SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Somaliland turns from Hope to Despair

Tiirarka Aasaasigg Ah Ee Dhaq-Dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada Iyo Cadaaladda.

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada.Midnimada iyo Cadaalada

Mabaadidda Asaasiga u ah iyo Tiirarka Qadiyadoodda guud waa
Siddan:-
 
  1-Ka Qeyb Qaadashadda Buuxdda Dib u Xoreeynta Dalka Hooyo
Iyo kuwi Hore u Maqnaaba(Hiilo iyo Hooba),Waana Hadafka aan
laga laaban kareeyn.
 
  2-Qaran Somaaliyeed Mideeysan Dhul Iyo Dadba.
 
  3-Nidaamka Xaq ah,Cadaalad,Sinaan Iyo Garsoor Ku Dhaqmid
leh,ka Turjumaaya Rabitaanka Aqlabiyada Ummadaa Smaaliyeed.
 
  4-Hogaan Daacadnimo,Aqoon Sarre,Qiiro Wadaniyadeed Iyo
Aragti Somaaliyeed leh,una Diyaarta u Adeegidda Dadkiisa
iyo Difaaca Dalkiisa.
 
  5-Dalka Xor ah:-Siyaasiyaan Iyo Dhaqaalle ahaanba.
 
  6-Nidaam Hirgeliya:- Hanaan Siaasadeed Xor ah,Dhaqaalle
Madax banaan, Deryeel Bulsho, Kor u Qaadidda Heerka Aqoonta
Asaasigga ah,Tacliinta Sarre Iyo Dhiiri gelinta Takhasuuska
Gaar ahaaneed Qeybihiisa kalla duwan Iyo Farsamo Gacmeedka.
 
  7-Nidaan Mudnaanta Siiya:-Qaranimadda,Wada Jirka Ummadda
Iyo Xoojiinta Hab Dhaqameed Suuban,Maya Qabyaalad,Durbaanka
Qof Jecleeysiga iyo Daneeysiga Gaar ahaaneed.
 
  8-Nidaam Ku Saleeysan kana Duulaaya Shareecadda Diinteena
Islaamka ah, Hirgelinaaya Tacaalinteeda Suubaan(Marjacna u
ah Diwaanka Guud).
 
  9-Nidaamka Hirgelinaaya:- Wax Soo Saarka Wadaniga ah ee
Dhinacyadda:-Kheeyraadka Beeraha,Badaha,Xoolaha Nool iyo
Kheeyrka Dabiicigga ah oo Weli Dihiin.
 
  10-Nidaam ku Saleeysan Hab Cadaaladeed Qeybsiga Hantidda,
 Kheeyraadka Dalkeena Iyo Dakhligga Guud.
 
  11-Nidaamka ka Duulaayaa Aragtidda,Rabitaanka Iyo Danaha
Ummadda Somaaliyeed,Wada Tashi iyo Dhegeeysiga Codkooda ka
Turjumaaya(hab Keli Talisnimo Maya,Xukuum Muruursi iyo Dhac
Hantiyeed Maya,Xasuuq Iyo Umaadda Maya, Ku Xadgudbiyada iyo
Duudsiga Qaanuunka Maya).
 
  12-Nidaam Illaalinaaya Xoriyadda Saxaafadda,Warbaahinta
Iyo Xoriyadda Qowlka,Xurmadda Qalinka iyo Cabirida Ra'yiga,
leh Xeerar iyo Qaanuun cad lagu Maamus,Xaquuqada Illaaliya
Khaladkoodna Qabta.
 
  13-Nidaam Hirgeliya Dhisida Ururo Bulsho oo Wax Tarkooda
leh,Si Madax banaan Dadweynuhu u soo Xushaan sida:-Ururadda
Haweenka,Dhalinyaradda,Shaqaalaha Iyo kuwa Bahda Saxaafadda
Iyo Warbaahinta Somaaliyeed.
 
  14-Nidaanka Sida ku haboon u Daryeela:-Xarumaha Agoomaha,
Naafadda Iyo Guud ahaan Daryeelka Dan-yarta Somaaliyeed.
 
  15-Nidaam Illaaliya Xurmada,Maqaamka iyo Madax banaanidda
Garsoorka iyo Hanaanka Shaqo ee Golaha Cadaaladda.
 
  16-Nidaam ku Saleeysan Qiimeeyn Shaqadda,Wax Qabadka iyo
Habka Adeegadda Wasaaradda,Wakaaladaha iyo guud ahaanba
Hey'adaha Dowladeed Isla markaana Illaaliya Nooca Tayo iyo
Qaabkooda Shaqo ee Adeegyaha Dadweynaha.
 
  17-Nidaam Hab Nabadeed,Xiriir Wanaagsan Iyo Hab wax wadda
Qabsi ku Saleeysan kula dhaqma Beesha Caalamka,Mudnaantana
Siinaaya Maslaxadda iyo Danta Guud ee Ummadda Somaaliyeed.
 
  18-Nidaamka Dhiiri Geliyadda Guud ahaan Ispoortiga Iyo
Xeeladaha Farsamo ee Dhalinyaradda Somaaliyeed,Caqligooda
Iyo Jirkoodaba sida ku haboon u dhisa u Diyaarin Hogaanka Mustaqbalka.
 
  19-Nidaamka Hirgelinaaya Helidda Maxkamad Heer Caalami ah
oo la hor-keeno Dhammaan Dembiilayaasha Somaaliyeed:-Gaar
ahaan kuwa Xasuuqyadda,Gumaadka,Fara-xumeeynta Haweenka iyo
Dahaca Hantidda,Bara-kicinta Bulshada,Afduubka iyo Dhibaato
u geeysashadda Aqoonyahanka,Culumaa'udiinka iyo Wax garadka
Somaaliyeed,Keenidda Gumeeysiga iyo Ogolaanshada Biicinta
Dalkeena Hooyo,Dhaawac Karaamadda Diineed iyo Ummadeedba oo
Weliba Xiligan Aqlabiyadooda ka Tirsan Rajiimka Federaalka
Fadhiidka ah.
 
  20-Nidaamka Hab Garsooreed Xaq ugu Soo Celinaaya Dadka
ama Muwaadiniinta Hantidooda ma Guurtada ah Dad kalle xooga
ku Heeystaan,Ummadana si Cadaalad leh ugu kala Xaq sooraaya
Eex Iyo Dulmina si fogaanaaya. 
 
  Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey si cad u taageerayaan
la duuban yihiin,wada shaqeyn iyo iskaashi la yeelan karaan
Cidii buuxineeysa Shuruucadaasa Aasaasiga ah,Hirgelinaaya
ku Dhaqmideeda,hadafkooduna yahay Danta Guud iyo Masxlaxada
Ummadda Somaaliyeed,Qaranimadda Iyo Midnimadda Buuxda Dalka
Iyo Dadka Somaaliyeed,Sida Muuqatana Ururka Dib u Xoreeynta
Somaaliyeed oo Dhowaan aasaaskiisa Looga dhawaaqay Asmara
Dalka Ereteriya isla markaana eey ku Midoobeeyn:-Hogaankii
Midoowgii Maxaakiimtii Islaamiga,Xubnaha Barlamaanka Xorta
ah,Ururada Bulshada Rayidka ah,Qurba jooga iyo Aqoonyahanka
Somaaliyeed iyo Qaarka ka mid ah Hogaanka Dhaqanka,ayaa leh
Qeybo badan oo Sharuudadaas ka mid ah,Sidaas awgeed waxaanu
Halkan ku cadeeyneeynaa in aanu Codkayaga ku biirineeyno
Taageero buuxdana u Heeyno Hogaanka Sarre,Golaha Dhexe iyo
Gudiyadda Fulinta ee Ururka Dib u Xoreeynta Somaaliyeed. 
 
   Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu ku boorinaayaa Bulsahdda
Somaaliyeed Gudaha Iyo Debedda Dalka ku kala Sugan in eey
Taageero buuxda u Fidiyaan,lana saftaan Ururkaas isu taagey
Xoreeynta Dalka Hooyo iyo Soo celinta Karaamadii,Sumcadii
Iyo Hanaankii Dowlad Cadaalad iyo Sinaan leh oo Dalkeena
Hooyo Yeesho,Waxaan u Rajeeyeey Ummadda Somaliyeed Guul iyo
Gobanimo Buuxdda,Inshaa Alle. 
 
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Dhaq-daqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.
-England-UK-27/10/2007-

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 28, 2007

Dhismaha Jidka Isku xiriiriya Boorama iyo Dilla
Booraama

Ururka ARNA oo ka shaqeyn doona dhismaha wadada isku xirta Dilla iyo Borama oo lagu dhawaaqay... Akhri..


XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com