Cabdi
Maxamed Bootaan
Botaan1@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Mar 11, 2007