SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QORMADA AXADDA
Daabaco Boggan | Print

Ardayda waxkabarta dugsiga H/Dhexe, iyo Sare ee Al-Bilaad ee Muqdisho..


Taangiyada Itoobiya oo Taagan Garoonka Muqdisho, Dec 06
William Zartman of Johns Hopkins University's School of Advanced International Studies says Somali dislike of Ethiopians runs deep. "One of my favorite Somali sayings is if you see a snake and an Ethiopian, kill the Ethiopian first because the snake might not be poisonous," says Zartman.  VOA
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007.. Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


Qisooyinkii ugu Yaabka Badnaa ee aan akhriyo ....

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan

SomaliTalk,Nairobi,Kenya ,

Botaan1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 4, 2007


Qaybtaani waa tii shanaad  ee Qiysada aan ka soo guurinayno Booga la yiraahdo inhaa malikah '' dhamaadkii boqoradii waxaana qoray ninka wadaadka ah ee  Dr Mohamed Cabdirixman '' Alcariifi''

Qaybtii Shanaaad

Qaybtii hore waxay noogu joogtay maalintii koowad iyo khaalid markii ay is wayeen xaaskiisii oo uu sawirka fiirnyay oo uu yiri ''aniga nin ayaan ahay oo waan iska dulqaatay balse qoftaan haweenayda ah sida ay yeelayaan ma u adkaysan doonto balse eebe ayaan ka baryayaa in aysan dhibkooda ka xijaabo. 

Waxaa yimid wakhtigii kala baxa.

Waxaa uu bilaabay Sheedaydaanku in oo sameeyo hawlihii lagu yiqiinay ee ahaa was waaska,waxaan oo i  tus tusay in ay dib ugu noqoto diinteedii hore ee Christen-ka Athordexka !! waxaan noqoday qof wareersan ,maxaan sameeyaa? wadankaan xagee ka aadaa ? naftu waa mid aan qiimo iyo qaayo ku laheen dalkaan waxaa macquul ah in qof la soo kiraystay oo la siiyay $10 Dollar uu ku dilo, ooh ooh!!.

''Kawaran hadii la  dhibo ama la  jir dilo oo ay guriga tusto oo ay kuu yimaadaan oo ay ku dilaan'', habeenimada dhexdeeda qolkii ayaan bananka ka soo qufulay  ilaa uu waaga dilaacay  anigoo baqaya oo leh goormaa laguu imaan doonaa ,dharkii ayaan  iska badaley subuxii banaanka  ayaan ubaxay bal inaan u ogaado  xaaladeeda meeshii ay kudanbeysey waxaana  fariistey meel ka yara duruqsan  guriga ay ku xirnayd, si aan ula socdo xaalada guriga ku jiro iyo waliba waxa dhacay waxaan arkay sadexdii nin ee uu ku jiray kii garka lahaa iyo labo kale oo ka mid ahaa kuwii i garaacay aniga  in ay ka baxeen guriga maalintii koowaad waxay aadeen shaqo gurigii ayay soo xireen anigana waxaan guda galay inaan kor ka ilaaliyo xaafada,nimankii shaqada aaday saakay  ayaa soo laabtey anigoo halkii wali  fadhiya. Markaan daaley; waxna waayey ayaan kulaabtey hotelkii aan daganaa.!!

Waxaa la gaaray maalintii labaad waxaan aaday si aan ula socdo xaaladeeda balse nasiib xumo ma aanan arag xaaskayga,maalintii sedexaad waxaan gaaray in aan quusashu ku sigto waxaana is iri sidii loo jidh dilayay ayay naftiiba daysay,  laakiinse waxaan hadana is iri '' guriga kuma aan  arko dhaq-dhaqaaq u eg meel meyd yaalo maxaa lee yeelay hadii qof mayd ah yaalo waxaa badan lahayd  dad fara badan oo  tacsiyo ahaan u imaanayo ''! .

waxaan guda galay inaan naftayda ku qanciyo  mar aan fogayn ayaad is aragi doontaan.

Kulankii Murugta lahaa ee Khaalid iyo Xaaskii oo xiran lana jir dalay

Markii la gaaray maalintii afarad waxaa uu yiri khaalid ''waxaan u adkaysan kari  waayay inaan iska dhexfadhiyo hotelka aan daganaa waxaan aadey meeshii aan xaaladeeda kala socon jiray ee yara ka fogayd gurigooda sidii caadiga ahayd markii ay tageen dhalin yaradii iyo aabahood shaqayooyinkoodiina aadeen anigu waxaan fiirinayay dhanka guriga waxaana niyaysanayay inaan arko mar nasiib wanaag albabka  guriga ayaa sikadis ah kufurmey, mise waxaa kamuuqda wajiga xaaskeyga oo eegeysa bixid iy midig,si il buuxsi ah  ayaan wajigeeda usii fiiriyey mise waa meelo bararsan oo guduutay  iyo feerar cagaariyay , dharkeedii waxaa ka wada mooqda dhiig waan argagaxay arageeda waxaana igu dhashay naxariis waana u soo dhawaaday iyada aniguu dag dag san si fiican baan u sii fiiriyay mase dhiig ayaa ka dareerayo wajigeeda quruxda badnaa ee islaaminada nuurisay gacmaheedii iyo lugaheeda dhiig ayaa ka dareerayo garaacii la garaacay awgiis dherkeedii ayaa waxaa uu u googay cad cad mana ka harin in yar mooyee oo ay wajiga oo asturaad ahaan ay u haysato waxaa lugaha iyo gacmaha kaga xiran sil silad inta aan is hayn kari waayay ayaa il meeyay  oo aan ooyay ''

 Sugnaatii Iyo Balantii

Waxaay igu tiri ayadoo ay qiirayadu ka horayso  oo dhibku si daran u hayo. “ Khalidow dhageyso waxba ha wal walin anigu waxaan ahay qof ku dhagan balantii diinta waxaan ku dhaaran ILAAHA OONA JIRIN ILAAH KALE ISAGA MOOYEE aniga xagee ka joogaa  dhibkii  kudhacay Asxaabta iyo taabiciinta (= dadkii asxaabt  ka danbeeyay ee aanan nabiga arag islaamayna ayaa la yiraahdaa Taabiciin ) iska bada daaye xagee ka joogaa dhibkii loo gaysan jiray Nabiyada iyo Rasuulada waxaan kaa rajeynayaa Khalidow inaadan nasoo dhexgalin dhexda  aniga iyo qoyskanaga si dag dag ah meesha uga tag oo igu sugn Hotelka ilaa aan kaaga imaado Ishaa Allaah''

Hadalkii iyada oo sii wata ayaa waxa tiri '' Badi ducda EEBE iyo istaaga habeenkii(= Salaatul Laylka saqda dhexe la tukado) salaada badi'' khaalid waxaa uu yiri '' waan tagay waxaana dhex galay qolkii hotelka aanu daganayn waxaana dhex joogay hotelkii hal maalin oo dhamaystiran ilaa maalintii sadexaad ilaa maalintii sadexaad mogdigeedo yimid (=quraxdu dhacday) habeenkii markii si fiican loo gaaray ayaa albabka qolkii aan ku jira lasoo garaacey!!! waxaan ka argagaxey cida albaabka soo garaacdey, Waa qofma  cida garaacayso irida waxaa isugu kay timid cabdi waxaan is iri waxaa laga yaabaa cidoodii ayaa ogaatay hotelka meesha aad ka dagn tahay waxayna kuugu yimadeen in ay ku dilanaan waxaa waxaa igu dhacay argagax sidii inaan dhiman hada oo kale ''

Waxaan iri Waa kuma qofka irida garaacyo?

Mase waa codkii xaaskayga oo leh “Fur albabka waxaan ahey fulaana” waan ku faxay waxaana oo daaray nalkii qolka  waana furay albaabkii, waxaayna soo gashey ayadoo kusugan xaalad murugo le, waxay igu tiri: “Dhaqso  ina keen waanu baxeynaa” Ma adigoo sidaan ah? ahaan iri waxay tiri . “Haa ee nakeen” . Boorsadeeda ayey dhar kala soo baxdey xijaabkeedii  , alaabtii ayaan xiranay,waxaan kudhacney taxi.

Ka dib markii aan fuulay taxiga  ayaan darawalka taxiga ku iri af Ruush: “Garoonka, fadlan” laakinse waa igu khilaaftey oo waxay soo jeedisey inaan aadno magaalo kale, markii aan weydiiyeyna sababtana , waxay ii sheegtey in nalugu nalagu raad joogo  oo ay naga raadinayaan garoonka,waxaana aadnay  magaalo kale oo leh garoon laga dhoofi karo

markii aan gaarnay magaaladii ayaanu waxaanu dagnay Hotel ku yaalay magaaladaasi oo ah halka ay ka dhoofi doonan .

Akhri qaybtii ugu danbaysay iyo marka ay ka sheekayndoonto dhibkii dhacay

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Botaan1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 4, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH