SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Kooxda Mbagathi, Kooxda Asmara Iyo Kooxda Al-Shabaab Yaa Ku Haboon In Aad Taageeradaada Siiso.   

Abdallah Moallim Mahamud(Cabudllahi Siyaasi)

Moallem10@hotmail.com

    Maalmahan waxaa ummadda Soomaaliyeed aad u hareereeyay siyaasado daahsoon oo aynan cadayn yaa garwadeen ka ah, ma Xabashi, misa Cami Saam, halka ay inta badan ummaddeena ku mashquuleen Prf Geedi lama ridi karo iyo Col Cabdullahi Yusuf  lagama adkaan karo oo geddigoodba salka ku hayso qabyaaladi la hartay qaranimadeena, nagana reebtay in aan ahaano ummad lugaheeda ku taagan ,dibadana aanan laga hagin ummuuraheeda, keddib marki si aad u weyn loogu guulaystay in ummaddeena lagu mashquuliyo howshooda in ay ku ekaato, ku tartanka annagaa u adeegayno danaha shisheeyaha ka leeyahay dalkeena iyo annagaa u adeegayno idinkagana haboon qabashada howshaas.

   Aan u daadegno nuxurka qoraalkan oo ah sideen dalkeena uga xoreynaa xabashi ,sideen  ku gaarnaa ahaanshaha dad xor u ah in ay dalkooda maamulaan, annagoo aanan haddana is moogaysiinayn hardanka u dhaxeeyo kooxaha Soomalida ee maanta  ka jiro dalkeena ,mid walbana la soo taagan tahay in ay iyada tahay kooxda dhab'ahaan u taagan in ay dalkeena iyo dadkeena  ka saarto mugdiga uu ku jiro aaya-ka-talintiisa.    Annnagoo dhanka kalana aanan is-moogaysiinayn danaha ay dowladaha shisheeya ka leeyihiin dalkeena iyo culayska ay ku haayaan u madaxbanaanaashada aaya-ka-talinteena.

  Prf Geedi waa tegay waxaana la haray Cami-Saam sida wararka sheegayaan,Milisna waa awoodi waayay in uu ka dhigo ,meeshi lagu dhisay iyo meeshi lagu cunayba Ilaahey nama dhigo.

    Col Cabdullahi oo dhanna ka rabay in Prf Geedi dhinac u dhaafo ,dhanka kalana rabay in uu ridida Prf Geedi u furdaamiyo sidi uu rabay isaga oo aynan isku xumaan ninka iska leh duudka uu ku dangiigo(jiifo ),Geedina ku dangiigay, Col Cabadullahi Yusuf waxaa ku soo baxay oo aanan lahayn meel looga baxo fulinta awaamirka Cami-Saam oo isaga( waa Amrikaane) danahiisa ka duwan yihiin danaha Milis Sanaawi iyo Col Cabdullahi yusuf. markaan hoos u dhigana Col Cabdullahi Yusuf waxaa horyaal fulinta awaamirta sare ee Cami Saam oo isaga aad loo xejiyo in uu u janjeero rabitaanka in fursad la siiyo kooxaha sida aadka ah mucaarad ugu ah Dowladda uu garwadeenka ka yahay Col Cabdullahi Yusuf ,maanxiisakana ka yahay Mili Sanaawi.

     waxaasa aad la yaab u ah sidee Col Cabdullahi ku aqbalayaa ama ula shaqayn doonaa wasiir koowaad oo ka soo jeedo  kooxa uu mar ku tilmaami jiray Argagixiso, si xooganna taageero ugu leh Caasumadda Soomaaliya ,garabna ka haysto dowladda Maraykanka isagoo awoodi kari-waayay in ay wada shaqeeyaan wiilal ay ku soo dartay Itoobiya una soo suurta geliyay in uu seexdo Villa Soomaliya, madaafiicba ha ka hurdi waayee.

    Su'aashan jawaabteeda waxaa kale oo ay abuuraysaa  su'aal kale ,wasiirkaas koowaad waa haddii laga soo doorto reer Asmaro ama uu noqdo nin uunan cabdulaahi isaga farta ku fiiqin, kana soo jeedo xoogaga awooda ku leh Caasumada Soomaaliya, sidee (waa wasiirkaas koowaade) u aqbali doonaa dastuurka dhigan in laga tago, laguna wada shaqeeyo rabitaanka Col cabdullahi Yusuf oo iyada ah midi ay ku kala tageen adeegayaashi Milis Sanaawi oo iyaga howshooda inta badan dhan kaliya wax u wada waday, haddii uu aqbalase (waa wasiirkaas koowaade) sidaa u kasban karaa quluubta Soomaali guud ahaan iyo gaar ahaan quluubta Reer Muqdisho oo iyaga dhagaha horay uga furaystay waxay u arkaanba in aynan dan ugu jrin ,welina feer iyo fara-laab ugu daro.

   Warkan dhamaantiis waa jug jug meeshaadi joog,waa Prf Geedi ninka lagu bedelo ceeb ka saliim maahan kol haddii uu aqbalo qabashada jagadaas, Ciidanka Itoobiya oo weli dalkeena ku sugan, ninkan waxba ku soo kordhin-maayo ummuuraha cakiran iyo danaha is-khilaafsan ee waddankeena ka jiro , dhib hor-leh maahine.

   Su'aalladahan kor ku xusan iyo kuwa hooso dhamaan, waxay jawaabtooda si waafi ah kuugu tilmaamayaan, Xabasho iyo dabadhilifyada ay u soo wakiilatay qabsashada dalkeena in ay ku socdaan fashil iyo taariikhda xabashada oo baalkeeda madow lagu qoro Milis Sanaawi in uu Xabashi gaarsiiyay "Idinkoo awalba foolxumaa xuun ma idin cunay".   

     Reer Asmaro, Isbahaysiga Dib u xoreaynta Soomaaliya amaba si kale u dheh Reer Asmaro hal garab ayey ka gooyeen xabashida, guul dheh, marna dheh armaa guushaas bukaan ku jiraa, Suaa'sha waxay tahay Reer Asmaro iyaga ma garabkeey gooyeen ayey bedelayaan ,una diyaar yihiin in ay xabashi  la shaqeeyaan iyagoona taa ka dhihi doono,waa haddii ay dhacdee, annaga xabashi lama shaqayno laakin waxaa ku nimid balama aan kala galnay Cami-Saam(Ameerikaan), misa qorshihi ay iclaamiyeen waxba iskama bedelin iyo in aynan ka tanaasulayn in ay is dabadhigaan gumaysi kal-kaal iyo wixi la shaqeeyaba.   

   Reer Asmaro isku wada duub,danahaoodana aan mid ka soo qaadno si ku meel-gaar ah ,waxaa iyagana hor  yaal balanti ay ku galeen Asmaro iyo  dastuurki ay dhigteen oo ah  in ay gumaysiga Xabashida ka saarayaan dalkeena iyo intaa keddib oo ay dad badan iyaga ka sugayaan suurtagelinta gaarista hadafkooda iyagoon dagaal lagu hoobta kaga hor-tegin Al-Shabaab oo abuu-Mansuur keliya laga yaqaan madaxdooda ,

     Dad badan ayaa iyagana iska weydiinaya xageey Reer Asmara kaga jiraan muqaawamada lagu haayo Ciidanka Xabashida, maadaama ay kooxda Al shabaab iyaga goor-walba sheegtaan dharbaaxooyinka loo geysto gumaysiga  Xabashida, su'aashan jawaabteeda waxaan u daynaynaa madaxda Isbahaysiga dib-xoraynta dalka Soomaaliya.

   Dhinaca kale weli Reer Asmaro lama aynan imaan wax muuqdo saaxada cakiran ee dalka Soomaaliya marka laga reebo bayaanada siyaasadeed oo ay soo soo-saaraan marki mudda la joogaba iyo run ahaanti oo aan iyada la inkiri Karin in abuurida ururkooda dhaawac weyn u geystay awooda sii jiritaanka DFKM ama dabadhilifyada Tigreeda.

    Al shabaab iyaga waxaan aniga u aqaan balaayo Ilaahey soo diray oo loo baahan yahay waqtigan, waayo Xabashi cidi u diido nasasho iyo wax walbo oo u saamaxayo in ay ku hamiyaan sii haysashada dalkeena waa dad quman markaan meel iska dhigno fakirkooda ha xumaado ama ha fiicnaadee.

   Al sahabaab waayo iyaga , kooxdan in aan isu tilmaano uma baahno ,waayo iyaga fakir ahaan waa cadaysteen waxay rabaan, waana in dalka Soomaaliya lagu xukumo sahreecada Islaamka ,mana aqbalayaan wax ka yar siday u dhigaan bayaanadooda .waxaana fekirkooda ka heli kartaa Safxada AL-Mujaahid.   

  Shareecada Islaamka in dalkeena lagu xukumo dadka Soomaaliyeed iskuma diidano, laakin waxay su'aal ka taagan tahay  kooxdan ma tahay koox u dhega dhugul, dhegaysiga shuyuukhda aan ku fakir ahayn iyaga ,doonayana sidooda in shareecada Islaamka lagu xukumo dalkeena balsa kaga duwan kooxdan qaabka iyo fekerka ugu wacan ee taa lagu gaari karo ,iyagoo rabo in taa lagu gaaro si caqliyaysan oo cilmiyeysan oo looga kori karo dalkeena oo uu ku daato dhiig dabada ku haayo khilaaf diiniyo oo abuuri karo burbur ka weyn midki aan horay u soo marnay.   

  Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab shaki badan ayaa ku xeeran ka tirsanaantooda Aururka loo yaqaan Al-qaacida waayo waxaanan ka muuqan caadooyinki lagu yaqiin kooxda hooyada u ah tandiimka ay sheegtaan in ay ka tirsan yihiin lana yiraahdo Al-Qaacida

   Caadada kooxaha ku abtirsada Alqaacida waxaa lagu yaqaan in la yaqaan magacyada madaxa fulinta kooxaha ka farcama kooxahooda iyo madaxdooda saraba ,ugu yaraan haddii aanan magacooda runta ah la aqoon waxay sheegtaan naanaysta ay ku dagaal galaan sida Abuu fulaan, kooxdan waxaa laga yaqaan oo kaliya nin ay ku tilmaameen Afhayeenkooda ,lana yiraahdo Abuu Mansuur oo ay aad ugu muuqato in uu yahay nin aanan meel fog ka gaarin barashada  diinta Islaamka ,waayo mar laga wareystay iddacada layska arko ee Universal wararkiisa oo dhan waxay ahaayeen taag taag oo iyada ah mid aanan lagu aqoon dhaqamada culumada ku takhasustay diinta Islaamka, ogowna afhayeen looma magacaabo nin aanan tandiimkiisa(ururkiisa) ku soo kordhin Karin taageerayaal hor leh, hadalkan macnihiisa wuxuu yahay in uu aad u balaartay shakiga awalba laga qabay ee ku aadan ururkan xagee laga maalgeliyaa, yaasa gadaal ka taagan ma Al-qaacida misa Dad ku danaysanayaan dhalintaan, dana kalana ka leh dagaalka ay ku  haayaan Xabashida .

    Midda kale ururkan waxay saaxada Soomalida la yimaadeen dhaqan aanan meelna kaga tirsanayn diinta Islaamka oo ah in la banaysto dhiiga nin aynan jirin cid ku cadeysay murtadninmo, jidkana aanan u istaagin nin muslima ee duulaan ku ah gaalo dagaal ku hayso diinkiisa,dadkiisa iyo dalkiisa.    

     Falaanqayn iyo faalo ka bixin kooxaha maanta isku haayo hogaaminta dalkeena iyo dadkeena keddib, waxaan Dhamaadka qoraalkan u gartay in aad adiga kala doorato waqtigan hadda la joogo, yaa ugu haboon in aan ku taagerno gacan ku qabashada masiirka ummadda Soomaliyeed

  Ma kooxda Col Cabdullahi Yusuf  uu hogaaminayo, markaana laga filaayo in uu wasiirkooda  koowaad noqdo nin ay Ameerikaanka farta ku fiiqeen in uu isaga yahay mid ay ku gaari karaan masaalixi ay dalkeena ka leeyihiin iyaga iyo Xabashi, maankana ku haay oo marnaba yey ku reed marin, waxa waa Amrikaanki xoreeyay Ciraaq, lana soo shir tegay Howlihi ay Abuu-Gariib ka fuliyeen iyagoo taa ula jeeday in ay u gargaarayeen dadka Reer Ciraaq.

     Misa kooxda Al shabaab oo warkooda cad yahay "na soo raac ama naftaada ka tanaasul" ,wiilashan wada hadal ma laho, warkoodana wuxuu ku kooban yahay siday wax u rabaan in aad ku raacdo ,in dagaalkooda aad u istaagto iyo aad ka haajirto meeshay joogaan wax u dhaxeeyo ma laho sddexdaa umurrood.

     Misa kooxda Asmaro,Shikh Shariif iyo shikh Cumar Iimaan iyo kooxdooda oo ay sida caqliyeysan isugu keneen ,oo iyaga rabo in ay dalka ka xoreeyaan Xabashi ,keddibna diyaar u ah in ay dhigaan gogol ay soomaali uga wada tashato aayaheeda siday ayaga u dhigeen dastuukooda, bayaanadoodana ku cad.

      Fiira gaar ah,ma jirto koox aan farta kuugu fiiqayo marka laga reebo faalada aan kor kaga bixiyay umuuraha dalkeena ka socdo haddeer iyo in xaqiiqada gundhiga hadalkan uunan ahayn mid aniga iga yimid ee uu yahay mid ay koox walbo bareeraheeda  si cad ugu sheegto bayaanadoodo .

  Abdallah Moallim Mahamud

  Moallem10@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Xujada Muqdisho Furaheeda Asmara Ma-yaalaa... Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 31, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com