SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Akhristayaashoow waa kaa Ibnu Culayyah 

Waxaan maqaalkii ugu danbeeyey ee Diyada ku tilmaannay labadii nin ee la sheegay inay khilaafeen ijmaaca culimada ee diyada dumarka ku saabsan, waxaan tilmaannay waxa uu ka yiri imaamu Dahabi nimankaas iyo waxay ahaayeen, kadib waxaa waraaqo iisoo diray akhristayaasha qaarkood oo jeclaystay in lasii iftiimiyo nimankan iyo waxay ahaayeen, sidaa darted annagoo kheyrka isku kaalmaysanayna waan ajiibay arintaas, maantana waxaan maqaalkaygan uga hadlayaa ninka hore ee Ibnu Culayyah iyo wixii culimada sunnadu ka yiraahdeen. 

Magiciisu waa Ibraahiim bin Ismaaciil bin Ibraahim bin Miqsam Al-asadi, Abuu isxaaq, reer Masar ayuuna ahaa, wuxuu noolaa qarnigii labaad ee islaamka ilaa bilawgii qarnigii 3aad. Aabihiis waxaa la oran jiray Ismaaciil bin culayah wuxuu ahaa caalim weyn oo ka mid ah muxadithiinta iyo fuqahada kuwooda laga haybaysto. 

Wuxuu wax ka bartay aabihii iyo rag kale oo casrigiisa noolaa oo ay ka mid ahaayeen culimadii Muctazilada. 

Caqiidadiisa: Imaamu Shaafici Allaah ha u naxariistee wuxuu yir isagoo ka hadlaya ibraahim bin Culayah: “ wuu baadiyeysan yahay, wuxuu fariistay baabu suwaal(waa meel magaceed)si uu dadka u baadiyeeyo” fiiri Lisaan Al-miizaan uu qoray Ibnu Xajar 1/21

Wuxuu kaloo yiri imaamu Shaafici: “ waan ku khilaafsanahay bin culayah wax walba, xataa qawlka Laa ilaaha illallaah”. Lisaan Almiizaan 1/22 iyo manaaqibu shaafici uu qoray Abubakar Al-bayhaqi. 

Imaamka weyn ee muxadithka ah Abul-xasan Al-cijli ee qoray kitaabka weyn ee Ath-thiqaat, wuxuu ninkan ka yiri :” Ibraahim bin culayah waa jahmi qurun ah oo lacnadan” fiiri Lisaanka 1/21

Wuxuu yiri imam Abubakar Khadiib Al-baqdaadi: “Wuxuu ahaa kuwa hadalka lagu ibtileeyey mid ka mid ah wuxuuna aaminsanaa quraanku inuu makhluuq yahay”. Taariikhda Baqdaad mujallada lixaad bogga 20aad.

Xaafid Abul Cabbaas Ad-duuri oo ka mid ah raga ka weriya taariikhda Yaxyaa ibnu Maciin wuxuu ibnu maciin ka weriyey inuu yiri ninkan” wuxuu yahay lama arko”. Lisaanka 1/21 

Wuxuu yiri imaamkii weynaa xaafidkii Galbeedka islaamka  ee la oran jiray Abu-cumar Yuusuf bin C/barri, isagoo ka hadlaya ninkan “ wuxuu leeyahay masaail badan oo uu la keli noqday, aqwaashiisuna waa mid laga hijrooday, khilaafkiisana ahlu sunnuhu ma tirsadaan”. Lisaanka 1/22 

Wuxuu yiri imaamu Dahabi :” Shaydaan Jahmi ah, oo aaminsanaa inuu quraanku makhluuq yahay, doodina jiray” fiiri Siyar Aclaam An-nubala mujalladka 9aad bogga 113.

Wuxuu kaloo yiri Dahabi” waa jahmi dhintay, kuna doodi jiray inuu quraanku makhluuq yahay, wuxuuna dhintay 218kii hijriga”. Miizaan Al-ictidaal, xarafka Alif, magacyada Ibraahim. iyo lisaanka bin xajar 1/21 

Waa kaas ibnu Culayah, horaana loo yiri:” Qofkii tuke garwade u yahay, bakhtiga Ey-da ayuu ka dul ridaa”.

Ninkii diintiisa ka qaadan lahaa bin culayata, iyo saaxiibkiisa Al-asam ee aan sheegi doonno insha allaah, waa kaas miizaanka ay ku leeyihiin culimadeenna agtooda, waana taas taariikhdooda mugdiga ah.

Hana la ogaada culimada Jarxiga iyo Tacdiilka ee Allaah diintaan uu ku xifdiyey hadaysan jiri lahayn, Zanaadiqada ayaa manaabirta ka khudbayn lahayd. 

Walaalkiin kheyr idin la jecel.

Maxamed Cismaan

Abuuxaazim@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 29, 2007

:::XAQ UMALAHAN IN LAGALA HADLO UMUBAKAR DIIN XAGEED
:::Abuu Xaazimow,Allaha kuu denbi dhaafo | Umubakar

:::Umu Bakar,wax naga dahsoonaa bay daaha nooga qaadday
:::Jawaab labaad oo ku socota Umubakar | ABuu Xaazim

:::Jawaab ku socoto Abuu Xaazim | Umubakar

:::Jawaab ku socoto Abuu Xaazim | Umubakar

:::Abuu Ciisa iyo Umu Bakar alle u noqda!!! | C/raxmaan

 

Somaliland turns from Hope to Despair


XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com