SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Umu Bakarey,raga kani laguma soo barbaarin lamana soo barin in haweenka ay diinta ka dhegaystaan

Maashaa Allah waa wax lagu farxo in haweenay xaqan oo kale sheegaysa,waxaana aaminsanahay in mooryaanta siyaasaddana ay dad u joogaan mooryaanta diinta ku qaraabatana ay u joogto Umu Bakar,dadaalkana Umu Bakarey sii wad,maalin uun bay ragaasi xaqa garan doonaane,waana ogahaya in ragani oo seef la boodyaal ah ay gelaynin in ay haween wax ka dhegaystaan,si kasta oo aad wax u soo qortidna cilmi kasta oo aad lahaatidna ragan ku maqli maayaan intaasoo sano ama inta ay daŽdoodu tahay bay wacdiga ka dhegaysanayeen rag,umaba haysan in haweenka ay diinta baran karaan maantana lagama yaabo in ay adiga kaa dhegaystaan arin diin ah,maxaa yeelay maba aaminsana dumar baa diinta ka hadli karta waxaanse dumarka wax bartay ku dhiiragelinaya in ay wax u bartaan sidii Umu Bakar oo kale ayna ka baqin xaqa in ay sheegaan xataa haddii ay malaayiin ruux ku nacayaan.

Umu Bakarey is-ilaali oo ragan ishooda yay kuugu dhicin ama yaysan ku dilin ragan waad arkaysa waxay ku hadlayaan,waa dad isla weyn waxayna doonayaan in iyaga keliya wax laga dhegaysto haweenkuna aysan u ogolaana waxbarasho iyo diin iyo cilmi toona.

Aniga iyo gabdho kale waxaanu goŽaansanaay in aan furano qol noo gaar ah oo diinta aan ku baranayno kana furano Pal talka,dabadeedna aan u yeerano si uu noogu wacdiyo,iyadoo qolkii ay fadhiyeen haween ku takhasusay cilmul axaadiis iyo waliba kuwo kale oo xaafidul qurŽaan ahaa takhasus kala duwan xaga diinta ka haystay,hadana waxaan isweydiiyay oo maxay haweenkan noogu wacdin waayeen inta aan u yeeranayno nin?

Maalin anagoo ku jirna qolkaasi dumarka u gaar ah baa la casumay wadaad,meeshii uu ka wacdi lahaa waxaa inta badan waqtiga uu ku lumiyay isagoo sabuurada marna ku soo qora loooool marna kaftan nagu maaweeliya mid midna noo weydiyaa adiga ma lagu qabaa iyo waxyaabo kale oo maala yacni ahayd dabadeedna wuxuu galay in uu nagu wacdiyo in aan guryaha fadhiisano marna nama oran wax barta oo diinta barta ama ma idinku jiraan haween diinta soo baratay?

Rag intaasoo sano qabiil iyo kaabo qabiilkii aad sheegtay lagu soo koriyay iyo in aan haweenka wax laga dhegaysanin lagu soo ababiyay miyaan doonayna in ay wax naga dhegaystaan,wallee raga kani waxay u baahan yihiin sida loogu mashquulsan yahay raadinta xalka  Soomaaliya iyana sidoo kale in lagu mashquulo si ragga ay u dhegaystaan haweenka cilmiga leh oo diinta leh. 

Waxaa arrintaasi ka daran in kuwo aan u haysanay wadaado oo dadkana pal talka uga wacdiya in ay iyaga iyo kuwo kaloo badan oo wadaado isku sheegaya halkananina England ay nala joogaan,iyaga iyo xaasaskooduna ay kala dhiiban yihiin oo naagtana si gooni ah bay u nooshahay wadaadkiina si gaar ah buu u nool yahay,mid kastana si gaar ah oo khiyaano ah buu lacagta caydha ah u qaata ama u shaqaystaa  markii la weydiiyay qaar ka mid ah wadaadadaasi waxay ku fatwoodeen wax dhib leh ma lahan duruuftaas oo kale oo waxayba sharci ka dhigeen in kala noolaanshaha iyo khiyaanadaasi ay sharci tahay,marka waa kuwaas oo kale kuwa diidaya in ay xaqa ka dhegaystaan haweenka.

Sow Adigii arkahaya ninkii Abuu Ciise oo aad aayad quraan iyo xadiis u keentay,in uu bilaabay in uu ku  hadlo wax qofka muslimka ah markuu akhriyo aanu ku farxaynin,wax cusubna ma hayo wixii uu shalay qoray ayuu maantana ku soo celinaya,adigase Umu Bakar wax diinta ka mid ah oo nagu cusub ayaad marba marka ka dambeeya noo keenaysaa  khayr qabso,waa shay cajiib ah intii la rabay in gabadha loo hambalyeeyo loona duceeyo baa la weerarayaa hadii Umu Bakar la aamusiyo ma wuxuu doonahaya in abuu ciise iyo qayrkiisa ay inoo wacdiyaan,wixiisana noqdeen wax been u badan wuxuuna yiri:Umu Bakar xaq uma lahan in diinta lagala hadlo,waxaa dhib iyo dhaawac ku noqotay sida ay Umu Bakar diinta u shubayso,Alle ha u saaidiyo.

Ulajeedadayu maahan in aan difaacayo Umu Bakar hayeeshe waxaan si aada ula dhacay cilmiga ay noo soo gudbinayso,halkii kooxda kale aflagaaddo iyo quursi warkoodu ku dhan yahay.

W. Q. Nuura Faarax Cusmaan

somaliwomenfree@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

:::Akhristayaashoow waa kaa Ibnu Culayyah | AbuuXaazim


XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com