Prof: GEEDI
Is Casil !!!! Maxaa Sababey Is Casilaada Iyo Maxaa Xigi Doono Geedi Dabadii !!!
Loolankii Siyaasadeed ee ka dhaxeeyey
Madaxweynaha DFKMG C/laahi yuusuf, iyo Reysalwasaarii DFKMG Cali Maxamed Geedi,
ayaa waxaa shalay loo helay xal, ka dib markii uu prof, Geedi si lama filaan ah
u go,aansaday in uu tanasulo,
Talaabadda uu Mr Geedi iskaga casilay xilkii reysalwasaaranimadda ee uu hayay
sadexdii sanadood ee ugu danbeysay, ayaa waxa ay u muuqataa mid aan si sahal ah
ku imaan,balse ay jiraan Dowlado muhiim ah oo ku cadaadiyay in uu go’aansado
sidaa, si aysan Dowladda Fadaraalku u burburin, waxaana muraayadda laga dheehan
karaa dhaqdhaqaaqyadii ugu danbeeyay ee uu Prof, Geedi isaga daba laabtay
magaaladda Adis-apapa, oo la sheegay in uu halkaa kulamo kula lahaa xubno beesha
caalamka ka tirsan, oo ku tirtirsiinayay in xaalku sidaa u dhaco,
Beesha Caalamku, waxa ay muddo si rajo xumo leh uga war dhowrayeen khilaafka
siyasadeed ee labadda masuul ee ugu sareysa mansabka Dowldu ay isku heysteen,
taas oo mararka qaar u muuqatay in ay xaalad colaadeed ku soo kordhin doonto
jahwareerka Siyaasadeed iyo Nabadgalyo xumo ee ka jirta dalka soomaaliya,
Sadexdii isbuuc ee uu labada Hogaamiye ka dhex oognaa dagaalka siyaasadeed, ayaa
waxaa laga bixinayay fasiraado kala duwan, iyadoo inta badan dadku rumeysnaayeen
in lagu kala bixi doono dagaal ama sharci,
Muadadii uu khilaafku jiray waxaa soconayay dadaalo ay xubnaha kala taageersanaa
labadaa masuul ku doonayeen in ay mooshino ku diyaariyaan, si ay xildhibaanadu
ugu codeeyaan kalsoonida xukuumadda prof, Geedi, oo xubnaha qaar ay ku doodayeen
in xukuumada la gaaray waqtigii codka kalsoonida loo qaadi lahaa sida uu qorayo
Qodobka 11-aad ee dastuurka KMG ah, halka darka kalena ay qabeen in aanuu xaalku
sidaa aheyn, oo xukuumada shaqadeeda ay uga harsan tahay sanad iyo labo bilood
oo hor leh, iyago oo soo daliisanaya xiligii Gudiga Dastuurka la meel mariyay,
Madaxweynuhuna ansixiyay,taasoo ula muuqatay dadka maangalka ah, (Sagaaro biyo
ma cabto, iyo waa cabtaa)
Dad badan ayaa rumeysan inuusan khilaafka siyaasadeed ee ay ku kala irdhoobeen
Madaxweyne Yuusuf, iyo Reysalwasaare Geedi, aheyn mid ku yimid si lab lakac ah,
balse uu ahaa mid soo jiitamayay in muddo ah, waxaana waxyaabaha ay isku qabteen
ka mid ahaa, Awoodda Xukuumaddu u leedahay in ay ku maamusho hishiisyadda ay
Maamul Goboleedka Putland la galeen Shirkadaha taqasuska u leh baaritaanka
kheyraadka dabiiciga ah sida shidaalka iyo macaadinta iyo cidda awoodda u leh in
ay maamusho kaalmooyinka dhaqaale ee ay Beesha caalamku ugu soo deeqeen dowladda
Fadaraalka, iyo weliba fasiraadaha laga bixinayo 71-da qodob ee Axdi-qarameedka
KMG ah,
Waxaa intaa sii dheeraa, khilaaf hoosaadyo kale oo ay labada Hogaamiye isku
maandhaafsanaayeen, sida guux hoosaadyo ku aadanaa sed-bursi dhinaca Awoodaha
iyo Xilalka Hogaanadda malatariga iyo kuwa rayidka oo aan lagu saleynin Awood
qeybsigii 4.5, ee lagu soo hishiiyay xiligii Shirka Neyropi uu soconayay,
Markase la eego wixii dhacay 3-dii Todobaad ee tagtay, khilaafka Madaxweyne
Yuusuf iyo Prof,Geedi ,waxa uu u muuqday loolan Siyaasadeed oo aan waxba la isku
reeban, lagana cabsi qabay in uu ku soo fataho Caasimadda Muqdisho, oo
mushkiladeeda gaarka ah la ciirciireysa,waxaana xiisadda sare u sii qaaday
Qudbadii uu Hotel bikin ee baydhabo ka jeediyay Reyslawsaaruhu mar uu la
hadlayay taageerayaashiisa, (Dadka Muqdisho waa in ay iska dhiciyaan kuwa u soo
gashaday dariiska Dowlada ee doonaya in ay barakiciyaan) nuqdadaasi waxa ay ka
mid aheyd hadaladii Mr Geedi,
Waxaase wax walba is badaleen , markii Prof, Geedi shalay ku soo guryo noqday
Magaaladda Beydhabo, isagoo samo doon ah, sitana go,aan aad u qaraar oo ay adag
tahay Siyaasi Afrikaan ah oo dhadhan bartay in uu ku dhaqaaqo, waxa uuna Mr
geedi isagoo sita warqadiisii Istiqaalada xarunta Madaxtooyada ku gudoonsiiyay
Madaxweynaha oo isagu saacadii ugu danbeeyay sii ogaa in ay sidaa wax u dhici
doonaan, kana aqbalay,
Kulankii ay shalay
ku madlanayeen Xildhibanadda Baarlamaanka oo xaaladoodu cakirneyd, qarkana u
sarneyd in Baarlamaanku ku kala dareero , ayaa mar qura waxa ay Sadexda masuul u
jeediyeen xaaladda soo korortay, waxa ayna ku ayideen sacab, waloow xubno fara
badan ay hoos u foorareen kana xumaayeen turubku halka uu u dhacay,
Dadaka arimaha soomaaliya rogroga,ayaa rumeysan iney Dowlado badan oo saaxiib la
ah Dowladda Fadaraalku ay ku khalkhaaliyeen in uu Prof Geedi tanasulo, inkastoo
aan la ogeyn xeer-jajabka suurta galiyay in uu si fudud isku casilo,
Prof Cali Maxamed Geedi, oo 56 jir ah waxa uu xilka Reysal-wasaaranimadda hayay
sadexdii sanadood ee la soo dhaafay, waxa uuna halgan dheer u soo galay sidii ay
xukuumadu u xoogeysan laheyd, uguna faafi laheyd inta badan goboladda Dalka,
waloow Madaxweyne, Yuusuf, waxyaabaha uu ku eedeynayo ee ka mid yihiin, in Mr
Geedi uu Dowlada dhaqaajin kari waayay, isla markaana uu dalka ka hirgalin kari
waayay nidaamka fadaraalka ah mudadii loogu tala galay, tiiyoo ay u sii dheer
tahay Qabiilka Hawiye, oo isaga loo tiriyo in uu ka gadi waayay Dawladda,
Markeynu isku soo duubno , talaabadda uu Prof, Geedi isaga casilay xilka
Reysalwasaaraha, ayaa lagu tilmaami karaa tanaasul siyaasadeed oo geesinimo leh,
laguna badbaadinayo kala jabnaan ku timaada Hogaanka Qaranka Soomaaliya,
Waxa ayse dadka Siyaasadda u dhuun daloola, u arkaan is casilaadda Geedi, in
aaneey wax badan ka badali doonin Siyasadda Dowladda,oo in badan waqtigeeda ku
soo lumisay Maamul xumo dhexdeeda ah, mudadaas oo abuuratay cadaawad fara badan
oo dalka gudihiisa iyo dibadiisa looga hayo, taasoo ay u sii dheer tahay fara
galinta Ciidamadda shisheeye ay dalka ku hayaan,oo iyana ah caqab sida looga
gudbaa ay adag tahay.
Si kastaba ha ahaatee, hadii hagartu Geedi aheyd, haatan Madaxweyne Yuusuf waxaa
looga fadhiyaa in uu soo bandhigo fikradaha horumarin kara Dowladda , inkastoo
warar hoose ay sheegayaan tilaabooyinka uu la guuxayo madaxweynuhu in ay ka mid
yihiin, in laga gudbo golaha dowlada in laga soo xulo xildhibaanadda, oo doorkan
la tijaabin doono in Golaha Wasiiradu ay ka imaan karaan Baarlamaanka dibadiisa,
halka markii hore howsha xukuumadu ku koobneyd 275 Mudane ee baarlamaanku ka
kooban yahay, taasoo ka careysiisay Aqoonyahano fara badan oo aan xil baarlamaan
helin xiligii shirku soconayay, waxaana looga fadhiyaa muddo 30 cisho ah in uu
magacaabo Reysal-wasaare, kaasoo dad badani indhaha ku hayaan, looba joogase
waxa is badala Mr Geedi dabadii.
MOHAMED ISMAIL
mismacil@hotmail.com
+27 76 969 9516
+27 11 837 0891
JOHANNESBRUG SOUTH AFRICA
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 31, 2007
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..
![](/terry/arrowleft.gif)
![](/terry/arrowright.gif)
|